Islaamku miyuu mamnuucay is addoonsiga?

I
Sida ay aaminsanyihiin dadyawga muslimka ahi islaamku waxa uu u yimid hirgelinta caddaalad, sinaan iyo in uu insaanka ka xoreeyo u addoon ahaanshaha addoomada oo uu ku bedelo u adoonsanaanta laahay kaligii. Qiyaastii 99% dadka muslimka ah haddii aad waydiiso addoonsiga waxa uu ka qabo islaamku waxa ay kuugu jawaabayaan “Islaamku wuu mamnuucay adoonsiga iyo ka ganacsiga aadanaha”. Sababtoo ah waxa aanay aqoon buuxda u lahayn halka uu Islaamku iska taagay arrinkani. Taas badalkeedana waxa had iyo jeer dhagahoodu maqlaan xadiis tibaaxaya in dadku ay u simanyihiin sida faraha garfeedha (shanlada) oo kale iyo odhaahdii Cumar binu Khadaab ee ahayd “Goorma ayaad addoonsateen dadka iyadoo ay hooyooyinkood dhaleen iyaga oo xor ah”. Midda kale waa wax foolxun oo damiirka qofka caadiga ahi uu diidayo in qof uu qof kale oo la mida uu ka dhigto shay uu iska leeyahay oo uu markuu doonana sii iibin karo.

Hadaba sidee loo odhan karaa islaamku wuu sharciyeeyay is addoonsiga? Maxaase ka jira dhalleecada ah in Islaamku ku yeedhayo kala sarraynta iyo is adoonsiga?
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa, ee indhahaaga ku arag wax kasta oo ku saabsan mawduucan isaga ah. Adigoo akhrinayana ka jawaab su’aalaha maankaaga ka guuxaya ee ku saabsan addoonsiga.

Dhaqanka addoonsiga aadanuhu waa dhaqan soo jireen ah oo ay ku dhaqmi jireen ummadihii hore ee waqtigii uu aadanuhu ku jiray mugdiga ilbaxnimo iyo aqooneed. Dhaqamadiii iyo diimihii horena waa ay ka sinnaayeen ka ganacsiga iyo adoonsiga dadka kale. Carabtuna waxa ay ka mid ahaayeen ummadihii ku soo dhaqmi jiray dhaqankani. Xittaa si ay ugu dhawaadaan ilaahyadii ay caabudi jireen way xorayn jireen addoomada mararka qaarkood. Waxaa la soo wariyay in Xakiim binu Xuzaam binu Khuwaylid oo ahaa xaaskii muxamad ee Khadiija ina-adeerkeed uu xoreeyay 100 qof oo addoomo ah xiligii jaahiliga ee islaamka ka horreeyay. Islaamkuna waxba kamuu badalin dhaqankii is addoonsiga ee soo jireenka ahaa. Qawaaniin iyo axkaam u khaasa sidii loola tacaali lahaa dadka ku jira xayndaabka adoonnimadana wuu sameeyay. .Waxaana taas ka markhaati ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay oo dhan sida; Quraanka, Xadiiska iyo Siirada (Taariikh nololeedka Maxamed).


Quraanku muxuu ka yidhi is addoonsiga?

Islaamka waxa dastuur iyo xeer u ah Quraanka oo ah tixraaca koobaad ee uu ugu laabto qofka muslimka ahi caqiidadiisa iyo axkaamta kala duwan ee noloshiisa khuseeya. Marka ay ummadi xeer yeelato waxaa qasab ah in dadkaas uu ka dhexeeyo xeerku ayna u sinnaadaan xuquuqda iyo waajibaadka dastuurkoodu u dhigayo. Muslimiintuna waxa ay filayaan taasi oo kale, oo waaba kii jiray xadiiskii ahaa (Muslimiintu way simanyihiin sida faraha garfeedha oo kale). Hase-yeeshee waxaa marag ma doon ah in quraanku marka uu wax waajib ah dadka farayo ama uu wax ka reebayo uu u kala saarayo dadkiisa labo qaybood oo waawayn xor iyo addoon. Marka laga yimaado qofka muslimka ah ee xorta ah hab dhaqanka loola dhaqmayo addoonta ee quraanku dhigayo waxa uu koobsanayaa; xuquuqda addoonku maxay tahay? Sidee loola dhaqmayaa marka ay noqoto guurka? Ma la guursanayaa addoonta mise maya? Haddii u qof xor ahi dilo addoon, dil ma loogu qisaasi karaa sida dadka kale ee xorta ah mise maya? Miyay banaantahay in loo galmoodo gabadha addoonta ah iyadoon raali ka ahayn oon laba guursan? Xagga cawrada maxay ku kala duwanyihiin naagta addoonta ah iyo tan xorta ahi? …iwm.

Addoontu kuma koobna kaliya dadka aan muslimka ahayn ee way soo galayaan bulshada addoonta ah muslim iyo muslim la’aanba. Aayaddan soo socota waxaa si cad loogu kala saaray mu’miniinta iyagoo la leeyahay “ha guursanina naagaha mushrikiinta ah oo waxaaba idiinka wanaagsan mid addoon ah oo mu’minad ah. Gabdhoow idinkuna ha guursanina nimanka mushrikiinta ah waxaana idiinka roon addoon mu’min ah inaad guursataane”. Halkaas ayay ku kala hadheen labada qaybood ee muslimka uu quraanku u qaybiyay oo kala ah mid xor ah iyo mid addoon ah.

وَلاَ تَنكِحُواْ الْمُشْرِكَاتِ حَتَّى يُؤْمِنَّ وَلأَمَةٌ مُّؤْمِنَةٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ وَلاَ تُنكِحُواْ الْمُشِرِكِينَ حَتَّى يُؤْمِنُواْ وَلَعَبْدٌ مُّؤْمِنٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ أُوْلَـئِكَ يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ وَاللّهُ يَدْعُوَ إِلَى الْجَنَّةِ وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِ وَيُبَيِّنُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ
البقرة – 221

Bulshada addoonta la yidhaa waxa sharcinimadooda iyo shuruucda ku saabsan lagu sheegay quraanka dhexdiisa Illaa 29 aayadood. Tusaale ahaan aayadaha Milkul yamiinta (dumarka addoonta ah) ka hadlaya waxaa ka mida: Suuradda Nisaa 3, Nisaa 24, Nisaa 25, Nisaa 36, Naxli 71, Mu,miniin 6, Nuur 31, Nuur 33, Nuur 58, Ruum 28, Axzaab 50 (labo mar ayaa lagu sheegay aayaddani), Axzaab 52, Axzaab 55, Almacaarij 30.

Guurka haweenka

Quraanku wuu ku boorriyay muslimiinta dhaqankaasi siiba marka uu ka hadlayo nikaaxa (galmada). Ninka ragga ah ee muslimka ah waxa u bannaan in uu u galmoodo labo naagood mid uun; mid uu qabo iyo addoontiisa sida ay dhigayso aayada (Mu’miniin, 5). Halkan kuma cadda kaliya sharcinimada inaad mulkidid insaan kale. Waxa aynu ka baran karnaa xuquuqda uu u yeelay quraanku qofka addoonka ah. Qofka adoonka ahi ma aha qof isagu u xor ah noloshiisa oo dooran kara cida uu guursan karo iyo mustaqbal nololeed oo u gaar ah inuu yeesho balse waa uun shay sidii xoolaha oo kale gacanta ugu jira qof kale oo uu ugu yeedho Sayidkiisa. Gabadha addoonta ah ninku wuu u galmoon karaa umana baahna inuu marka hore guursado ama uu waydiisto ogolaansheheeda. Kufsiga gabdhaha addoonta ahi waa sharci quraani ah oo uu Ilaahay ku boorriyay kuwa rumaysan. Ragga muslimiinta ah ee aan awoodin inay guursadaan waxa uu Allaah ugu baaqay inay iska isticmaalaan naagaha addoonta ah haddii aanay haysan xoolo ay ku guursadaan kuwa xorta ah, aayadda (Nisaa, 25) waxa ay leedahay “qofka aan awoodin in uu guursado dumarka muxsinaadka ah ee xorta ah , ha iskala galmooda kuwa addoonta ah ee aad mulkidaan”.

Qisaasta

Qisaaska waxa loo yaqaanaa sharci uu quraanku u dhigay danbiyada sida dilka, tuugada iwm. Sidaan soo sheegnayna dadku waxa ay u qaybsan yihiin sida quraanku jidaynayo addoommo iyo dad xor ah. Hadaba haddii uu qof xor ahi dilo qof addoon ah ma la mid baa marka uu qof xor ahi dilo mid la mid ah oo xor ah ? Jawaabtu waa maya!! addoonka haddii la dilo looma dilayo haddii qofkii dilay uu xor yahay. Aayadda (Baqara 178) waxa ay faraysaa in qofka xorta ah loo dili karo mid xor ah kan addoonka ahna addoonka loo dilayo.
Halkaasina waxa inooga cad inaanay sinnayn muslimka laftoodu una kala qiimo badan yihiin xor iyo addoon hadba midka uu yahay qofka muslimka ahi, ka aan muslimba ahaynna hadalkiiba daa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma nooc kamida Khamriga oo xalaal ah ayaa jira?

Haweenka dagaaka lagu qafaasho

Intaasoo dhan waxa ka sii layaab badan haweenka dagaalka lagu soo qabsado quraanku waxa uu banneeyay in loo galmoon karo xitaa kuwooda marwooyinka ah ee la qabo. Waxa la soo wariyay dagaalkii Xunayn(630 CD) la odhan jiray in ay asaxaabtu soo qafaasheen dumar badan oo ay ka mid ahaayeen kuwo la qabo. Isla markiibana waxay bilaabeen raggii saxaabada ahaa inay naagihii u galmoodaan (kufsadaan) markaasaa marka ay gabadh xaas ah ay ku soo hagaagaan ay ku qayliyaysay war i daaya xaas ayaan ahaye! oo xittaa qaarkood wayba garanayeen raggii qabay haweenkani. Markaasay u yimaadeen Muxamad oo ay uga qisoodeen dumarkan la qabo maadaama ay niyaddoodu siin wayday inay u galmoodaan kuwooda xaasaska ah (saxiixul muslim nambarka xadiiska 1456). Isla markiiba waxaa ku soo dagtay Muxamed aayad quraana oo u bannaynaysa asaxaabta inay u galmoodaan xaasaska la soo qafaashay sida ay gabdhahaba ka yeelayeen oo kale.
(والمحصنات من النساء إلا ما ملكت أيمانكم) Tafsiirka Dabari waxa uu leeyahay way bannaantahay addoonta in loo galmoodo xittaa hadii ay xaas tahay.

Waajibaadka

Xagga waajibaadka la saaray muslimiintu waxay u qaybsan yihiin xor iyo addoon.. tusaale ahaan naagta adoonta ah kuma waajibin inay is xijaabto. Culimada islaamku dhamaan waxa ay isku raaceen in naagta addoonta ah cawradeedu tahay xundhurta iyo jilbaha inta u dhaxaysa sida ay sheegayso aayadda quraana ee waajibisay xijaabka. Aayadda macneheeduna waa sida tan; Xijaabka waxaa lagu faral yeelay hablaha muslimiinta ah ee xorta ah si loo kala garto tan addoonta ah iyo midda xorta ah.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa xalaal dharaar cad baa la qashaa’e arrinka ku saabsan jidaynta addoonsigu waa wax uu Alaah si cad ugu xalaaleeyay quraankiisa ciddii xaaraan ka dhigtaana ay ku kasbanayso danbi ah inuu xaaraantimeeyay wax uu ilaahay xalaal ka dhigay.

Waxaa la soo wariyay in Maxamad uu maalin maalmaha ka mida isaga oo jooga gurigii xaaskiisa xafsa uu la galmooday naag addoontiisa ahayd oo la odhan jiray Maariya, xilli ay xaaskiisu ka maqnayd guriga. Waxa dhacday in Xafsa ay ogaatay arrinkii dabadeedna ay ka xumaatay. Qamuumyadii iyo masayrkii ku dhacay darteed waxa ay hadal canaan iyo murug iskugu jira kula dul dhacday Maxamad iyadoo odhanaysa sida tan; Ma maalinkaygii, ma gurigaygii iyo furaashkaygii ayaad sidaa ku samaysay? Markaasuu ugu jawaabay maxamad miyayna ku raalli galinayn hadaan iska xaaraam yeelo oonan u dhawaan waligay? Iyadna haa ayay ku jawaabtay. Dabadeed sidii ayuu ku xarrimay inuu mar danbe u galmoodo addoontaasi. Maxaase ka danbeeyay? Sidaan horeba idiinku soo carrobaabay lama xaaraantimayn karo wax uu ilaahay banneeyay oo ah in loo galmoon karo addoonta iyadoon la warsan ogolaansho ama guurba meesha oolin. Waxaa isla markiiba soo dagtay aayad lagu canaantay Maxamed oo odhanaysa “Nabi alloow maxaad iskaga xaaraam yeelaysaa wax uu ilaahay kuu xalaaleeyay adiga oo raadinaya raalli ahaanshaha xaasaskaaga”  ( يا أيها النبي لم تحرم ما أحل الله لك تبتغي مرضاة أزواجك ).

Ma jirto kalmad ama aayad badhkeed oo xaaraantimaysay dhaqanka addoonsiga balse waxay dadka qaar hadana ku doodaan in uu quraanku jideeyay waxa loogu yeedho kafaarada oo ka dhigan danbiyada qaarkood qofkii gala in looga dhigo ciqaab inuu xoreeyo qof addoon ah. Taasi oo iyada lafteedu ka mid ahayd dhaqamadii ay carabtu hore u lahaayeen sidii aynu hore ugu soo sheegnay qisadii Xakiim binu Xuzaam binu Khuwaylid. Kafaarada lafteeduna may ahayn wax uu Islaamku keenay siday doontaba ha ahaatee hadana lamaba odhan karo waxay ina tusaysaa in la rabay in tartiib tartiib loo joojiyo is addoonsiga. Marka koobaad addoon xorrayntiisa waxaa ka horraysa addoon inuu jiro oo uu marka horeba sharci yahay mida kale kafaaradu waa wax lagu ciqaabayo qof danbi galay ee ma aha wax loogu danaynayo qofka dhibanaha ah ee addoonka ah, maxaa yeelay haddii aanu danbiba gali lahayn qofkan kafaarada la faray addoonkaasi lamaba xoreeyeen. Intaasoo dhanna waxaaba ka sii daran aayado 20 kor u dhaafay oo ka sheekaynaya sida loola tacaalayo addoomada oo aynu qaar soo sheegnay ayaa buuxa halka aanay ka jirin aayad kaliya oo mamnuucday. Midda ugu danbaysa quraanku wuxu jideeyay Jihaadka. Mar kasta oo jihaad yimaadona waxa imanaya bililiqo (qaniimo) iyo qafaalasho iyo addoonsi. Intaasi oo dhamina waa wax waligii jiraya oon ahayn wax xilli hore intuu dhacay deedna laga soo gudbay. Sidoo kale su’aal aad u muhiima ayaa halkaasi ka soo baxaysa oo ah; Quraanku ma ku habboon yahay goor kasta iyo goob kasta? Haddii aynu qaadanno jawaabta togan ee leh wuu ku habboonyahay waxaynu ku qasbannahay inaynu sidaa u kala ahaanno addoon iyo xor. Haddii aynu jawaabta taban qaadanno oo aynu ka soo qaadno wax laga soo gudbayna waxay noqonaysaa quraanku kuma habboona goor iyo goob kasta e waa wax ka warramaya wax laga tagay oo 1400 sanno ka hor dhacay oo aan haba yaraatee waqti xaadirkan la socon karin, waxaana a dhalanaysa in axkaam badan oo addoonsiga lamida iyagana ayna ka gudubno maadaama ayna la jaanqaadi karin waqtigan.

Addoonsiga iyo Sunnada

Ka hor intaynaan u galin dhaqanka is addoonsiga iyo waxa  ay ka qabto sunnada maxamad waxa  habboon inaynu horta isla garano waxa uu ka dhiganyahay sunnuhu. Sunnuhu waa wax kasta oo laga soo  wariyay Muxamad oo hadal uu afka ka yiri  ah ama  fal  uu isagu sameeyay amaba wax uu qiray oo aanu dadka ka reebin. Haddii  shay sadexdaas midkood  laga helo,  shaygaasi waxa uu noqonayaa wax sunne ah oo ay waajib ku tahay muslimka inuu kaga daydo nabigiisa.
Dhaqanka is addoonsigu hadaba waxa uu ku cadyahay maaha  mid kaliya oo saddexdaas sunnaha lagu qeexay oo kala ah: hadal, fal iyo qiraal wuu ku soo arooray, balse  sadexdooduba way caddaynayaan in dhaqankani yahay mid  asal ah oo sunne ah.

Halkan hoose waxan idinku soo bandhigayaa axaadiis badan oo caddaynaysa in dhanka aragtida Islaamka ay dadku u qaybsan yihiin Kuwo sayiddo ah oo xor ah iyo kuwo  saadaatkaas u  addoon ah oo aan sinaba kula sinnayn xuquuq iyo dadnimo toona.

Waa marka koobaade waxaa ka sugnaaday maxamad axaadiis faro badan. Kuwaas oo dhamaan sugaya in adoonsigu uu yahay dhaqan islaamku jideeyay.  Kutubaha xadiiska lagu ururiyay ee waawayn waxaa kaalinta ugu horraysa kaga jira  kan loogu yeedho Saxiixul-bukhaariga. Kitaabkaasi waxa ka mida cutub dhan oo loogu yeedho cutubka kala iibsiga adoomaha. Meelo kale oon cutubkaas ahayn xittaa waa lagu sheegay addoonta sida loola dhaqmayo.  Waxaana ka mid ah kitaabu zakaat, baabka addoonta ma laga bixin karaa zako, xadiiska 1395.
عن  أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال ليس على المسلم صدقة في عبده ولا في فرسه
ِAbuu hurayra waxaa uu ka soo wariyay muxamad  in uu yidhi: qofka muslimka ah kuma waajibin inuu sako ka bixiyo addoonkiisa iyo faraskiisa. Intaas uun laguma dhaafine waxay sii raaciyeen shuruud ah in haddii adoonku uu yahay mid ganacsi ku jira oo la dhoofinayo ama la iib gaynayo si addoomo kale  ama alaabo loogu soo iibsado ay qasab noqonayso in laga bixiyo zakadii maalka ee caadiga ahayd.
( ليس في رقاب العبيد صدقة إلاَّ أن يُشْتَروا للتجارة) كتاب الزكاة- موطأ الإمام مالك.

QORMO LA XIRIIRTA:  Cadaabul qabrigu ma yahay wax jira?

Halkan waxa la isku haystaayi waa sako ma laga bixinayaa addoonka sidii xoolihii oo kale  mise maya. Waxaana inooga cad  dadka  in la addoonsado oo laga ganacsado inay tahay sunne asli ah. Taas waxaaba ka sii la yaab badan Muxamad in uu xarrimo ama ka digo dhaqankaasi iskaba dhaafe waxa uu is hor taagay in la xoreeyo addoon. Waxaa ku soo arooray Kitaabka Saxiixul-muslim xadiiska nambarkiisu yahay 997 in nin reer ansaareed (Madiina) ah uu xoreeyay addoon uu lahaa. Ninkaasi oo aan maal kale haysan addoonkaas mooyi’e. Arrinkii ayaa Muxamad soo gaadhay.  Markaasaa waxa uu yiri: ayaa addoonkan (addoonka la xoreeyey) iga iibsanaya, dabadeed waxaa kacay nin la odhan jiray Nucaym binu Cabdilaahi oo ku iibsaday addoonkii 800 oo Dirham. Markaasuu lacagtii siiyay ninkii addoonka lahaa. Xadiiskuna waxa uu u dhiganyhaya sida tan :

عن جابر بن عبد الله أن رجلا من الأنصار أعتق غلاما له عن دبر لم يكن له مال غيره فبلغ ذلك النبي صلى الله عليه وسلم فقال من يشتريه مني فاشتراه نعيم بن عبد الله بثمان مائة درهم فدفعها إليه قال عمروسمعت جابر بن عبد الله يقول عبدا قبطيا مات عام أول

Addoonkii waa la iibiyay waxana uu halkaas ku waayay xornimadii uu heli lahaa. Hadaba waxa is waydiin leh waa maxay sababta uu Maxamad u eegay danta ninka wax addoonsadaha ah ee uu u eegi waayay qofkan dhan ee addoonsiga ku jira ee xorriyadda laga qaaday.
Waxaa kale oo la soo wariyay in Maxamed xaaskiisii Maymuuna Bintu xaarith ay xoraysay addoon ay iyadu iska lahayd. Markii la gaadhay habeenkeedii ee uu Maxamed u soo hoyday xageeda ayay u sheegtay inay xoraysay addoonteedii. Maxamed wuu ka xumaaday inay sidaa yeeshay. Markaasuu ku celiyay su’aal “oo immika miyaabad xoraysay oo gacan kuma haysid?” Markaasay tidhi  haa.  Waxa uu ku yidhi “miyaad siisid  abtiyaashaa,  sidaas ayaa kuu ajri badnaan lahayde”. Tafsiirka qurdubi waxa uu leeyahay Maxamed waxa uu ka faddili jiray addoon in la xoreeyo in qaraabada lagu sadaqaysto.

. “عن كريب مولى ابن عباس أن ميمونة بنت الحارث رضي الله عنها أخبرته أنها أعتقت وليدة ولم تستأذن النبي صلى الله عليه وسلم فلما كان يومها الذي يدور عليها فيه قالت أشعرت يا رسول الله أني أعتقت وليدتي قال أوفعلت قالت نعم قال أما إنك لو أعطيتها أخوالك كان أعظم لأجرك” (السنن الكبرى للبهيقي- ج6 ص 59).
وذكر في (تفسير القرطبي ج14 ص35): “قد فضل رسول الله صلى الله عليه وسلم الصدقة على الأقارب على عتق الرقاب، فقال لميمونة وقد أعتقت وليدة: أما إنك لو أعطيتها أخوالك كان أعظم لأجرك”

Qofkii addoon ah ee ka fakada ama ka baxsada  Sayyidkiisu waxa uu noqonayaa Kaafir, wax salaad ahna ilaahay kama aqbalo ilaa uu u soo laabto kii addoonsanayay.  Waxaa Kitaabka Muslimka iyo Bukhaarigaba ku soo arooray axaadiis uu ka  mid yahay midkani;

(أيما عبد أبق من مواليه فقد كفر حتى يرجع إليهم) صحيح مسلم
( إذا أبق العبد لم تقبل له صلاة ) صحيح مسلم

َAddoonku ma addoon ilaah baa mise waa addoon bashar. Waa maxay sababta uu ilaahay ugu cadhoonayo addoon ka baxsaday addoonnimo dad xittaa isagoo ogol inuu isaga addoon u ahaado. Ilaahay in isaga kalidii addoon loo ahaado miyuuna rabin mise in uu dadka badhba badh addoonsado ayuu rabaa? Waa maxay sababta ugu yaraan loo eegi waayay sababta uu addoonku u baxsaday? Miyuuna ka cararin sida xun ee loola dhaqmay addoon ahaan iyo dhibaatooyin lagu hayo?  Hadana Ilaahay caddaaladdiisu ma waxay noqotay inuu la safto kii dulmiga waday?
Qofkaa baxsaday waa muslim. Waa addoon ilaahay oo Islaam ah. Hadana Maxamed waxa uu yidhi haddii uu ku dhinto isagoo  ku jira baxsad uu kaga maqanyahay addoonsadihiisa waa ehlu naar  xittaa hadii uu  ku dhinto dagaal uu ku difaacayo diinta Islaamka (Jihaad).
أيما عبد مات في إباقة دخل النار وإن كان قُتل في سبيل الله” الجامع الصغير لجلال الدين السيوطي”

Mar labaad aan eegno falalka addoonsi ee uu Maxamed laftiisu ku kacay. Waxaa la soo wariyay in Maxamed laftiisu uu  dad addoonsaday. Adoomadiisa waxaa ka mid ahayd Maariya Al-qibdiya oo ahayd hooyada wiilkiisii Ibraahim.  Maariya wiilka kumay dhalin meher iyo guur. Waxay ahayd uun addoon uu ugu galmooday adoonnimadeeda. Sida ku cad Kitaabka loo yaqaan Bidaaya wa Nihaaya ee uu qoray Inu Kathiir. Maxamed waxa uu lahaa addoomo gaadhaya 58 oo rag iyo dumar iskugu jira.  Addoon wuu iibsaday, wuu sii iibiyay, wuu hibeeyay waana loo soo hibeeyay. Intaasoo dhamiba waa falal uu toos ugu kacay oo ay caddaynayaan axaadiista saxeexa ah ee aan cidiba isku haysan saxnimadoodu.
Sunanu Abii-Daa’uud waxaa ku soo arooray xadiiskani;

 عن أنس أن النبي صلى الله عليه وسلم أتى فاطمة بعبد كان قد وهبه لها قال وعلى فاطمة رضي الله عنها ثوب إذا قنعت به رأسها لم يبلغ رجليها وإذا غطت به رجليها لم يبلغ رأسها فلما رأى النبي صلى الله عليه وسلم ما تلقى قال إنه ليس عليك بأس إنما هو أبوك وغلامك

Boqorkii masar ee Muqawqas  waxa uu u soo hibeeyay Maxamed labo naagood oo addoomo ah oo kala ahaa Maariya iyo walaasheed Shiiriin.
Maariya isagaa qaatay, Shiiriinna waxa uu u sii hibeeyay gabayaagiisii Xassaan binu Thaabit. (أيسر التفاسير للجزائري- باب51 ج3 ص297)

Qaybta ugu danbaysa ee sunnada oo ah  wixii uu u taagnaa Maxammed balse aanu dadka u diidin. waa waxa loo yaqaan Qiraalka. Run ahaantii taasi uma baahna faah,faahin maadaama oo aan hadalkiisii iyo ficilkiisiiba ku hayno in uu isaga laftiisu sameeyay, kana hadlay marnana uuna dhibsan falkan gaboobay ee fooshaxun, dulmiguna saldhigga u yahay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
salahudin somali
salahudin somali
4 Bilood Kahor

waxaan kula talinayaa qoraaga article-kan inuu aqriyo book-ga Islam & slavery eeJ DR. Jonathan AC Brown . shakigaan badan ayuu sharaxaad suubin kaga bixinayaa . link gaan ka dalbo, https://www.amazon.com/Slavery-Islam-Jonathan-C-Brown/dp/1786076357 . sidoo kale muuqaal kamida khudbad uu kaga hadlay mowduucan halkan ka daawo :https://www.youtube.com/watch?v=P3yuZYaoaag

W/Q: Hanad Geeddi