Khalad fahano daaran aragtida Daarwin

K

Marka koowaad Evolution-ka ama tadawurku saynis maaha waayo saynisku waxuu ka hadlaa hadda iyo imminka waana i tus oo i taabsii!

Saynisku dhammaantii ma aha mid ku kooban ili aragtay, waxa jira saynis taariikheedyo fara badan oo darsa waxii dhacay, waxaana la dhahaa Historical Sciences-ka sida Cosmology, Geology, Paleantology, Pleanthropology, iyo Archaeology.
Waxaana jira laba saynis oo kala ah Experimental Sciences iyo Historical Sciences waxay isticmaalaan habab cimliyeedyo kala duwan. Laakiin labaduba waxay si isku mida u lafa guri karaan sababta.
Evolutionary biology waa mid ka mida Historical Sciences-ka.

Sayniska dhammaantii maaha wax ku dhisan tijaabo laab lagu sameeyay aragtida relativity ga ee Albert Einstein si loo xaqiijiyo laab lama gayn waayo waxay ka hadlaysaa dhulkaba waa wax ka fog.
Balse si taa ka duwan waxay aragtidu markeeda horeba samaysaa (predictions) ama ifafaalo si aragtidu run u noqotana waa in ifaafaalihii laga arkaa dabeecadda (Nature).

Aragtidaa aanu haddeer wadaad iyo waranle toona ka murmi karin ee sayniskii ilaa Newton la aaminsanaa madixiisa minjaha u rogtay. Waxaa lagu xaqiijiyay in la arkay saadaashii ama ifafaalihii ay samaysay oo ahaa in haddii uu Space-ku bending ku jiro ama qallooc marka la dul dhigo walxa culus taas saamaynteeda la arki karo markuu dhaco qorrax madoobaad waayo waxaa qallooc geli doona ilayska ka imanaya qoraxda maadaama spacekii hareereheeda ahaa culayskeedu qaloocshay.

saynis yahanadu waxay dhahaan tijaabada ugu fiican ee aragti waa in loo bandhigo nature ama dabeecadda.

Aragtida Daarwin ee Evolution-ka oo hadda 150 sano jirta Daarwin markii uu soo bandhigay waxay samaynaysay saadaal ah haddii noolaha adduunka ku nool oo dhan uu xidhiidh ka dhexeeyo waa in taa caddaynteeda laga helaa dabeecadda.
Illaa haddana lama hayo wax saadaashaa beeneeya.

QORMO LA XIRIIRTA:  Cuf-isjiidadka iyo Carshiga!

Tusaale; Haddaad tahay dembi baadhe ood meel qof lagu dilay timaadid kadibna aad hesho qofkii wax dilay raadkiisii, farahiisii iyo hubkiisiiba iyo weliba qaabka casriga ah ee maanta timihiisii ood ka tixraaci karto DNA giisii oo intuba ay cadeeyaan in ninka wax dilay hebel yahay maxaa diidaya in hebelkaa la qisaaso.

Sidaa si lamida saynis yahannadu waa dhacdo baadhayaasha dabeecadda, waxaana la hayaa waxii la saadaalinayey in laga helo dabeecadda hadii uu evolution dhacay.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

Aragtidaada ku darso

Nala Soo Xiriir

Follow Us