Dadku aragtida ay eber ka haystaan iyo turjumaadda luuqaad ahaaneed oo ay u xambaariyaan waa ay ka duwantahay doorka ay eber ku leedahay nolosha, cilmiga iyo jiritaankaba. Wax kasta oo isla-eg gali kara waa hubaal waxa ay la mid noqonayaan eber. Waxbaa eber la mid ah haddii aad maqasho, kama dhigna waxba ma jiraan. Wuxu ayaga oo jira ayay haddana eber la mid noqon karaan. Sidaasi daraadeed, isla-egta jiritaanku waxa ay la mid tahay eber. Haddii isla-egta jiritaanku aysan eber la mid noqon, markaasi jiri mayso isku dheeli-tirnaan, jiritaankuna suurageli mayo.
Xilli ay meel adag maraysay doodda ah, maxay wax u jiraan, halkii ay ahayd in aysan waxba jirin? Iyo sidee ayuu illaah laftigiisu wax la’aan uga abuuray wax mise waligeed iyo waaqeedba waxbaa jiray? Ayuu xisaabyahan, haddana wadaad diimeed Talyaani ahaa oo lagu magacaabo Grandi isku dayay in uu xisaab ahaan kusoo dhiraandhiriyo sida uu illaahay eber uga abuuri karay wax sanadkii 1703-dii. Dhiraandhirintiisa oo dheerayd, haddana silloonayd marka loo eego xeerarka aritmatigga, buu ugu dambayn kusoo afmeeray in 0=1 asaga oo yiri sidaas Illaah baa ka dhigay. Grandi waxaa lagu xasuustaa taxanaha tirobeelka ee loogu magac daray ee loo yaqaanno Taxanaha Tirobeelka Grandi.
Dadka ay diintu madax martay waa ay dhayalsadaan jiritaanka oo waxa ay awoodda iskugu geeyaan illaahay, ayaga oo illaahay usoo qaata inuu yahay fal-sameeye (faacil) waxa la garan waayaba qabta, balse waxa ay ilowsanyihiin in jiritaanka laftigiisu uu ka cajiibsanyahay illaahay. Jiritaan la’aantiis illaahay fal-sameeye ah ma jiri lahayn!