Dulmi wuxuu yimaaddaa marka ay lunto isu dheelli tirnaanta awoodaha noocay doonaan ha ahaadeene ama goorta cid gaar ahi ay yeelato awood jidh ahaaneed ama maskaxeed oo ay ku muquuniso cid ka awood yar ama isu aragta inay ka awood yartahay sababa jira awgeed. La xisaabtan la’aanta iyo ku keliyaysashada awood xad dhaaf ah ama awood siinta cid aan mudnayn oo ku tagrifasha awooddaas ayaa dhasha dulmi iyo is muquunin.

Marka aan waydiinta ah “Illaahay ma daalin baa?” keenno waa inaan caddayn uga raadinnaa Quraanka iyo Xadiisyada, caddayntaasi ha ahaato mid isaga difaacaysa ama mid eedaynaysa kuna caddaynaysa inuu denbiile daalin ah yahay.

Sida ku cad Quraanka Ilaahay isaga ayaa abuuray dadka ama noolaha oo dhan, sidoo kale wixii noolahaa ku dhaca ama ay la yimaadaan wanaag iyo samaan ama dhib iyo dheefba waa wax uu isagu leeyahay qadarkeeda iyo ogolaansheheedaba hadday wanaag iyo dan dadka u tahay, sidoo kalena eedda wixii dadka dhib gaadha isagaa leh. Suurtagal maaha wanaagga samayntiisa inaan isaga u nisbayno, xumaantana aan innagu qaadanno.

Illaahay wuxuu xadiith qudsi ku yidhi: “naftayda waan uu diidey inay dulmi ku kacdo, dhexdiinana waan ka mamnuucay dulmi ee ha is dulmina”. Hadalkan micnihiisu waxa weeye idin dulmiyi maayo haddaan Illaahay ahay ee idinkuna ha is dulminina haddaad dadka tihiin. (اني حرمت ظلم على نفسي وجعلته محرما بينكم) hadaba hab-dhaqanka Illaahay ma yahay mid ka run sheegeya hadlkaas? Jawaabtu waa maya. Illaahay wuxuu quraanka ku yidhi: “Illaahay waa siduu doono yeele” (ان ربك فعال لما يريد) hadduu siduu doono yeele yahay saw xaq u yeelan mayno inaan is waydiino kalsoonida hadalkiisii hore lagu qabi karaa inta ay le’eg tahay, hadduu siduu doono yeele yahay maxaa diideya inuu ina dulmiyo?

Quraanku wuxuu sheegeyaa in talada adduunku tahay mid isaga oo keliya go’aamiyo oo aanay jirin cid talada la wadaagta (لا شريك له), ku keliyaysiga awooddu waa hooyada dulmiga, sababtoo ah kelitalisnimo kolkay timaaddo waxaa meesha ka baxaya isla xisaabtankii laf dhabarta u ahaa caddaaladda. Isla xisaabtankaasi waa waxa iska hortaageya in cid gaar ahi awoodda si khalad ah u adeegsato, hadday luntana waa bar bilawga dulmiga. Kelitaliye siduu doono yeele ahi inuu dulmi ku kacaa waa marag ma doonto.

Ilaahay wuxuu yidhi: anaa wax lumiya waxna hanuuniya  ( يهدي من يشاء ويضل من يشاء), hadalkani wuxuu inoo caddaynayaa in Ilaahay yahay ka keliya ee wax lumiya waxna toosiya dadkuna aanay lahayn doonis xor ah oo ay ku kala doortaan falalka ay ku dhaqaaqaan. Ka warran haddaan anigu ku lumiyo kadibna aan kugu ciqaabo inaad luntay? Taasi saw dulmi cad maaha? Haddii aynu ku doodno Ilaahay dadka ma lumiyee wuu toosiyaa oo keliya, miyaanay taasi noqonayn inaan ka been sheegeyno oo isku deyeyno inaan ka difaacno denbiga iyo dulmigan luminta ah ee uu isagu ku qiranayo quraanka meelo badan oo kamida?

Illaahay wuxuu kaloo yidhi: waxaad ka baqdaa dhibaato aan haleelayn ama ku dhacayn kuwiina denbiilayaasha ah oo keliya (واتقو فتنة لا تصيبن الذين ظلمو منكم خاصة) oo macnaheedu yahay in Illaahay uu si isku mid ah u ciqaabayo kuwa gefey iyo kuwa aan gefin. Denbiile waliba inuu gurto midhaha gefkuu galay waa arrin gar ah cid dood ka qabtaana ma jirto, laakiin in la ciqaabo qof aan wax denbi ah geysani saw dulmi maaha?

Ilaahay wuxuu sheegtay inuu isagu noolaha oo dhan abuuray, maalka, caafimaadka iyo barwaaqadana uu isagu qaybiyo. Ma caddaaladbaa in dadka qayb ka mid ah uu indha tiro ama curyaamiyo? Ma gar baa inuu dadka qaybna dan yar liidata ka dhigo qaarna hantiilayaal? Ma gar baa inuu dadka qaar dhergiyo qaarna gaajo, harraad ama oon iyo diif ku dilo? Jawaabta waydiimaha sare ku xusan oo dhami waa maya. Gar maaha balse waa dulmi loola badheedhay dadka qayb ka mid ah iyo eex loo eexday qaybta kale. Haddii aan si kale u dhigno kuna doodno aragtida ah in la isku eegeyo dadka bal inay wax is tartaan oo is caawiyaan iyo in kale, hadaba aynu is waydiinno ma jiraa qof mudan in loo naafeeyo loona bahdilo si ka kale ee wax haystaa ugu mahadnaqo Illaahii dulmigaas sameeyey ee u eexday? Ma jiraa qof mudan in la geliyo xaalad dhaqaale oo aad u hoosaysa ama saboolnimo daran si kuwa eexda wax lagu siiyey ay hanbadooda u tuuraan? Ma dulmi ka wayn baa jira in kii adiga saboolnimada ku geliyey isla isagii ay abaal marin ama ajar kaga doontaan kuwii uu kaaga eexday shilimaadka ay ku siiyaan ee sadaqada ah? Ma garbaa marka qof maskiin ah oo dayac iyo gaajo asaaggii ka reebtay kaa tuugsado wuxuu nafta ku badbaadiyo isagoo gacmaha kuu hoorsanaya inaad adiguna ugu jawaabto “Allaah kariim” ama “Illaahay wax ha ku siiyo”? Cidda wax bixisa saw Illaahay maaha? Cida tuugsiga iyo baryada biday qofkaas saw Illaahay maaha? Jawaabaha waydiimahan akhristayaal idinkaan idiin dhaafayaa.

Haddii aan ku doodno innagoo Illaahay ceeb kala cararayna dadku iyagaa shaqaysan waayay oo is dayacay,  hadalkan waxaan uga jeedaa in lagu doodo karti darrida dadka qaar iyo mashaqystenimadooda ayaa sabool ka dhigtay kuwa danyarta ah, hadaba maxaynu ka dedaalla ee shaqaysta hantiilahana noqda u dhehnaa “Illaahay baa siiyey”? In guul darrada dadka la saaro guushana Illaahay la siiyo waa dulmiga laftiisii oo waxa imanaysa waydiin kale oo ah “Muxuu Ilaahay qof gaar ugu deeqay hanti kuwa kalana kartidooda ku hallleeyey?.

Adduunka waxaa ka dhaca abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo galaafta nolosha noole badan. Abaarahaasi waxay ka mid yihiin waxyaabaha naafeeyey nolosha dadka ay kamidka yihiin Soomaalidu, sida Illaahay ku dooday kuwa rumeeyeyna ay qirsan yihiin roobka Illaahay ayaa keena. Haddii roobku yahay wax Illaahay keeno, abaartuna saw noqon mayso natiijadii ka dhalatay xannibaaduu xannibay roobka? Miyaanay dulmi ahayn in noole dad, dhir, deegaan iyo xoolaba leh kuna noolaa roobka laga xannibo roobkii oo ay oon iyo harraad u dhintaan? Saw gunnimo maaha in Illaahay ku qasbo dadkuu roobka ka xannibay inay baryootamaan si uu biyaha ugu soo fasaxo? Dhulka qayb ka mid ah iyo waxa ku nool in aanu Illaahay ka xannibin roobka oo ay biyo ka dhergaan qaybina harraad u dhammaato saw caddaalad darro iyo dulmi maaha? Ilmaha aad dhashay oo oomman biyihiina aad adigu u hayso inaad ka xayirto kuna qasabto inuu kaa baryo biyo uu nafta ku badbaadiyaa saw gabood fal wayn maaha?

QORMO LA XIRIIRTA:  Roobka ma Ilaah baa keena?

Hadaba saw garteen maaha inaan qirno in Illaahay yahay daalinka ugu wayn, ka dulmiga bilaabay iyo dulmi walba oo kownka ka dhaca midka hore u jaangooyay?

Waxaa aan kor ku soo sheegay oo dhami waa xaqiiqooyin jira dadkuna arkaan balse cabsi darteed ay uga aamusan yihiin. Dulmigu waa mid meeshuu doono ha ka dhaco, ciddii doontaana ha ku kacdo. Ma jiro dulmi mudan in laga aamuso raallina laga ahaado iyo mid ay tahay in la iska diido. Dulmi waa dulmi cid kasta oo ku kacdaa magacay doonto iyo derejaday doonto ha lahaate waa daalin ama dulmiile ay waajib tahay in la iska dhiciyo heeryadiisana la iska tuuro.

Waxaa la yaab kale ah is burint hadallada Illaahay, dulmiga waan diidey ayuu yidhi hadana dulmi oo dhan isagaa sabab u ah oo qaddaray inay dhacaan, raallina ka ah dulmiga meel walba ka socda marka kiisa laga yimaado. Is burinta hadallada Illaahay markaan aragno innaga oo aan marmarsiiyo u raadin saw waajib maaha inaan nafteenna runta u sheegno oo qirno laba wajiilaynta Illaahay? Saw gar maaha inaan qiranno nafeheenana u sheegno xaqiiqda ah in Illaahay yahay beenaale wayn? Mise qiil baan u raadinaayoo waxaan dhehnaa Illaahay isma maqlo ama isma maqlayn waaguu Maxamed Quraanka usoo dhiibayey? Mise waxaan ku doodnaa Illaahay been ma sheego daalinna maahee xasuustiisa xun oo wuxuu shalay yidhi maanta ma xasuusna? Mise waxaaban ku doodnaa in ilaahay immika ilbaxay oo dhaqamadiisii hore ee kelitalisnimada iyo dulmiga ahaa bedelay? Inkastoo tan danbe ayna ka muuqan kownka oo wali caddaalad darro baahsani jirto. Dhankaad doontaan u qaada runtuse waxay tahay haddii aynu sugno inuu leeyahay awood uu ku joojin karo dulmigaas balse uuna joojin inuu noqonayo daalin, dulmigana raalli ka ah .

Haddii si kastaba ha u dhacdee aan isla qirno in Illaahay yahay daalin, is waydii ma mudan yahay inaad ammaan iyo baryo la daba joogto ama aad caabudo oo wayneyso? Illaahnimo maaha inaad u qirto wax aanad arag, welibana qiraal ku ah oo lasoo taagan dulmi, dhac, dil, eex, arxan darro iyo gaajo. Illaahnimo waxa mudan cidda ku sifawda ama laga helo caddaalad, naxariis, barwaaqo, dhereg, caafimaad iyo run aan dhammaad lahayn baryo iyo isbahdilna aan ku xidhayn deeqdaas.

Cidna ha dulmiyin, dulmina ha yeelin, qiilna ha u raadin.