Farsamada Alle: Xamaaratadii dheddigga ahayd

F
Xamaaratadan yar ee uu sawirkeedu hoos ka muuqdo, waxaa loo yaqaan desert grassland whiptail lizard, waxaana aad looga helaa meelaha lama-degaanka ah (desert) iyo lama-degaan-lamoodka (semi-desert). Waxa cajiibka ka ah noolahan yari waa in dhamaantiis yahay dheddig oo keli ah oo aanan lahayn wax lab ah. Waxa ay u tarmaan hab gooni ah oo loo yaqaano parthenogenesis, habkani uma baahna in ukunta dheddiga uu bacrimiyo lab, sidaas daraadeedna labka muhiim uma aha bulshadani.

Desert grassland whiptail lizard

Parthenogenesis-ka waxa uu u shaqeeyaa qaab dheddigu keligiis samaynayo nuqul hida-sidahii labka looga baahnaa ah, oo ukunta aysan u baahnayn qeybtii hida-sidaha labka looga fadhiyay sida dhacda marka la joogo taranka quman (sexual reproduction). Taranka noocani ah waxa uu sababaa jiil isku wada eg oo fursadaha kala duwanaanshuhu aad ayay u yaryihiin. Habkani ukunta kaligeed ayaa u hormaraysa in ay isku badasho noole cusub ayada oo aanan bacrimin ka helin wax lab ah.

Arrinta kale ee cajiibka ka ah noolahani waa in – maadaama ay kasoo tadawureen noole kale (evolution), kaas oo si quman u tarmi jiray – ay wali leeyihiin dhaqankii rabitaanka galmada. Inkasta oo aysan wax faa’iido ah u lahayn tarankooda, ayaa haddana marka dheddiggu jirkeeda ku bato hormoonka estrogen-ka (estrogen waa hormoonka maamula dheddignimada qaasatan soo ifbaxa dhammaan tilmaamaha dheddignimo), waxa ay bilawdaa in ay aqbasho in dhabarka laga fuulo ayada oo uu ka fuulayo dheddig kale, kaas oo markaasi hormoonka progestrone-ka (waa hormoon lasoo daayo xilliga uurka kadib ama marka aysan jirin ugxanayn), ku badanyahay jirkeeda. Labadaas hormoon ayaa marba ka dhiga in dheddig uu u dhaqmo sidii labkii oo uu dhabarka ka fuulo dheddig kale. Midii dhowaan cayaaraysay doorka labnimada ayaa saacaddo kadib muujin karta dheddignimo oo tabi karaysa in ay aqbasho in ayada dhabarka laga fuulo. Markale aan ku xasuusiyee arintani waa dhaqan uun oo wax faa’iida ah uma laha tarankooda.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waa kuma Daarwiin?

Arintani meelo badan ayay ka saamaynasaa diinta oo ay ugu horayso in uu Allaah abuuray bulsho dhan oo isku jinsi ah oo isdulfuusha halkaasna galmo beenaad ku samaysa. Waxaa kaloo arintani ay khilaafaysaa aayaddii Qur’aanka ahayd ee lahayd; (وَمِنْ كُلِّ شَيْءٍ خَلَقْنَا زَوْجَيْنِ – Shay walba waxaan ka abuurnay laba jinsi) -Suuraadda Al-daariyaat, aayadda 49-aad.

Ugu dambaynna, waxa ay su’aal galinaysaa in Nabi Nuux uu hal ka mid ah xamaaratadan qaaday oo uu saaray doontii maadaama, ayada oo aan maskaxda ku hayno in Nuux lagu amray in uu noole walba labo jinsi oo lab iyo dheddig ah ka qaado (حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَمْرُنَا وَفَارَ التَّنُّورُ قُلْنَا احْمِلْ فِيهَا مِن كُلٍّ زَوْجَيْنِ اثْنَيْنِ وَأَهْلَكَ إِلَّا مَن) Suuradda Huud, aayadda 40-aad.

 

 

 

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Dirsame
Dirsame

Waxaa qormadaada ku jirta: “Arrinta kale ee cajiibka ka ah noolahani waa in – maadaama ay kasoo tadawureen noole kale (evolution), kaas oo si quman u tarmi jiray – ay wali leeyihiin dhaqankii rabitaanka galmada” Soow la ma oron karo adiga laftaada ayaa is burinaya? Haddii noolehaani ka soo dhalanwareegay mid kale oo si toos ah u tarmi jiray lab iyo dheddigna lahaa maxaa diidaya in uu Nebi Nuux berigii ay caadiga ahaayeen qaaday? Midda labaad ee aayadda kale haddii ay berigii hore ama abuurkii kowaad caadi ahaayeen waxa Quraanku ka hadlayaa yaa waa abuurkii kowaad soow la ma ooron… Akhri faalladan »

W/Q: Gallad Gurxan

My Bookmarks

Follow Us

Send this to a friend