Waa kuma Daarwiin?

W
TAXANAHA: Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha (Evolution)
Ibo Furka iyo Fahanka guud ee Aragtida Horumarka Noolayaasha (Evolution) waa silisilad qormooyin taxane ah oo Aadan Cali kaga jawaabayo waydiimo la xiriira aragti cilmiyeedka Horumarka Noolayaasha (Evolution).

Waa kuma Daarwin?

Bal u fiirso nolosha, sow uma eka mid qaabaysan? Haa, waa run! Noole walbaaba waa mid qabatimay qaab nololeedkiisa.
Fiidmeertu waxay leedahay jiheeye ay hadh iyo habeen ku heehaabi karto godadka hoostooda. Jir-jirrooluhuna hadba jawiga uu joogo ayuu jaahiisa yeeshaa.

Maxaad waxaaba ka sheegi bal adigu uun is eeg, miyaadan arkayn halka ay indhuhu kaaga yaalliin? Cajab! indhaha laftooda ayaaba ah qaar astaan abuur ku tusinaya. Sow ma ogid madaxaagan malaasan, in ay hoos miranayso maskax boqol bilyan oo unug ka kooban taas oo miyir-qabkaaga iyo yaabka ku hayaba asal u ahi!

Haa, noloshu waa mid qaabaysan oo aad u qurux badan. Kolkaas waa qasab in uu qaabeeye iyo farsamayee falsan oo inagu fara yaraystay jiraa, Haa cidiba si ayay u taqaannaaye innaguse Eebbe iyo Allaah labadaba waa aynu nidhaahnaa.

Dooddani waa jawaab celinta caadiga ah ee ay dadku ka baxshaan kolka ay ka yaabaan isku sar go’naanta ka dhaxaysa noolaha iyo Deegaanka uu ku noolyahay.
Waligaa se sidaa si ka duwan ma u fekertay? May dheh dee!.
Isaga jawaabtiisu waa “Haa” magaciisuna waa Charles Robert Darwin, gabankani waxa uu noqon doona guul-wade taariikhda aadanuhu aanay gefi doonin ka gadaal gu’gii 1859.

Daarwin waxa uu dhashay Laba iyo tobankii Feebaraayo dabshidkii 1809, waa isla ammintaa uun dhashay Abraham Lincoln oo ahaa madaxwaynihii 16aad ee talada Maraykanka soo qabtay.

Gabankani waa wiil gashaantimaha ka xishood badan, haddii aanad qaybka aqoonnin, maba naqaannee, Darwin waxa aad ku dari lahayd dan-laawayaasha aalaaba reeraha ladani dhalaan.
Aabihii waxa uu ahaa dhakhtar, sidoo kale darwin waxa uu hore ka bilaabay barashada caafimaadka jaamacaddii (Edinburgh University) calool jileec iyo caadifad awgood labo sano kadib waxa uu kasoo jeestay barashadii caafimaadka, waxa aana uu ku cataabay in aanuu cabbaar yar eegi karin caloola qufka dhakhaatiirtu samaynayaan, Daarwin waxa uu ahaa ruux qalbi jilicsan waxaana lasoo weriyaa in uuba maalin matag ka wareegay goortii uu galay qolkii qalliinka qulqulkii dhiigana ku qalbi takh-takhay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamku miyuu mamnuucay is addoonsiga?

Dabeed Darwin waxa uu u wareegay barashada diinta waxa aana uu ku biiray (Christ’s College Cambrigde) inkasta oo uu markiiba ka niyad jabay barashadii diinta haddana ma uusan joojin, balse waxa uu ku biiray duruus uu bixinayey (John Stevens Henslow) duruustan oo daarranayd culuumta barashada dhirta ama (botany). Darwin waxa ay aad isugu xidhmeen macallinkiisan cusub, waxa uuna uu wadaadnimadii/baaddarinimadii ka qalin jabiyay dabshidkii 1831.

Kadib soo jeedin uga timi macalinkiisii Henslow, Darwin waxa uu raacay mid kamid ah doomihii ay boqortooyada Ingiriisku u diri jirtay soo diraasaynta dunida, shaqadiisuna eegga waxa ay ahayd deegaan baadhe (naturalist).
Doontan waxa la odhan jiray (HMS Beagle) Socdaalkani waxa uu bilaabmay sannadkii 1831, doontuna waxa ay safar shan sanno ah ku mari doontaa Laatiin Ameerika, jasiiradaha baasifiga illaa koonfurta fog ee Afrika.

Darwin intii uu socdaalkan ku guda jiray waxyaabihii soo jiitay waxaa ka mid ahaa qaybsanaanta nolosha ee qaaradaha kala duwan ama (geographical distribution of life), juquraafiga noloshu waa mid cajiib ah noolayaasha qaaradaha iyo jasiiradaha kala duwan ku nooli waa kala qaab iyo caynad, qayb walibana waxa ay qabatintay oo qaabkeeda leedahay qaaradda ay ku nooshahay.

Tusaale ahaan;
Darwin waxa uu arkay geedka loo yaqaan tiinka (Cactus) Kaas oo caleemihiisa cirbadda u eg aad mooddo in ay u samaysan yihiin u ilaalinta biyaha geedkan saxaraha ka baxa, sidoo kale Darwin waxa uu arkay shimbirihii uu ku caan baxay ee qoollayda (Finches) kuwaas oo ku noolaa jasiiradaha Galapagos, shinbirahani waa kuwo muuqaalka guud aad isaga eg, haddana waxa muuqata in qayb waliba ay goonni u qabatintay jasiiradda ama deegaanka ay ku nool yihiin.
Waxa kale oo uu dareensanaa in dhammaan shinbirahani ay la nooc yihiin shinbiro ku noolaa dhul waynaha (Mainland) oo boqollaal kiiloomitir jasiiradaha u jira.

Darwin waxa uu kolkaas ka fikiray suurta galnimada in qaar kamida shinbirahaas dhulwaynaha ku noolaa ugu soo haajiri karayeen jasiiradaha kolkaasna deegannada kala duwan ee jasiiradaha ku qabatimayeen qaabkoodana yeelan karaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Cuf-isjiidadka iyo Carshiga!

Walow gadaal laga xaqiijiyay hammiga Daarwin lana ogaadey in hubaashii shinbiraha kala geddisan ee jasiiradaha ku nool ay yihiin kuwo kasoo hayaamay dhulwaynaha asalna ay dhammaantood wadaagaan balse Darwin kolkaa ma xaqiijin karayn.

Daarwin sidoo kale waxa uu arkay noolayaal leh xubno aanay hadda isticmaalin sida (Penguins) ama digirin xeebedka oo leh baalal aanuu ku duuli karin. Daarwin waxa uu ka fekeray in xubanahan hawl gabka ahi ay noqon karaan kuwo kasoo hadhay astaamo uu lahaa asalka ama abnaqa uu ka yimi noolahani (Arrinkan laftiisa gadaal baa laga xaqiijin doonaa waxaana maanta loo yaqaannaa “Vestigial organs” ama xubnaha haraadiga ah ee hawlgabay waxaana tusaale fiican u ah baalasha goroyada).

Arrimahan iyo kuwo kale oo badan waxay Daarwin ku qanciyeen in noolayaashu is beddeli karaan.
Goortii uu Daarwin soo guryo noqday sannadii 1836 waxa uu ku qanacsanaa in uu (Evolution) ama horumar dhacay waxayse ku qaadan doontaa 22 sano oo danbe inuu aragtidiisan shaaciyo.

F.G. Dad badan waxa ay moodaan aragtida Daarwin mid ku timi riyo iyo hawaawir hal habeen ahaa oo Daarwin sameeyay, waxayse ka daman yihiin inuu Daarwin isagoo dareensan saamaynteeda soo bandhigidda aragtidan ka shaqaynayey ku dhowaad rubuc qarni.

Sanadihii (1842- 1844) Daarwin waxa uu daabacay qurubyo kammid ah aragtidiisa, waxaase soo wajahday canaan iyo ceebayn fara badan oo kaga timi culimo iyo caammaba dadkii uu la noolaa, waxaanu goostay ina anay habboonayn in uu goortan soo bandhigo aragtidiisa waxa aana uu u dhaqaaqay xog-raadis iyo baadhitaan badan oo uu aragtidiisa ku taageero.

Daarwin isaga oo badhtanka uga jira baadhitaankiisii ayaa waxaa soo gaadhay warqad uu soo diray deegaan baadhe kale oo la odhan jiray Alfred Russel Wallace, farriintani waxa ay ka hadlaysay isla aragtida uu Daarwin diyaarinteeda ku hawlanaa ee (Theory of Evolution by Natural Selection).

Bishii Noofeembar sannadkii 1859 Daarwin waxa uu daabacay buuggiisii taariikhda galay iyo aragtidii abid ugu cajiibsanayd ee aadane ka fekero (Origin of Species by Means of Natural Selection).

Intan waxaa inoo xigi doona sharraxaad ku saabsan aragtidu waxa ay tahay iyo tiirarka ay ku taagan tahay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments