Islaamka ma oggol yahay xorriyadda fikirka ama caqiidada?

I
Inkasta oo ay adagtahay in qof ku ku fahmo isaga oo ka heysta mawduuca aaminaad ku dhisan sooyaal iyo abab shaqsi ah haddana adeegsiga caqliga iyo indhaha oo lagu furo xaqiiqada waxa ay ku siineysaa xorriyad iyo dhalasho cusub.

Mawduuca waxa aan ka eegi doonaa jihooyin badan sida habka Qur’aan-ku u soo bandhigay, uga hadashay Axaadiista lagu qabo kalsoonida, sooyaalka tafsiirka diiniga ah, dhaqan galalidda muslimiinta ee arrintan, waxa kale oo dul istaagi doonaa doodaha cusub ee ay qabaan muslimiinta lagu tilmaamo qunyar-socodka.

Qur’aan-ka iyo xoRriyadda caqiidada

Dooddeenna waxa aan ku billaabi doonaa sida Qur’aanku uga hadlay mawduucan. Qur’aanka marka aad fiiriso ugama hadlin hal waji balse waxa uu uga hadlay laba waji oo mid saddaxaad laheyn.

Wajiga koowaad oo ah haddii uu oggolyahay xorriyadda xagga caqiidada/fikirka. Qur’aanka sida ka muuqata waxa uu muujinayaa meela badan sida aan loo ogoleyn in dadka lagu qasbo diinta bal se loo daayo waxa ay aaminsanyihiin. aan soo qaadanno aaydahaha ka hadlaya arrinkan:

– لكم دينكم ولى دين( Diintiinna innana diinteenna)
– لااكراه فى الدين ( Qasab majiro)
– افانت تكره الناس حتى يكونوا مؤمنين( Ha ku qasbin dadka diinta)
– فمن شاء فليؤمن ومن شاء فليكفر ( Qofkii doona ha rumeeyo qofkii doonana ha gaaloobo)

Wajiga labaad ee Qur’aanka ee diidaya xorriyadda caqiidada ama fikirka.
Aan soo qaadanno aayad si cad u leh haddaadba la kulantaan gaalada qoorta ka jara oo markaad jilcisaan si adag u xir-xira dabadeedna kala doorta in aad iska sii deysaan iyo in aad xoolo ka qaadataan.

فإذا لقيتم الذين كفرا فضرب الرقاب حتى اذا اثخنتموهم فشدوا الوثاق فإما منا بعد وإما فداء

Aan eegno haddana aayadaha si gooni ah u tilmaamaya habka loola dhaqmayo Mushrikiinta iyo in aan dagaal-ka laga joojin oo la go’doomiyo loona fariisto dariiq kasta ilaa ay ka qataan Islaamka bal ay ka salaadaan kana soomaan.
فاذا انسلخ الاشهر الحرم فاقتلوا المشكين حيث وجدتمهم واحصروهم واقعدا لهم كل مرصد فإن تابوا وأقاموا الصلاة واتو الزكاة فخلوا سبيلهم….التوبة.

Marka aan arragnay sida ay tahay in loola dhaqmo mushrikiinta bal aan arragno sida ay tahy in loola dhaqmo kuwa Ahlu-kitaab-ka ah. Aan soo qaadanno aayadda u ah halbeegga marka ay timaaddo waxa laga yeelayo qoladan.

قاتلوا الذين لا يؤمنون بالله ولا باليوم الآخر ولا يحرمون ما حرم الله ورسوله ولا يدينون دين الحق من الذين أوتوا الكتاب حتى يعطوا الجزية عن يد وهم صاغرون

QORMO LA XIRIIRTA:  Masaajidka ha la xoreeyo ama ha laga xoroobo

Si cad ayaa loo sheegay waxa laga yeelayo iyo waxa laga rabo Ahlu-kitaabka oo ah in lala dagaalayo haddii :
1. Aanay rumeyn alle iyo Aakhiro.
2. Aanay xarrimin waxa alle iyo rasuulku xarrimeen.
3. Aanay diin ka dhigan diinta saxda ah.
Haddii intaas aaan laga helin waxa ay noqoneysaa in laga qaado Jizyo waliba iyaga oo dulleysan.

Haddaba sida aayadda ka muuqata laba unbaa mid laga yeelayaa in ay islaamka xoog ku qaataan ama haddii kale ay iska bixiyaan lacag baad ah.

Axaadiista iyo xorriyadda caqiidada

Axaadiistu waxa ay si cad u sheegtay in aan la aqbali karin laba middood ma’ahee. waa mide in diinta ay tahy in dadka loogu bandhigo si qasab ah oo aan barya laheyn waa midda kale ee in la dilo qof kasta oo ka baxa diinta. Aan soo qaadanno axaadiista ugu xoogga badan xagga sixada.

عَنْ أبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عنْه، كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ، قَالَ: خَيْرَ النَّاسِ لِلنَّاسِ تَأْتُونَ بهِمْ في السَّلَاسِلِ في أعْنَاقِهِمْ، حتَّى يَدْخُلُوا في الإسْلَامِ.
الراوي: سلمة بن دينار المدني أبو حازم المحدث: البخاري المصدر: صحيح البخاري الجزء أو الصفحة:4557 حكم المحدث: [صحيح]

.

Xadiiskani waxa uu si cad u muujinayaa in gaalada lagu soo qabto silsilado oo lagu qasbo islaamka.

أمرتُ أن أقاتل الناسَ حتى يشهدوا أن لا إله إلا اللهُ وأن محمدًا رسولُ الله ِ، فإذا شهدوا أن لا إله إلا اللهُ، وأن محمدًا رسولُ اللهِ، واستقبلوا قبلتَنا، وأكلوا ذبيحتَنا، وصلوا صلاتَنا، فقد حُرِّمَتْ علينا دماؤهم وأموالُهم إلا بحقها، لهم ما للمسلمينَ وعليهم ما عليهم

الراوي: أنس بن مالك المحدث: الألباني المصدر: صحيح النسائي الجزء أو الصفحة:5018 حكم المحدث: صحيح
.

Xaddiiskani isagana waxa uu sii xoojinayaa in dadka lala dagaalayo illaa ay ka qiraan Shahaadateynka, salaadda iyo soonka. naf iyo maalna aan loo dhaafeyn illaa ay ka sameeyaan sidaas

Dhinaca kale sida aan tilmaannay qofka Muslimka ah waxa uu ku muteysanayaa dil, haddii uu qaato go’aan ah in uu isaga tago diinta

لا يَحِلُّ دَمُ امْرِئٍ مُسْلِمٍ، يَشْهَدُ أنْ لا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وأَنِّي رَسولُ اللهِ، إلَّا بإحْدَى ثَلاثٍ: الثَّيِّبُ الزَّانِي، والنَّفْسُ بالنَّفْسِ، والتَّارِكُ لِدِينِهِ المُفارِقُ لِلْجَماعَةِ.

الراوي: عبدالله بن مسعود المحدث: مسلم المصدر: صحيح مسلم الجزء أو الصفحة:1676 حكم المحدث:[صحيح]
Xadiiskan isagu waxa uu dheeryahay kuwa kale in uu qofku xubintiisa taranka ku muteysanayo in lagu dilo dhagax.
من بدل دينه فاقتلوه
الراوي: أنس بن مالك المحدث: أحمد شاكر المصدر: مسند أحمد الجزء أو الصفحة:4/349  حكم المحدث: إسناده صحيح

(qof-kii baddala diintiisa dila)

QORMO LA XIRIIRTA:  Wahaabiya: diin iyo dowlad!

Sidee ayay u wajaheen culimadii Madaahibtu arrintan?

Waxay ku ijmaaceen dhammaan aayadaha ka hadlaya xorriyadda caqiidada in ay aheyd duruuf islaamku soo maray uuna ka gudbay sidaana lagu nasakhay ayna tahay arrinta lagu dhaqmayaahi aayadaha danbe iyo axaadiista oo aanay jirin diin kale oo la aqbali karo iyo in islaamka ay tahay in xoog lagu faafiyo. Si la mid ahna la dilayo qofkasta oo ka baxa diinta Islaamka.

Arragtida Qunyar socodka

Qoladan danbe waxaa heysta mushkilad aanay xal u helin illaa hadda, taasi oo ah muuqaalka silaca leh ee ay ka arkaan muslimiinta oo lagu sii daro mawqifka kooxaha mayalka adag iyo fasiraaddooda diinta. Si taas meesha ay uga saaraan waxa ay garawsadeen in aanay suurta gal aheyn in inta uu masaajidka ku tiirsanyahay fasiraaddii hore ee diinta aan laga lib heli karin kooxahan.

Qoladani waxa ay dhaxda uga dhaceen hawl aanay u diyaar garoobin natiijada ka imaan karta taasi oo ah in ay meesha ka saaraan mid ka mid ah halbeegyadii ugu adkaa ee ay dajiyeen raggii madaahibta oo lagu magacaabo (الناسخ والمنسوخ) iyaga oo uga gol leh taas in ay dib u soo shaqa galiyaan aayadihii ay tilmaameen in la nasakhay waxaase horey loo yiri: (laaca aragtaye laagga mo ogtahay) oon kala jeedo markii ay nafta soo galiyeen aaydihii ka hadlayay xorriyadda caqiidada iyo wada noolaanshaha ayay arkeen kuwii ay sheegeen Madaahibtu in lagu nasakhay kuwaas oo indha kulul ku soo eegaya oo waliba lagu sii daray axaadiistii aan xusnay ee biya kama dhibcaanka ahaa kuwaasi oo qoladani ku riixeen in nabiga lagu been abuurtay balse ay indhaha hoos u foorarsheen markii ay arkeen aayadda dabka ka cas oo tilmaamaya isla arrintan.

Guntii iyo gabagabadii wada noolaanshaha iyo ku ixtiraamka aragtida iyo caqiidada qofku uu rumeysan yahay kaagama baahna waxyi kugu soo daga bal e, waa abuur ku sameysan naftaada haddii aanay kaa dhaawicin qeyla dhaanta ku dheehan naceybka iyo isku kal sooni la’aanta ee dadka qaar ku baaqayaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
2 Comments
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
cabdiqan
cabdiqan
8 Bilood Kahor

su’aal?
waxaan akhriyay warbixinta ah yaa loo soo diray nabi maxamed
hdaba waxaan rabaa wax yar inaad ii kala cadysaan

dhirta iyo dhaam wixii aan ka ahyn jin iyo insiga madiintan Furqaan ama diinta binu aadan ka uun bay wax ku caabidaan mise diin kale ayay illaahy ku caabidaan?

Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
Ninka rumaysan Allah lkn maxamed diidan
2 Bilood Kahor
Reply to  cabdiqan

Cidna looma soo dirin iyaga yaan filayaa