Ilaalinta Xuquuqda Dumarka iyo Waddamada Islaamka!!

I
Xilligii ay go’aansatay dowladda Switzerland dhisitinakaa masaajiddada! Kama aan akhrin saxaafadda Carabta wax arrinkaas ku saabsan.  Waxaan la yaabay markan ka akhriyey jariiradda Al wadan ee Sacuudiga kasoo baxda qaybteeda internetka bishi Maarso, 2010, maqaal uu qoray qoraa lagu magcaabo Turki Al-dakhiil. Maqaalkaas, oo ahaa mid uu kaga maadsanayo sida ay u ilaaliyaan xuquuqda xayaawanka dalka Swizterland.

Maqaalku wuxuu ka sheekeynayay qareen ku nool magaalada Zurich, oo magaciisa la dhaho Anthoni; shaqadiisun tahay in uu difaacista xuquuqda xayawaanka kaga hawlgalo maxkamadaha dalka Switzerland. Anthoni wuxuu isku bari yeela markaa shaqadiisa wax laga weydiiyo, “Micnaha caddaaladu waxa weeye inaad difaacdo kuwaa aan awoodin inay difaacaan nafahooda!“. Qoraalka Al-dakhiil ee maadda ah, wuxuu ahaa mid laba dhinac le’ ah; dhinac wuxuu ahaa maad laga maadaysanayo waddan aan qof qudha oo Muslim ahi jeclayn inuu kaa maadsado ee jeclaan lahaa in uu ku noolaado; dhinac kalena wuxuu ahaa yeedhmo loo dhawaaqayo waddan aan ilaalin xuquuqda dadka (Sacuudi); Musliimintuna aanay jeclayn in la dhaliilo!.

Dhammaan faalloyinkii laga bixiyey maqaalka Al-dakhiili waxay ahayeen kuwa fudud oo qosol ku lammaan yahay. Waxaa ka mid ah falcelimahaas mid ay qortay gabadh Sacuudiyaan ah, oo tidhi, “Hoogeygiiyey maan noqdo sac ku nool Switzerland!“.. Falcelinatani waxay uu eegtahay mid maad ah. Laakiin, waa mid dhab ah oo salka ku haya gabood-fallo dhab ah. Doonista gabadha Sacuudiyaanka ah ee ah inay hesho badh ka mid ah xuquuqda lo’da Switzerland waxay caddeyn u tahay saboolnimada ku haysta waddankeeda iyo sidaa aan loo ilaalin xuquuqdii dumar ahaan ay u baahnayd in ay ka hesho dowladda uga hantida badan dunnida carabta—Sacuudiga!!. Hadalka gabadhani wuxuu noqonayaa mid habboon, oo yimi wakhtigiisi barti loogu talogalayna yaala. Haddii aynnu dhugmo iyo fiirsasho u yeelano nolosha dhabta ah ee dumarka ku nool Sacuudiga ee laga xarrimay dhammaan xuquuqahoodii, oo weliba u ka xarrimay waddan isu arkaa inuu yahay qalbiga Islaamka!.

QORMO LA XIRIIRTA:  Abuurka yaa halleeyey?

Xorriyadda ka maqan dumarka Sacuudiyaanka ah maaha oo qudha, cabirrista ra’yiga, socodka iyo waxbarashada ee waxay cagta hoosteeda ugu jiraan magac diimeed iyo mid qaanuun (Fatwo diimeed iyo xeer Sacuudi), dumarka Sacuudigu boqolkiiba sagaashan iyo saddex(93%) waxay la kulmaan nooc kasta oo ciqaabi iyo cunfi lee yahay sidaa lagu sheegay warbixin aqoomeed dhowaan soo baxday. Wax lala yaabo noqon mayso markaa in Sacuudigu cidhiidhsado kalmaha ugu hooseeya xuquuq ilaalinta sidaa lagu sheegay warbixin laga soo saaray kulanka ganacsiga adduunka kaas, oo lagu gorfeeyey ilaalinta xuquuqda dumarka sannadkii 2009. Sidaa la hubo ee waqaacuna sheegayo boosaska uu dambeeya oo dhan waxay uu carbuunayeen waddamo Islaam ah, keliyaa waxaa boos kaga guuleystey kalmaha hoose dowladda Biniin ee Africa ku taalla. Inta badan waxa galay waddamada walaalaha ah ee Carbeed iyo kuwa kale ee muslimiinta badani ku noolyihiin.
Yemen waxay ku guuleystey booska ugu hooseeya si sharaf leh! Waxayna gashay kaalinta 134aad. Pakistan waxay iyana gashay 132, halka Sacuudi galay 130, waxaana ku xigay Turkey oo galay 129 waddo furan weeye wixii intaa ka dambeeya Iran 128, Masar waxay heshay boos sharfoon 126 marka loo eego walaalaheeda kale ee Carbeed. Waxaan kuba jirin warbixintan saddex dowladood oo shareecada qaybo ka mid ah laga dabbaqo, oo kala ah Soomaaliya, Suudaan iyo Afghanistan oo dumarka loola dhaqmo si aad uu liidata.
Indonesia ayaa ugu door roon waddamada Islaamka ilaalinta xuquuqda dumarka waxayna gashay kaalinta 93aad, lakiin se waxay haddana ka hooseysa waddamo badan oo ka liita kana faqri badan, balse dhowra xuquuqda dumarka.
Warbixintu waxay sheegayaa in in ka badan milyan badhkii, oo dumar Muslimiin ah ay maalin kasta la kulmaan noocyo kala duwan, oo dhibaatooyin ah; kala-saraysiin; gaaracis; kufsi iyo wax ka daran.

QORMO LA XIRIIRTA:  Luqadda Nolosha (DNA) iyo Hab-qoraalka Hidde Sidayaasha (Genes)

Dhammaan warbiximaha kasoo baxa ha’yadaha xuquuqul insaanka dowliga ah iyo kuwa maxaliga ah waxay qirayaan tiro-koobkan, waxayna ka digayaan xaaladda dumarka Musliiminta ah ee ku dhex nool bulshada Islaamka u nisba sheegata iyo khataraha soo wajahaya bulshooyinkaas, oo ay ka mid yihiin mustaqbalka waxbarasho iyo ganacasiga waddamadaas, madaama ay dumarku haddii loo ogolaan laha ay ka qayb qaadan lahayeen kor-u-kaca waxbarashada iyo dhaqaalaha. Su’aal baa halkaas la iska weydiin kara ah, dumarku ma ka qaybqaadan karaan horumarka bulshada?

Sidee ayey bulsho u doonaysa in ay horumar ku talabsaadaan iyadoo badh ka mid ah bulshada uu curyaaminayoo badhkii kale—Dumarka—, iyagoo horumar kale iska daa in ay u ogoladaan ee doonaya in ay dooraan habkii ay u noolaan lahayeen iyo habkay u lebbisan lahayeen?!.

Tixraac: Dhicitaanka Caalamka Islaamka… Aragtida Mustaqbaleed ee Ummad sii Dabbargo’aysa. (سقوط العالم الاسلامى .. نظرة في مستقبل أمة تحتضر – حامد عبدالصمد)

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments