Ilaaha Maxammed waa Ilaah noocee ah?

I
Qoraalkan waxa aynu ku eegeynaa dhab ahaanshaha ilaaha Islaamka ee soo wakiishaday Maxammed, waxaynu hubinaynaa inuu yahay ilaah jira oo run ah sida Maxamed inoo sheegay iyo inuu yahay mid gacan ku rimisa oo Maxamad sameeyey si uu magiciisa ugu qaraabto.

 

Naxariista ilaaha Maxamad

Maxamed quraankiisa wuxuu ku sheegay in ilaahey ogaalkiisu ka sarreeyo ka abuurkiisa, naxariis badan yahay, caddaalad badan yahay… Maxamad ma ka run sheegay sifooyinka Ilaahiisa?
Marka ugu horreysa ilaaha Maxamad waa mid ogaa in uu cadaabi doono balaayiin dad ah kahor abuuritaankooda, markaas ayuu diyaariyay cadaab uu ugu talo-galay in uu ku shiilo dadka uu abuuri doono mustaqbalka badankooda, Ilaahaas ma Ilaah caddaalad iyo naxariis badan ayaan ku tilmaami karnaa maadaama uu ogaa in uu silcin doon dad badan mustaqbalka  hadana uuna ka laba-labayn abuuuritaankooda.
Waxaan u abuuray Jahannamo(cadaabta) wax badan oo jinni iyo insiba leh, waxayna leeyihiin quluub ayna wax ku kasayn, waxayna leeyihiin indho ayna wax ku arkayn, waxayna leeyihiin dhago ayna waxba ku maqlayn, kuwaasina waa xoolo oo kale. waana ka sii dhunsanyihiin, kuwaasina waa uun kuwa halmaansan.” Al-Acraaf- 179.
Haddaad ku dadaashid hanuunkooda Eebbe ma hanuuniyo cidduu dhumiyay mana helaan gargaare.” Al Naxl- 37.
kuwii gaaloobay waxaa isugu mid ah udigtayaa iyo umaadan diginaa mana rumeeyaan (xaqqa)”. – Al Baqrah- 6.
Eebbaa daabacay quluubtooda iyo maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley dabool waxaana u sugnaaday cadab weyn.” Al Barqah- 7.
Ilaahaas ogaa in uu dadka cadaabi doono hadana ka dhabeeyey ma ilaah naxariis leh baa? Adigu haddii aad ogtahay in qof tabar yar oo wadada yaalla uu baabuur jiiri doono labo saac kadib waad ka bad-baadin kartaa haddii aad naxariis leedahay qofkaas in uu baabuur jiiro sababtoo ah waxaad og tahay haddii aad ka tagto inuusan sii noolaan doonin, Ilaaha Maxamadse isaga oo og in dadkan cadaabka lagu soli doono ayuusan joojin balse isagu sheekada dhanba allifay, hadaba innagoo u jeedna naxariis darrada Ilaahan iyo caddaalad xumadiisa maadaama qof aan dhalan uu qorayo inuu ku waaro cadaab sidee buu Maxamad inoogu sheegi karaa inuu yahay kuwa naxariista ka ugu naxariista badan? Ilaahey ma labo waji ayuu leeyahay oo kan la ina baray mid aan ahayn ayaa u qarsoon?

 

Dabeecadaha Ilaaha Maxamad

Maxamad wuxuu quraankiisa meelo badan ku sheegay in ilaahey uu yahay mid awood badan oo wax walba og. Wuxuu yiri; waa mid xumaanta ka nasahan, waa mid buuxa dhinac walba oo aan dhamaystir u baahnayn, hadaba Ilaahan dabeecadihiisu waa caynkee?
Ilaaha Maxamad ina baray waa ilaah dabeecad qallafsan, xanaaq badan, dhaar badan, aar-goosiga jecel, murugooda, qoomamooda, farxa sidoo kalana aad u carooda sida bini’aadanka. Ilaaha Maxammed waa Ilaah aan aad u caqli badneyn oo dadkuu abuuray ayaa ka xanaajiya, dadkii uu ogaa in ay ka xanaajin doonaan ayuu hadana ka xanaaqayaa. Ilaaha maxamad sida bini’aadamka ayuu u xisaabtamaa oo iskama weyneysiiyo balse dadka uu abuurtay ayuu ka aarsadaa markey ka xanaajiyaan.
Quraanka ayuu maxamad ku sheegayaa in uu ilaahey xanaaqo, sida ka muuqata aayadahan hoose;
 “Markey na cadha galiyeenna waan ka aarsannay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan” Az-zukhruf-55.
 “Saas waxaa ugu wacan inay raaceen kuwaasi wax Eebbe ka caroodo, neceenna raalli ahaanshihiisa, markaasuu buriyay camalkoodii.” Muxammad-28.
Ilaahey hadduu ogaa in ay dadka ka xanaajin doonaan muxuu u xanaaqayaa? Ilaahey ma waxa uu ka cabanayaa isfiilito iyo xanuunada kale ee dadka ku dhaca mise caqli la’aan ayaa heysa oo wuxuu garan waayay qofka filim qora inuusan xanaaqin xilliga uu daawanayo filmkiisa?
Ilaahey wuu awood badan yahay dabeecadaha dadkana ma leh iyo dadka ayaa ka xanaajiya wax isku meel gali kara maahan. Sidee dadka oo tabar-yar uga xanaajin karaan isagoo awoodda badan?
Maxamad ilaahey wuxuu ka dhigay sida badawdii carbeed oo kale oo wuxuu ka dhigay ilaah dabeecad xun.

 

Ilaaha maxamad ragga ayuu u eexdaa dumarkana wuu yasaa!

Diinta islaamku maadaama ay ka soo baxday bulsho carbeed oo dhaqan rageedku hagayay wax lala yaabo maaha inay noqoto diin rageed, Ilaaha Maxamadna waa mid aad ugu dhaga furan ragga oo agtooda taagan xilliga ay u baahan yihiin balse neceb jinsiga dumarka.

  • Ilaaha quraanku waxa uu farayaa ragga inay dumarkooda ku xiraan guriga ilaa ay ka dhimanayaan sida ku xusan aayaddan; “Dumarka sineysta ee laqabo ku haya guridooda ilaa ay ka dhintaan.” Al-Nisaa-15.
  • Ilaaha Maxamad ragga dhaxalkooda wuxuu ka dhigay labo jibaarka dhaxalka dumarka, Ilaahani ma oga miyaa in dumarku ay tabar yar yihiin oo raggu ka xoog badan yahay ayna mudnayd in iyaga dhaxalka loo badiyo haddii cid la garab qabanayo? Tusaale; haddii aabaha ama hooyada caruurta uu dhinto oo uu ka tago boqol Doolar, gabadha waxey heleysaa 33 Doolar wiilkana wuxuu helayaa 66 Doolar oo dhaxal ah, caddaalad xumadaas bal u fiirso. Aayadaha dhaxalka ragga iyo dumarka ka hadleya waa aayadaha 11 iyo 176 ee suuradda Al-Nisaa.
  •  وَلَنۡ تَسۡتَطِيۡعُوۡۤا اَنۡ تَعۡدِلُوۡا بَيۡنَ النِّسَآءِ وَلَوۡ حَرَصۡتُمۡ​ فَلَا تَمِيۡلُوۡا كُلَّ الۡمَيۡلِ فَتَذَرُوۡهَا كَالۡمُعَلَّقَةِ​ ؕ وَاِنۡ تُصۡلِحُوۡا وَتَتَّقُوۡا فَاِنَّ اللّٰهَ كَانَ غَفُوۡرًا رَّحِيۡمًا
    Aayaddan waxey amreysaa in ninka uusan si cadaalad ah ula dhaqmi karin naagihiisa. Al-Nisaa-129.
  • Naagta ma furi karto ninkeeda laakiin, ninka naagtiisa wuu furi karaa markuu doono, Quraanka wuxuu meelo badan ku cel-celiyay in nimanku ay maamulaan dumarka oo nimanku u fasaxan yihiin inay garaacaan naagahooda (AlNisaa-34).
  • Dumarku ma guursan karaan nin aan Muslim aheyn, laakiin nimanku way guursan karaan naag aan muslim ahayn.
  • Dumarku safar kaligood ma aadi karaan ilaa uu ninkooda ama nin ehelkooda ahi la socdo mooyee.
  • Hal naag markhaati ma gali karto ayuu leeyahay Quraanka oo markhaatiga labo naag ayaa u dhigma hal nin markhaatigiis markii maxkamad la joogo.

Ilaaha Maxamad waa Ilaah afaaro jacayl la wadaaga ragga oo haweenka iskuma wanaagsana.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamku miyuu karaameeyey dumarka?

 

Ilaaha Maxammed dadka ayuu isku diraa oo wuu kala qeybiyaa

Maxammed wuxuu quraanka ku caddeeyey in ilaahey uusan rabin in uu dadka mideeyo oo hal diin yeeshaan balse uu rabo in uu dadka kala qeybiyo si ay isaga hor-yimaaddaan sida aayaddan ku xusan;
 “Hadduu doono Eebbe wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad kaliya, laakiin wuxuu galiyaa cidduu doono naxariistiisa, daalimiintuna ma helaan sokeeye iyo gargaare midna.” Al-Shucaraa-8.
 “Hadduu doono Eebbe wuxuu idinka yeeli lahaa ummad kaliya wuxuuse dhumiyaa cidduu doono, wuuna hanuuniyaa cidduu doono, waana laydin warsan waxaad camal falayseen.” Al-Naxl-93.
Bal u fiirso caqli xumada aayadahan kore ku qoran, aayadahani waxey leeyihiin ilaahey ayaa dhumiya dadka, waxey kale oo leeyihiin waa laydin warsan waxaad camal faleyseen. Ilaaha intuu dhumiyo dadka hadana ku cadaabaya waxa ay camal falayeen soo maaha ilaah aan caqli laheyn sababtoo ah wuxuu leeyahay dadka ayaan dhumiyaa kadibna waxaan weydiiya waxey u dhumeen oo ay ii caabudi waayeen.

 

Ilaahay wakiil ka socda oo carabi ku hadla miyuu u baahan yahay?

Haddaan ka yeelo kitaabka quraanka luuqad ajanabi ah waxay dhihi lahaayeen maxaa loo caddayn waayey aayaadkiisa, ma (quraan) ajanabi ah iyo Nabi (carabi ah), waxaad dhahdaa isagu kuwa rumeeyey wuxuu u yahay hanuun iyo caafimaad, kuwa aan rumeynina dhagahooda waxaa ah culays, waana ka indha la’ yihiin kuwaasna waxaa looga yeeri meel fog.” Fussilat-44.
Annagaana soo dejinay isagoo quraan carabi ah inaad kastaan” Yuusuf-2.
Annagaa ka yeelnay quraan carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed.” Zukhruf-3.
Rasuul kuma dirro waxaan afka qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebbe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan.” Ibraahim-4.
Adduunka waxaa jira in ka badan 6000 oo luqadood, sida kor ku xusan aayadahanna Ilaaha Maxamed wuxuu leeyahay Quraanka carabi ayaan ku soo dejinay si ay dadku u kasaan, hadaba haddii hadalkani ku socda carabtii lama-dagaanka carbeed daganayd oo kaliya waa wax maangal ah balse adduunka oo dhan haddii uu ku wajahan yahay ma garanayo sida ay u fahmayaan ama u kasayaan adduunka oo dhami luqqad ay ku hadlaan in ka yar 5% dadka adduunka ku nool.
QORMO LA XIRIIRTA:  Nebi Maxamed ma mudan yahay ku dayasho?
Ma og tahay in nimanka sheegta nabinimada iyo in ilaah sare soo dirsadey ka soo jeedaan dhammaantood bariga dhexe (Middle East) sida nabi Ibraahiim, Ciise, Maxamad iyo nabiyada kale ee quraanku sheegay? Haddii uu ilaahani danaynayo in dadku oo dhami caabudaan muxuu kaga meeraysanayay beriga dhexe oo kaliya oo halkii tuulo toban nabi ugu soo dirayay halka adduunka qayibhiisa kale fikraddan diimuhu waqti dhow gaartay nabina ayna waligood maqal? Adduunka oo dhan ma bariga dhexe baa mise ilaahey wuxuu jecel yahay dadka bariga dhexe kaliya?
Tani miyayna caddaynayn inay diimaha iyo fikradda nabinimadu ahayd mid hal deegaan ka soo abxday kadibna qolaba qolada kale ka sii minguurisay khuraafaadkii iyo sheekooyinkii ay dhoodhoobeen.

Ilaaha Maxamed ina baray waa mid aan u qalmin xittaa inuu u noqdo boqor wadamada kali taliska ah ee adduunkeenan maanta, Maxamed iyo saxiibadii waxa ay meel uga dheceen oo sharaf dileen Ilaaha hadiiba uu jiro, quraankuna maaha wax dhaafsiisan hadalkii Maxamed.

Qormadan waxa lagu sameeyey tifatir meelaha qaar, assalkeediii waxa ay ka muuqatay degalka Baarista Quraanka by Makaxda Xoree | 03 May 2010.
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Anonymous
Anonymous
1 Sannad Kahor

Naclatulaah caleyka nijaasyahow in sha,Allah waalagu goorici doonaa goorey tahayba insha,allah

W/Q: Qoraa Dahsoon