Geeddi iyo Gashaantimihii Xeebta

G
GEEDDI IYO GASHAANTIMIHII XEEBTA
Qaybta KOOWAAD

Geeddi waa nin baadiye ku dhashey oo ku barbaarey dabadhoon iyo geeljire na ku noqdey dhul aad u oomane ah oo biyuhuba ku yaryihiin. Taas oo deegaannada u dhow ee biyaha iyo baadka ku san la geeyo xoolaha. Marar badanna colaado hor leh ay ka bilaabmaan deegaankaas, maadaama oo Geeddi iyo tolkii aysan deegaanka ku nooleyn; oo dad kale deegaan ku yihiin. Waxa loo arkayaa niman soo duuley; oo daandaansi wada. Gu’yaal badan oo Geeddi iyo aabbihii toona uusan midna ifka imanna dhiig badan ayaaba ku daatey ilaa ugu dambeyntii gogol nabadeed loo fidiyey; go’aanna laga gaadhey arrintaas.

Dhanka kale Geeddi Waxa iska dhaley laba waalid, oo iyaguna deegaankan ku duqoobey. Geeddi waxa uu la dhashey saddex wiil oo aan isaga ka dhicin, balse nasiib xumo wax hablo ah lama aysan dhalan! Sideedabana deegaankiisa waaba fara ku tiris dumarka la dhalo, haddii dumar la dhalana waaba wax aad u hooseeyaa oo la isku aflagaaddeeyo. Maadaama oo uu deegaanku yahay goob dagaal u joog ah, oo nin reerka difaacaya mooyee; ay adagtahay in gabadhi ka bixi karto. Geeddi isaga laftiisu nin dumar haweysta ma aha, oo waxa aadba mooddaa nin hammadiiba ay waayo waayo ka guurtey, oo tolow xaggey ka aaddey? Mooji!!

Geeddi, waxa uu asaaggii dheeraa is dhowridda. Waxa uuna ku suntanaa nin ciyaartii iyo gaafkii baadiyaha iska dhowrey oo marar badan waxa uuba ku halqabsan jirey odhaah aheyd: “Waxaan ahay wiil iska dhowray dhididkii hablaha iyo dhaantada habeenkii”!!. Tolow sabab? Ma wadaad baa? Mayee ma aha! Diinba looxii uu dhowrka jus ku dhigtey baa ugu dambeysey!! Labadiisa waalid oo uu curadkooda yahay iyo walaaladiina waxa ay marar badan kula taliyeen in uu guursado; oo reer yeesho. Haseyeeshee waa ku gacan seydhi jirey. Waxaaba dhici jirtey in geeljiruhu ku xaman jirey: war malaa ragganimo meesha kuma hayo; iyo ceebta kasoo gaadhi doonta guurka ayuu ka cabsanayaa iwm!!

QORMO LA XIRIIRTA:  TUKASHO IYO TUMASHO

Gabadh walba kolka ay geeddi isha qalac ku siiso, ama lasoo hadal qaadaba; waxa hor iman jirey waxmatare aan haween ku filneyn. Ragganimo iyo hawalahaasna aan lagu tilmaamin. Habluhu waxa se ay aad ugu miciyo lisan jireen wiilasha seddexda ah ee isaga la dhashey; oo had iyo gooraale ay ku maansoon jireen hebel iyo hebel tolow maan guri wada yagleelno. Allaa se isbadey walaalahaase; geeddi cilladdiisa waa la saari kari waayey. Tolow maxaa hayey? Mooji!!

Geeddi waxa uu noloshaa adag ku jiraba, nin guur iyo haasaawe dumar ay maankiisa ku soo dhacdana uusan u aheyn. Ayaa isagoo ah doob isku tuntey, da’ ahaanna lagu qiyaaso 35-sanno jir waxa uu usoo hayaamey magaalada; qoyskiina waxa uu ku wargeliyey in uu magaalada shaqo ka bilaabayo, xoolihiina waxa uu u xilsaarey yaryar uu adeer u yahay iyo ilma adeerradii; taas oo uu kula dardaarmey in ay xilka ka ritaan, mas’uuliyaddoodana ay iyagu qaadaan. Halka isagana magaalada hawsheeda lagu ogaado.

 

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

5
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
3 Faallooyinka
2 Jawaabaha
3 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Raage Warsame
Raage Warsame

Waa sheeko maad iyo farshaxan badan ka muuqdo waxaan filayaa inay noqoto mid sii socota oonan halkaa ku istaagin Aad baad mahadsantahay Mr Barwaani adiga iyo qalinkaaguba.

Note:
Qorayada qaybta (sheeko faneed) waxaan kula talinayaa in nidaamkaan cusub ee Mr Barwaani qaataan, kasoo ah in sheekada dhawr qaybood laga soo dhigo iyadoona lasii raacinayo bottom-ka ‘Qaybta Xigta’.

MAHADSANIDIIN.

Kaasho Maanka

Mahadsanid in badan Raage, waxaan u bedeli doonnaa dhammaan sheeko faneedyada qaybaha badan leh ee boggan ku jira qaabkan oo kale si ayna akhristaha waqti badan uga qaadan raadinta qaybta xigtaa.

updella
updella

sheekadan tolow mahalkasay kudhamaatay mise wali waa socotaa

Kaasho Maanka

Qaybta todobaad ayaa u danbaysa sheekadan

Luqmaan
Luqmaan

Was sheeko xiise badan, qaybta xigta la soo dheereeya, mahadsanid qoraa Barawaani

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend