Islaamka iyo dhillaysiga

I
Marka laga hadlayo dhillaysiga oo ah in lacag la dhaafsado galmo, waxay ka duwan tahay galmada caadiga ah (Zinada) oo ah in laba qof oo maskax ahaan fayoobi ku heshiiyaan inay isu galmoodaan iyaga oo aan is qabin lacagna aan kala qaadan maadaama ay labaduba baahi u qabaan galmo.

Zinadu diinta islaamka xukun cad bay leedahay, kaaso ah in dhagax lagu dilo qofka isagoo guur soo maray sinaysta sida Maxammed waqtigiisii dhawr jeer dhacday, halka ka aan guur soo marinna lagu karbaasho 100 jeedal si naxariis la’aana meel fagaare ah.

Dhillaysigu waa in qofta haweenka ahi jidhkeeda dhaafsato lacag cayiman si loogu raaxaysto muddo cayiman. Inta badan waxaa waagii hore dhici jirtey in haweenku sababo badan dartood ay u dhillaystaan. Jasiiradda carabta Islaamka ka hor waa ka jirey dhillaysigu laakiin wuxuu si baahsan u faafay islaamka kadib isaga oo magacyo badan qaatay balse dhammaantood marka daaha laga rogo hoos tagaya dhillaysiga hadiiba ayna kufsi noqon.

Dhillaysigu wuxuu ahaa shaqo ay reer Makka si fiican u yaqaaneen maadaama Makki ahayd magaalo maamul iyo ganacsi, dad badan ayaa iman jirey si ay u raaxaystaan, waxaana la odhan jirey kuwa jidhkooda ka ganacsada calanleyda (اصحاب الرايات) oo qoftii jidhkeeda iibinaysa waxay taagan jirtey calan gaar u ah, asxaabtii iyo hoggaankii islaamkaana qayb kamid ah ayaa dhillaysiga noocan ah ku dhashay, waxaana ka xusi karnaa saxaabiga wayn ee Cumar Bin-Caas oo ay hooyadii ka mid ahayd haweenka jidhkooda ka ganacsan jiray.

Cumar Binu Caas hooyadii waxaa la odhan jirey Al-Naabiqa, waxaa sida la sheego hal habeena saf ka galay (la seexday) ragga kala ah; Abu-Lahab, Umayyah Bin Khalaf, Hishaam Bin Muqiirah, Abu-Sufyaan Bin Xarb iyo Caas Bin Waa’il, kadibna markii la isku qabsaday canuggeeda iyadaa kala saartay oo ku adkaysatay in Caas Binu Waa’il uu dhalay saxaabiga Cumar balse lama hubo aabaha dhabta ah ee saxaabigan wayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Guurka diimuhu ma dhillaysi dahsoon baa?

Ciidamada muslimiintu markay duullaan tagaan waxay soo noqon jireen iyagoo wata dumar iyo caruur ay dagaalka ku soo qabsadeen, ujeedkuna wuxuu ahaa in la addoonsado si loogu galmoodo ama ay u dhillaystaan si lacag jidhkooda looga sameeyo, wixii aan galmo gaar ah loo haysan (التسري), waxaa dhici jirtey in loo furo hoy ay ku dhillaystaan si ninka addoonsadaa ee iska leh uu lacag uga soo xareeyo.

Diinta islaamku waxay bannaysay oo xalaaleysay in lala seexan karo dumarka addoomaha ah meher la’aan xitaa haddii la qabo, sidoo kale waxay bannaysay in ay dhillaysan karaan dumarka addoonta ah ee xoogga lagu haysto si ninka addoonsadaa lacag uga helo ka ganacsiga jidhkooda. Xukun diidaya ma jiro arrinkaas, sida ay dhahayso qaacidada fiqiga ahina haddii uusan xukun jirin reebiddu meesha way ka baxaysaa (ان تحريم لا يكون الا بحكم فأذا انعدم الحكم انعد
التحريم).
Illaahay wuxuu ku leeyahay aayaddan (Ha ku qasbina hablihiina (addoomihiina) inay dhillaystaan haddii ay damcaan in ay guursadaan, hadiise lagu qasbay inay dhillaystaan Illaahay waa u denbi dhaafi doonaa – ﻭ ﻻ ﺗﻜﺮﻫﻮﺍ ﻓﺘﻴﺎﺗﻜﻢ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﺒﻐﺎﺀ ﺇﻥ ﺃﺭﺩﻥ ﺗﺤﺼﻨﺎ ﻟﺘﺒﺘﻐﻮﺍ ﻋﺮﺽ ﺍﻟﺤﻴﺎﺓ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﻭ ﻣﻦ ﻳﻜﺮﻫﻬﻦ ﻓﺈﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﻣﻦ ﺑﻌﺪ ﺇﻛﺮﺍﻫﻬﻦ ﻏﻔﻮﺭ ﺭﺣﻴﻢ). Aayaddan ujeedkeedu waxaa weeye in aan lagu qasbin dhillaysi hablaha addoonta ah ee raba guur, kuwase aan guur rabin ama aan helin cid doonta waa u bannaantahay inay jidhkooda ka ganacsadaan, si kale haddii aan u dhigno Illaahay ma diidin mana xarrimin in haweeneyda addoonta ahi jidhkeeda ka ganacsato balse wuxuu diidey oo mamnuucay in lagu qasbo dhillaysiga.

QORMO LA XIRIIRTA:  Kufsiga Maxay ka tiri diinta Islaamku?

Noocyada dhilaysiga ee islaamku magaca qurxoon siiyay waxaa kamida guurka loo yaqaan Raaxaysiga (الإستمتاع) oo ah in ninku kula heshiiyo naag inuu waqti kooban la baashaalo taas beddelkeedana ay lacag/kiro qaadato. ma garanayo waxa magaca kale loogu hagoogay maadaama ayna jirin wax farqi ah oo u dhexeeya dhillaysiga maanta jira iyo kan Islaamka guurka ku tilmaamay.

Inkasta oo Muslimiinta sunniga ah ee maanta jooga iska indha tiraan jiritaanka noocan guurka ah balse markaad ku laabato axaadiithta la xiriirta waxaa kuu soo baxaysa inuu ahaa mid baahsan oo aad loo dhaqan gelin jiray waqtigii Maxammed iyo Abu-bakar noolaayeen, guurka noocan ahna Maxammed dhawr jeer ayuu banneeyey gaar ahaan xilliyada ay ciidankiisu duullaan qaadaan oo ay dumarkooda ka fogaadaan balse Maxammed marka ay danihiisa fuliyaan oo duullaanka ka soo laabtaan wuu ka mamnuuci jiray, taas oo keentay in lagu wareero xukunkii u danbeeyey ee Maxammed arrintan siiyay maadaama ay duullaanadiisu badnaayeen mar walbana bannayn jiray, taasina waxay keentay inay saxaabadiisii ku kala jabaan go’aankii u danbeeyey ee Maxammed ka qaatay arrintan, qaar badan oo kamida raggii ugu culusaa saxaabaduna waxay aaminsanaayeen in guurkani bannaanaa waqtigii rasuulka balse Cumar Bin Khadaab reebay.

( ﻋﻦ ﺟﺎﺑﺮ ﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻠﻪ ﻗﺎﻝ : ﻛﻨﺎ ﻧﺴﺘﻤﺘﻊ ﺑﺎﻟﻘﺒﻀﺔ ﻣﻦ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﻭﺍﻟﺪﻗﻴﻖ ﺍﻷﻳﺎﻡ ﻋﻠﻰ ﻋﻬﺪ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻭﺃﺑﻲ ﺑﻜﺮ ﺣﺘﻰ ﻧﻬﻰ ﻋﻨﻬﺎ عمر – صحيح مسلم)

Xadiiskan waxa uu leeyahay Jaabir Bin Cabdullaah: waxaanu ku raaxaysan jirney xoogaa timir iyo daqiiq ah xilligii nebiga iyo Abu-Bakar waxaana xarrimay Cumar Binu Khaddaab. Ujeedku waxa weeye waxaanu dumarka jidhkooda dhaafsan jirney xoogaa timir iyo daqiiq ah waana ku raaxaysan jirney nebiga iyo Abu-Bakarba raalli bay ka ahaayeen. Guurku raaxaysigu muxuu kaga duwan yahay dhillaysiga? Haddii islaamku xarrimay dhillaysiga muxuu noocan guurka ah u banneeyey? Cumar Binu-Khadaab ma u leeyahay awood inuu xarrimo wax nebigu banneeyey oo ilaa dhimashadiisii la samaynayay raallina ka ahaa? Sidoo kale maxay tahay xikmadda ku jirta in bilowgiiba la banneeyo guurka noocan ah xitaa haddii aan ka soo qaadno inuu reebay ugu danbayntii?

Illaahay wuxuu aayad Quraan ah ku leeyahay: haweenka lacagtooda siiya kadib markaad ku raaxaysataan (ﻓﻤﺎ ﺍﺳﺘﻤﺘﻌﺘﻢ ﺑﻪ ﻣﻨﻬﻦ ﻓﺂﺗﻮﻫﻦ ﺃﺟﻮﺭﻫﻦ ﻓﺮﻳﻀﺔ ‏), raaxada lagu raaxaystay darteed waxay xaq u yeesheen lacag ama wax u qalma oo qiima leh waxna goyn kara. Taasina waa qeexidda dhillaysiga oo ah galmo lagu bedesho hanti.

Dhillaysigu waa wax meel ka dhac ku ah karaamada haweenka sida Islaamku aaminsan yahay, hadaba Illaahay iyo nebigiisu ma garan waayeen inay dumarka u xukumaan in hanti la siiyo ama ay mamnuucaan gebi ahaanba dhillaysiga wejiguu doono ha yeeshee? Illaahay markuu leeyahay yaan addoonta dhillaysi lagu qasbin ma garan waayey inuu mamnuuco addoonsiga gebi ahaanba?

Dhillaysigu maaha dhaqan wadamada reer galbeedka ka yimi balse waa dhaqan ay lahaayeen welina leeyihiin dhamaan bulshooyinka adduunka ka jira, Carabtuna waxay ahayd kuwa ugu badan ee ka ganacsada jidhka haweenkooda ama haweenka ay addoonsadaan.

Illaahay ma reebin (xarrimin) addoonsiga iyo dhillaysiga balse waa banneeyey oo sharciyo ayuu u dajiyay. Illaahay wuxuu banneeyey in haweenka cadawga ama dadka lagu duuley xoog lagu soo kaxaysto oo lala seexdo iyaga oo aan rabitaankooda iyo raalli ahaanshahooda la tix-galinayn. Ilaahu wuxuu ku soo koobay warka “ha ku qasbina inay dhillaystaan balse idinku khasab ku fuula oo kufsada markaad doontaan”.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
3 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Anonymous
Anonymous
1 Sannad Kahor

Ilaaahay kabax oi aflagaadada kadaaa nebiga muxamed scws neefyahow xoolaha ahi meelkasta waxaad kuqortay maxamed adoodiidan inaad tidhaahdo nebimuxamed salalaahu calayhi wasalam

Guurka istimtaaxa waa xaaaraaan sxb
Diinta markahorre baro ama culimada waydiii

abu nasraan
abu nasraan
9 Bilood Kahor
Reply to  Anonymous

aniga waxay iigu muuqataa wixii waxaan qoray inuusan ahayn islaam iska daaye xataa masiixi,marka waa sida xoolo oo kale ama wax ka liitaa, waana kuwa ilaahay ugu baaqay naaraha kala duduwan markay aakhiro tagaan.-

Ahmed
Ahmed
4 Bilood Kahor

Gaalnimadaada ma waxa ay gaartay heer aad nabigeena Muhammed N.N.KH Iyo saxaabada aad aflagaadeyso meesha cilmi kuma heyside caay baad ku heysaa ee diinta islaamka ka xishoo gaalnimadaadana dulmigaaaga iyo faasiqnimadaada adiga hakuugu ekaato umada hala soo raadsan waxuushyahow maalin ayaa qoorta lagaa soo qaban doona insha allah aduunyo ama aaqiro

W/Q: Khaled Hassan