Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar

J

Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar
Qalinkii: Cabdifataax Barawaani
Qaybta Shanaad
Carraaba wixii ay dharaartii iyo gabbal-dhacii oo dhanba faraxsanaato, waxa haddana lasoo gaadhey caweyskii kale. Sidii caruusad ku jirta habeenkeedii labaad ayay isu diyaarisey. Jaahii iyo jooggiina ay dhalaalisey. Waxase layaab noqotey, Alle doorigii Carraaba loo guuriyey tolow meeyey?! Lama oga meel uu ka dhacay. Waxa la sheegayey in uu khamriga isku daldalyey kob qasriga koonihiisa ku taalla. Adduun iyo aakhiro toona war uma hayo. Talo iyo arrinna haba sheegin. Marar badan in uu nin yahay iyo in uu isku jir yahayba shaki baa la geliyaa!!

Carraaba iyadu baddaa ma hayso, beddelkiisii baa ay heshayba. Dan iyo muraad toona kama laha Warfaa iyo wixii la hal maalaba. Wixii ay sugtaba Carraabi, mar qur ah waxa daaqadda kasoo galay jinkii reer Axmar oo isaga laftiisu aan dabyar shideyn. Dhalaalka, udgoonka, widhwidhka, kamkamka ayaa baxaya. Salaanta diirran ee uu ku bilaabey ayaa qalbiga ka saaqdey Carraaba. Wixii ay isu sheekeeyaanba, waxa la isku bilaabey howshii xalay oo kale. Doorkan waa ka darantahay hawshu dooorkii hore. La is baray! Qalood badani ma jiro, oo waaba la isku soo haliilayaa. Jidhku xubin xubin buu isula qabsadey, dubaaxin fara badan iyo gariir toona ma jiro. Cabsina hadalkeedaba daa.

Wixii ay habeenno iyo dharaaro badan ku jiraan xaaladdaas, oo jinkii iyo johoraddii geesku noqdeen ul iyo diirkeed, Warfaana la iska illaawey, ayaa uu jinkii damcay in uu Carraaba u kaxeysto boqortooyadooda ee reer Axmar ay leeyihiin. Waa laba uun oo aan shaqo iyo shuqul toona isku lahayn. Dad iyo Jinn baa ay kala yihiin. Isku deegaan ma aha, isku sinji ma aha, Isku dhaqan ma aha, isku nololna ma aha. Carraabi wixii ay talo iyo maankaba rogrogto, ugu dambeyn waxa ay go’aan ku gaadhay in ay oggolaato arrinkaas, aynna u raacdo jinka reer Axmar boqortooyadooda.

Waxa ay isla garteen in goor habeen ah oo saqdhexe ah, habeenkuna uu cadde yahay ay isla baxsadaan. Habeenkii waxa uu noqdey dharaartaas go’aanka ay gaadheen habeenkeeda labaad. Haggaag iyo warsan ayaa lagu kala tagay. Kolkii habeenkii la gaadhay, ayaa Carraabi is diyaarisey, wixii qasriga ka yaallay oo aan badnaynna ay uruursatey. Jinkii baa xilligii lagu ballansanaa isagoo ka tuuraya daaqadda kasoo galay. Waxa uu watey wax u eg go’ shaal, balse ka ballaadhan. Midabkiisu aad u madowyahay dugul ah. Wuxuuna u sheegay Carraaba haddii ay huwato go’an in ay qarsoomi doonto si fududna ay qasriga uga baxayso.

Sidii ayaa ay Carraabi yeeshay, go’iina waa ay isku dabooshey. Mar keliya ayaa qarsoontey, oo meel ay jaan iyo cidhib dhigtey la waayey. Jinkii iyo iyada oo keliya ayaana isu muuqda, oo aan uun seddexaad wehelin. Dibadda uga bax qasrigii, kolkii ay dibadda hubsadeen in ay joogaan, ayaa ay iska feyddey go’ii. Dabadeedna ay raaceen fardihii uu jinku diyaariyey, oo aan xawaare hore loo arag ku ordaya. Durbadiiba waxa ay gaadheen qasrigii reer Axmar, oo baaxadda uu ku fadhiyo aan weli indho Aadame qabanin. Waxa jin joogana aan faro iyo indho toona lagu tirin karin.

Maamuus iyo meeqaam aad uga duwan kii dadku yaqaannay, ayaa lagu soo dhaweeyey Carraaba iyo jinkii. Carraaba waxa ay la ashqaraartey uunkan ay u timid. Dad uun baa ay aragtee ma jin baa ay wax ka taqaan? Carraaba wixii ay muddo badan sheekooyinkan ku maqli jirtey, ayaa hadda indhaheedu qabteen oo xaqiiqo ah. Farxad badan, ayaa foolkeeda ka muuqata. Boqorkii iyo boqoraddii boqortooyada ka talinayey, ayaa si aan la qiyaasi karin usoo dhaweeyey. Kobtii ay qasriga ka degi lahaayeenna kal hore ayaa ba loo sii diyaariyey. Waxa keliya ee hadhay lana sugayey waxa uu ahaa imaatinkooda.

Dhinacii kale ee boqortooyadii lagu qabey ee Geesaweyne, aroortii baa lagu warhelay in aysan joogin qolkeeda. Qasrigii oo dhan ayaa laga raadiyey. Oo miyay helayaan? Dhammaan deegaannadii ka ag dhawaa boqortooyada ayaa haddana laga raadiyey laga waa halkaasna. Meeshii ay boqortooyadu u talineysey oo dhanba waa laga raadiyey, ama in uun wax ku tuhmeysay. Balse talo waa ku caddaatey; oo waa ay waayeen Carraaba. Dhinac waa ka ceeb—oo gabadhii ay soo guursadeen gacantooda waa ay ka baxdey. Dhinacna waa ku dhabarjab oo boqortooyadii ay gabadha kasoo guursadeen ee Baasaweyne, ma maqli karaan “Gabdhii waa la waayey iwm!’.

QORMO LA XIRIIRTA:  TUKASHO IYO TUMASHO

Waxa uu boqor Geesaweyne go’aan markan ku gaadhay, in uu wargeliyo boqortooyooyinka ka ag dhow. Kana codsado in ay ka caawiyaan raadinta Carraaba. Dhowr kamid ahaa kuwii ka ag dhawaa boqortooyada, ayaa ka oggolaadey arrintaas. Geeskii Afrika badankiisa waa laga raadiyey Carraaba, marka laga tago meelo yaryar oo aan boqortooyo ka jirin, tegisteedana aan loo arkin wax muhiim ah. Kolkii talo ku gadhoodhey boqortooyadii Geesaweyne, ee arrinna aysan gacan ku hayn, waxa ay talo ku gaadheen golihii sare ee boqortooyadu, in loo sheego wixii jira boqortooyadii gabadha laga soo guursadey ee Baasaweyne.

Farriin aad u weyn, oo hadyad iyo adduunba wadata ayaa uu boqor Geesaweyne u direy boqorkii ay ilma adeerka ahaayeen ee Baasaweyne. Safar baa la yagleelay, amnigiisana aad looga taxaddaray ayaa farriintii loo dhiibey. Wixii uu soo socdaba waxa uu ugu dambeyn gaadhay boqortooyadii Baasaweyne. Aad baa loo soo dhaweeyey safarkii, waxa aynna la kulmeen boqorkii Baasaweyne.

Loo dhiib farriintii iyo hadyadii aadka u qiimaha badnayn. Baasaweyne aad buu ugu farxay hadyadan judhii uu arkayba. Riyaaq aad u badan baa laga dareemayey jaahiisa. Waxa uu niyadda iska lahaa: “Abaalkaagii ayay gudi kari waayeen, markaa wixii ay hayeenba malaa waa ay kuu soo dhiibeen” iyo “Tolow ma gabadh kale ayaa ay kaaga fadhiyaan duulkii aad ilma adeerka ahaydeen?”. Waxase mar keliya amakaag iyo fajac ku noqotey markii uu gacan yarihii boqorku uu akhriyey warqadii farriintu ku xardhanayd!

Boqorkii Baasaweyne indhihii waa ay guduuteen, misena midabkoodii ka tageen. Wejigii dhidid xanaaq ayaa kasoo daatey, jidhkii oo dhan waa uu adkaaday. Mar keliya ayuu koofiyaddii boqornimada ee madaxa u saarnayd samada u xoorey, kuna qeliyey: “ SIDEE AYUU KU KEENAY IN UU WAXAAS IIGU SHEEKEEYO ANIGA OO BAASAWEYNE AH? MIYUUNA OGAYN IN AAN DHIMASHO KA XIGO GABADHAADII CARRAABA AYAA LA WAAYEY? WUU OGYAHAY INAAN AABBIIHII IYO ADEERKIIBA AANU DILNAY, MAANTANA MA DAGAAL KALE AYUU DAMCSANYAHAY?”.

Durbadiiba, waxa uu Baasaweyne ku kacay fal aan la mahadin. Waxa uu askartiisii ku amrey in safarkan inta uu ka tiro le’egyahay oo dhan la gawraco, oo dhagta dhiigga loo daro. Lagana soo reebo hal nin oo jawaabta u qaada Geesaweyne. Sidii ayaana askartii ay yeeshay, oo dadkii lagu sameeyey. Deedna waxa uu haddana amrey boqor Baasaaweyne in dhammaan safarka kurarkooda lasoo uruuriyo, kaddibna laba faras lagu kala raro inta meel lagu guro. Ninka soo hadhayna faras gaar ah la saaro, seddexdaas farasna loogu diro Geesaweyne. Warqad farriin ah oo dhiigii dadkii safarka ahaa ee ka yimid Geesaweynana lagu qorey, ayuu uu ugu dhiibey ninkii safarka hoggaaminayey.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Ahmett
Ahmett

Wa qormo ad uwangsan ina so jidtey runti wa qiso igu cusup

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend