Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar

J

Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar
Qalinkii: Cabdifataax Barawaani
Qaybta Labaad
Carraaba aroortii sidii caadada u aheyd baa ay ka toostey sariirteedii. Shaqaalaheedii tiro beelayna ay isasoo dul taageen si ay ugu shaqeeyaan. Kolkii ay shaqaalihii diyaariyeen amiirad Carraaba, waxa usoo galey aabbaheed Boqor Baasaweyne. Waxaana ay Carraaba u sheegtay dhacdadii xalay iyo gacantii la saarey ee ay weydey. Argagaxana iyo facajana ku abuurtey iyadoo sidii uga wewersan arrintaas waxase la yaab noqotey sababta ah Johoraddu weli usii hadal heyso dhacdadaas. War tolow jinku uunka kale miyuu ka xasuus badan yahay? Mise cabsashada ayaa sababtey?

Eebbe ayaa oge, boqorkii waxa uu amray in dhammaan shaqaalihii qasriga mid mid loo wareysto, ciidanna loo diro. Yar iyo weynba waa la baadhey in ay wax ka ogyihiin arrintaa oo in uun arkeen qof qasriga soo galey, oo qolka amiiradda galey ama kasoo baxayey. May iyo idinkaaba sheegaya ayaa ay ku wada warceliyeen! Wixii la baadho oo la raadiyaba la waa cid garaneysa, ama aragtey ciddaas mar la aragga ah ee argagaxa iyo cabsida ku abuurtey johorad geeska ee amiiradda Carraaba.

Sidaas ayaa dharaartii hore ku gebogabowdey oo loo waayey cid arrintaas uga ogaal badan Carraaba. La iskana dhaaf oo ismoodsiiskii jaariyadda lagu wada qanac iyo warkeedii xalay ay ku qancisey amiiradda. Boqorkiina waxa uu niyadda ugu dhisey Carraaba; in uu ilaalo xooggan u sameyn doono oo aysan dib dambe qolkeeda hortiisu cidlo u ahaan doonin. Dhammaan ammaanka qasrigana la xoojin doono dhinac kasta. Sidii ayeyna u dhacdey, oo ammaankii waa la adkeeyey, cid aan la garaneynna aagga qasriga iyo qolka amiiraddaba looma soo deyneyn.

Goor ku beeggan duhurkii ay milicdu aadka u darneyd oo carraaba ay kasoo gashey hadhka daaradda hore ee qolkeeda barande yar oo ka horreeya, aadna u sharraxan ayaa ay ku yara nasatey, cabbaar ayaa ay joogtey halkaas. Sharaab iyo wixii ina boqor lagu yaqaanneyna loo keen oo ay isku qaboojisey. Waxayna shaqaalihii ka dalbatey in loo diyaariyo goobtii ay ku qubeysan laheyd, biyo kulul iyo kuwo qabow oo isku dhafan, hu’ nadiif ah iwm. Markii loo diyaariyey ayaa doorkan waxa ay Carraaba damacdey in ay keligeed meydhato. Waxa ay u dooratey iyadaa oge, se waxa ay istidhi bal wixii xalay aad kelinnimada ku dareentay maanta aad aragtid! Shaqaalihiina haggaag iyo warsan marwo ayaa ay kaga tageen.

Carraaba qolkeedii ayey soo gashey, qeybtii qubeyska ayaa ay uga sii gudubtey, dharkiina waa ay iska kala fududeysey iyadoo hareeraha eegaysa!! Maxay ka eegaysaa tolow?! Bal adba!! Kolkii ay sidii lagu dhaley iska dhigtey ayaa ay dhex gashey biyihii meydhashada oo cadarkeedii, saabuuntii iyo wixii dhal boqortooyo lagu qurxin jirey oo dhan hareeraha ka yaallaan. Markay cabbaar is facastey oo kal iyo hoosba is xashey johoraddii. Ayaa waxa ay mar qur ah dareentay xanxantada lugo aad moddo in ay baadka qubeyska ku dhex jiraan sideeda oo kale kana soo horjeeda. Walow aysan arkeyn oo biyaha cad iyo xunbo ka sarreeyaan balse waxa ay dareentay xanxanteynta dareenka leh ee bowdyooyinkeeda iyo cajarradeeda taabanaya kolba.

Sidii caadada u aheyd ayey judhiiiba naxdey oo ka booddey baadkii qubeyska! Balse doorkan ma aysan dheygagin ee si aamus leh ayey dhowr weedhood u tidhi: “Waa ayyo? Maxaad iga rabtaa? Kumaad aheyd?!!” looma se warcelin, sidii aan cidiba ku dhex jirin baadka. Cidhifka baadka ayaa ay qar badhideeda ah saartey oo biyihii aad u liseen gacantuna ka siibaneyso! Deedna gacanteeda ayey dhex gelisey baadkii qubeyska, sidii saabuun iyo fargal lumey oo kale ayey kolba dhinac u baadh baadhey in ay wax uun ku jiraan meesha. Nasiib xumo se, waa ay weyddey oo waxna ma aysan helin!!

Oo haddaa tolow muxuu ahaa wixii baadka ku xanxanteeyey?! Dee mooji!! Bal adba garo!! Malaa Carraabi waa ay waalantahay? Mise tolow ismoodsiis xadkiisa dhaafey ayaa hadheeyey maankeeda? Eebbaa nooga war roone! Carraaba biyihii qubyska ayaa ay ku noqotey, dabadeedna waa ay iska dhammeysatay meydhashadeedii. Kolkii ay kal iyo hoosba is nuurisey, oo dhalaalku ka boodayo ayaa ay kasoo baxdey baadkii. Deedan dhar xariir ah oo midabkoodu cas yahay ayaa ay isku juftey! Awal sowtii la odhan jirey casaanku waa midab jin. Adaaba sheegaya!! Malaa iyadaaba Carraabi jin doon ah!!

QORMO LA XIRIIRTA:  TUKASHO IYO TUMASHO

Carraaba, markii ay qadeysey ee casiir iyo hilib shimbireed isku cantuugtey ayaa ay isku tuurtey sariirteedii furaashka iyo xariirtu ku goglaneyd yadoo maryihii casaana gashan. Is tuurka ay dib isu tuurtey Carraabi, waxa bowdyooyinka iyo cajaraha ka feydantey xariirtii. Deedna jidh shilis oo dhalaalaya ayaa muuqdey!! Sidii ay uga fekereysey wixii baadka biyaha qubeyska dhexdooda ku xanxanteeyey ayaa haddana mar qur ah balaayadii aan la garaneyn wax ay aheydi gacan tii xalay oo kale la mid ah ilaa cajaraha u dalluugtey!! Carraaba lafteedu waa ay is illowdey iyadoo duuggitaanka macaansaneysa!! Lagaa raac!!!!

Mar qur ah ayaa Carraabi is tidhi taabo waxa ku dalluugaya? Tolow ma shaqaalihii baa?! Mayee ma aha ee waaba gacan lab ah!! Xaadda gacanta korkeeda ku taalla ayey ka dareentay in ay gacan lab tahay. Waa ay soo kacdey iyadoon qeylin oo anfariirin, misena aan dhakafaarin. Markiiba, waxa ay isheedu ku dhacdey wiil aan qasrigaba ragga jooga u ekeyn! Weligeed indhaheeda qof sidan oo kale may saarin! Waxa ay la noqotey cajab iyo amakaag!! Waxa ay niyadda iska weyddiisey, tolow ma nebi Yuusufkii Jinkaa, illeyn nebi Yuusufkii aadamuhu waa kii rawaxee!! Bal adba!!

Kumaad tahay baa ay ku billowdey durbadiiba. Wiilkii waxa uu ugu warceliyey: “Marwo Carraaba, waan ogohay inaad tahay Johoraddii Geeska Afrika. Waxaana ahay amiirka boqortooyada Reer Axmar ee u talisa jinnka badankood, gaar ahaan kuwo bariga Afrika”. Wey dheygagtey Carraabi!! Mar shaydaanka ayey hoosta ka naartey, marna quruxda jinkan reer Axmar oo ay qisooyin ku maqashey kal hore ayey indhaha ku xadeysey!! Maxaad iga rabtaa iyo maxaad ii daba socotaa ayey ugu xejisey. Waxaa uuna durbadiiba ugu warceliyey: “ Boqortooyadeenna iyo tiinna ayaa jaar ah, balse nama aragtaan, annagaa se idin aragna. Waxaana aan kugu arkey geedka aad ku leexaysto, marar badan aaggayaga ayaad ugaadhsi u timid. Waanan ku caashaqey, ee maad isoo raaci?”

Carraaba oo lafteedu dhinacna ka anfariirsan lana yaaban jinkan damaaciyey, haddana iyadu damacdey ee niyadda iyo maanka kolba iska leedahay: “Naa maad raacdid, kani wax la sii daayo ma ahee!” Malaa carraaba sababta ay jinka u damacdeyba waa sheeko xariirooyin hore oo ay ku maqashey  jin iyo insi is helay wax iskaga macaan ma jirto!! Niyaddeedana waa ka bixii weyddey salaaxiddii cajaraha, taabashadi xalay iyo xanxanteyntii bowdyaheeda ee duhurkii baadka qubeyska dhexdiisa aheyd!! Carraaba iyadoo weli aan u warcelin, maankana ka fikireysa, faryaradana ilkaha ku qaniinsan oo kolna baxeysa oo adduunyo kale u sawirmeyso kolna ay kal iyo hoos amiirka jinka ah kaga boganeysob ayaa waxa qolkii soo galey walaalkeed la dhashey oo lagu magacaabo Amiir Doolaal Boqor Baasaweyne. Durbadiiba jinkii muuqiisa waa ay weyddey Carraabi! Naxdin iyo cabsi baa samada kaga soo degtey oo dhidid kaga keentay, hadalkiina waa iskaga dhex yaacey “Walaal, walaal waan joogaa!! Waan maqli waayey yeedhmadiinna”. Amiir Doolaal laftiisu waa uu shakiyey oo sidii wax khaakhaayirsan buu qolka daba iyo dacal u fiiriyey!!!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Ahmett
Ahmett

Wa qormo ad uwangsan ina so jidtey runti wa qiso igu cusup

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend