Haweenow xorriyadda cadaaladdaa ka horraysa

H
Waxaan akhriyey maqaal ay qortay gabadh Soomaaliyeed oo ay kaga hadlayso culimadii ka xanaaqay xeerka kufsiga iyadoo weliba u kala sharraxaysa farqiga u dhexeeya da’da guurka iyo qaan-gaadhka. Aniga hadalkaa quruxda badan ee gabadhaasi qortay waxaan u arkay inuu madax salaax u yahay ragga dooneya ee difaacaneya inay kufsadaan caruurta Soomaaliyeed ee dhalan doonta kuwii hore iyaga waxba kagamay tegine.

Sida dhaqanka iyo diintuba dhigayaan dumarka Soomaaliyeed waxaa masuul ka ah ragga ehelkeeda ah oo aabaha dhalay ugu horreeyo. Masuuliyadda koowaad waxay gacanta ugu jirtaa cid aan iyada ahayn, cimrigay doonto ha jirto haddey doontana haba garasho dhaanto kuwa ka masuulka ahe maadaama ay haween tahay masuul baa laga yahay.

Wilaayada haweenka waxaa iska leh ragga, iyaga ayaana haweenka guursada ee la isma guursado waayo sinnaani ma jirto. Inta ay jirto wilaayada raggu masuulna ay ka yihiin haweenka iyaguna (haweenku) ay raalli ka yihiin nidaamkan wilaayada waxba isma bedeleyaan, maalintase la helo sinnaan ragga iyo dumarka ah loona sinnaado waajibaadka iyo xuquuqda dhan walba waxbaa hagaageya, haddase dhan baa wax waliba ka raran yihiin.

Wadaadkana ha la yaabin wuxuu dooneyaa oo kaliya wixii Illaahay u banneeyey xaqqana u siiyey ee ahaa inuu caruur saqiira oo aanan jidh iyo caqli midna u dhismin inuu guursado.

Anigu waxaan aaminsanahay inay khalad tahay raggu inay haweenka masuul ka noqdaan, waxaana ila qurux badan haweenka in loo daayo farahana looga qaado naftooda iyo siday ka yeeleyaan kol hadday miyir qabaan caruurna ayna ahayn. Midhuhu geedkay kasoo go’een masuul kama noqon karaan.

Waxaa qurux badan in qofka haweeneyda ah faraha looga qaado cida ay dooranayo si ay nolol ula wadaagto, qofku xoolo maaha marka la leeyahay hebel baa la siiyey, iyadu Waa inay doorataa, raacdaa, nololna la dhisataa cidda ay rabto iyada oo aan cidna fasax uga baahnayn, jidhkeeda iyada oo keliyaa leh iyadaana xor u ah cida ay nolosha la qaybsanayso.

Haweenka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan caddaaladda iyo daryeelka ay raadineyaan waxaa ka horeeya inay ka xoroobaan amar ku taaglaynta ragga oo ay noqdaan kuwa iyagu iska masuul ah. Qof aan xor ahayni caddaalad ma heleyo inuu raadiyaana waa garasho xumo.

Gabadhaha Soomaaliyeed waxa hubaal ah inay ragga ka karti iyo caqli badan yihiin dhan walbana ay kaga wanaagsan yihiin laakin waxa ay indhaha ka qarsadaan wax badan oo lagu dulleeyo oo ay ugu wayntahay wilaayada naftooda oo ragga gacanta ugu jirta. Sidee cid kale ugu doodi karta adigoo aan guursan karin, dhoofi karin, waxna qabsan karin ilaa aad nin fasax ka haysato ninkaasi wuxuu doono ha kuu ahaade?

QORMO LA XIRIIRTA:  Adeegsiga caqliga iyo akhriska xorta ah

Waxaa is waydiin mudan ilaa goormaad haweenow maxaabiis u ahaanaysaan ragga iyo xeerarkooda oo aan idinka wax dan ahi idiinku jirin in la idinku dullaysto mooyaane? Ninka dooneya gabadha yar ee sagaal jirka ah inuu guursado waxaa siinaya nin la mid ah, hooyadii dhashayna way ag taagan tahay waana daawanaysaa ilmihii ay dhashay oo bahal loo gacan gelinayo, maadama ay haween tahay waxa laga dhaadhiciyey caruurta inay ninkan u dhashay oo ay ahayd calool la kiraystay sidaa darteed waa iska aamusan tahay.

Guur iyo nolol xalaal ahi waxay iman doontaa oo keliya marka qofta haweenka ahi iyadoo xor ah ay guursato qofka ay rabto iyada oo aan cidna wax ka waydiin, cidina aanay iibsan oo jidhkeeda ka macaashin. Aabaha Soomaaliyeed ee jaahilka ah waxaa maskaxdiisa kusoo dhacaysa markuu arko gabadhiisa yar tolow ma kaa iibsameysaa? Kadibna waxbarashada ayuu ka reebeyaa isagoo u diyaarinaya inay nin u dhaxdo isna uu lacag ka qaato.

Waalidka Soomaaliyeed waa inay hablaha wax baraan si la mid ah siday wiilasha wax u baraan, doorka waalidka ee nolosha ubadku waa inuu noqdaa daryeel oo keliya inta aanay qaan gaadhin oo isku filnaasho gaadhin, wixii intaa aan ahayn ilmaha ayaa marka uu qaan gaadho go’aan ka gaadheya, waa gabood fal waana xaaraan in ilmaha yar mustqabalkiisa go’aan laga sii gaadho.

Diinta meelna kagama jirto da’ cayiman oo lagu qaan gaadho, madaahibta diinta islaamku waxay ka midaysan yihiin wax walba oo asal ah balse waxay isku khilaafsan yihiin waxyaabo yar yar oo da’da qaan gaadhku ka mid tahay, hadii Shaaficiyadu qabto in 14 lagu qaan gaadho hadalka Shaafici aayad iyo xadiis midna maaha dawladuna waxay odhan kartaa oo sharci noqonaya da’da qaan-gaadhku waa 20 sano.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma garanaysaa goortaad soo islaamtay?

Caruurta waa la kufsan doonaa inta hooyadu addoon u tahay xeerarka raggu samaysteen, caddaaladna waxay heleyaan markay haweenku ka xoroobaan gumaysiga ragga.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments