Goob gooni ah, goob walba mise goob la’aan?

G
Luuqad ahaan, goob waa madal, bar, bed maran ama boos. Marka aynu leenahay wax baa ‘JIRA’ waxaan ula jeednaa in waxaasi ay dhex joogaan goob ama boos. Ma cadda sida ay wax u jiri karaan goob la’aan. Haddii uu qof yiraahdo wax baa jiri kara goob la’aan, asaga ayaa looga baahanyahay in uu caddeeyo waxa uu ula jeedo markaasi erayga “JIRITAAN”, waayo erayga jiritaan macno ma yeesho goob la’aan. Haddii uusan caddayn karin waxa uu ula jeedo jiritaan goob la’aan ah, markaasi waxba kama duwana ayada oo la yiraahdo, waxaasi “MA JIRAAN”.

Haddaba Allaah ma inoo sheegay goob uu ku suganyahay? Inkastoo ay dood badani ka taagantahay, dad badani oo ahlul-diin ahna ay la qurxanaan wayday in ay yiraahdaan, Allah goob buu ku suganyahay, haddana waxaa jira aayaddo iyo axaadiis muujinaya in uu Allaah goob leeyahay:

وَكَانَ عَرْشُهُ عَلَى الْمَاءِ  “Carshigiisa (Allaah) waxa uu ahaaday biyo dushiis” (Huud, aayadda 7-aad)

وَإِنَّ يَوْمًا عِندَ رَبِّكَ كَأَلْفِ سَنَةٍ مِّمَّا تَعُدُّونَ
“Maalinta Allaah agtiisa waxa ay ka tahay wax u dhigma kun sano oo waxa aad tirsataan ah (sannadkeena)” (Al-Xaj, aayadda 47-aad)

Aayaddani waxa ay muujinaysaa in uu Allaah waqti leeyahay, oo waxaaba jirta aayad kale oo uu Allaah sidan oo kale uga hadlayo waqtigiisa. Kol haddii uu Allaah waqti leeyahay, waxaa iyana soo galaysa in uu cuf-is-jiidad leeyahay, maadaama waqtiga iyo cuf-is-jiidadku ka dhaxeeyo xiriir toos ah.

QORMO LA XIRIIRTA:  Awoodda luminta qofka yaa leh?

Arrintase ugu yaabka badan waa mida ku xusan xadiiska uu Abii Hurayrah wariyay ee la isku waafaqay kuna qoran Saxiix Al-Bukhaari (2/144-174) iyo Saxiix Al-Muslim (1712), xadiiskani waa midka ka hadalaya todobada qof ee harsan doona harka Alle maalin uusan har kale jirin (waxaan filayaa in badankiin aad maqasheen xadiiskan). Haddaba, annaga oo maanka ku hayna in uu Allaah nagula hadlayo luuqad caadi ah oo ay dadka carbeed fahmayeen, waxaa mudan in aan iswaydiinno, maxaa sababa in uu har samaysmo? Ma Cadceedda ayaa ka saraysa Allaah waqtigaasi? Waa laba su’aal oo aan tusaale ahaan u soo qaatay, balse waxaa ka dhalan kara xadiiskan harka, Cadceedda iyo Allaah kulmiyay su’aalo badan. Waxaase ujeedkaygu yahay in ay halkani ka caddaanayso in wax goob lihi uun ay harayn karaan, wax jooga goob (insaanka).

ثم استواء علي العرش “Kadib buu [Allaah] ku *istawooday carshiga dushiisa” (Acraaf, aayadda 54-aad).

*[kelmadda “istawaa” macnayaal badan ayay leedahay, waxaana ugu xoog badan, ku nagaansho (goob) iyo ka saramarid (goob)].
Kelmadda “istawaa” waa kelmad ka mid ah luuqadda Carabiga, oo ay carabtu isticmaali jireen kahorba inta uusan Qur’aanka soo dagin. Macnayaal badan ayay yeelataa, laakiin dhamaan macnayaasha ay xambaarsantahay waxa ay tilmaamaan ama la xiriiraan goob.

Naxwa ahaan, marka ficilka “istawaa” la adeegsado, waxa uu qaataa badanaa oo uu “fal-lagu-sameeye” ahaan (object) u qaataa goob. Tusaale, waxa uu ku nagaaday goob. Oraahdani waxa ay ka jawaabaysaa su’aasha ah, xaggee ayuu ku nagaaday? Sidoo kale, waxa uu ka saramaray goob.

Allaah waxa uu la hadlayay insaanka, waxa uuna u sheegayay wax uu doonayay in ay fahmaan oo uu waliba ugu sheegayay dadka carbeed luqadooda, haddaba soo khalad noqon mayso in maanta laga kala cararo in carrabka lasoo mariyo macnaha ay kelmaddaasi xambaarsantahay? Dadku gar bay lahaan lahaayeen haddii kelmaddu markaasi uun ku cusbaan lahayd dhagahooda, oo Nabiga uun laga maqli lahaa, balse xaalku sidaas ma ahayne, kelmaddu waxa ay ahayd kelmad caadi oo ay dadka ku wada xiriiri jireen, macna gooni ah iyo fariiinna gubin jirtay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Madhici kartaa in quraanka qaab qaldan loo soo guuriyay?

Sababaha looga kala firxado macnaha kelmadda, waa in ay soo jiidanayso iskhilaaf farabadan iyo jahwareer ka dhalanaya qaabka uu ilaaha Allaah la yiraahdo u jiro iyo qaabka ay carabtu doonayeen in ay u muujiyaan. Inta badan wadaadada carbeed waxa ay qabaan in Allaah uusan goob walba ku sugnayn, balse uu hal goob ku sugnaaday, waxa ayna ku tilmaamaan gaalnimo qofkii yiraahda, ilaaha Allaah la yiraahdo goob walba ayuu ku suganyahay. Sidoo kale, waxaa jirta koox qabta in uusan Allaah wax goob ahi lahyn oo uu goob la’aan jiro. Balse isdiidka ugu weyn waxa uu ka dhex dhalanayaa labada koox ee kala aaminsan in ay wax jiri karaan goob la’aan iyo kuwa aaminsan in waxa jira aysan goob walba ku sugnaani karin.

Haddii ay Wadaadada Carbeed ku sheegeen Allaah in uu goob gooni ah joogo, waxaa ka dhalanaya su’aalo farabadan, tusaale, maxaan ku magacawnaa goobtaasi? Ileen goobta uu Allaah joogo iyaduba waligeed waa ay jirtaye. Sidoo kale waxaa iswaydiin mudan, goobta iyo Allaah yaa muhiimsan? Haddii hal qol iyo adiga aqristaha ah oo kali ah aad jirtaan oo aysan jirin wax kale, ma qolka ayaa kaa muhiimsan mise adiga ayaa ka muhiimsan qolka? Qolka la’aantiisna ma jiri kari lahayd adigu?

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

2
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
1 Jawaabaha
0 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Abdiasiis
Abdiasiis

Qoraalkani waa qoraal aan anigu u bogay, Gallad-na waa Ku mahadsanyahay.

Waxaan jeclaanlahaa in aad nala wadaagto, waxa ” ” ka dhaxeeya watiga iyo cuf-is-jiidka.

Mahadsani

Kaasho Maanka

Adaa mudan walaal, qoraal ayaan ka samayn doonaa mawduucaas.

W/Q: Gallad Gurxan

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend