Insaanka iyo xasiloonida

I
Dadku waxey jecelyihiin xasilloonida. Had iyo goor waxey baadi goob ugu jiraan dareen qabow iyo maskax daggan, kolka ay helaanna waxey diyaar u yihiin inay buuro kaynaan ah seetiyaan si ay ilbidhiqsi dheeraad ah usii hakiyaan. Marna qofku kuma qanacsana qabyo iyo wax dhantaallan. Waaqica noloshu se lid ayey ku tahey dhammeystirnaanta, oo ilaahyo dadku ikhtiraacdeen mooyi e, qof hanka ku qabsadey oo aan murugo iyo niyad jab kala kulmin ma jiro.

Isla weyni bay u muuqataa in qofku intuu maskaxda iyo laxaadkiisa ku duugo wixii suuragal ah oo dhan, isagoo caga jugleynaya dalbado in su’aal walba jawaabteedu bogcadda isasoo wadho, oo kownku rabitaankiisa u adeego. Si kale marka loo fiiriyo se, shaki, hubsiinyo la’aan, iyo qulqulad maaha wax dadka badidoodu u babac dhigi karaan. Tani maaha eed lagu liidayo insaanka, balse waa xaqiiq sameyskooda ka turjumeysa. Aad bay ugu adagtahey in qofku si daacaad ah u qirto jahligiisa, ama tuhun galiyo rukumada uu xaqiiqaha jiraalkiisa cuskinayo.

Waxaad moodaa in hadduu shaki isu saamaxo, sidii filin kartoonkii ka war heli isaga oo samada heehaabaya, oo aan salba cago ku hayn. Laakiin khuraafaad la isku maaweeliyo waaqica ma suurin karo, runta oo daacad loo noqdana waa habka kaliya ee jawaab lagu heli karo – haba khadhaadhaatee.

I.

Markey aqoon iisii korodhaba, waxa iisii caddaata aqoon yarideyda Aristootal

René Descartes (loogu dhawaaqo Rineey Deykaart) oo lagu tilmaamo aabaha falsafadda casriga, ayaa kala badhtimihii qarnigii 17aad u tafaxaytey inuu wax ka taabto masaladda ah: “Maxaa jiritaankiisa la hubaa, oo shaki gali karin?”. Isaga oo si habsami leh usoo bandhigaya cilladaha xalraadiska u baahan, wuxuu si taxaddar leh shaki uga baadhayaa waaxyaha uu waaqiciisu ku saleynayo, isaga oo islamarkaana wixii tuhun ka galo oo dhan dhinac meel ugu xaabaya. Wuxuu ka bilaabiyaa laxaadkiisa, dooddiisuna waxey u dhaceysaa caynkan: way dhacdaa in laxaadkaagu ku khaldo, oo kuu sawiro wax aanan jirin, ama wax jira sifooyinkiisa beeniyo. Qof dheer baa laga yaabaa inuu kuu la muuqdo qof gaaban, ama geed laantii inay sansaan abeeso kula yeelato, iwm. Kolka aad riyooneyso, dunida kuu muuqata waxba kama jiraan, haddana waxa dhacda inaad si dhab ah u rumeyso, oo saqbadhkii adoo hiqda guraya naxdin lasoo boodo, dabadeedna kolkaad ogaato inay riyo aheyd intaad hab isa siiso, naftada ku sasabto in yaxaaskii xalay oo dhan ku caydhsanayey maskaxdu mala-awaashey.

QORMO LA XIRIIRTA:  Isku-Jinsinimada Mala Doortaa Mise Waa Dareen Dabiiciya?

Matrix style head plug | Augmented reality technology, Futuristic ...Maanta inagu se tusaaleyaal ka fiican baynu sawiran karnaa, sida filinka Matrix, oo dadka badidooda maskaxda fiilo kaga rakibantahey, taasoo koombiyuutar ku quudinayo warbixin duni la ikhtiraacey oon waxba ka jirin.

Dulucda doodda Deykaart waa in warbixinta laxaadkaagu saanyado aanan lagu kalsoonaan karin, oo kaliya maadaama aad wax aragto, maqasho, ama dhadhamiso aysan la micno aheyn in shaygaas aad la falgashey xaqiiqatan jiro. Kawaran se xaqiiqaha kale ee kownku ku dhisan yahey, ama ilaha quudinaya hal-abuurka shakhsiga. Tusaale, haddaad jiifto iyo haddii kaleba, mar walba 2+3 waxey lamid tahey 5. Si lamid ah, maskaxddu ma curin karto fakar ama walax aysan waligeed xidhiidh la yeelan. Dhagdheer waxeynu dhihi karnaa waa qof + bahal sifooyinkooda la isku badhxay. Inkastoo ay dhagdheer tahey khuraafaad, haddana hal-abuurkeedu suuragal maaha haddeyna horey usii jirin fikradaha naag iyo bahal. Haddaan maanta kugu xujeeyo inaad maskaxda ku sawirato midab cusub, ma awoodid. Hal-abuurka iyo ikhtiraaca sidiisuba waa uun waaqica jira oo hadba si cusub la isugu tidco. Marka haddii xitaa laxaadkaagu dunida suuro u yeelayo, sidey rabto ha u muuqatee, waxey ka dhigantahey in ugu yaraan qeybo kamid ah suuraddaas ay jiraan.

Deykaart, oo leyliskan xagjirnimada lagu sifeyn karo ugala gol lahaa inuu waaqica ka sal gaadho, una yeelo aasaas shaki-ma-galaan ah oo uu aqoonta inteeda kale ku dul handasi karo, ayaa wuxuu soo jeedinayaa inay suuragal tahey in noole isaga aad uga xeeldheer (sida ilaah ama shaydaan) khayaami karo oo xeerarka kownka iyo hal-abuurka laftooda ka ilduufi karo. Halkan markuu marinayo, oo uu wax walba shaki ku beeray dhinacna u xaabiyey, ayaa wuxuu isku dayayaa inuu si tartiib ah dib usoo xero gashto xoolihii tuhunku ka dhacey (oo wax walba ah). Halku-dhigga caanka ee odhaneysa “Waan fakaraa, sidaas darteedna waan ahey” (I think therefore I exist) ayuu Deykaart curinayaa kolka ay qisadu xaggan mareyso, waayo waxa u caddaaneysaa in jiraalka maskaxdiisa marna shaki gali karin. Laxaad ha sawirto ama yuusan sawiran, hadduu marba fakarayo waxey ka dhigantahey ugu yaraan in shaygan fakaraya ee maanka ka shaqeysiinaya uu jiro. Haddii xittaa la khiyaamayo, khiyaanada lafteeda waxa shardi u ah in uu jiro shayga la khiyaamayo, oo isaga ah.

Hase yeeshe, faylasuufka waxa kale oo caddaata inuu hawd sud ah eerigo’an ku yahey, meel uu u baxsadaana aysan jirin. Waayo hadduu labo u gayn lahaa labo kale, dabadeedna sidaa gunaanad ku gaadhi lahaa ma awoodo, oo mandiqan laftiisa shaki buu galiyey. Sidaas darteed, faylasuufku wuxuu ugu danbeynta qaylo-dhaan iyo birmad ka raadsanayaa caqiidadiisa, waxeyna dooddiisu isugu soo biyo shubmaysaa in Alle jiro, khaa’innimo iyo beenna ku suurtoobin. Maadaama caqligiisa cidda milkidey ay Alle tahey, waxey ka dhigantahey wixii uu caqligiisa ku ogaado oo dhanna inay xaqiiq tahey. Illeen ilaahey caqli faashil ah oo dadka marin habaabiya inuu ku raro fadeexo ayey ku tahey oo sifooyinkiisa ayey naqdineysaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sheeko faneed

II.

-Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya
– Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo
– Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane
-Waxaa loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro eDhoodaan

Maanta kaydka aqoonta ee bulshaweynta dunida wuu boqol jibbaarmey baa la dhahi karaa, kolka la barbar dhigo xilliguu noolaa Deykaart oo saynisku wali iska curdan ahaa. Siyaabo badan se marka loo fiiriyo, su’aalo badan oo ruuxii u kuurgala hadhkiisa ka sasinaya wali waa idil yihiin.

Diimaha waxa lagu xantaa inay yihiin saynis bidaa’iya oo ka dhashey su’aalo ay qabeen dadyawgii qadiimiga ahaa. Kolka sidan loo fasirto, way dhibyartahey inaad fahanto sababta ay diimuhu dunida ugu baahsan yihiin, waayo cid aan jiritaankooda sawaxan ka dhalin carro-edeg kuma sugna. Faqfaqitaanka iyo jawaab raadiska ay dadku ku hawlan yihiin ayaa u horseedaya in, markey isbaaro la kulmaan, hiyiga ku qabowsadaan in Alle isbaarada meesha dhigey, in sababta ka danbeysa la isku mashquuliyaana aysan munaasab aheyn. Xeerarka mandiqa u dajisan marka la tixraacayo, waxa doodda qaabkan leh loo yaqaannaa “Allahu aclam” ama “God of the gaps”. Waa halqabsi aad bohol walba ku gufayn karto, ama iskaga dhaadhicin karto inaad ku gufeysey. Hase yeeshee, inkastoo jahliga ku badey booraan hadimo halka aad isu dhiibi laheyd ay ka habboon tahey inaad iska caabido ood mayyal adeygto, haddana muhiim miyey tahey inaad khuraafaad isku sasabto?

Dhigaalkan waxaan rajeynayey inaan kusoo koobo khilaafka ka dhasha su’aalaha tirada badan ee insaanku caadiyan isweydiiyo iyo jawaab la’aanta uu ka haleelo kownka, iyo siyaabaha kala duwan ee dadku uga falceliyaan (sida diimaha, nihilsm, existentialism, absurdism, iyo Buddhism). Maadaama ay adagtahey inaan si nuxur leh uga faalloodo aniga oo aanan qoraalka aad u dheereyn, waxa aan go’aansadey inaan dhawr qeybood ka dhigo. Hadduu waaq idmo, goor dhow filo qeybaha kale.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments