Jaamacadaha Islaamiga ah maxaa lagu bartaa?

J
Su’aashaas kor ku qoran in aad hore isu weydiisey waa aan hubaa haddii aad aqoonta aragti ka haysatid. Caalamka kale waa ay jiraan kulliyado diimaha lagu barto, waxa ayna kuwa islaamiga ah kaga duwan yihiin in kulliyadda diimaha lagu barto dhammaan diimaha dunida ka jira kuwa qoran iyo kuwa weli dhaqanka aan qornayn ah, mana jirto jaamacad aan islaami ahayn oo hal diin keli ah lagu bartaa, waayo caalamka waxaa laga aamminsan yahay diimuhu in ay hal maaddo yihiin oo tun sagaaro uusan wax la ka la qalo ahayn. Kulliyadaha noocaas ah qofkii ka soo baxa waxaa loo arkaa in uu takhasus ku yahay maaddadiisa ah diimaha oo uu yahay caalimka diimaha.

Arrimaha yaabka leh waxaa ka mid ah in jaamacadaha islaamiga ah in hal diin keli ah lagu barto aan lagu la yaabi karin ee ay ka sii yaab badan tahay in diintaas keli ah loo ka la saaro kulliyado ka la duwan sida kulliyadda Qur’aanka, kulliyadda xaddiiska, kulliyadda shareecada iwm oo mid kasta oo ka mid ah laga qaato shahaadada heerka fakarka ee Ph D.

Abu-Bakar Al Baqdaadi | Hogaamiyaha kooxda xagjirka ah ee ISIS waxa uu haystaa shahaadada heerka PhD ee Shareecada Islaamka

Inta aynaan kulliyadaha iyo dadka ka soo baxa heerkooda aqooneed gelin baan guud marayaa aqoonta islaamka taariikhdeeda iyo waxa ay ka kooban tahay. Facii ugu horreeyey ee diinta qaatay ee saxaabada xilligoodii la ma garanayn aqoon qoran oo meel laga akhristo, waxa ayna nebiga ka maqli jireen cilmidhegood uu Qur’aanku ugu muhiimsanaa, intooda badanina Qur’aanka ma ay wada aqoon ee in yar baa xaafidiin ahaa, hadalka nebigana qofba intii uu ka haleeli karo ayuu bowsan jirey. Afartii ammiir ee nebiga madaxnimada ka dhaxlay midkoodna Qur’aanka dusha ka ma uu hayn oo Cismaan oo ahaa qoraaga keli ah oo facaas wax qoray waxa keli ah oo uu qoray Qur’aanka ayuu ahaa, waxaana la diley isaga oo Qur’aanka kitaabkii uu qoray ka akhrinaya oo aan awoodin in uu dusha ka akhriyo. Facaasi in ay dadka maanta jooga diinta ka badiyeen waa been la rabo in dadka loo tuso in ay dadkii diinta ugu soo horreeyey diinta ugu badiyeen, waxaana sidaas oo kale been ah xaddiis la sheegay in uu nebigu sheegay in uu qarnigiisu ugu khayr badan yahay. Facii saxaabadu waxa ay ahaayeen taariikhda dadkii ugu badnaa ee dhiigga muslimiinta daadiya oo intii iyaga ka danbaysey ma ay dhicin in ay muslimiintu sidaas isu gumaadaan, waxa ayna saxaabadu u badnaayeen dad diinta iyo taqwadu aysan agtooda macne weyn ka lahayn oo dadku qofka ay arkaan ama la joogaan macne weyn u ma yeelaan. Dadku waxa ay aad u jeclaadaan qofkii aysan codkiisa iyo araggiisa la kulmin ee looga warramay, waxaa ku xiga qofka raadiye ka la hadla, waxaa ku xiga qofkii telefishin uga muuqda, waxaana ugu liita qofka soo hor istaaga. Waxaa la wada og yahay hooballada iyo aktarrada lacagaha badan laga sameeyo in aan loo oggolaan in ay bulshada lacagta bixiya is arkaan si aysan u macne beelin oo loo nicin. Waxa aan ka wadaa dadkii nebiga arkay in aysan xiise weyn u hayn oo musliinta maanta joogaa ay nebiga ka jecel yihiin Khaalid Waliid oo weliba waxaa maanta nebiga ugu sii jecel kuwa ka fog dhulkii uu nebigu ku noolaa, waayo haddii uu qofku arko degaankii nebiga waxaa isdhimaya jacaylka uu u hayo oo waxa uu dareemayaa in uu nebigu ahaa qof meeshaas joogey oo caadi ah. Nin aan xajka ku la kulmay baa ii sheegay in magaalada Sucuudiga ugu sino badani ay Maka tahay oo looga soo galmo doonto dalka intiisa kale, waxa uuna isagu u haystey in ay sabab u tahay in Maka ay dumarka iyo raggu isku qasan yihiin, halka ay magaalooyinka kale ka la soocan yihiin, laakiin waxa aan ninkaas u sheegay in aysan sidaas ahayn ee qofka Maka joogaa uu nebigii ka xiise dhacay maaddaama uu joogo magaaladii uu nebigu ku dhashay oo qofba midka uu Maka ka fog yahay uu ka taqwo badan yahay muslimiinta. Wadaaddada akhriya xaddiiska waxaa nebiga ka jecel habraha miyiga jooga oo aan waxba akhriyin, waayo nebiga ayaa ka fog oo aysan akhriyin. Waxa aan duudduub ahaan hadalka uga jeedaa in facii nebiga la noolaa ay ahaayeen kuwa muslimiinta nebigu agtooda ugu xiisayn liito iyo kuwa ugu taqwada yar, waana run oo waa cilminafsi sugan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Milicsiga aqoonyahanka: Aristarchus of Samos & John Michell

Carabtaas nebiga la joogey oo markii uu ka dhex baxay boqollaalka kun iska laayey ma ay lahayn fakar aqooneed, waxna ma ay qori aqoon oo kitaabka uu Cismaan qoray ma aha ee wax kale ma ay qorin, Cismaanna hadalka kitaabka isagu isku ma dubbaridin ee sidii uu dadkii xafidsanaa ka maqlay buu isku aad’aaddiyey. Waxaa laga yaabaa inta uu ku daray iyo inta uu ka reebay in aysan aad u badnayn oo magaca qoraa uun baa Cismaan la la maagay ee wax la sheego ma uu hindisin. Markii ay carabtu ummado kale oo wax qora oo fakara qabsadeen bay diinta islaamku aqoon la daraaseeyo isu beddeshey oo Qur’aanka oo sida gabay loogu heesi jirey baa in la fasiro la bilaabay, cabbaar ka dibna waxaa qoraal lagu bilaabay xaddiiska oo lagu tilmaami karo aragtiyo ay dad aad u badani hindiseen oo uusan badankiisa nebigii ogeyn. Xaddiisku waxa uu ahaa hub ay firqooyinku isu adeegsadaan oo laga soo bilaabo isgumaadkii saxaabada iyo firqooyinkii fakarka ayuu ninba midka ka soo hor jeeda xaddiisyo u samaysanayey. In ay xaddiiska dad faro badani allifeen waxaa ku jirtey faa’iido ah in diintii koobnayd oo aan daliilaha badan lahayni ay hodan noqotay, waayo waxa ay ka baxday in hal il laga qaato oo waxaa iskaashaday kumalyaal maskaxood. Xaddiiska waxaa laga qoray kutubo badan oo ceebta keli ah oo ay leeyihiin ay tahay in waxa ku qorani ay isku wax yihiin oo labo ka mid ah qofkii akhriyaa uu inta kale isla wixii ugu tegayo. Waxaa qoraalka xaddiis feer socdey fasiraad xaddiiska loo rogayey caqiido iyo shareeco labadaba lagu muransan yahay. Kuwa caqiidada iyo shareecada qorayey marka ugu horraysa waxa ay daliishan jireen Qur’aanka iyo xaddiiska oo ahaa maskaxo badan oo la isku geeyey, intaas ka dib waxa ay daliishan jireen hadalladii wadaaddada laga soo bilaabo saxaabadii, ka dibna iyaga ayaa maskaxdooda ka hindisi jirey caqiido iyo shareeco. Waxa maanta shareecada loo yaqaani waxa ay u badan yihiin hindiseyaashii fuqahada oo in la fahmaa aysan ku fududayn sidii facii saxaabada wax loo fahmi jirey oo sahlanayd, waxaana hubaal ah shareecada maanta jirta haddii nebigii uu soo noolaado in uusan fahmeen. Shareecadu sida xaddiiskii oo kale ayey kutubteedu isku wax ku saabsan yihiin oo saddex kitaab oo shareeco ah qofkii akhriyaa kutubaha kale isla wixii buu ugu tegayaa. Waxa aan uga jeedaa kutubaha diinta badnaantooda iyo tiradooda in aan loo malayn in ay waxyaalo ka la duwan yihiin ee la fahmo qofkii dhowr kitaab arkaa in uusan kuwa kale u baahnayn in kasta oo laga yaabo in qarni kasta la hindiso aragtiyo shareeco ah, waayo wadaaddadii diinta Eebbe fasiray waxa ay sheegeen in shareecada Alle ay ka mid yihiin ”Dadaal” iyo ”Qiyaas” oo ay uga jeedeen in uu wadaad kastaa labadaas ka soo saari karo shareeco aan hore u jirin oo dadaalka iyo qiyaaska wadaaddadu ay diinta islaamka hormood ka yihiin. Haddii la isbarbar dhigo Qur’aanka, xaddiiska iyo shareecada ay wadaaddada ka la duwani hindiseen waxaa ugu faahfaahsan oo ugu culus midda wadaaddada, waxaa ku xiga xaddiiska oo aynu sheegnay in ay ummaddu qarniyo allifayeen, waxaana ugu kooban Qur’aanka oo aysan shareeco badan oo faahfaafsani ku qornayn oo shareecadda ku qoran ay ugu weyn yihiin labo aayadood oo dhaxalka ka hadlaya. Qur’aanka waxa sidaas u koobay in ay dadka iska kaashaday yaraayeen iyo in aan xilligiisii la la falgelin fakarka iyo hindiseyaasha qoraallada.

QORMO LA XIRIIRTA:  Goorma ayay laab la qaawiyaa danbi noqotay?

Intaas aynu sheegnay bay diintu ka kooban tahay ee waxa aad isweydiisaa in ay ka qalin jebin karaan dhowr arday oo kulliyado ka la duwan ka qaata Ph D oo ah ”Doctor of philosophy” oo uu macneheedu yahay qof gaarey heer uu falsafadda wax ku soo kordhin karo oo uu fakari karo ama uu wax u naqdiyi karo si sarraysa. Kow Qur’aanka, xaddiiska iyo shareecada aynu hayno dhammaantood waxa uu qofkii arday fiican ahi aragti ku filan kaga qaadan karaa xilli gaaban oo in kulliyado loo ka la qaybiyo la ma fahmi karo. Labo ardayda dhigata kulliyadahaasi waa wadaaddo taqiyaal ah oo waxa ay baranayaan loo ma oggola in ay naqdiyaan oo waa wax muqaddas ah oo sidooda loo xafido ee aan la falsafadayn karin. Saddex kuwa shahaadaas sare ee fakarka lagaga soo raray jaamacadaha islaamku ma ay keenaan fakar ka duwan ama ka sarreeya midka ay hayaan xerta masaajidda diinta ku bartay oo wadaad kastaa midka kale ayuu la heer yahay, waxa ayna khaddii ka horraysey ugu dheggan yihiin sida xeraha oo fiilasoofiyiin ma aha ee waa cajalado lagu duubay carabi hore. Kulliyadaha islaamiga ah waxaa ka mid ah mid luqadda ah, waxa aanna filayaa in aan culuumta afafka ee caalamka laga barto lagu dhigan ee afka carabiga keli ah lagu barto oo naxwe, sarfi iyo balaaqo carabi wakhtiga lagaga lumiyo arday u baahan in uu aqoonta afafka barto, ka dibna isaga oo af carbeed keli ah yaqaan la siiyo Ph D luqadeed! Waxa aad niyadda ku haysaa in waxbarashada sare looga jeedo in ardayga la gaarsiiyo in uu wax cusub hindisi karo ama uu naqdi sare samayn karo. Wadaaddada Ph D miiran lagu soo taxay waxa ay hayaan in ay niman carab ah oo jaahiliin ahaa ammaanaan oo qofkii carabtaas dhalliila ay gaal ku sheegaan, sidaas darteed adiga ayey kuu taal in aad fahantid in ay raggaasi falsafad sare gaareen iyo in ay yihiin warshadda soo saarta Ashabaab oo ah ururka ugu caqli xun adduunka oo maskaxda ka qufulan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada kudar qormadan

avatar

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend