Farshaxanka qoraalka iyo aftahanimada

F
Anigu waan xurmeeyaa dadka qalin maalka ah ee wixii fikrad, cilmi, caqli iyo maskaxba ah ee ay hayaan kusoo gudbiya qalinka. Dadka wax qorana isku mid maaha oo waa kukala duwan yihiin hab qoraalka iyo siday isugu duwayaan iskuguna aadinayaan waxay qorayaan.

Qalinlaydu waa dad cajiiba! In qalin la qaatana maahan wax sahlan sida la moodo. In qoraa la noqdaana waxaa ka horeysa in la dhaansan yahay wax badana la akhriyay. Dadka qalinka ku xaragoodana waa dad hibo uleh.

Dabcan qof kastaa waxbuu qoraa laakiin qof kastaa qoraa ma ahan, oo dadka aan ka hadlaayo waa qalinlayda ama qoraayaasha.

Hadaba dadka noocaas ah ee qalinka iyo warqadu balwada utahay in badan oo ka mid ahi kuma soo gudbin karaan fikradaha iyo cilmiga ay qalinka ku qorayaan afka (Orally), taasoo dhalisay in dadkeenu xiiseeyo hadalka iyo fadhi kudiriryada ay ku kulmaan inta afmaalka ahi loona cidleeyay qolalka akhriska.

Tusaale, qoraa dhan oo qoraaladiisa markaad akhrinaysid aad la yaabaysid haybadiisa qoraanimo iyo farshaxanka uu adeegsanaayo ee uu kusoo gudbinaayo waxa uu dhaansan yahay, ayaa hadana haduu damco inuu dad lahadlo ama hadal jeedinayo aan la macaansanayn waxa uu kahadlayo!

Sidaas oo kale ayaa dad badan oo aftahanno ahi qoraal ahaan waxba ku gudbin karin siday hadalkaba ugu raaxaysanayaan. Sababtuna waa inaysan qalinka iyo qoraalkuba afka lamid ahayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Halgankii Galaalo (Sheeko)

Aftahanimudu ama codkarnimadu waa hibo gaara sida qoraanimaduba hibo utahay oo kale oo dadkoo dhan mawada ahan codkarro sida aysan uahayn qoraayaal, sidoo kalena way jiraan dad labadaba isku darsaday!

Anaga soomaali ahaan, qoraalka, akhriska iyo  naqdiguba aad bay inoo ku yaryihiin, sidaas darteedna waxaanu nahay umad afka uun wax iskugu gudbisa ( Oral society), tusaale siyaasiyiinteenna oo ah dad hadal badan waa ay ku yar yihiin dad wax ka qora mudadii ama marxaladihii ay soo mareen intay xafiiska joogeen ama siyaasadda ku jireen, taas badalkeedna waxay doorbidaan inay warbaahinta uun ka sheekeeyaan.

Sidaas darteed hadayna usoo noqono isbarbardhigeena mowduuca, qoraa aan codkar ahayn ayaa ka wanaagsan codkar aan waxba qorin ama qalinka ayaa ka saamayn badan qowlka. Waana halka gabaygii soomaaliyeed ahaa;

Wixii qoran baa quruumo haree, muxuu hadal qiimo leeyahay!

Hadaba si aan uga baxno ku tiirsanaanta afka ama hadalka uun waa inaynu buuggaagta la darisnaa oo wax badan akhrinaa si aan uga korno nidaamka fadhi kudirirka. Waxna qornaa, qalinka iyo buugguna noqdaan habka aan wax iskugu gudbino.

 

 

 

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments