Halgankii Galaalo (Sheeko)

H
Waxaa la isigu yimi gogoshii tacsida Macal-weyne. Macal-weyne wuxuu ahaa wan afar jir ah, shilis, oo habeen hore marti lagu sooray. Cabbaar haddii qoyskii Macal-weyne loo tacsiyadeeyay, waxaa hadalkii qaatay Dhukane oo ah hogaamiyaha idaha ay xeraddu kulmisay.
Waxaa uu amaan kula dul dhacay mulkiilaha iyo qoyska dhaqday adhiga uu ka midka yahay. Waxaa uu carabaabay, in qoysku ay si hagar la’aan ah u gutaan xilka ka saaran adhiga, in biyo iyo baad ba ay ka haqab tireen, Dhurwaaga, Dawacadda iyo bahal-duureedkana in ay ka dhiciyeen ayuu xusay.
Sidoo kale, Dhukane waxaa uu ka hadlay sharafta iyo karaamadda ku jirta gawraca, waxaa uu aad ugu nuux-nuuxsaday laxdii iyo wankii gawrac labada dhegood loogu simaa in ay yihiin kuwo la doortay oo nasiib u yeeshay derejo aanay helin kuwa bestood u bakhtiya ee hilbahooda laga wiswisaa. Waxaa uu sheegay idahana ku baraarujiyay, in ay ku dadaalaan sidii ay darajadda gawraca u hanan lahaayeen. In ay cawska iyo doomaarta si joogto ah u daaqaan, si ay u xaydhaystaan oo loo qasho, ayuu carabka ku adkeeyay.
Waxaa uu hadalkii ku soo gebogabeeyay in Macalweyne uu ahaa mid la doortay; mid dhexda u xidhay hawsha daaqista iyo doomaar ruugga, jeer xaydhiisa iyo hilbihiisa shilisi ay raalli geliyeen indhaha mulkiilayaasha, ugu danbayna habeen barakaysan la go’aansaday in la isugu joogsado.
 
Galaalo oo ah sabeen saddex jirsatay, hadalka Dhukane na saluugtay, ayaa idihii ka dhex kacday. Waxaa ay tidhi, mudane Dhukanoow, anigu ma doonayo in la i qasho, ma doonayo in biyaha iyo baadka la i siiyaa ay ii horseedaan in caanaha ubadkayga la iska listo; in ay ii horseedaan in mindi dhuuntayda lagu kala jeexo oo si silic ah la ii dilo. Waxaa aan rabaa sida sagaarada iyo deerooyinka in aan duurka ku noolaaddo, halkaas baan ka helayaa biyo iyo baad aan la iigu mano sheeganayn, caanahayga lagu boobayn, gawracna aan la iigu geysan doonin e. Waxaan rabaa in aanan noqon hantida nacabkayga oo maalmaha nolosha iiga dhiman aan keynta xorriyad ugu noolaado.
 
Dhukane iyo badi idihii meesha fadhiyay hadalkaa Galaalo ka soo yeedhay wuxuu ku noqday fajac iyo amakaag. Intoodda badan waxaa isla markiiba wejiyadooda dabooshay cadho. Dhukane oo cadho la jiq ah oo aad moodo in naqasku ku dhegay ayaa isla markiiba soo booday. Waxaa uu yidhi, ma adiga oo lagu sharfay, lagu xanaaneeyay, awoowayaashaana duurjoogta laga doortay ayaa hadalkan deelqaafka ahi kaa soo yeedhayaa? Miyaan lagu xanaanayn? Lagu dhaqaalayn oo hadh iyo habeenba aan lagaa jirin nacab aadan iska dhicin karteen? Ma is weydiisay sababta awoowayaashaa duurjoogta looga dhex doortay ee loo soo dhowaystay? Ma waxaad doorbidaysaa in sida deeradda hilibkaaga iyo hilbaha dhalaankaagaba ay dawacadu ka dheregto? Ama sida aad keynta u dhex wareegayso aad bakhtido oo sidaa derejada gawracu kugu seegto? Galaalooy, waxa aad la timi wax aananu dhaqan u lahayn, wax sharaftayadda iyo tan awoowayaashayo ba dhaawac ku ah. Waxa aad la timi abaaldhac aan lagaa filanayn.
 
Waxaa ay tidhi, mudane, su’aalahaa oo idil waa aan is weydiiyay, waxse aan dhaafsiin waayay sababta la ii dhaqaalaynayaa in aanay ahayn mid aniga dani iigu jirto. Waxa aan ahay hanti noole kale dheefsado. Waxaan aan ahayn mid dharaar aan fogayn si arxandaro ah dhiigeeda loo daadin doono. Keynta geeri kaga badbaadi maayo oo geeridu waa mid ina wada haleeli. In mulkiilayaashu i qashaan iyo in dawacadu i cuntaana isu ma key dhaamaan, ha yeeshee, dawacadu inta ay bidixda biyo igu siiso midigta iguma gawrici doonto, caanaha ubadkayga dharaar walba ma boobi doonto, haddii aan dawacadda iyo dhidarka ka badbaadana duurka ayaan si xorriyad iyo nabadgelyo ah ugu dhiman doonaa.
 
Dhukane waxaa uu si cadho leh kor ugu dhawaaqay, cadhada mulkiilayaashu korkooga ha ahaato. Dabadeedna waxaa uu u jeedsaday dhankii idaha waxaana uu yidhi, waxaan idiinka dardaarmayaa kufriga iyo abaaldhaca ay Galaalo la timid. Innagu ma nihin deerooyin iyo duurjoog aan lahayn hadaf ay u nool yihiin, waxaa aynu nahay kuwo la doortay, abaal loo galay oo u heellan in ay abaal gudaan.
 
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments