Islaamku miyuu karaameeyey dumarka?

I
Gabadh u muslimadda oo difaacda Islaamka ayaa la hor dhigay waydiinta ku xusan cinwaanka qormadeena, waxayna ku bilowday hadalkeeda sidan;
Aniga islaamku wuu i karaameeyey, Waxaan ahaa xoolaha oo kale islaamka ka hor, waxaan ku bixi jiray xorriyadayda, waxaan dhaxli jiray xoolaha ninkayga, waxaan maamuli jiray gaancsiyo waaway, waxaa la ii tirin jirin gabayo jacayl iyo amaana, waxaa dagaal loo gali jiray dartay, waxaan ka qayb gali jiray hogaanka iyo taliska, waxaan heshiis la saxiixan jiray ciddaan rabo, Arrimahaas aan soo xusnay iyo kuwa kale oo badan ayaan ka cabanayay, kadibna ilaahay ayaa soo diray rasuulkiisa sharafta leh ee jecel dumar karaamadooda, Ilaahay iyo nabigiisa ayaa iga dhigay muslimad oo xuquudan isiisay;
  •  Waxaan ahay cawro, mid caqli iyo diin yar1.
  • Anigu Salaada waan jabiyaa sida Dameerka iyo Ayga. 2
  • Aniga ciddii madax iga dhigataa waligood ma liibaanayaan. 3
  • Anigu hoodo xun ayan u keenaa guriga iyo gaadiidka. 4
  • Aniga waxaa i lacnada 70 malag hadii aanan ninkayga la seexan. 5
  • Aniga sii jeedka iyo soo jeedkaba shaydaan ayaan u ekahay. 6
  • Aniga waxa la iga abuuray feedh qalloocda, hadii la i toosiyana waan jabayaa. 7
  • Aniga shaydaan ayaa i marti soora hadii aan guriga ka baxo. 8
  • Anigu waxaan ahayd xalwad oo duqsiga (Muslimiinta kale) ayaa igu daadanaya, hadii aana is dadin.9
  • Aniga markhaatigayga waa badhka markhaatiga ninka, maadaama aan ka caqli yarahay, ilowna badanahay10
  • Aniga magtaydu waa badhka magta ninka.
  • Aniga ninkayga ayaa i jecel oo saddex ayuu ila guursaday.
  • Anigu waxaan ahay beerta ninka. 11
  • Addoonta muslimadda ah cawradeedu waa ta ninka oo kale, inta ka u dhaxayso xudunta iyo ruugga. 12
  • Annagu naarta ayaan u badannahay. 13
  • Aniga ninkayga ayaa i garaacaya hadii aana rabin ama diyaar u ahayn hawsha habeenkii. 14
  • Anigu xoolahayga cidna wax yar kama siin karo ninkayga oo ogolaada maahane. 15
  • Aniga hadii uuna ninkaygu raali iga ahayn markaan dhimanayo jannada ma galayo.
  • Anigu waan caqli yarahay ilaa aan ninkayga hadalkiiso u hogaansamo.
  • Aniga ninkayga lama waydiinayo sababtuu ii garaacay. 16
  • Aniga hadii aan ka dalbado warqadda furitaanka ninkayga, xitaa urta jannado ma helayo. 17
  • Anigu waxaan ahay fitnadii ugu wayneed ee nabigaygu kaga tagay adduunka. 18
  • Aniga ninkayga shaabuug ayaa u suran qolka si aan uga baqo oo aan edeb u lahaado.19
Maxaa intaa ka wanaagsan oo Islaamku ii qaban lahaa, Ma waxaad rabtaa inaan ku laabto islaamka hortii markii aan ahaa boqoradda boqortooyadii Saba mise boqoradii Amaaziiq iyo waqooyiga Afrika iyo boqoradihii kale ee Roma iyo xadaarooyinkii lamidka ahaa, mise waxaad ii celinaysaa casri jaahiligii iyo markii ay gabadhu ganacsiga wayn lahayd ee nabiyada shaqo siinaysay, Waxaa ii muuqata inaad xorriyadayda iyo xijaabkan igu dadan xilli walba aad ka xun tahay, waxaad jeclaysanaysaa in lagu fari lahaa inaad guriga fadhido sidayda oo kale.
Islaamka la’aantii maanta sida madaxda Jarmalka, Brazil, Liberia, Lituania, UK, France, Bangladesh, Malta, Croatia, Poland, Taiwan, Peru… ayaan lamid noqon lahaa oo jagada ugu sarraysa waddanka ama ta ku xigta ayaan hayn lahaa, laakiin ilaahay xikmadiisa iyo karaamada uu ii yeelay waxa uu ii diiday inaan guriga ka baxo ogolaansho la’aaan, qoladii aniga madax iga dhigatana wuxuu ballan qaaday inayna meelna gaarayn.
Allahu akbar, Allahu akbar wa lillaahi Al xamdu, Islaamku wuu i karaameeyey.
___________
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
  1. حديث صحيح – متفق عليه
  2. حديث صحيح – مسلم
  3. حديث صحيح – البخاري في المغازي : 82
  4. حديث صحيح – الصحيحين
  5. حديث صحيح – الصحيحين
  6. حديث صحيح – أبو داود في النكاح : 42
  7. حديث صحيح – مسلم
  8. حديث صحيح – صحيح الترمذي
  9. الاحزاب 59
  10. :سورة البقرة (228
  11. البقرة 223
  12. أو الرقم: 10/31 خلاصة حكم محدث: صحيح المحلى – الصفحة
  13. حديث صحيح- البخاري
  14. النساء/34
  15. حديث صحيح – النسائي
  16. حديث صحيح – أبي داود والنسائي وابن ماجه
  17. حديث صحيح – أبو داود
  18. حديث مرفوع – البخاري ومسلم
  19. حديث صحيح – الألباني فيالسلسلة الصحيحة ” 4313
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
MAXAMED
MAXAMED
15 Maalmood Kahor

HI! MARKA KOOWAAD ANI WAAN HUBAA INAAD TIHIIN (ATHIESTS) MULXIDIIN.LEO TOLYSTOY AYAA WAXA UU YIDHI U ILGAABNAANTA AQOONTU WAXAY KAA DHIGTAA MULXID U ILDHAAREENTEEDUNA WAXAY KAA DHIGTAA MU,MIN.WAXAAN AWOODAA INAAN KULA DOODO.EE ADIGA KUWA LA BAXAY “KAASHO MAANKA”INKASTOOYNA DADKA CAQLIGA U SAAXIIBKA AHI IS MAAN-SHIIL, MAAN-KAAB IYO WXAAS LA BIXIN HADDANA BAL KUWAAS HADDAY AWOODDAN INAY TOBAN KUN OO QOF HAL MEEL ISAGU KEENAAN ANI WAAN KULA DOODAYAA”ANOO DAD TIRO BADAN WATA EE MA AWOODAAN IDINKA

W/Q: Maigag Guled