Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar

J

Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar
Qaybta Sagaalaad

Johoraddii Quruxda iyo meeqaamka ku lahayd labadii qasri ee ay kusoo noolaatey, maanta waxa u dambeysay in ay sidaa noqoto. Go’aan iyo ikhtiyaar midna ma leh!! Jin aan la dhalan waxna la wadaagin baa hoggaanka u haya. Haa iyo Maya midna ma awooddo. Sidii dhalaanka ayaa kolba sidii la doono loogu taliyaa!! Dhabankii iyo dheehii ay lahayd muddo ka hor maanta waa ka suulleen. Jaaheedii widhwidhi jirey kolka uu ina ragg isha ku dhufto, maanta dubuur iyo qolof baa dusha ka saaran. Cabaad iyo ciil kuma hadhin. Oohinna waaba ka qalashay, oo waaba kasoo burqan la’dahay. Qalbiga ayaa holcaya, xannuun aan nabad duleed ahayn baa dharaar iyo habeen damqanaya.

Qasriga dhexdiisa habeen walba mid wasiir ah, ama tol ah ama jin kalaa usoo biyeysata. Kufsi iyo awoodba waa lagula kacaa. Ma yeedhaan ciirsila’ ayay noqotey. Oday iyo yarba waa la isu soo qaawiyaa, deedna laga shaqeystaa. Xurmo iyo sharaf kuma hadhin, xishooodna hadalkiisaba daa!! Marar badan waaba la isu soo tilmaamaa, sidii ganacsiga oo kale. Dumarkii lagu yaqaannay qasriga ee dharaar iyo habeen kala wadhnaa, iyada ayaa bara dhaafisey!! Musiibo nolosheedii mar qur ah dhanka kale u rogtay ayaa ku habsatey.

QORMO LA XIRIIRTA:  TUKASHO IYO TUMASHO

Tiro maleh inta jeer ee ay damacday in ay baxsato Carraabi, waa se suurtogeli weyday. Hungow mooyee wax kale kalama aysan kulmin. Waxa ay usii laba jibbaartay uun caddaadiskii iyo gaboodfalladii lagu hayey! Carraaba miyay marna maanka gelisey in halkaas ay ku dambeyn doonto? Miyay maalinna ku fikirtey bohoshaas iyo god halaqaas baad ku dhici doontaa? Ma cid baa ka shaxshax badnayn? Ka farxad iyo shacni badnayn? Jidhkeedii xaaddu istaagi jirtey kolka ay aragto iyo xubnaheedii kala jarjarnaa xaggay tolow ku dambeeyeen? Sidii lafo tawafey, oo maalinba dhurwaa dhinac goosto ayaa uu noqdey!!

Carraaba waxa aroor hore ah garaadkeeda kusoo dhacay fikrad saameyn xooggan nolosheeda ku yeelatey! Tolow maxay ahayd fikraddaasi?! Fikrad maankeeda gilgishey. Daba iyo dacal, kal iyo hoosba. Mar naxdin iyo uur kutaallo weyn ku noqotey. Marna farxad iyo raaxo la noqotey. Waase ku dhici weyday dharaarihii hore oo dhan. Aad ayay uga labbo labbaysay! Marnaba waa u cuntami weydday intii hore fikraddaasi. Ugu dambeyn se waxa ay is tidhi “Calool adeyg waa lama huraan”.  Carraaba waxa ay goor fiid ah, oo lamid ah fiidkii ay leexada keligeed ku raaxeysanaysay, ee ay joogtay qasrigii aabbaheed Baasaweyne. Ayaa ay daaqadda qolkeedii oo ku yaalla dabaqa seddexaad ee qasriga koonihiisa ay furtey. Si badheedh ah, oo aan ka laalaabasho lahayn ayay isaga soo xoortey!! Waxa ayna ku dhawaaqeysay weedho aad ay ula fajaceen jinkii qasriga joogey oo dhan kana mid ahaayeen: “Xorriyaddu waa farxadda nolosha!” “Adduun jeel ah, waxa dhaama dhimasho aakhiro!” “Dhimashadu waa xorriyadda buuxda, ee kama dambeysta ah!” “Marnababa kuma soo noqon doono cadaabta sidan ah!”.

 

 

 

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

4
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
4 Faallooyinka
0 Jawaabaha
2 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Ahmett
Ahmett

Wa qormo ad uwangsan ina so jidtey runti wa qiso igu cusup

Mohamed Hassan
Mohamed Hassan

Waa sheeko xiiso leh ee ma halkaasay ku istaagtay.

Mohamed Hassan
Mohamed Hassan

Qeybihii kale maxa ku dhacay bas miyaa?

Mohamed Hassan
Mohamed Hassan

Qeybtii 10aad mala waayey?

My Bookmarks

Follow Us

[likebtn theme="padded" counter_type="subtract_dislikes" tooltip_enabled="0" white_label="1" newline="1" popup_disabled="1"][cbxwpbookmarkbtn]

Send this to a friend