Jawaabta Mulxidiinta Soomaalidu ay ka bixiyeen Muxaadaradii Sheekh Umal ee “Jiritaanka Ilaahay”

J

Sannadihii u danbeeyey waxa caalamka islaamka isa soo tarayay tirada dhalinyarada diinta Islaamka ka baxaya ee fikiro kale u digo roganaya. Tiro badan oo kamida dhalinyaradan ayaa qaatay fikirka alle-diidnimada (Ilxaadka) oo ah rumayn la’aanta jiritaanka awood sare.
Culimada Soomaalida oo in badan iska dhaga tirayay isna diidsiinayay inay qiraan jiritaanka soomaali aanan Muslim ahayn ayaa immika garawsaday in talo fara ka baxday oo xayn-xayn dhalinyaradii diinta uga didayaan kadib markii ay waayeen cid si caqli iyo cilmi ah uga jawaabta waydiimaha ka guuxaya maankooda.

Arrintan ayaana ku khasabtay qaar kamida culimada Soomaalida sida Sheekh Mustafe Xaaji iyo Sheekh Umal-ba inay qiraan jiritaanka dhalin Soomaali ah oo u badan ardayda Jaamacaadka dhigta kuwaas oo fikiro kale qaatay, diintana ka xuub siibtay.
Dhawaan waxa muxaadiro uu ugu magac daray “Jiritaanka Ilaahay” qabtay sheekha ugu wayn culimada Soomaalida ee Maxamed Cabdi Umal, taas oo uu kaga digayay iskuna dayayay inuu burburiyo fikirka Alle-diidnimada.

Muxaadirada sheekhu inkasta oo ay saacad ka badan ay socotay hadana qodabada laga doodi karo ee uu soo qaatay waxay ahaayeen shan qodob oo ula muuqda sheekha iyo dadka la fikirka ahba inay laf-dhuun gashay ku noqanyso alle-diidka ka jawaabistoodu.

Muuqaalkan hoose oo ah jawaabta ay Mulxidiinta Soomaalidu ka bixiyeen ayaad kaga bogan doontaa lafa-gurista dhammaan qodobada uu sheekhu soo qaatay. Waxa soo jeedinaya Bille Samatar oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed aaminsanna fikirka Alle-diidnimada.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

NALA SOO XIRIIR

[[[["field14","not_equal_to","La xiriir qoraaga"]],[["hide_fields","field17"],["hide_fields","field18"]],"or"],[[["field17","equal_to","Khaalid Xuseen"]],[["email_to",null,"khaled@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Aadan Cali"]],[["email_to",null,"aadan@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Gallad Gurxan"]],[["email_to",null,"gallad@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Waris Diiriye"]],[["email_to",null,"waris@kaashomaanka.com"]],"and"],[[["field17","equal_to","Maigag Guled"]],[["email_to",null,"admin@kaashomaanka.com"],["email_to",null,"kaashomaanka@gmail.com"]],"and"]]
1 Step 1
Magacayour full name
no-icon
Faah-faahi farriintaadamore details
0 / 350

Farriintan qoraaga aad dooratay oo kaliya ayaa arki doona.

keyboard_arrow_leftPrevious
Nextkeyboard_arrow_right
FormCraft - WordPress form builder