Marka hore waxaad tahay qurux lagu indho doogsado iyo ilmo yar oo lagu indho kuusho, hal habeen oo noloshaada ka mid ah ayaad se noqonaysaa cadow mudan in laga hor tago iyo shaydaan ay tahay in la iska naaro, waa habeenka ama maalinta dhiig yari ka yimaaddo bawdyahaaga dhexdooda. Is-beddellada jir ahaaneed ee ku dhaca muuqaalkaaga mid walba wuxuu u dhigmaa xabbad kulul oo gubaysa jirkaaga, in laabtaadu ay culays yeelato waxaad saaxiib kula noqonaysaa shaydaan laabta kaa fuulaya oo ragga u ruxruxaaya, laabtaada ama baridaada oo hilib yar yeelata waxay noqon doontaa meel shaydaanku ragga ku fidneeyo. Gabi ahaantaadu waxaad noqon doontaa shaydaanka aan la arag ee sharka oo dhan loo nisbeeyo mid la mataan ah.
Waxaad noqon doontaa addoon lagu waajibiyey shaqada guriga oo wiil kula mid ah in aad u adeegtid waa waajib ku saaran. Waxaad tahay mid aanan sheegan karin baahiyaheeda jir ahaaneed iyo dareenkeeda qofeed, haddii lagaa maqlana afka ayaa lagu goosanayaa oo waa ceeb dhaqankeenna iyo diinteenaba in gabadhu baahiyaheeda qaar kamida ka hadasho. In aad gabar noqoto weliba adiga oo aanan dooranin waa dembi weyn oo aanan garanayn si aan uga tawbad keenno.
Waxbarashadaadu waa mid qasaaro ah maadaama aad qoyska kala tegaysid oo aad nin raaci doontid, malaha macnaha aad qoyska ula joogtidba waa in berri nin ku soo doonto. Ninkaas oo ay u badan tahay in aadan adigu dooran haddii aad diididna waa dembi, haddii aad ninka dooratayna waa dembi kale oo waxaad tahay shaydaamad nin hoosta ku wadata.
Ninkaas marka aad guri yeelataan adigu waxaad ka mid noqoysaa aaladaha guriga yaalla mid ka mid ah, waxaadna u shaqaynaysaa sidii aad ninkaa u raalli gelin lahayd, isagana waajib kama saarna raalli ahaanshahaaga. In aad gabar noqotid waa dembi mudan in laga tawbad keeno. Aqoon yarida dumar badan iyo xanuunno nafsiya oo la darsa qaar kale ayaa u nugleeya inay ku qancaan inay yihiin aalad loo ubuuray si ay u daboosha baahiyaha galmo ee ninka oo kaliya.
Waxaanu ka dhalanay bulsho dafirsan waxqabadka iyo kaalinta haweenka, bulsho ay halqabsi u tahay “gabadhu waa jir jilicsan oo haddii ay caadooto wey xanuusaneysaa, hadii ay dhashana sidoo kale oo ma aha mid sida ragga awood leh” balse taa waxba kama jiraan sheegashadooda marka laga yimaado oo waxaanu leenahay awood ka sarreysa intaas balse bulshadu ay is diidsiinayso inay qirto, ma jiro nin leh awoodda uu inta uur ku qaado isagoo wallac la xanunsanaya howl guri iyo mid bannaanba qaban kara! Ma jiro nin inta jirkiisa la jeexjeexo oo ubad laga soo saaro hadana u istaagi karo inuu naftiisa iyo tan qoyskiiba u adeego. Waxaanu nahay aadanaha kuwa ugu adkeysiga badan xanuunka oo aysan marnaba sahlaneyn in aan far yareey na xanuuntay la seexanno, waa farqiga u dhaxeeyo rag iyo dumar balse ma garan sababta naloo hafro liidashana nalagu tilmaamo halka ragga oo aan dhalin, caadoon, gudniin fircooni marin awoodo uusan laheyn la siiyo.
Gudniin iyo habar jirkaaga qaybihiisa muhiimka maqas ku jarjartaa waa waajib ka mid ah gabarnimada Soomaaliyeed, dhalmada iyo xanuunkeeduna waa waajib kale oo ku saaran lagana yaabaa in ninkaagu uu sariirta korkeeda ka qoslayo maadaama ay xaaskiisu curanayso amaba uu waqti fiican la qaadanayo mid kamida xaasaskiisa kale.
Marmarka qaar waxaan hiifaa sababta aan u abuuranahay maadaama aan ahay gabar. Haddana waxaan isku dhiirrigeliyaa in aan aniguba ahay qof mudan in uu xaqiisa raadsado oo uu diido dulmiga.