Goorma ayay noqotay laab la qaawiyaa danbi iyada oo saxaabada qaar kamid ahi bannaanka ku salaaxi jireen dumar ajaanib ka ah?
Haddii aan ku raaco walaalaha muslimiinta in Islaamku cadaadiskan xooggan saaray dumarka si uu u dhawro sharaftooda waxaa hadaba su’aal is waydiin mudan ah Maxaa keenay in Islaamku u diido gabadha addoonta ah sharaf lamid ah tan uu siiyay gabadha xorta ah? Maxaa keenay in Cumar bin Khadaab garaaco dumarka addoomaha ah ee is asturo jirkoodana qariya? Maxaa keenay in nabigu ku tilmaamo cawrada gabadha addoonta ah inay lamid tahay cawrada ninka – taas oo ka dhigan in xubinteeda taranka wixii ka soo haraa ayna cawro ahayn iyada oo naasuhu qaawan yihiinna ay banaanka socon karto-? Muxuu yahay farqiga u dhexeeya naasaha gabadha addoomadda ah iyo tan xorta ah oo midna loo diidayaa inay qaawiso midna lagu khasbayaa dhibna ku jirin? Gabadha addoomadda ahi ragga dareenkooda ma kiciso miyaa? Maxaa keenay in gabadha xorta ahi haddii ay qaawiso timaheeda ama lugteeda in Ilaahu xanaaqo oo neerfuhu kacaan balse marka addoonta iyada oo qaawan suuqyada iibku lagu soo bandhigo uuna ilaahu u xanaaqin? Miyayna ahayn labaduba hal noole oo Ilaahu wada abuuray? Su’aasha ugu waynina waxa ay tahay Muxuu Ilaahu u ogolaaday nidaamkan dulmiga ku dhisan ee Addoonsiga isaga oo sheegta inaysan jirin cid ka caddaalad badani? Ma la is dhihi karaa innaga ayaa ka beer jilicsan kana caddaalad badan Ilaaha maadaama aynu nidaamkan foosha xun u aragnay mid aan la aqbali karin sidaasna ku mamnuucnay kadib markii ilaahu ku guul darraystay inuu hawshiisa qabto oo soo afjaro?
Waxaa laga yaabaa haddii aad waydiimahan si dhab ah isu waydiiso adiga oo aan cabsanayn inaad xaqiiqada u dhawaato balse inta aad ka cararayso waydiimahan iyo ka fekerka jawaabahooda ma dhaafaysid godkaaga wayna adagtahay inaad bannaanka u soo baxdo oo aad neecawda qaadato amaba ugu yaraan aad qirto jiritaanka khalad dib u eegis iyo sixid u baahan.
Xadiiska hoos ku xusan iyo kuwa lamid ah oo la soo wariyayba waxa ay tilmaamayaan in saxaabiga wayn ee Cabdilaahi Bin Cumar marka uu damco inuu addoon iibsado uu marada ka qaadi jiray kadibna naasaheeda iyo badhideedaba gacmaha marin jiray, riwaayadaha qaarna waxay sheegayaan inuu naasaha qaban jiray oo ruxi jiray ama shumin jiray. Xadiiskani waa Saxiix, Xaq ayaad u leedahay inaad amakaagto oo warkani kugu adkaado inaad liqdo maadaama uu kuula muuqdo anshax xumo aan ka suuroobin saxaabi balse xaqiiqadu waxay tahay inaadan waligaa kuwa aad wadaadada ugu yeerto ka maqlayn xadiithkan iyo kuwa lamidka ah ee shaki badan kaa galinay hab dhaqanka qarsoon ee dad lagaa dhaadhicyay inay xumaan oo dhan ka hufnaayeen.
Hadaba gunaanadka waxaan leeyahay mar walba oo aad aragto wadaado xiiqsan oo ku dhagan gabadh lugteeda fayday ama laabteeda qaawisay waxaad is waydiisaa sababta gabadhan lugteedu buuqan badan u dhalinayso iyada oo aynu ognahay in waqtigii rasuulka ay dumarka qayb kamid ah dhib loo arag haddii ay jidhkooda qaawiyaan balse xitaa salaaxoodu caadi ahaa.
adiga ayaa cadayn doona goortii ay asxaabtu ku salaaxayeen wadada dumark?jawaad buuxdadana waad ka bixin doonta hadad ila doodi kartid oo aad wax isla haysidna waad soo diyaar garoobi doonta
qofka xortaa iyo qofka adoonkaa soo kala saar horta bustaad tahe
noocaa waanu naqaana is qariya ee madmadaw kaga jiro waxa ay dadka u soo bandhigayaan lkn aaanay dibnuhu u ogolaan in ay hadal uu kasoo baxo su aasha aad mesha soo dhigaysaa waa inay cilmiyaysantahay garaad kaagaa intaasee?
عن ابن عمر أنه كان إذا اشترى جارية كشف عن ساقها ووضع يده بين ثدييها وعلى عجزها وكأنه كان يضعها عليها من وراء الثياب
الراوي: نافع مولى ابن عمر
المحدث: الألباني
المصدر: إرواء الغليل – الصفحة أو الرقم: 6/201
خلاصة حكم المحدث: إسناده صحيح
Xadiiskan iyo kuwa kale oo la macno ah ayaa turaathka islaamka ku qoran, markaa ciddii kuu qortay ayaad taas waydiin. Haddii aad dood rabtidna waa soo dhawaynaynaa, emailkan macluumaadkaaga noogu reeb,
Email: Kaashomaanka@gmail.com
mida kale wax ayaa iskaga kaa khaldan ee iska hagaaji qofka adoonkaa iyo qofka xortaa iskuma dhawa oo isku xuxuuqba maaha sidaa laajigeed qofka adoonku waxa uu lamid yahay xoolahaa la iibsanayoo kale markaad neef xoolaana iibsanayso waxaa kuu banaan inaad iska eegtid u noqod male mida kale hadalkan aad ku handacoonaysaa ama aad leeday waa xadiis saxeexa adiga ayaa sheegi doona halka uu ku cadyahay iyo in ay labada sheekh ay isku waafaqeen?