Codka kaligiis ah nuxur ma leh. Muusiggu wax kale ma ahan ee waa codad la isku qasay. Cododka isku qasan ayay dhegtu macaansataa, naftuna ku xasishaa. Kan dambe iyo kan hore waa ay is daba joogaan. Qofka caqliga badani waxba ma caashaqo, waxba ma leh, waa kaligiis. Naftiisa iyo waxa uu qabto midna sare uma qaado. Marna lagama maqlo isaga oo naftiisa ka sheekaynaya. Haddii aysan dadku isla waawaynaadeen, qofna qof ma ximiyeen. Haddii aan xoolaha la kala sheegan cidina wax ma xaddeen.
Wixii dhulka ka sareeya waa xurriyad iyo faaruq. Qofka cabqariga ah waa sida biyaha oo kale. Wax waliba biyo waa ay u baahan yihiin laakiin iyagu waxba uma baahna. Cid kasta waa ay waraabiyaan laakiin cidna iyaga ma waraabiso. Wax waliba waa ay ka sarreeyaan waana ay ka hooseeyaan. Wax waliba waa ay ka midyiihiin, bannaan kana waa ay ka joogaan. Wax walba waa ay ka jilicsan yihiin waana ay ka adag yihiin. Biyuhu waaa nolol waana geeri. Waayo, nolosha ayay geeridu ku dhex jirtaa, sida ay geeridu nolosha ugu dhex jirto. Wax nool ayaa dhiman kara, wax dhintay ayaana noolaan kara. Wax aan noolayn ma dhiman karaan, wax aan dhimmanna ma noolaan karaan.
Qofkii madaxnimo ka fogaadaa khaladaad badan ayuu ka fogaaday. Qofkii shantiisa dareeme oo keli ah wax ku dareemaana dhagax kama duwana. Midkii dhegihiisa oo keli ah wax ku maqlaa waa dhegool, midkii indhihiisa oo keli ah wax ku arkaana waa indhool. Midkii luguhiisa oo keli ah ku socdaana waa curyaan.
Quruxda iyo hantida ayaa nafta burburiya. Amaanta iyo cayduba si isku mid ah ayay cabsi u leeyihiin. Caannimaduna waa doqonnimo. Dadku waxay u diriraan in la amaano, marka ay gaaraanna waxa ay ka cabsdaan in la caayo. Qofka caanka ah magac ayuu caabudaa, sida uu u illaalinaya waa uu ku saxariiraa.
Wixii aad jelcaato un baad oydaa marka aad waydo. Markii aad u malayso in aad kaligaa saxan tahay ayaad khaladan tahay. In aad shakido waa iimaan, in aad yaqiinsataana waa gaalnimo.
aragtidani wa fahamka ugu dhow ee noloshu macano usamaynkarto tani waa wax ay kusaabsantahay diinta islamka nuxurkeedu god is with us he or she is party of his creation always be light then u never u need to see god becouse god is that light which u see every where
Run ahaantii waa Qormo aad ii Anfacday
Waxyalo Badana ii kala Zaartay
Maalin ayan si kedis ah ku helay
Pagekan
Kama Hakado Malinkii
Hadi Aanan Zoo Booqan ima aha
Malinkaz
Mahadsanid In badan walal
+393512061913