Gumaystaha reer Yurub maxaa lagu maagay?

G
Dunida la gumaystey waxa ay sheegaan in gobannimodoonkoodii ay halyeeyo u soo halgameen ama kaga dhinteen. Waa arrin wanaagsan, laakiin dal kasta xilliga in uu xoroobey la sheego ka dib waxaa ilbaxnimo u ahaa af ahaan iyo si kasta dalkii gumaystey oo aqoonta iyo tabobarrada waxaa ka darnaa sida uu ugu milnaa dalka oo dhan oo loogu hiranayey ama loogu arkey sarreeyaha af ahaan iyo ilbaxnimo ahaa la iska yeelyeelo.

Haddii uu shalay ahaa gumaysi cadow ah oo dadkii la halgamey taallooyin loo dhisay maxaa maanta ka dhigay midka lagu daydo oo afkiisa iyo dhaqankiisu ay kuwaaga ka sharaf badan yihiin? Haddii uu yahay macallinkii dalka oo ku barbaarinayey oo aqoonta iyo wax kasta oo saamayn sharaf leh ah isagu kuu hayey maxay yihiin taallooyinka la soo halgamey oo aad dhisaysaa? Waxa aad ka hadlaysaa ma cadow baa ma se waa aabbahaa?

Af talyaannigu waxa uu ka mid yahay afafka aan run ahaan faafin oo weli dalkooda iyo meelo aad u yaryar ee dunida ah lagaga hadlo, waxa aanna la yaabaa dad badan oo waaweyn ee soomaaliyeed marka ay qorayaan far soomaalida bilaha waxa ay tusaale ahaan qoraan Luulyo oo aan laftaydu qiyaas ku keenay in laga wado Juulay oo talyaanni ah. Haddii uu talyaannigu yahay gumaysi ku guuldarraystay in uu dunida aad u gumaysto oo uu afkiisu dalkiisa dhaafi waayey maa la iska raaco gumaysiyada guulaystey waa maxay Luuliyo? Gumaysi niyad ahaan laga xoroobey iyo dad isku filnaan kara midna ma jiro, run ahaantiina reer Yurub dunidu waxyaalo aan la inkiri karin bay ka baratay oo in aynu been isu sheegnaa waa foolxumo. Soomaaliya taalladii ugu weyneyd waxaa lahaa Maxamed Cabdulle Xasan, haddii maalintii uu dalka soo galay ay gumaysigu ku oran lahaayeen “Shiikh soomaalida xukun waa aannu kaaga tegaynaaye” waxaa laga yaabaa in uusan dowladnimo gaarsiiyeen ee uu ummadda layn lahaa, laakiin ummadaha danbeeyaa runta ma jecla ee waxa ay jecel yihiin caaddifad iyo heeso faaruq ah. Dalka Soomaaliya ninkii in uu ka la gooyo raba iyo midkii in uu midaysnaado doonaya ma aha dal isku filan 60 sano markii uu madaxbannaanaa ka dib, waxaana la sheegaa in uu yahay dalalka adduunka ugu khayraad badan dhan kasta. Khayraadka aan hubo waxaa ka mid ah cimilada sanadka oo dhan isku midka ah oo qofka dalka joogaa uusan ogeyn iyo meesha uu dalku dunida ka dhaco oo qof kasta oo aqoon yar lihi uu yaabi karo. Marka khayraadka dalka laga hadlayo aqoonyahannada qaar baa iska aammusa inta ay ku ilxaaxaan sida ay meeshu u yaab badan tahay, waxaana la sheegaa in dalxiiska qorraxda u imanaya keli ah lacagtoodu ay deeqi lahayd dadka yar oo meesha jooga.

QORMO LA XIRIIRTA:  Calmaaniyadda

Anigu ka mid ma ahi dadka sheega in uu matoorka soomaalidu u nuuxsan waayey qabyaalad darteed. Horta soomaalidu qabiilka iyo diinta kee bay jecel yihiin? Wadaaddadu waxa ay markiiba ku jawaabayaan in ay soomaalidu qabiilka iyo diinta qabiilka jecel yihiin si ay dadku diinta ugu soo jeestaan, laakiin marka baaritaan dhab ah la samaynayo wax jeclaysiga meel baa la iska dhigaa. Anigu waxyaalaha aan ogahay waxaa ka mid ah in aysan soomaalidu in ay wax akhriyaan jeclayn oo qofka soomaaliga ahi haddii aad buug tustid uu u arko in aad dhibtay, sababtana ma garanayo. 1972 oo farta la qoray ilaa 1991 ardadii dugsiyada ka soo baxday far soomaali bay wax ku baran jireen, welina ma aan arag qof ardadaas ka mid ah oo farta qori yaqaan marka laga reebo qaar yar oo iskood waayo danbe ugu halgamey in ay farta isbaraan, dadka far soomaalida sixi karaana ilaa maanta aad bay u yar yihiin. Sidaas darteed iskuulladu ma lahayn wax la akhriyo iyo macallin laftiisu curisyada sixi kara. Qofka soomaaliga ahi aad buu u neceb yahay in buug la tuso iskaba daa in uu akhriye’e oo waxa uu cuslaystaa in waxaas oo waraaqo ah lagu kallifayo. Dad baa sheega in aynu abuur ahaan nahay dad hadalka iyo daawashada wax ku fahma, laakiin taas dadka oo dhan baa ahaa oo akhriska iyo qoraallada badani waa wax dunida ku cusub, ma se la hubaa in ay soomaalidu aad wax u dhegaystaan ama u daawadaan? Gaajo badan baa jirta oo dadka aan dalkii joogin laftooda ku leh saamayn ka weyn kuwa waddankii jooga, taasina waxaa laga yaabaa in ay dadka ka dhigto ummad dhimman. Dhanka qabiilka haddii aynu u yaacno iyo dhanka diinta haddii aynu ku qamaamno labaduba waa iska caaddiyad iyo gabayaal hore ee runtu waa in aynu dad deggan noqonno oo aynu aamminno in dhulka meesha aynu ka joogno aynu leenahay oo ay meel fiican tahay, meeshuna ay aqoon u baahan tahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamka ma oggol yahay xorriyadda fikirka ama caqiidada?
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments