Janjeedhka dhulka iyo Qur’aanka

J
Warka la eego wareega dhulka iyo xagasha iftiinka cadceedu oogada dhulka kaga dhacdo, waxaynu ogaanaynaa in dhulku janjeedho ama qalooco, waliba xaqal ah 23.5°.
waxyaabaha ka dhalanaya janjeedhkaasi way farabadanyihiin, balse waxa ka mid ah in qoraxdu meelo dhulka ka mid ah aanay kaba dhicin, gobolka Svalbard ee Norway ku yaala sanadwalba waxa u dhalata maalin 4 bilood jirta!, waa 4 bilood oo aaanay cadceedu ka dhicin(19.04 ilaa 23.08)

Qorraxda aan dhicin
Qorrax habeen badh joogta

hadaba arintani waxay laf dhuun gashay ku noqotay aragtida caadifad mooyee aan cilmiga ku dhisanayn, ee odhanaysa qur’aanka waxa loogu tala galay dunida dhan oo goor– iyo goobwalba uu la soconkarayaa.

Qofka inyar uun maskaxdkisa ka shaqaysiiya ee muraayadaha cabsida iska saaraa– ileen qof cabsanayaayi caadi uma fikiree– uu arki karaa dhibaatooyinka ay qoraxda aan dhacayni ku keenayso aqoonyaridan la dhoobdhoobay ee wax balaayo ka dhacday la inooga dhigay.
Tusaale dadka ku nool gobalka Svalbard, Norway ramadaantu marwalba waxay ku beegantaa bilaha aanay qoraxdu dhicin, hadaba xilima ayay soonka xidhanayaan oo xilima ayay afurayaan? Aayadan hoos lu xusan se maxaa ka galay iyaga?

وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ ۖ ثُمَّ أَتِمُّوا الصِّيَامَ إِلَى اللَّيْلِ
(Cuna oo cabbana – habeenka ramadaanta – inta uu ka muuqdo liilanka cadi – waagu – kan madaw aroortii, dhammeeya soonkana tan iyo habeenka..) Al Baqqrah:187

Habeenkii laylatul Qadriga ee suurada dhan loogu magac daray ee kun habeen ka khayrbadnaa maxay ka yeelayaan illeen wax habeen la yidhaahdiba ma jiree oo waatanoo cadceedii maba dhacaysee?

Way badan yihiin daliilaha cadcad ee ina tusaya in Nabi Maxamed –oo ah qofkii quraanka alifay– aanuu waxba ka ogeyn dunida inteeda kale, hadii aan cadaalad sameeyana tolkii ayuu arintaa la qabay oo bulshadii uu ka dhashay ayaa moodaysay in qoraxdu halmar dadkaboo dhan usoo baxdo halmarna ka dhacdo, balse isaga waxa udheerayd inuu sheegtay in samooyinka looga soo waramo, samooyinka warkii looga keenayna waadinkaa arkaya.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ma maskaxda ayaynu ku fekernaa mise wadnaha?
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments