Ilaahay iyo dadka kee wax abuuray?

I

Xidhiidhka ka dhexeeya Illaahyada iyo dadka mar walba wuxuu ahaa xidhiidh ka bilawda kuna dhamaada hal dhinac oo keliya. Dadka ayaa ka sheekeeya, aamina, barya, iskuna dhibaateeya Illaahyada dartood iyaguse waa Illaahyadee wax jawaab ah ama fal-celin ah lagama hayo.

Caqliga dadka ayaa mar walba isagu ahaa ka keena oo abuura jiritaanka Illaahyada, dadku wixii aanay garanayn ama ku adkaada ama ay aad uga helaan qaab dhismeedkiisana ay la yaabaan waxay jecel yihiin inay u nisbeeyaan una tiiriyaan awood iyaga ka baxsan kana xoog wayn, dadku waxay kaloo jecel yihiin inay jirto meel loo baxsado marka xaal adkaado oo baryo ama habaar loo tiriyo si isbedel loo helo.

Illaahyada adduunka ka jiraa haku kala duwanaadeen habka loo caabudo, magacyada ay leeyihiin ama deegaanka laga caabudeyo iyo cidda caabudeysa waxa hubaal ah inay dhanka awoodaha ka siman yihiin. Ma jiro Illaah wax bedeleya ama soo degeya isagoo oodihiisa wata, mana jiro Illaah aqbalaya calaacalkaaga iyo inkaarahaaga balse adiga uun ayaa isku qancinaya inaanu hadda kuu jawaabeyne ay tahay inaad muddo sugto.

Dhammaan Illaahyada aduunkan lagu caabuda waxay u baahan yihiin inay dadku caabudaan, guryo u dhisaan, ka sheekeeyaan, dhiigna u daadiyaan iyagoo difaaceya.
Illaahay adiga ayuu kaaga baahan yahay inaad u cadhooto marka wax laga sheego isaga, ama aad fuliso qoraal yar oo ku qoran buugga aad tiri Illaahay baa soo diray laakiin ay awoowayaashaa ama dad kula mid ahi qoreen.

Illaahaaga magacaad doonto ugu yeedh waxaase xaqiiq ah inuu adiga kuu baahan yahay adiguse aanad u baahneyn. Masaajidka ama kaniisadda adaa dhisaya, ku tukaneya, ilaalinaya si aan loo xadin ama loo dumin. Ilaahaaga intaad guryo u dhisto, ku caabuddo hadana aad cadawgiisa uga ilaalisaa ma gar baa?

QORMO LA XIRIIRTA:  Noloshii Warmooge iyo la kulankii Eeebbe

Illaahyada maanta adduunka lagu caabudaa waa kumanaan waana isma dhaanto mana jirto sabab aad ku aaminto in kaagu ka saxsan yahay kuwa kale, dhammaan Illaahyadaasi waxay u jiraan magac ahaan ama dhagax ahaan mana jirto jiritaan nololeed oo ay leeyihiin.

Ha xanaaqin hana waalan, balse waxaad is waydiisa Illaaha aad aaminsantahay awooddiisu intay le’egtahay? Waxaad kaloo is waydiisa isagu inuu is difaaci karo iyo in kale? Haddey kuu soo baxdo inuu is difaaci karo sabab aad u difaacdaa ma jirto, haddii aanu is difaaci karin adigana uu difaac kaa rabo sabab aad u sii caabudo una wayneysaa ma jirto.

Illaahyada dadka ayaa abuura mana jiraan Illaahyo dad abuuray. Illaahyada adduunka ka jira ha ahaadeen kuwo aan la arag ama kuwo dhagaxa ee la arko intaba waxa abuuray caqliga dadka mana aha wax dhaafsiisan caqliga kuwa aaminsan iyo buugaagta ay ku qoran yihiin. Illaahnimo haddey jirto waa inay la socotaa awood xadhkaha goosatay oo dhan walba ah cidnana aan ku tiirsanayn. Fulitaanka doonista Illaaha aad caabudaa haddey adiga kugu xidhan tahay iskaga tag uma qalmo inaad caabude.

Ma jirto diin ka madax banaan bani aadamka ama dadka. Qof baa yiri dhagtaa afka la ii saaray oo Illaahay buu ahaa, nebi ayuuna sheegtay, mid kale ayaa soo boodey oo yidhi Illaahay baa i dhalay oo curadkiisa ayaan ahay, qolyo kale ayaa yidhi waan ku riyoonay ama maankooda ka keenay Illaah u muuq eg xayaawaan ama qof kadibna isagoo dhagax ah sameeyey si loo caabudo.

Kan islaamka oo kale nabi Maxamed oo ahaa ninkii la yimi diinta ayaa yidhi Illaahay wuxuu yidhi: dadka waxaan u abuurtay inay i caabudaan (وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون) ma is waydiisey Illaahaasi wuxuu cibaadada ku falayo? Maxay u taraysaa? Isaga qiimahay ugu fadhido ma garan?

QORMO LA XIRIIRTA:  Alle iyo Masayrka maxaa kala haysta?!

Illaahaaga haddii aad adigu ka tanaasusho oo aad hubka dhigto masii jirayo, hadii aad joojiso ka hadalkiisa ma sii jirayo. Adigu cudur daar ha u samayn oo ha odhan wuu ku dili doona, adiga ammaan halagaa helo Illaah ma jiree.

Fulaynimada ama cabsida laga cabsanayo waxa dhici doona geerida kadib iyo waxyaabaha ay xal u waydo maskaxdu ayaa keena oo abuura khuraafaadka jiritaanka Illaahyada. Markasta oo garashada dadku korto cilmiga iyo tiknoolajiyaduna heer sare gaadho waxa sii yaraanaysa ugu danbayna meesha ka baxaysa baahida loo qabo Illaahyada. Qarnigii toddobaad iyo maanta isku baahi uma qabno Illaahyada.

Dadka ayaa abuuray Illaahyada waana gef iyo caqli xumo beentii ay dadku sameeyeen inay noqoto run dadkiina ay isku dhibaateeyaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments