Islaamku sidee ku faafay?

I

Diinta islaamku waxay ka bilaabatay magaaladda Makka ee dhacda galbeedka Sucuudi-Carabiya, muddo saddex iyo toban sannadood ah ayuu nebi Maxamed dadka ka baryayey inay diinta soo galaan, dad yar oo ehelkiisa ahaa iyo addoon ay ehelkiisu lahaayen ama uu isagu lahaa ayaa raacay muddadaas.

Dhib badan markuu Makka kala kulmay nebigu wuxuu isku dayey magaalo la yidhaado Daa’if inuu hawshii kawado waxase loogu jawaabey dhagax, aflagaado iyo burin lagasoo buriyey magaaladii. Nebi Maxamed waxaa u soo baxday sidan uu wax ku wado inaaney soconeyn waajibna ay tahay inuu isbedel la yimaado.

Nebi Maxamed wuxuu u wareegey magaalada Madiina oo dhacda ~400km waqooyiga Makka, dad kooban ayaa la guurey qaar kalena dhulka immika loo yaqaan Itoobiya ayay magan galyo waydiisteen. Nebigu wuxuu heley dad cusub oo qaatey fikirkiisii taasina waxay ku dhiiri gelisey inuu dagaal wax ku doono maadaama dhowr iyo toban sannadood kaga lumeen nabad iyo baryootan.

Nebi Maxamed wuxuu lasoo baxay qorshe cusub oo ah inuu dagaal iyo xoog dadka ku islaamiyo, waxaa u soo baxday in diinta uu wato aanay nabad iyo baryootaan ku faafeyn hankii uu lahaana aanu ku gaadheyn, sidaa darteed gebi ahaanba waxaa meesha ka baxay islaamkii Makkiga ahaa ee nabdoonaa waxaana yimi islaamka madaniga ah ee ku dhisan seefta iyo duullaanka.

Nebi Maxamed wuxuu nasakhay gebi ahaanba xeerarki wanaagsana ee Makkiga ahaa ee fareyey dadka in aan lagu qasbin diinta lana dhibaatayn, (لا اكراه في الدين) waxa lagu bedeley ( من بدل دينه فأقتلوه), kii doona ha rumeeyo kii doonaana ha diido waxaa bedeley (ان الدين عند الله الاسلام ) nabaddii iyo wanaagiina waxa lagu bedeley colaad (فأقتلو المشركين حيث وجدتموهم).

Nebi Maxamed wuxuu ahaa nin aad u caqli badan, dhaqanka iyo shucuurta qabaliga ah ee reer tolkii Qurayshna aad u yaqaanna, ninkastana wuxuu yaqaaney tamartiisa iyo saamaynta uu tolka ku dhex leeyahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxamed, Joosif Istaalin iyo Ilaahay

Si loogu arko nin tolkiisii dhoweysanaya isla markaana ka ilaalinaya inay dadka ku kiciyaan ayuu qaar tolkiisa ka mid wuxuu siin jirey hanti fara-badan oo laaluush ah nooc walbana leh lagana bixinayo Sakada muslimiinta laga soo uruuriyo, laaluushkaas waxa loo bixiyey raggii qaadan jirey (المؤلفة قلوبهم), kooxdii qaadan jirteyna waxaa ka mid ahaa Abu-Sufyaan Al-Xarbi iyo Ya’li Bin Umayah, bixinta laalushkaas waxa la laalay geeridii nebiga kadib.

Nebi Maxamed wuxuu dadkii u sheegay in gaalada saddex la kala dooransiiyo, inay muslimaan inay baad bixiyaan iyo in madaxa laga gooyo. Wuxuu yidhi nebigu (بعثت بين يدي الساعة والسيف), wuxuu kaloo yidhi quudkayga waxaa la galiyay warankayga oo micneheedu yahay dhaca hantida gaalada (وجعل رزقي تحت رمحي) taasina waxay ku dhiirri gelisey dad badani inay ciidanka islaamka ugu biiraan inay wax dhacaan oo keliya (الغنيمة).

Wuxuu nebigu yidhi waxa la i amray in aan dadka la dagaalmo oo laayo ilaa ay ka muslimayaan امرت ان اقاتل الناس حتى) يشهدو ان لا الله اله الله) Illaahayna wuxuu faray nebigiisa inay la dagaalamaan kuwa aan Illaahay rumaysnayn iyo maalinta danbe (قاتلو الذين لا يؤمنون بلله ولا بليوم الاخر), halkaa waxa kaaga soo baxaysa in qofkasta oo muslim ahi yahay argagixiye hurda oo sugeya inta uu xoog yeelanayo iyo in islaamku xoog oo keliya ku faafay.

Halkaas ayaa waxaa ka bilawday duullaamadii ay carabtu adduunka ku kala bixiyeen iyagoo ku qasbaya dadka kalana doorransiineya inay diintoodan cusub qaataan ama lacag baada bixiyaan haddii ay labadaas mid dooran waayaana la xasuuqo raggooda, dumarkooda iyo caruurtoodana la addoonsado oo muslimiintu qaybsadaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dumarka lagu ceebeeyo dhillaynimo (Slut-shaming)

Ka warran maanta hadii ciidamo Shiinays ah ama Hindi ahi dalkeena qabsadaan iyagoo leh Illaahay ayaa na soo diray? Kawaran hadday ina kala doorransiiyaan inaan diintooda qaadano, haddaan diidnana aan baad bixino, haddii aan diidno ay xasuuq iyo addoonsi isugu keen daraan? Diinta islaamku waxba kama duwana awood shisheeye oo qabsatay dhul aanay lahayn.

Saw gar ma ahayn in diinta loo soo bandhigo aadanaha oo dhan kii doonaana ha qaato kii kalena ha iskaga tago? Maxaa qasabka keenay?

Foolxumooyinkii iyo xasuuqi ay muslimiintu kula keceen dadyowgii ay dhulalkooda qabsadadeen waa wax laga xishoodo una baahan in la iska fogeeyo raaligelina laga bixiyo duullaamadaas dhagaraysnaa dhibka badanina uu ka dhashay, laakiin taa bedelkeeda waxa la subkayaa oo maalin walba rag diimeedku shaadh hor leh u xirayaan danbi oogayaashii falalkan ku kacay iyo falalkoodaba.

Reer Yurub adduunkay ku duleen si ay dadka u addoonsadaan, khayraadkana u dhacaan, dadka badh laayaan badhka soo hadhayna qasab kiristan kaga dhigaan, marka la waydiiyo foolxumooyinkaa waxa ku kallifay waxay dhehaan dadka ayaanu ilbixineyney oo cawaan bay ahaayeen, halka Muslmiintuna yidhaahdaan farriintii Illaahay baanu gaadhsiinayney. Labada duullaan waxba kuma kala duwana.

Islaamku wuxuu ku faafay halgan hubaysan oo carabtu ku qaadday adduunka ujeedkuna wuxuu ahaa ilaa maantana yahay in la helo dawlad diimeed sal-ballaadhan carabina madax u tahay, deegaanka carbeedna caasimad u yahay laga xukumo dhulwaynaha islaamka si madaxnimo, dhaqaale, ciidan iyo addoonba loo keeno lama-degaanka carbeed.

Islaamku hadduu yahay wax Illaahay soo diray sida cad-ceedda ama hawada ayaa Illaahay inoo deeqsiin lahaa, haddii islaamku dhab ahaan yahay diin Illaahay soo diray koox hubaysani innaguma qasabteen cid diida oo la dilo ama baad laga qaadana lama arkeen.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments