Ilgayr

I

SHhan boqol oo waji oo kun indhood leh haddii qof hadlaya xaggiisa loo jeediyo wuxuu qofkaasi joogaa ”Ilgayr”, waxaana aad u badan in dadku markii ay ilgayr ka hadlayaan ay dareemaan dhibaatooyin iyo culaysyo aysan dareemeen haddii ay saaxiibbadood gaar ula hadlayaan.

Dhibaatooyinkaas uu qofka ilgayrta ka hadlayaa dareemayaa waxay sii daran yihiin haddii uusan qofku weligiis ilgayr ka hadlin. Waxaa kale oo uu qofku dhibta ilgayrta aad u dareemaa haddii uu la hadlayo dad ka heer duwan kuwii uu la hadli jirey, sida in uu qof macallin ahi ka horhadlayo macallimiin ay siminaar ku kulmeen ama dad kale oo ka heer duwan dadkii uu la hadli jirey.

Dadka badankoodu waa ay ka baqaan in ay ilgayr ka hadlaan, waxaase jira dad dhifdhif ah oo iska jecel in ay ilgayr istaagaan oo ay ka hadlaan, laakiin waa dad aad u yar oo waxaa fiican in aynu guud ahaan ku adkaysanno in ay dadka dabeecad u tahay in ay ilgayrta ka wada baqaan oo aan qof gaar ah lagu xaman karin. Isla markaas dadka ilgayrta in ay ka hadlaan jecel laftoodu waxay u baahdaan in la baro sida ugu fiican oo ilgayr looga hadlo oo mar walba hawlaha ilgayrtu ma ay sahlana.

Wax kasta oo dadka ku cusub waa laga baqaa sida in uu qofku wax gado asaga oo aan weligiis waxba iibin, laakiin in ilgayr laga hadlaa waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn oo ay dadku la wareeraan, oo waxaa laga yaabaa in ay qaar miyirbeelaan markii ay ilgayr istaagaan.

Maqaallo hore oo aynu ku taataabannay aftahmada iyo hadalka waxaynu in yar ka sheegnay siyaalaha ilgayrta looga hadlo, laakiin si buuxda ugama aynu boqan arrimaha ilgayrta. Sidaas awgeed ayeynu maqaalkaan yar ku guudmaraynaa waxyaalaha la xariira in ay dadku fagaare ka hadlaan.

Baqdinta ilgayrta in uu qofku ka sabatobaxaa waa arrin xoogaa dhib badan, laakiin waxaa lagu yarayn karaa in uu qofku fahmo baqdinta lafteeda. Guud ahaan baqdinta waxaa u dawo ah in la sameeyo waxa laga baqayo ee in laga caracaa waxay badisaa baqdinta.

Dagaallada ciidanka qof kasta oo ay ku cusub yihiin waa uu baqaa markii loo dareero, laakiin markii uu hubku qarxo baqdintu waa ay fududaataa. Isla markaas haddii uu qofku tobaaneeye goor dagaallo noocaas ah ka qaybgalo baqdintu waa ay sii yaraataa.

Fardaha iyo baabuurta in la fuulo oo la wadaa marka hore waxay leedahay baqdin, hase yeesho ee markii lagu noqnoqdo baqdin danbe ma ay jirto, waxaana malaha la mid ah in fagaare laga hadlo ayada oo aan la baqayn.

Waxyaalaha markii ilgayr la istaagi doono baqdinta iyo walbahaarka laga magangalo waxaa ka mid ah in labo ama saddex jeer sanbabada neef laga buuxiyo oo laga sii daayo iyo in jimicsi la sameeyo ama calaacalaha la isku xoqo.

Baqdinta ilgayrtu waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu xunxun oo adduunka ka jira, waxaana dawooyinkeeda ka mid ah in la isku kalsoonaado, oo kalsoonida loo kaalmaysto in si fiican loo diyaargaroobo.

Hadalka uu qofku ilgayrta la istaagayo in uu sii qorshaystay baa ka mid ah waxyaalaha lagaga sabatabaxo lurta ilgayrta, waana in uu qofku aragtida uu sheegi doodo isku dubboridaa.

Sida hadalka loo habeeyo waxaynu ku soo dulmarnay maqaallo kale, waxaana qofkii baqaya la gudboon in uu si fiican u xafido waxa uu ka hadli doono si aysan baqdinta ilgayrtu uga kala daadin.

Bilow, duluc iyo dhammaad uu qofku og yahay waa in uu samaystaa, waana in uu dadka dareenkooda soo jeediyaa. Arrinta uu qofku ka hadlayo waa in uu qeexaa, waana in uu hadalka xubinba mar si gaar ah uga hadlaa oo uusan ku baaran.

Baqdinka waxaa badiya in uu qofku dadka iyo meesha aragtiyo xunxun ka haysto, sidaas awgeedna waa in uusan qofku ismartiyayn oo uu dadka soo jiidaa asaga oo u qaba dad fiican oo uu la hadlayo qof ay jecel yihiin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Xorriyadda fakarka iyo diinta Islaamka

Haddii uu qofku isku badiyo sawirro xunxun oo uu dadka iyo hadalka ka haysto waxaa ku sii badanaysa baqdinta ilgayrta, sidaas darteed waa in uusan qofka ilgayrta ka hadlayaa qaneecada iska qaadin ee uu niyadda khayr gashadaa.

In uu qofku neceb yahay fagaare-kahadalka iyo in uusan diyaarsanayn waa in uu niyadda ka saaraa oo uu iska dhaadhiciyaa in uu ku habboon yahay oo uu awoodo in uu meel ilgayr ah ka hadlo.

Xumaan oo dhan in uu niyadda ka sifeeyo oo uu hadalkiisa diyaarsado waxaa weheliya in uu si fiican u shanlaysto oo uu lebbis fiican qaato, waayo dadka badankoodu dharka fiican waxay u qabaan in uu macne u kordhiyo qofka qaba.

Haddii uu qofku jawaan uu sarreen ka dhammaaday soo guntado iyo haddii uu suud ama khamiis oo gashado xagga hadalka waa isku mid, laakiin waxaa jira dad badan muuqaalka ku xisaabtama. Sidaas awgeed waa in dhar fiican lagu khatalaa dadweynaha.

Walbahaarka ilgayrta waxaa lagu sahli karaa in aan la soo daahin ee xilli fiican la isku soo beego meesha ay dadka lala hadlayaa joogaan iyo in sansaanka oo dhan lala socdo oo aan la gabgablayn.

Ilkacaddayn iyo farxad waa in uu qofku iska muujiyaa markii uu fagaaraha soo istaago, indhahana waa in uu dadka xaggooda u jeediyaa ee uusan madaxa hoos, kor iyo geesaha u meermeerin.

Dadku markii ay foorjoobaan hadalka waa ay boobsiiyaan, sidaas awgeed waa in uu qofku aashiis u hadlaa oo uu meelaha xiisaha leh xoogaa aamus ah geliyaa, waana in uu iska ilaaliyaa istustus ama in uu iska dhigayo qof uusan ahayn oo uu si dabiici ah u hadlaa.

Dadka uu la hadlayo waa in uu u sheegaa xilliga uu hadlayaa inta uu ahaan doono, waana in uu gacalnimo iyo tixgelin u muujiyaa si ay ugu maleeyaan in uusan qallafsanayn.

Qofku waa in uusan naftiisa buunbuunin oo uu si sahlan dadka ula hadlaa. Marka aynu buunbuuninta nafta ka hadlayno kuma koobna ilgayr keli ah ee qof kasta ee dad la hadlayaa waa in uu ogaado in aan lagu jeclaanayn in uu naftiisa muujiyo.

Saxaafadda meelo ka mid ah ayaa dhawaan waxaa laga waraystay nin magaciisa la yiraahdo Hadraawi, oo maansada afka soomaaliga dadka tiriya ka mid ah, wuxuuna hadalkii ku daray sidaan: ”Dad badan oo maansoon lahaa ayaa magacayga weyni ka horjoogaa in ay afka kala qaadaan, waxaana doonayaa in aan madax u noqdo dadka maansooda gebi ahaanba, mana jecli in boqornimo la igu sheegsheego…”

Dad badan baa waxay u qabaan in hadallada noocaan ah ay ku jeclaanayaan dadka maqlayaa, laakiin waa in la ogaadaa in aan dadka lagu soo jiidan in is lafiicni la tuso. Mar kasta oo uu qofku naftiisa qaadqaado wuxuu ka soo deganayaa jaranjarta sharafta, wuxuuna u sii daqdaq leeyahay sagxadda ceebta iyo foolxumida.

Nin la yiraahdo Richard Denny oo arrimahaan aad u baaray wuxuu yiri: ”Qofkii dad la hadlayaa waa in uu ku muudalaa oo uu ku bakhaylaa ereyga ’aniga’ oo uusan naftiisa dadka dhuunta ka gelin”.

Waxyaalaha hadalka xumeeya waxaa ka mid ah in uu qofku raallingelin ku bilaabo hadalka. Dad badan baa waxay moodaan in uu hadalku u fiicnaanayo haddii ay ku bilaabaan: ”Waxaan ka xumahay in aanan ehel u ahayn in aan idinla hadlo, oo aanan u qalmin in aad wakhtigiinna qaaliga ah igu lumisaan!”.

Sidaas wanaag iyo soo jiidasho laguma helo, waxaase ka sii daran in uu qofku fagaareha yimaado asaga oo qayilaya ama tubaako cabbaya amaba daasad khamro ah midigta ku haysta ama rumayanaya ama findhicilaya!

Dadka qaar baa waxay moodaan in lagu jeclaanayo in ay hal mar oodda ka qaadaan cilmi iyo taariikho badan oo waxay ku khudbeeyaan metelan “1984 Abriil labadeedii wuxuu waraabe dhaawacay sac rimay 1983 bishii Nofember siddeeddeedii, waxaana arrintii baaray booliska oo 1985 May labadeedii meeshii saca lagu dhaawacay u diray askeri ay naagtiisii ku dhimatay dagaal dhacay 1982 bishii sagaalaad lixdeedii!”.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nolosha danbe iyo noolaha kale

Waxyaalaha qaabkaas leh dad baa cilmi u qaba, waana in la ogaado in ay dadku nacayaan qofkii sidaas oo kale u hadla. Waxaa kale oo soomaalida hadalkeeda dila kuwo ku barxa ama ku walaaqa ereyo iyo tuducyo afaf qalaad oo isugu jira waddaado nacasyo ah iyo kuwo aqoon been ah sheegta oo aan weli la arag wax ay aqoontooda ku qabteen.

Afafka qalaad soomaalida waxay ku hayaan dhibaato naxdin leh, waxaase kale oo aan qofka khudbaynaya u fiicnayn in uu dadka kula hadlo ereyo meel u gaar ah oo aysan dadku wada aqoon sida in uu dad aan beeraha waxba ka aqoon ugu khudbeeyo sidaan: ”Abuurka waxaannu ka dareennay in uu dhiqle galay, waxaannuna lumihii ka dhignay lammaane. Sidaas oo ay tahay limitaankii markii labadhegoodka la falayey lumihii qaar baan dhalan”.

Hadalka aan la fahmayni wuxuu halis ku yahay in ay dadku ka caajisaan, oo murti kastaa haddii ay ku jirto in ereyo cabbursan lagu hadlo waxaa ka fiican in si faseex ah loo hadlo oo dhegaha dadka lagu mintido.

Falfal-xumida iyo ereyada dhaqan-xumida ah waa in uu qofka hadlayaa ka dhawrsadaa. Dhawaan waxaa laantii kharribantay ee BBC laga soo daayey dhallinyaro soomaali ah oo walaalohood maqan wakiillo uga noqday nikaaxyo iyo aroosyo. Waxay niman dhaqanxun oo laantaas doorsoontay ka yabqaa dadkaas shacabka ah weydiiyeen su’aalo yaqyaqsi ah oo lala anfariirey.

”Dumaashidaa arooskeedii markii aad ka tagtay oo aad sariirtaada tagtay dareenkaaga shahwadeed sidee buu noqday?” ayuu Xasan Bariiso weydiiyey dhallinyaro soomaali ah, waxaana laga soo daayey laanta BBC oo xilligaan lagu guray dad aan dhaqan iyo diin midna lahayn oo aad u xikmad iyo aqoon yar!

Waxaynu uga jeednaa in qofkii mujtamac guud la hadlayaa uusan dumaashi loo niyoonayo iyo qabyaalad daciifnimo ah ku meeraysan ee uu wax abbaartiisa ah ummadda maqashiiyo.

Qofka hadalkiisa waxaa qurxiya in uu iska dhigo in uu dadka uu la hadlayo ka mid yahay, oo uu wax kasta la wadaago iyo in uu wixii shaki keeni karaa ka durko. Waxaa kale oo lamahuraan ah in uusan dadka liidin.

Liiditaanku ma aha in uu caayo keli ah ee waxyaalo badan ayaa laga fiican yahay oo tusaale ahaan waa in uusan oran ”Waxaan idiin sheegayaa wax aydaan waxba ka aqoon oo muhiin idiin ah ee dhegaysta!”.

Sidaas haddii uu yiraahdo wuxuu waayayaa sharaf uu heli lahaa haddii uu oran lahaa ”Sida aad wada og tihiin waxaa la qabtay Saddaam Xuseen oo ay injiri gashay!”.

Dadka uu qofku la hadlayo dhalliilahooda waxaa fiican in uusan dhuunta ka gelin ee uu si leexsan ugu sheego, sida in uu ka hadlayo dad aan meeshaba joogin. Sidii aynu soo sheegay ”aniga” waxaa ka fiican ”innaga” ama ”annaga”. Soomaalida maansooda midkii ay hadalkiisa ereyadaas danbe ku badan yihiin waa uu ka aftahansan yahay kuwa naftooda caleemo saara.

Waxyaalaha hadalka dila waxaa ka mid ah in uu qofku lahjaddiisa ka baqo oo uu lahjad kale la dhacdhaco iyo in uusan wakhtiga uu hadlayo ku xisaabtamin ee uu iska shubmo.

Farta uu sabuuradda ku qorayo iyo sawirrada uu dadka tusayo waa in uusan ka walaacin in ay foolxun yihiin ee uu tartiib u qoraa una muujiyaa wax ay dadku akhriyi karaan ama ay arki karaan. Inta uu sabuuradda wax ku qorayo ama uu sawirrada la soo baxayo waa in uusan aamusin ee uu asaga oo sii jeeda hadalkiisa wataa.

Haddii qofka su’aal uusan jawaabteeda hayn lagu soo tuuro waa in uusan jawaab u baarbaarin ee uu dadka ku soo celiyaa si daacadnimo looga dareemo, waana in uusan dadka wax weydiinaya weerarin oo uusan ku xanaaqin ee uu iska ilko caddeeyaa. Haddii uu xanaaqo ma maradiisa ayuu ka badanayaa?!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments