Kawnku ma yahay mid nidaamsan?

K
Inkastoo aan la odhan karin kawnku waa mid 100% nidaamsan oo nidaam darro iyo isku dhex yaacsanaani ay kawnka qaybo ka mid ah ka muuqato, hadana nidaamsanaanta kawnka waxaa aynu u tirin karnaa jiritaanka afar waxyaabood, maatar/matter, tamar/energy, fagaag/space iyo ammin/time. Afartaa shay labo ba waa ay isku mataansan yihiin oo fagaagga iyo amminta waxaa la isigu geeyaa spacetime. Halka maatarka iyo tamarta sida ay isle’egta caanka ah ee Einstein E=MC^2 ay sheegayso in ay yihiin “two sides of the same coin,” ama labo is leh. Kolkaa jiritaanka spacetime iyo maatar/tamar iyo natiijada jiritaanka maatarka iyo tamarta ka dhalata ee loo yaqaan cufisjiidadka ayaa ku filan inay kawnka nidaamiyaan. “Spacetime tells matter how to move, and matter tells spacetime how to curve.” Fagaagga iyo amintu waxaa ay maatarka u sheegaan qaabka uu u socon lahaa, maatarku na waxaa uu fagaagga iyo amminta u sheegaa sidii ay u qaloocsami ama diismi lahaayeen. Yacniga Amminta iyo fagaagu waxaa ay dejiyaan qaabka uu maatarku spacetime-ka dhexdiisa ugu socdaali lahaa, maatarku na waxaa uu qoondeeyaa qaabka fagaaga iyo ammintu ay u dhaqmi lahaayeen. Kolkaa wixii nidaamin iyo xeer dejin ah jiritaanka afartaa walxood ayaa ku filan.

Dhanka kale, marka aynu nidaamsanaanta kawnka ka muuqata dhinac iska dhigno, waxaa kawnka ka muuqata fawdo iyo isku dhex yaacsanaan. Fawdadan waxaa ka mid ah in ay xiddiguhu isku dhacaan, in ay xiddigi xiddig kale liqdo dabadeedna arrinkaa ay ka dhalato waxa loo yaqaano “Type 1a supernova” oo ah mid ka mid ah qaraxyada kawnka ugu halista badan. Xiddigo isu rogaya red giants oo meerayaal idil liqaya. Shan bilyan oo sano kadib waxaa ay qorraxdu geli doontaa marxaladda red giant iyadoo uu dhexroorkeedu soo gaadhi doono orbitka Dhulka, waxaa na ay liqi doontaa meerayaasha Dusaa/Mercury iyo Waxaraxidh/Venus. Waxaa kale oo isku dhex yaacsanaanta kawnka ka mid ah isku dhaca god madoobayaasha oo ah xaalad khasaare ba’an gaadhsiin karta iskuraran idil. 2015tii ayaa markii ugu horaysay koox ka tirsan LIGO (Laser Interferometer Gravitational-wave Observatory) ay xaqiijiyeen isku dhaca laba god madoobe oo is duqeeyay isku na darsamay mudo haatan laga joogo 1.3 bilyan oo sano. 2015tii wixii ka danbeeyay na dhowr ayaa la helay mawjaddo cufisjiidad (gravitational waves) xaqiijinaya isku dhaca dalool madoobayaal dhowr ah.
Intaa waxa dheer isku dhaca iskurarannada ama waxa loo yaqaano galactic collision oo ah in laba iskuraran uu cufisjiidadku isu soo jiido dabadeedna ay isku darsamaan, xaaladdaa isku darsanku na ay horseedo in xiddigo badani ay khadka ka baxaan oo ay noqdaan run away stars aan iskuraran ka tirsanayn iyo in qaar kale ay isku dhacaan waqtiga isku darsanka. Ugu danbayn waxaa iyadu na in la xuso mudan dhagaxcirreedyada/asteroids iyo dibdheeryooyinka/comets-ka oo duqeeya meerayaasha horseedna u noqon kara in ay tirtiraan guud ahaan ba nolosha meere ka jirta. Mudo haatan laga joogo 65 milyan oo sano waxaa Dhulka ku dhacay asteroid dhererkiisu lagu qiyaasay 10km kaas oo waxyar mooyee dilay noolihii waqtigaas Dhulka ku noollaa.

QORMO LA XIRIIRTA:  Roobka ma Ilaah baa keena?
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

Nala Soo Xiriir

Follow Us