Gumaysiga reer Yurub iyo gumaysiga carbeed

G
Gumaysiga reer Yurub iyo gumaysiga carbeed waxyaalaha ay xagga soomaalida ku ka la duwan yihiin waxaa ka mid ah in gumaysiga carabta aynu raalli ka nahay oo aynu ku faraxsan nahay, halka gumaysiga galbeedka aynu neceb nahay, laakiin aynu ku khasban nahay. Carabta waxa aynu u aragnaa in ay Eebbe wakiil i nooga yihiin oo uu i noo soo diray maaddaama uu Maxamed carab ahaa. Yuhuudda oo uu Maxamed ka hor Eebbe wax soo fari jirey ma aynu jeclin mar haddii ay iyaga iyo carabtu isximiyaan oo ay colaad sokeeye leeyihiin. Waxyaalaha ay gumaysiga galbeed iyo gumaysiga carbeed ku ka la duwan yihiin waxaa ka mid ah in ay galbeedku saameeyaan caalamka oo dhan, halka ay carabtu saameeyaan caalamka diintooda haysta qaarkiis. Waxaa kale oo ka mid ah in ay carabtu rabaan in ay musliinta taagta daran carabeeyaan oo ay afka iyo dhaqanka ka beddelaan, halka aysan reer galbeedku u socon in ay af iyo dhaqan dunida ka jira ciribtiraan, waayo ilbaxnimadooda ayaa ku salaysan in ay ka la duwanaanta afafka iyo hiddeyaashu caalamka u tahay hodannimo iyo wanaag.

Dunida islaamka kuwooda awoodda leh sida iiraanta iyo turkida carabtu ku ma dhiirran karaan in ay afka iyo dhaqanka ka beddelaan, laakiin kuwa taagta daran sida soomaalida ayey faro baas ku hayaan, waxaana doorinta soomaalida ka la shaqeeya dad innaga ah oo diin ahaan maskaxda looga beddeley oo aan dareemi karin in ay afkeenna iyo afka carabtu siman yihiin, diintuna ay caqiido tahay ee aysan ahayn in ummad lagu qaado duullaan lagu ciribtirayo jiritaankooda iyo asalkooda. Waxaa jira dad badan oo soomaaliyeed oo laga soo buuxiyey in ay soomaalidu carab tahay ee aysan afrikaan ahayn, soomaaliduna joqoraafi ahaan, midab ahaan iyo af ahaanba waa dad afrikaan ah oo aan muran la gelin karin. Dadka carbaynta u heellani waxa ay carabiyeeyeen magacyadii meelaha waxbarasha, meheradaha iwm, waxaana la yaab leh in dastuurka Soomaaliya lagu qoray in uu afka soomaalidu carabi yahay iyada oo dadka carabida garanayaa ay weli aad u kooban yihiin. Waxaa kale oo yaab lahayd in ay Soomaaliya gashay jaamacadda carabta iyada oo la mid ah dalalka kale ee islaamka oo aan jaamacaddaas ku jirin sida Iiraan, Turkiya, Tansaaniya, Malaawi, Senigaal, Maali, Indunuusiya, Mallaysiya iyo dalal kale oo badan. In uu dal carabta diin keli ah la wadaaga oo aysan wax kale ka dhexayni ka mid noqdaa waa addoonsi toos ah iyo been’abuur, waxaana xusid mudan in aysan Soomaaliya waxba ka dheefin isku lifaaqidda carabta.

QORMO LA XIRIIRTA:  Muslimiin nacayb ma jiraa?

Haddii ay dalalka carabtu soomaalida u soo dhaweyn lahaayeen sida reer galbeedka oo ay siin lahaayeen kaalmooyin sida degganaansho, shaqooyin, waxbarasho iyo baasabboorro soomaalidu aad bay ugu sii addoonsami lahayd carabta, laakiin carabtu soomaalida aad bay u xumeeyeen oo dalalkoodu in ay kaalmo iyo sharci siiyaan iska daa ee qofkii taga waa laga raafaa oo Soomaaliya oo ololaysa ayaa laga tuuraa. isla markaas soomaalida ku dhashay dalalka carabta ama ka shaqeeyaa wax xuquuq ah ma leh oo Khaliijka dadkii ku dhashay tacliin loo ma oggolaado. Soomaali badan oo ay carabtu maskax ahaan u gumaystaan baa markii ay helaan dhalashooyinka ama baasabboorrada waddamada reer galbeed waxa ay u guuraan dalalka carbeed, waayo qofka dhalasho galbeed wataa carabta xuquuq buu ku leeyahay oo carabta laftooda ayaa galbeed u addoonsan, waxa ayna soomaalidaasi rabaan in ay carruurtoodu carab noqdaan. Soomaalida lagu soo dhaweeyey dalalka galbeed badankoodu ma ay jecla dalalka soo dhaweeyey oo carruurtoodu in ay wax ku bartaan aad bay uga walbahaarsan yihiin, waayo waxa ay u haystaan in ay ka fogaanayaan af carabiga iyo diinta, mana aha in ay xeerinayaan soomaalinnimo iyo afkooda. Waxa aan arkay dhallinyaro soomaaliyeed oo Khaliijka ku soo koray oo Yurub qaxooti ku ah oo ku wada hamminaya markii ay baasabboorro helaan in ay carabtu xushmayn doonto oo ay ku laaban doonaan dalalkii carbeed ee soo bahdiley, waayo waxa ay dareemayaan in ay galbeed ku raagaan in ay carabnimada iyo diinta wax u dhimayso. Carabta galbeedka lagu soo dhaweeyey cuqdaddaas ma ay qabaan oo dalalka ay joogaan bay horemar ka samaystaan, waxaana yaab leh in carabta oo sidaas ah aynu innagu dartood u neceb nahay gaalada oo uga qaxno dalalkii ina soo dhaweeyey. Dadku waa jaranjarooyin oo carabtu waxa ay caabudaan galbeed, soomaaliduna carab bay u addoonsan yihiin oo kuwa uu ilaahooda carabka ahi caabudo soomaalidu toos u ma caabudi karaan.

Nafsadda qofka soomaaliga ah waxaa ka buuxa gacaltooyo carabta loo hayo oo aysan carabtu abaal ugu hayn, waxaana sidii aynu sheegnay jacaylkaas keenay in uu Maxamed carab ahaa oo ay Eebbe xaggiisa i noo metelaan iyo in ay ilbaxnimada iyo wacyigeennu ka hooseeyaan heer aynu dunida iyo danteenna qiimayn karno. Soomaalida qabiilooyinkooda badankoodu waxa ay abtiriskooda geliyaan carab siiba Quraysh si ay nebigii ugu dhowaadaan, waana arrin ay iska caddahay in ay been tahay oo soomaalida ayaa Quraysh ka fac weyn, kana taariikh horraysey. Nafsad ahaan sida aynu ugu jabnay carab aynaan dan ku qabin waxaa garab socda su’aal ah “Qofka soomaaliga ah oo af ingiriis yaqaan iyo qofka carabi garanaya kee baa soomaalida dhexdeeda ku sharaf badan?”. Waxaa laga yaabaa in uu sharaf badan yahay midka ingiriiska yaqaani, sababtuna waa in aysan soomaalidu niyad ahaan inkirsanayn in uu carabigu ka ilbaxnimo liito afafka galbeedka iyo in aan nacfi badan lagu qabin carabta. Dunida ilbaxa ah qofka dadkooda ugu sharaf badani waa qofka ugu badiya afkooda, waxa ayna u arkaan in ay ilbaxnimo iyo sarrayn tahay in uu qofku afkiisa aad u garanayo xataa haddii ay afkaas ku hadlaan dhowr malyan keli ahi sida afka iswiidhishka, laakiin af soomaaliga oo dadka ku hadla maanta lagu qiyaaso 40 malyan qofka ku xeeldheeri sharaf ku ma leh. Iskaba daa in sharaf iyo sarrayn laga raadiyo ee waa ceeb laga dhuunto in af soomaali badan la gartaa, waayo af soomaaliga xudduntiisu miyi bay ku aasan tahay, soomaalidana waxaa ku badan dareen ah in baadiyaha laga cararo oo la sheegto in reer magaal la yahay. In badan waxaa la arkaa dad ku faanaya in aysan ereyada afkooda garanayn maaddaama ay yihiin dad sharaf leh oo reer magaal ah, dad badan oo tuulooyinka iyo miyiga ka soo jeedaana waxa ayba qariyaan oo ka dhuuntaan taariikhdooda nololeed oo ay been ka sheegaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Jaamacadaha Islaamiga ah maxaa lagu bartaa?

Waa arrin wanaagsan oo lagu faano in ay dadku ilbaxaan oo aysan badaawi ahayn, laakiin in ilbaxnimada laga raadiyo jaahilnimo ayaa yaab leh oo qofka soomaaliga ah oo aan afkiisa iyo hiddihiisa aqooni waa jaahil aan ilbax ahayn, waxaana nasiibdarro ah in ay soomaalida ugu jaahilsan yihiin oo ugu badowsan yihiin kuwa magaalooyinka ku barbaaray, waayo dhulkooda iyo afkiisa macluumaad fiican ka ma haystaan, isla markaas ma badna soomaalida aqoon kale ku xeeldheeri, ilbaxnimana ma aha in uu qofku biibitooyin iyo marfid qaad fadhiyi jirey oo waxaa kuwaas dhaama kuwa geela raaca oo afkooda ku gabyi kara. Ummadaha ilbaxa ah waxaa afkooda iyo dhaqankooda ugu badiya kuwooda caasimadaha ku kacdoomay, waayo afkooda ayaa qoraallo iyo aqoon galay oo xilli hore ka soo xerooday miyiga, waxa ayna afafkooda ereyadoodu ku jiraan buugaagta, filimada, riwaayadaha iyo nolosha magaalada, in aynu heerkaas gaarnaana waa hawl i na sugaysa oo aynaan fursanayn haddii aynu rabno in aynu ummad jirta ahaanno.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
0 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
c/raxmaan
c/raxmaan

waxaad tidhi dadka soomalidu waadad reermiyiga neceb ooreer magaal nimada jecel hadalkaasinawaadhab ooqofka reermiga ah ama sheegta waalafaquuqaa Laakiin adiga aankuwaydiiyee mareermagaal baatahay miss reermiyi igasoojowaab su aashaa adoomahadsan waxan ahay dadka kuxidhan website ka kaasho maanka

Nala Soo Xiriir

Follow Us

Send this to a friend