Farsamada Alle

F
Jirka insaanka ma ahan mid si la yaab leh u samaysan – waa ay jiraan xubno aynu uga wanaagsanyahay xayawaanka kale – laakiin sidoo kale, waxaa jira oo badan xubnaha ay xayawaanku inooga wanaagsanyihiin. Tusaale, aragga waa ay inooga wanaagsanyihiin xayawaanka badankii qaasatan gorgorka, halka qaarna ay ba awood u leeyihiin in ay mugdiga/gudcurka wax ku arkaan. Xawaaraha iyo orodka kuma gaarno xayawaanka qaarkii ka tirsan bahdeena naaslayda. Sidaasi si la mid ah, urinta, maqalka, dareenka iyo iska difaaca cudurada kuma gaarno qaar kale oo xayawaanka ka mid ahi.

Arintani waxaa lagu sababeeyaa aragtida tadawurka (evolution-ka) oo ay nooluhu maraan. Noole kasta halka uu ku noolyahay, xirfadaha iyo qaab dhismeedka jireed ee looga baahanyahay haddii uusan la imaan waa uu dabar go’aa, waxaana tarma midka la yimid hab jiritaankiisa iyo jirkiisu ku wada shaqayn karaan.

Arinta cajiibka ah, dhabar jabkana ku ah kuwa aaminsan in jirkooda si heer sare ah loo farsameeyay ayaa waxa ay tahay, qaabka dhalmada ama foosha oo ah mid muujinaysa farsamo xumo. Rafaadka iyo dhibka fooshu leedahay oo ay naaslaydu – haba ugu darnaadeen insaanka e – badankood maraan ayaa muujinaysa in wax badan qaldanyihiin. Sida ay muujisay daraasad ay samaysay Jaamacadda New Mexico, celcelis ahaan 9 saacadood ayay ku qaadataa insaanka in ay la gadgadoomaan xanuunka foosha, halka naaslayda kuwa inoogu dhowna, sida bahda daanyeerka, ay ku qaadato laba saacadood uun. Miskaha insaanka oo yar ayaa owda in ilmuhu soo maro marinkaas cariiriga ah ayada oo ay hooyooyin badan u dhintaan xanuunka daran ee foosha halka qaarna ay u baahdaan in gees laga dooxo lagana soo saaro ilmaha uur ku jirteeda. Xanuunka foosha ayaa lagu sheegaa xanuunka ugu daran ee uu insaan dhadhamiyo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ilaahay iyo dadka kee wax abuuray?

Makula tahay in uu Allaah salaadiisa uun iska eeganayo oo uu u caroonayo cidii ka taktaa, asaga oo iskaga gaabsanaya xanuunka ka dhashay farsamadiisa oo ay maraan insaanka?

sawirro is bar-bar dhig ah oo muujinaya awoodaha jidhka ee xaywaanka iyo dadka

Is bar-bardhigga orodka dadka iyo ka xayawaanka
Is bar-bardhigga bootada dadka iyo ta xayawaanka
Is bar-bardhigga awoodda culays qaadista dadka iyo ta xayawaanka
Is bar-bardhigga dabbaasha dadka iyo kalluunka
Photos Credit: Lazy Penguins
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend