Islaamku waa nabad iyo naxariis!

I
  • Afarta khulafaa’u raashidiin laba kamid ah, Cuthmaan bin Caffaan iyo Cali bin Abi Daalib, muslimiin baa dilay.
  • 10-ka janىada loogu bishaareeyay afar kamid ah, Cuthmaan bin Caffaa, Cali bin Abi Daalib, Dalxa bin Cubaydilaah yo Subayr bin Cawaam muslimiin baa dilay.
  • Wiilka Abuubakar, Maxammad bin Abubakar, muslimiin baa intay dileen, maydkiis dameer dhintay ku dhex tolay kadibna labadaba isla gubay!
  • Dagaal dhinac ay ka safan yihiin ina-adeerrada nabiga, Cali iyo ibn Cabaas, wiilka Abuubakar iyo ilmuhuu nabiga awoow u ahaa iyo 20,000 oo saxaabi, dhinacna ay ka safanyihiin laba nin oo jannada loogu bishaareeyay, Dalxa iyo Subayr, ilmahooga, xaaska nabiga Caa’isha iyo 30,000 oo saxaabi ayaa laisku qabtay markaas baa 10,000 ilaa 20,000 oo muslim ay muslimiintu dhexdooda dileen.
  • Dagaal ay dhinac ka safan yihiin Cali iyo labadiisa wiil (Xasan & Xuseen), ibn Cabaas iyo Camaar ibn Yaasir iyo 80,000 oo muslim, dhinaca kalena ay ka safan yihiin Mucaawiya bin Abi Sufyaan, Waliid, Camr ibn Caas iyo 120,000 muslim ayaa la isku qabtay markaas baa 65,000 oo muslim ay gacmaha muslimiinta ku dhinteen.
  • Xassan bin Cali muslim baa sumeeyay.
  • Xusayn bin Cali iyo 80 kamid ah ahlu baydka nabiga ciidan muslimiin ah oo uu kamid yahay wiilka Sacad ibn Abi Waqaas baa maalin caday warjeefeen!
  • Kacbada yahuud ma weerarin, Kiristaana ma dumin ee muslimiin baa gantaalo la dheceen oo dumiyeen!
  • Ibn Subayr, wiilka laba kamid ah tobankii jannada loogu bishaareeyay ka soo tafiirmay muslimiin baa kacbada dhexdeeda ku gawraceen!
  • Madiina mulxidiin intay weerareen saddex maalin dadkii meesha ku noolaa dil iyo kufsi kulamayna kicin ilaa saqafyada guryaha uu dhiig sida roob uga soo da’ay, kun wecelna ay dhasheen 9 bilood kadib.
  • Dagaalkii loo yaqaanay Jamaajim(dagaalkii madaxyada) Yurub iyo Ameerika 100,000 oo muslim mayna dilin ee ciidan muslim ah oo ay labadiisa dhinacba ka safan yihiin taabiciintii nabiga ayaa sidaa wax yeelay.
  • Abuu Jahal iyo Abuu Lahab yarkii Zaynul Caabidiin loo yaqaaney ee ahaa tafiirta nabiga intay isagoo qaawan albaabka magaalada dimishiq ka soo laalaadiyeen meeshaas afar sano mayna ku daynin kadibna maydkiisa mayna gubin ee muslimiin baa sida yeeshay!
  • Amiirul mu’miniin Marwaan ibn Xakam muslimiin baa dileen!
  • Amiirul Mu’miniin Cumar ibn Cabdul Caziiz muslimiin baa dileen.
  • Amiirul mu’miniin Waliid ibn Yaziid muslimiin baa dileen
  • Amiirul mu’miniin Ibraahim ibn Waliid muslimiin baa dileen.
  • Khilaafada Cabaasiyada markay xukunka kala wareegtay khilaafadii Umawiyiinta, kulli qabiilka Umawiya wixii noola haween iyo rag dhagtay dhiigga u dareen. Sidaa kumayna harinee maydka qubuuraha ku aasan intay soo faqeen ayee gubeen neceeb meel ay ka gaareen. Xitaa wixii faktay ballan been ah ayaa loo qaaday in la nabad galinayo, markay soo laabteena qoortaa laga wada guray.
  • Maydka Amiirul mu’miniin Cabdul maalik ibn Marwaan muslimiin baa intay soo qufeen garaaceen, daldaleen kadibna gubeen oo ciidiisa hawada raaciyay.
  • Boqorkii koobaad ee Cabaasiyiinta marka uu dhintay, kii labaad, ibn Mansuur, wuxuu ka cabsaday abuu Muslim oo ahaa ninkii dhanaa ee Cabaasiyiinta khilaafada usoo dhiciyay markaas buu dilay.
  • Abuu Muslim taageeradiisa iyo Cabaasiyiinta ayaa kadib isku qabteen dagaal ay kumanaan muslim ku dhinteen.
  • Dawladdii Cuthmaaniyada ninkii bilaabay, si uu xukunka u fuulo adeerkiis ayuu gacantiisa ku gawracay.
  • Wiilkuu awoowga u ahaa isagana sidoo kale walaalkii ayuu dilay si uu khilaafada u helo.
  • Suldaan Maxamad Al-Faatix, ninkii Istanbuul furtay, fatwo ayuu culumada ka dalbaday in suldaanku uu dili karo walaalkiis si uu boqortooyada u badbaadsho, waa loo fatwooday markaas buu 5 walaalihiis ahaa iskor saaray hal habayn!
  • Wiilkiisa Muxamad-ka saddexaad, 19 walaalihiis ayuu laayay si uu boqortooyada u qabsado.
  • Sidoo kale waxaa la sheegaa in boqor Muxamad uuna ku ekaan sidaa ee uu wiilkiisii yaraa dilay si wiilkiisa wayn ee qaangaarka ah uu boqortooyada u helo marka uu dhinto kadib!
QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe inuu nin yahay ma ogtahay?

Kuwa wax dilayay Allahu Akbar ayay lahaayeen, kuwa la dilayana Ashahaada ayee ku celcelinayeen. Kuwa wax dilaya warmaha musxafka qur’aanka ayaa u surnaa, kuwa la dilayana gaashaanka qur’aan baa ugu qornaa!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Dil wadaadkasta
Dil wadaadkasta
2 Bilood Kahor

Diin wasan iga dheh. waxaan qurunka ah ayaan ku bedelanay dhaqankeeni suubanaa. waanka xummahay

W/Q: Saacid Kaahiye