Waa kuma Diiriye Osman?

W

Si saaniya ayuu cagaha dhulka ugu heystaa. Waa qoraa, farshaxaniiste iyo sheekeeye. Wuxuu dadka uga sheekeeyaa in soomaaliyaddiisa la bacriminsantahay taariikh: wuxuu ku dhashay Muqdisho. Wuxuu dhashay siddeed sano kahor kaba kacararkii. Kabakacararkii, Kenya ayey ka dheceen, asoo 18 jir ahna waxa uu cagaha dhigtay Koonfurta London. Waa soomaali, waa Biritish, waa Diiriye Osman.

Diriye Osman | photographed by Jaroslav Scholtz

Diiriye Osman yaraantiisii waxa uu jahwareer badan ku qabi jiray dareenkiisa Isku jinsisnimada. Waxa uu jahwareerkiisii ku daaweyn jiray inuu sawiro iyo inuu halabuuro faashiyoonka. Waxa uuna hormuud ka dhigan jiray farshaxamiistayaasha iyo faashiyooniistayaasha ugu casrisan. Wuxuuna hamuun ku qabi jiray in maalinuun cago dhigan doono dhul xorriyad iyo aqbalaad ku aadan dareenkiisa ka heli doono. Marwalba hiwaayaddiisa ayuu isku maaweelin jiray iskuna dhaafin jiray jahwareerka uuka dhaxlay dareenkiisa.

Markuu jirsaday 18, Diiriye waxa la jiifiyay isbitaalka dhimirka sababo maskaxdiisii oo fikir iyo welwel ka tan weyn uu qaadsiiyay darteed. Markuu isbitaalkii ka soo baxay, lix bilood ma hadlin, dhaqaatiirtiisiina waxa ay kula taliyeen maamadiisa inay kaar maktabadeed u raadiso. Kadib, Diiriye waxa uu si joogto ah u aadi jiray maktabadda una aqrisan jiray sheekooyinka kuwooda gaagaabam iyo kuwooda dhaadheer. Waxa uuna la dhacay qoraalka.

Jaamacaddiisa waxa uu bartay hab-qoraalka halabuureed iyo cilmiga afafka iyo farshaxanka wanaagsan. Diiriye, waxa uu qoray sheekooyin baaldahab ah ka galay sheekooyinka gaagaaban sida sheekadiisa “Earthing” oo aad ula dhaceen aqristayaasha sheekooyinka. Iyo sheekadiisa kale ee “ If I were a dance” ee ku guuleesatay biladda sheekooyinka lagu daabaco mareegta “Guardian”.

Diiriye waxa uu sidoo kale qoray buug lagu magacaabo “Fairytales for lost Children” waa buug ku saabsan sheekooyin quseeya Soomaali nooc walba leh oo dareenka isku jinsinimada leh. Akhristihiisa ugu weyn wuxuu buugan ku macneeyay inuu yhay dhambaal jaceyl. Dhambaal jaceyl oo ku socda qoyska Diiriye. Dhambaal jaceyl oo ku socda asxaabtiisa. Dhambaal jaceyl oo ku socda dhammaan dhallaanka soomaaliyeed ee ku jahwareersan dareenkooda. Iyo inuu yahay buug mugweyn oo run badan u sawiray si layaab leh. Waxa uuna noqday Afrikaankii ugu horreeyay ee hela abaalmarinta Polari First book prize.

QORMO LA XIRIIRTA:  Taariikh nolaleedkii Baruch Spinoza

Diiriye sidoo kale waxa uu halabuurkiisa qoraal iyo farahaxan ku soo bandhigaa mareegtiisa (diriyeosman.com). Mareegtiisa waa mid ashqaraarineyso indhaha, maskaxda shideyso, qalbigana xasillooni ku shakaalineyso. Qormooyin tolmoon iyo farshaxan faxan ayaa ku dhaansan.

Ugu danbayn, mar aan la xiriirnay Diiriye oo warsannay waxa uu kula talin lahaa qof soomaaliiyeed oo ku jahwareersan dareenkiisa naceybna isku qabo waxa uu ku jawaabay;

Talooyinkayga ku aaddan dadka dareenkooda-galmeed aad ayaan uga fikiraa, waxa keliya een awooda waxa waaye naxariis. Balse, khibraddeyda, weligey ma jecleesan ma iska jecleen dareenkayga. Ma jecleen isku-jinsinimadeeda, weliba aniga waa is dhibaateyn jiray oo dhaawac is gaarsiin jiray. Saas ayaa nala baray oo nalagu barbaarshay laakiinse waqtiga ayaa fududeynaya, marwalba way fiicantahay inaad naftaada ula dhaqantid si naxariis, roonaan iyo wadajir leh. Si la mid ah sida aad ula dhaqmi leheed uguna kalsoonaan leheed saaxiibkaaga kuugu fiican. Inaa naftaada saaxiib u noqotid. Intaas ayaa icaawisay, waxaana rajeynayaa inay iyana caawiso, Jacaylku ha noolaado.Diriye Osman
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments