Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar

J

Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar
Qaybta Lixaad
Ninkii safarka ku keliyoobay iyo kurarkii dadkii hadyadda martida loo dhigay ayaa si baqasho iyo cago jiid ku jirto goobtii qasriga boqor Baasaweyne ka huleelay goor ku beeggan galab. Wixii ay socdaanba, oo waddo adag uu keligii sii dhex jibaaxaba, ugu dambeyn waa uu gaadhay qasrigii boqor Geesaweyne, isagoo aad u tiiraanyaysan. Geesaweyne oo dhinacna iska leh “Tolow miyuu kugu soo diidi doonaa hadyadda?” Ayaa waxa dalaq usoo dhahay ninkii oo cataabaya, ooyaya, naxsan oo fajac ku dhammaadey!

Durbadiiba waxa lagu boobey “War maxaa ku helay? Hadal, maxaad la aamusantahay?” Ayuu mar keliya ku boobay hadal ahaa sidatan “Boqoroow, boqoroow, boqor, waxa dhacay…. Waa nala laayey… hh. Eh, ah, adigana haydad kale oo dad la diley ah ayuu … kuusoo dhiibey”. Boqorkii naxdin ayaa kasoo hadhay! “War bal na tusa waxa uu sheegayo“ ayuu yidhi.  Labadii faras ayaa laga soo dejiyey kurarkii dadka, oo qalaley, dhiiggiina ka dhammaadey. Dadkii qasriga joogey oo dhan amakaag iyo dhabannahays baa kasoo hadhay! Waxa lala yaabay falka uu ku kacey nin boqor Baasaweyne, weliba uu kula kacay boqor ina adeerkii ah.

Boqor Geesaweyne laftiisu aad buu uga xumaadey, haddana uga cadhoodey, misena uga kululaadey falkaas uu ku kacey Baasaweyne. Waxa uuna ku baaqey dagaal lagu  baabi’iyo boqortooyada Baasaweyne. Taas oo dhagta dhiigga loogu darayo, lana qabsanayo. Wixii ciidan, qalab, sahay iwm. Ayaa uu Geesaweyne diyaarsadey. Waxa uuna ciidankiisii u qeybiyey toban guuto, oo middiiba ay ka koobantahay shan kun oo askari. Tobanka guuto waxa kala hoggaaminaya Amiir Warsame Geesaweyne, oo boqorku dhalay, Amiir Warsame inankiisa oo isna la dhaho Guutaale Warsame. Laba oday oo ay Geesaweyne walaal yihiin oo kala ah: Madaxweyne, Ciilweyne iyo laba wiil oo labada oday dhaleen oo kala ah: Xirsi Madaxweyne iyo Ibraahin Ciilweyne. Toddobadaas is dhalay oo boqor Geesaweyne  sideed ku yahay, waxa kale oo weheliya laba dagaalyahan oo kamid ah ragga uu soo korsadey boqor Geesaweyne oo iyagana lakala dhaho Awseed iyo Olol.

Geesaweyne markii uu is diyaariyey, waxa uu damcay in uu farriin ogeysiis ah u diro boqor Baasaweyne, taas oo uu ku tilmaamayo in uu dagaal diyaar u yahay. Farriintii waxa loogu dhiibay mid kamid ahaa raggii askarta, si degdeg ah ayaan ay u gaadhay. Baasaweyne waaba inta uu doonayey middaasi. Isaga oo dhoosha ka qoslaya ayuu yidhi: “War bal eega, kii aanu guumeysan jirney baa maanta dagaal noogu baaqaya! Sow gunnimo maaha haddaanu faraha laabanno?“ “Haa boqoroow” baa loogu jawaabay.  “Maxaad sugaysaan, ina diyaariya“ ayaa uu Baasaweyne cod weyn oo kibir iyo xanaaq ka muuqdo ku yidhi.

Boqor Baasaweyne waxa uu diyaarsadey ciidan ka kooban shan guuto. Taas oo middiiba ay ka koobantaahy lix kun oo askari. Waxa shantaas guuto kala hoggaaminaya boqor Geesaweyne, wiilkiisa Amiir Doolaal Baasaweyne, wiilkiisa kale ee Mahadle Baasaweyne iyo laba wiil oo walaalkii dhalay oo kala ah: Muumin Aw Xabeeb iyo Ducaale Aw Xabeeb. Wixii qalab iyo sahay iyo weliba fardo la gaadiidsado la helayey waa la diyaarsadey. Dagaalku waxa uu ka dhacayaa waa banka u dhexeeya labada boqortooyo, oo weliba ay xagga Koonfurta u badanyahay banku. Waa meel milicdu ku leefayso. Hanfiga ka jira, jidhku uma adkeysan karo, siib ahaan maalin dharaar cadday ah. Wixii la isusoo xamaan uruursadaba waxa la isugu yimid goobtii lagu ballansanaa. Qolo walba seefta ayaa u sifeysan, qalabkii lagu gaashaan jireyna waa ay xidhantahay. Haba lakala batee, balse wax baqasho ahi ma jirto.

QORMO LA XIRIIRTA:  TUKASHO IYO TUMASHO

Dhinaca kale Carraaba war uma hayso waxa ka dhex dhacay labadii boqortooyo ee midna ay ka dhalatey, midna ay soo guursatey. Taas oo weliba iyada madaxeeda la isu leynayo, oo dhiig in loo daadiyo seefaha loo sii listey. Waxa ay ku jirtaa nolol kale, kama qasna. Raynrayn iyo faraxad xadkeedii dhaaftey, oo jinkii xattaa ka yaabay ayaa ay ku dhex jirtaa. Habeen iyo dharaar jinkii reer Axmar iyo iyada(Carraaba) ayaa sariir aanay hore isheedu u qaban ku dul loollama. Horraaddadeedii aadka u giigsanaa, hadda waa dabceen oo cabbirkoodii hore dhaafeen. War tolow jinku siduu gabadha yidhi? Bal adba!

Dhanka kale bowdyihii iyo badhyihiiba waxa ku laba jibbaarmay baruur iyo hilib mise biyo jin wax loo kala garan waayey. Carraaba waxa aad mooddaa in cidladii u dhaantay, sidan hadda ee jiif iyo joogba lagu jilciyey ee taaha iyo reenkeeda uu gudcurka kasta guuguuluhu dhegta u taago. Marar badan iyadoo qadaad u jiifta sariirteeda cusub ee sharraxan, oo dhinacna xariirta ay xidhantahay ay ka feydantahay. Bowdyooyinkeeduna ay midba midda kale ku xoqmeyso. Marna inta ay cidhibteeda soo qaaddo, ay ku duugeyso cajarradeeda ayay tidhaa: “Eebbaan ka baryaa, in uusan igu celin Warfaa dhoohane“ Dhoohane aa? Oo tolow maxay magacan ula maagtey? Bal adba! Wixii shaqeysan waayo oo dhan baa magac xun istaahila malaa!!

Mar keliya isma aysan weyddiin waxa ay ku suganyihiin labadii boqortooyo ee Geesaweyne iyo Baasaweyne. Xattaa maankeeda kuma aysan soo dhicin. Waxaadba mooddaa in ay boqortooyada jinka ee reer Axmar ay ka dhalatey, ku kortey, kuna weynaatye oo lagu qabo immikana. Yaab!! Duqeydii igu soo baxdey banka labada boqortooyo u dhexeeya, waxa ay bilaabeen guubaabadi ciidanka mid weliba dhinaciisa. Waxa uu Baasaweyne isagoo kor u qaadaya seeftiisa yidhi: “Maanta waa inaan dhiiggiisa daadiyaa Geesaweyne, ama waa in kayga la daadiyaa. Ma dhici doonto in labadayaduba aanu badqab kaga baxno goobta“.

Geesaweyne isaguna isagoo giir aan yareyn iska kicinaya waxa uu yidhi: “Labada boqortooyo ama anaa xoog iyo seef ku kasban doona, ama labadeennaba waa la ina waayi doonaa, oo aakhira ayaa aynnu wada tegi.“ Mar keliya ayaa seefihii kor loo taagey, leebkiina la cabbaystey, waramaantiina la isku soo jeediyey. Waxaana lagu kala qeliyey War gala cadowga” iyo “War gala cadowga”.  Wixii la isjafaba, ee birta la iska aslo. Waxa gaadmadii ugu horreysay lagu diley Amiir Doolaal Baasaweyne. Waxa soo gaadey, mid kamid ah labadii nin ee uu soo korsaday boqor Geesaweyne oo magaciisu ahaa Olol. Olol waa nin aad u shiish daran, misena ganitaankiisu aad u kululyahay oo aanad dhulka ula dhacayn hadduu kula helo.

Mar Alla markii lagu war helay in la diley Amiir Doolaal. Waxa uu jab weyn soo waajahay guutadii uu hoggaaminayey, oo ka dagaalamaysay aagga bidix ee ciidanka boqor Baasaweyne. Markii la arkay in aad loo jafay guutadii Doolaal, waxa uu Baasaweyne amar ku bixiyey in uu hoggaaminta la wareego ku-xigeenkiisii abbaanduulanimo; oo ay ilma adeer seddexaad ahaayeen. Abbaanduulihii cusbaa aad buu u adkeeyey guutadii, gummaadkiina waa uu ka yaraaday sidii hore. Weerar ba’an iyo difaac adagba waa uu ku tallaabsadey. Waxase musiibo haddana ku noqotey ciidankii Baasaweyne, in mar labaad laga diley Muumin Aw Xabeeb oo walaalkii dhalay, guutadii uu hoggaaminayeyna cagta la mariyey. Firxadkiina ay guutooyinkii kale ku kala biireen. Dacalkii guutada Muumin ahayd, hadda waa bannaanatahay. Waa cidla’ aan axad taagani uusan jirin.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

4
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
4 Faallooyinka
0 Jawaabaha
2 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Ahmett
Ahmett

Wa qormo ad uwangsan ina so jidtey runti wa qiso igu cusup

Mohamed Hassan
Mohamed Hassan

Waa sheeko xiiso leh ee ma halkaasay ku istaagtay.

Mohamed Hassan
Mohamed Hassan

Qeybihii kale maxa ku dhacay bas miyaa?

Mohamed Hassan
Mohamed Hassan

Qeybtii 10aad mala waayey?

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend