Gabaati mise Gadasho

G
Inkastoo guurku yahay dhaqan soo jireena hadana markasta waxaa go’aamiya diimaha iyo dhaqamada kala duwan ee bulshooyinku kala leeyihiin. Guurka Soomaalidu wuxuu asal ahaan ku qotomaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida. Sida wax loo meheriyo, waxa la akhriyo, marqaatiyada iyo ka idan qaadashada waxa loo yaqaan “weliyul amriga” ama cidda gabadha dhashay oo la weydiisto waa dhaqan islaamka laga dhaxlay. Dhanka kale dhaqanka Soomaalida, odayaal ka kala socdka labada dhinac ayaa isu gola fariista, waxaa laga bixiyaa gabadha gabaati sida geel ama qori marka la joogo miyiga, marka magaalada la joogana intaasoo la lacageeyay ayaa labsiiyaa reerka gabadha. Muhiimadda guurka guud ahaan waa hab dhaqan, dhaxal iyo dhiig dhowris looga gol-leeyahay laguna ilaalinayo taranka iyo abtir raaca qoyska. Sidoo kale waa calaamad lagu ilaaliyo sharafta ama qaab lagu qiimeyo hannaanka iyo hab-dhaqanka qoyska Soomaaliyeed.

Waxaa jira waddooyin dhowra oo loo maro marka loo gol leeyahay guurka, hayeshee waqtigaan la joogo waxaa jira labo wado ugu muhiimsan oo Soomaalidu isu guursadaan, inkastoo ugu danbayn labaduba isku meel ku biyo shubtaan intaan loo gudbin gunaanadka guurka. Mid waa in gabadha reerkooda laga doono iyadoon wax wada hadala marka hore iyada lala yeelan, kadib hadduu ogolaado aabaha gabadha inuu bixiyo ama raalli haka ahaato ama yeysan ka ahaane uu markaas saas guurku ku dhaco. Waana shardiga ugu wayn ee guurku ku ansaxmayo inuu aabuhu idmo, ama bixiyo gabadha, kadibna la siiyo wixii loo garto oo maal iyo xoolaa ama isaguba ha sheegto intuu doonayo inuu gabadha siisto. Mida kale oo ah in dhalintu wada hadlaan iskood soo heshiiyaan, waxaa isu doona rag ka kala socda labada dhinac markaas ayaa gabadha gabaatiga sooryada iyo yaradka la is dhaafsadaa.

Gabadhu markay qaan gaarto, Soomaalidu waxay dhahaan “Gashaanti” oo micnaheedu yahay “Gasho-hanti” oo loogala jeedo waa in hanti la siistaa markii nin reerka ka soo doono. Taas oo caddayn u ah in gabdha loo koriyo in xoolo la siisto markay waynaato.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxaa soomaalida kala duwanaanshaha ku diray?

Hadaba in gabadha lacag ama xoolo laga bixiyo dhaqanka Soomaalida ha ahaato laakiin caqli ahaan hadaan u fiirino. Maxay tahay qiimaha gabadhu ay ku helayso in qadar yaroo lacaga ama dhowr halaad oo geela la siisto. Sidoo kale labo nin ku gorgortamaan jirka gabadha in lacag iyo maal la siisto maxaa sharafoo ku jira?!. Waxaa taa lamida meherka oo ah gorgortan kale ay gabadhu gasho iyada u gaara, malahan qiime xaddidan laakiin gabadha ayaa goysa qiimaha, isku soo wada duuboo ugu danbayn qadar lacag iyo xoola ah un buu noqonayaa. Mar labaade maxaa sharafoo ku jira iinaa qadar lacaga jirkaaga ku xirtid. Kaaga sii darane marka lakala tago gabadhu lacagtay qabsatay ama meherka qabsatay ninku waa inuu halkaan soo dhigaa cirka iyo dhulka haka keeno. Inkastoo islaamku qabo inay wanaagsan tahay in gabadha meherka loo hormariyo hadana dhaqan ahaan marka lakala tagayo ayaa lakala qaataa. Bal suurayso nin aad kala tagteen is nacdeen inaa lacag ka qaadato aad aaminsan tahay inaa xaq ugu leedahay. Maxaase sharafoo ugu jira gabdhaha?

Dhanka kale, Labadaan qof waa labo qof oo qaan gaara, isku baahiya, isku duruufa, waxaa laga yaabaa laba reer oo isku tabara inay kasoo kala jeedaan, isku “High School” ka baxeen, isku jaamacad ka baxeen, hadana shaqo isku mida ka shaqeeyaan ama labaduba shaqayn. Markaa maxay tahay xikmadda ku jirta in mid culayska intaas le’eg la saaro. Kaba soo qaad in xujadii uu kasoo baxay, intuu dadaalay dayn iyo deeq wuxuu helay ku bixiyey suu guurkaasi u hagaago. Hadaba hadduu isna markiisa xujo kale la yimaado oo dhaho anigina nin baan ahay shaqadaydu waxay ahayd inaan bixiyo yarad, sooryo, aroos, marriiin iyo marasho, adna naag baa tahay waxaa laguugu talo galay inaa wax ii nadiifiso, cunto iikariso, dharka iidhaqdo, ilmaha koriso anna jeego-jeegaan u seeexanayaa markayga saad adiguba markii aan rafaadayey jeego-jeego ugu huruday, isu cilaamaysay xaq buuxa ayuu u leeyahay. Waayo waa in masuuliyad si siman loo wada qaato meel kasta, dhanka dhaqaale iyo dhanka hawlaha kale suu reerku u dhismo, qofkasta intii awooddiisa 100/100 waa in uu miiska soo saaro. Oraah caana ayaa tiraahda “If the feelings are mutual, the effort will be equal.” Haduu dareenku isku mid yahay dadaalkuna isku mid buu noqonayaa. Ama qaabkaan kor kusoo sheegnay dhaqanka duugaa ah oo kudhisnaa qaabka ganacsigaa haloo wada dhaqmo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Carabta iyo Soomaalida xagga diinta

Dhanka kale waalidka gabadha dhalay maxay tahay xikmadda ku jirta in idan laga qaato, la siiyo awood ay ku takri fali karaan, hadday doonaan diidayaan, haday doonaana yeelayaan. Gabadhoodu miyeysan ahayn qof waynoo nafteeda masuul ka noqon karta, kala garanaysa qofka u wanaagsan iyo qofka u xun. Maxaa awoodda gabadha looga qaadayaa ay wax ku dooran karto. Waalidku way ogyihiin in gabadhu maalin guriga ka tagi doonto, in ay nin nolol lawadaagi doonto sidaa darteed waxay xaq u leeyihiim kaliya in la ogaysiiyo iyadoo loogala jeedo ixtiraam maahan in amar laga qaato waayo iyagu masuul kama ahan jirka gabadha. laakiin way ku darsan karaan talo ay u arkaan inay wanaagsan tahay iyagoo aakhirka ixtiraamaya go’aanka gabadha. Gabadha way dhaleen wayna koriyeen, hada waa gabar wayn oo qaan gaara, waa in lagu ixtirmaa go’aan keeda sida ninka loogu  ixtiraamo go’aankiisa markuu guursanayo.

Waxaan ku soo gabo-gabaynayaa ma idinla tahay inaan wax ka badalno qaab dhaqanka guurka soomaalida haddaan nahay dhalinyarada maanta annagoo ka faa’iidaysanayna aqoonta iyo horumarka maanta dunida ka jira?!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Vfh
Vfh
3 Bilood Kahor

Qoraal wacan abaayo

Last edited 3 Bilood Kahor by Vfh
W/Q: Dheeman Luul