Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar

J

Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar
Qalinkii: Cabdifataax Barawaani
Qaybta Afraad
Carraaba oo dhoosha ka qosleysa, niyaddana ku heysa sida caawa aan hurdo iyo cidlo u jirin. Ayaa waxa ay ku billowdey hadallo macmacaan amiir Warfaa. Dabdeed, Warfaa illeyn waa afgadhooc aan weligii gabadh la haasaawine, waxa uu ku warceliyo ayaa uu garan waayey! Talo waa ku ciirtey!! Carraaba oo la yaaban waxa haya ee uu la aamusanyahay Warfaa, ayaa dhowr jeer oo is xiga isu raacisey “War maxaa ku haya? Ma afkaa lagu hayaa? Maaad hadashid?! ” Mar qur ah ayaa Warfaa ku warceliyey: “Haaye, maxaad iga rabtaa? Iska seexo waa xilli dambee!“.

Yaab iyo amakaag ayaa Carraaba ku habsadey! Hoosta waxa ay iska leedahay hadallo ay kamid yihiin: “Doqonsanaa! Dullisanaa! Ma naag loo guuriyey buu leeyahay maxaad iga rabtaa? Ba’a! Naa malaa wuxu ninba ma aha kani ee wa la igu soo luggooyey?“ Bal adba garo! Carraaba waa gabadh ilbax ahe, waxa ay damacdey hadduu badow ku noqdey, in ay kaga horrayso oo ay xodxodato!! Waaba yaab naag nin xodxodanayso!! Gaaddada ayay gaaddada u saartey, horaaddo sida muca ku mudaya, bisayl dhaafey oo muddo khudaar iyo dheef boqortooyo lagu korinayey; oo cidlo iyo kelinimo aad u hadheysey.

Warfaa waa uu kala badbatey, hadalkii iskaga dhex yaac! Wadnihii aad buu u garaacmay, dhareerka ayaa ka qubtey. Dhididka ayaa kaga daran. Gacmaha iyo lugaha gariiraya cabsi darteed! Muxuu tolow la cabsanayaa? Ma bahal baa Carraabi? Bal adba!! Carraaba waxba ulama aysan hadhin, si kasta oo ay ku bilaabi lahayd toddobaadkii malabka waa ay sameysey. Kol ay istiimiso, kol dhunkasho kala daasho, kol hu’ga ka fududeyso, kol ay iyadu dhoolatus isugu muujiso, kol toosba ay ula hadasho, balse lagu kari waa warfaayow howshaada qabso! Waa halkii aabbihiiye “Waa Alle doori boqortooyada Geesaweyne ceebeeyey”.

Carraabi kolkii ay duco iyo habaarba ku weyddey habeenkaa wixii la isugu yimid qolkan aadka loo xardhey ayaa ay damacdey in ay iska seexato oo dhinaca sariirta dhigto, daalkii maantana ay ka nasato iyo safarkii dheeraa, waana ay kasii jeesatey waxmatarihii lagu soo luggooyey caawa. Warfaa laftiisa kama qasna ee isna dhinaciisa kale ayuu uga sii jeestey! Johoradii Geeska ee Carraabi kolkii ay dhinaca dhigteyba waxa maankeeda kusoo dhacay hadallo ay kamid ahaayeen: “Musiibadan caawa kugu habsatey maxay ahayd? Doqon baa wallee i helay! Ma kan baan la joogi karaa, caawa ii seexdayba!! Jinkii reer Axmar tolow miyuu caawa kuu soo duulo.

Waagii ayaa sidii ay u fekeraysey Carraabi ugu baryey, oo cadceeddii ugu soo baxdey. Durbadiiba waa ay ka kacdey jiifkii, waxa ayna isu diyaarisey in ay qasriga u daawasho tagto iyo deegaannada ku dhow. Kolkii ay is diyaarisey ee ay soo baxdey, waxa durbadiiba ka horyimid ciidamo iyo shaqaale badan oo su’aalo kala duwan ku boobey balse uma ay warcelin oo waa iska dhaaftey kana huleeshay. Cabbaar kaddib waxa la isugu yimid qeybtii quraacda oo jaadad kala duwan ah. Ma cunto ayaa ka dageysa? Waa gabadh meesha xalay lagu cawaree? Cidlo iyo cadho lamid ah qasrigii laga keenay ayaa kanna kaga horreeyey uune!!

QORMO LA XIRIIRTA:  TUKASHO IYO TUMASHO

Qoyska boqor Geesaweyne arrinka waa fahamsanaayeen, haddana dhag jalaq looma siinin. Wixii ay dharaartii oo dhanba qasriga ku damaashaaddo Carraabi, maalintaa waxa ay marar badan ogaatey wax  badan oo hore uga qarsoonaa. Kol ay qasriga meel kamid ah joogtey waxa dhagaheeda ku soo dhacayey hadallo kala jaad ah, kuwaas oo ay ku sheekaysanayeen jaariyadaha ka adeega qasriga boqortooyada ayna kamid yihiin: “Waa lagu luggoooyey midkan dhufaanan gabadha. In ay ka tashato ayaan kula talin lahaa, hadday i warsan lahayd. Gabdhihii qasriga ayaa wada diidey, oo isku halleyn kari waayey. Masaa Johoraddii Geeska ee Carraaba loo qariyey laguna darey, oo guri loogu xareeyey!

Wixii ay dharaartii oo dhanba ka fikirto arrintan oo maankeeda kolba su’aalo kala duwani kusoo dhacaan. Waxa ay Carraabi aad isu weyddiisey weyddiimo ay kamid ahaayeen: “ Ma baxsataa? Xaggeed se tegi haddaabad baxsato? Illeyn amiirad la guursadey boqortooyadeedii hore kuma noqon kartee” Carraaba aad bay u werwersantahay, goobtanina waa mid ay ku soo lugo’dey, oo aan u qalmin in ay sii joogto. Sidii ay u fekereysey Carraabi waxa la gaadhey gabbal-dhacii. Mar qur ah waxa ay ku baraarugtey uun yeedhmada qaar kamid ah shaqaalaha. Laguna leeyahay: “Marwo waa gabbal-dhace, qasriga hore usoo gal ”.

Carraaba oo aad u niyad jabsan, waxa ay si huleel leh oo ay ka cago jiideyso u gashey qasrigii boqortooyada. Waxa ayna toos u gashey qolkeedii xardhanaa, ee aan weli lagu gedgedoomin. Sariirtii baa ay ku jiifsatey, lugihiina waa ay kala baxsatey. Rejo kuma hadhin oo way ogtahay in Warfaagii koranka ahaa usoo socdo si uu u ag jiifsado keliya. Warfaa wixii ay sugtaba waa u iman waayey. Cabbaar kolkii ay sugtey, oo sugtey ee ay ku daashey baa ay damacdey in ay iskaba seexato ciil dartii. Musiibo aanay weligeed maleysan baa qabsatey.

Waxa ay Carraabi mar keliya ku warheshay iyadoo uu dhinaceeda jiifo qof soo carfaya. Waa udgoon aysan weligeed urin. Iyadoo la yaaban cidda soo dhabar jiifsatey, ayaa ay dib u jalleecday. Tolow waa ayyo qofkaasi? Ma Warfaa baa? Bal adba! Waxa indhaheedu ay markiiba qabteen jinkii reer Axmar, oo dhoolacaddeynaya, aad u dhalaalaya. Shacnigiisa ayaa asqeeyey maanka Carraaba. Deedna, isagoo hadallo aad u macmacaan kolba mar ku tuurtuuraya ayaa Carraabi is hayn kari weyddey oo ay sidii faraska ku booddey, laabtiisa carfeysa iyo teeda aan ka dhicin ayaa sidii birlabta isku dhegay.

Jinkii reer Axmar isku qaad Carraaba oo daba iyo dacalba, madax iyo minjo, kor iyo hoos, dhinac iyo dhinacba ka daluug. Carraaba iyo jinkii kolba dhan u laamadood, qolkiiba kuleyl sidii dhamacda oo kale ah isu beddel. Kolna Carraaba qadaadka loo dhig, kolna jinkii qadaadka iyo dhafoorkaba loo dhig. Adduunyo kale oo aana weligeed la arag baa ay ku jiraan Carraaba iyo jinkii reer Axmar. Hadalladoodii isku dhex daadey sidii qof koronto lagu hayo. Oo ma korantay ka dhacdaa hawshaasi?! Bal adba! Carraaba waxa ay la noqotey sidii sannad oo kale in ay dheegga dheegga isku hayeen. Way ku magmagtey jinkii reer Axmar, isaga laftiisu waa insi caashaqe waaba ka fuqi waayey, dhidid iyo dhareerba labadoodii ka dhamaa.

Goor ay waaberigii ku dhowdahay oo saqdhexena laga gudbey baa ay Carraaba iyo jinkii baraarugeen, oo miyirkii iyo maankiiba usoo noqdey. Tolow intii hore xagguu ku maqnaa? Bal adba! Jinkii oo fuuq iyo fuudba ka dhammaadey, itaal iyo tamarna beelay baa cabitaannadii sariirta hareeraha lagaga sharraxey lagu qabtey, oo qudhqudhiyey dhowr dar. Ma nafbaa ku hadhay? Gashaantii ciil ku gadhoodhey, oo xalayna mid dhufaanan loo xareeyey baa ku magmagtee!! Carraaba oo jaaheedu dhalaalayo ayaa qosol ka wedhay, oo farxad is hayn kari waydey. Jinkii reer Axmarna waa huleelay, oo cadceedduba uguma soo bixin aroortaas.

Carraaba dharaartaas oo dhanba farxaddeeda iyo firfircooniddeedaba waa laga yaabay. Waxaana dadku is wayddiinayeen su’aalo ka yaabiyey oo fajac ku abuurey, gabadhii afbuurka iyo qalada la soo gashey qasriga waxa maanta sidaa ka dhigey wallee wax yar ma aha. Sidii caruusad labaad ayey noqotey, caawa oo kale aqal galeysa. Hurdo iyo nasashaba waa ay diidey, bishimaha mar qur ah iskuma aysan qabanin. War tolow weynaa waxa ka farxiyey Carraaba, oo aan beryahaa sidan noqon? Bal adba garo!

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Ahmett
Ahmett

Wa qormo ad uwangsan ina so jidtey runti wa qiso igu cusup

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend