Kulankii aniga iyo Ilaahay

K
Waxa u gu badan ee aan ku hamminayey waxay in aan Ilaahay la hadlo! Markii ay soo billatay bishii Ramadaan ayaan naftayda kula hasaaway, oo maad isku daydid iminka?. Waxaan is weydiiyey su’aal ah: horta kuwii Ilaahay la kulmay qaabkoodu sidee ahaa iyo la kulankoodu?. Waxay hore loo yidhi, “Ilaahay waxa uu jecelyahay in kulanku ka dhaco buur dusheed” Waayo, Ilaahay waxa ay Muuse ku wada hadleen buur dhakadeeda; Maxamed, waxa uu u gu soo warramay godkii ku yaallay buurta—qaarul xira; Ibraahim laftarkiisa buur bay ku wada hadleen. Waxaan iskugu niyad qaboojiyey in aan uu baxo figta u gu sarreysa magaaladeyda iyadoo aan cidna ii jeedin, annigoo ku rejo weyn kulanka Ilaahay. Waxaan sugayey in aan la kulmo Ilaahay laftarkiisa, ergay ka socda dhankiisa ama mid noo dhexeeya, oo warka noo kala qaada. Waxaan korodhsaday ixtimaallada niyad wanaagayga ku wejahan kulanka Ilaahay. Ramadaanno badan baa ii dhaafay si aan u naawilayey kulan caal waa’, oo u gu dambeyn kusoo idlaaday fashil iyo kulan noqday hal-bacaad-lagu-lisay!

Sannadkan, waxaan go’aan ku gaadhay godkii dhowrka jeer laygu qaniinnay; waxaan xad u yeellay baahideydii ku aaddanayd la kulanka Ilaahay. Ogaanshaha xaqiiqda, oo ah mid aan la gaadhi karin kulan la’aan ayaan garwaaqsanna. Salaadii subax ka hor annigoo hurdo iskaga jira ayaan mar qudha dareemay dareen ah in uu jiro wax ii werwergelinaya; waxaan dareemay in garaaca wadnahaygu kordhay heer lagu arki karo isha ama uu maqli karo qof qof la joogga. Neef qabbatow ka bacdi waan soo boodday, oo ka toosay hurdadii annigoo hortayda u ga jeedda mid dhoollacaddeynaya, oo uu eeg qof caadi ah.

Aniga: “Sidee halkan ku timi?”
X: “Waxaad qalbigaaga ka jeclayd in aad la kulanto Ilaahay, Ilaahayna wuxu jeclaystay la kulankaaga!”
Aniga: “Kumaad tahay? Jibriil miyaad tahay?”.
X: “Maya, ma ihi Jibriil! Waa kuma Jibriilkaasi?”.
Aniga: “Waxaan ogahay in uu yahay safiirka u kala dabqaadda Ilaahay iyo dadka”.
X: “Ma garanayo, ee waxaan doonaya in aad ii raacdo”.
Aniga: “Halkee?”
X: “Dhinaca Ilaahay!”
Aniga: “Labadeenna mid baa waashay!”
X: “Kolay anniga ma ahaa ka waallan, ee dhakhso aan Ilaahay aadno waayo, Ilaahay wakhti badan ma hayo, oo kugula kulmo hadda ka dib”
Aniga: “Mar haddii aan annigu ahay ka keliya ee waallan waan ku rummaysan”
X: ” Ilaa soo fuul”
Aniga: “Maxaan fuulla? Ma waxaad wadata Bureeqa? Waayo, uma jeeddo baqal e”
X: ” Maad khaldanayn markii aad isku sifaysay in aad waallantahay! Ma waxay kula ahayd in aynnu Ilaahay u gu tegayno baqal?”
Aniga: “Haa, waa xogta ama macluumadka aan ka hayo safarkii ugu dambeeyey ee Ilaahay cidii ugu tagto in ay raacday baqal”
X: “Ma ii raacaysa mise waan ka taga? Mid hadal lagu imtixaamay baad tahay e”
Aniga: “May, mudane anniga ayaan baa ka hadhay waayo, fursadan oo kale waxaan la rejo dhowrayey muddo tobon sanno ah, meeyey waxaynu raacayna? Mudane magaca?”
X: ” Muhiim ma ahaa magacaygu, anniga shaqadaydu waxa weeye in aan waddada ku tuso ee i soo dabagal”.

Waan dabagalay sidii qof riyoonaya, oo kale. Waxa uu furay daaqad gaadhi, oo ka galay annigana daaqadda kale ayuu i ga furay, oo aan kasoo galay. Waxa uu ahaa gaadhi la moodo gudihiisa diyaaradaha casriga ah ee raaxadda; waxay se uu eeka baabuurta raaxada noocooda loo yaqaano Mclaren.
X: “Xidho xadhiga badbaadda(seat belts)”.
Aniga: “Miyaad kaftamaysa?”.
Intaa uu qoslay ayuu i gu yidhi, “Haa, markaan waan kaftamaya!”.

Gaadhigii waxa uu u dhaqaaqay si xawaare sare ah; waxaan dareemay in aan ku socono xawaare ka sarreeya ka ilayska; waxaan dareemay in ruuxdii iga baxday oo kale; cadaadiskii dhiigaygu hoos buu u dhacay sidii in aan ahay qof duulaya meel madhan(vacuum space), oo kale. Caqligaygu wuxuu ahaa mid la dayaysan mawjaddo afkaaro ah, oo aanan fahmi karayn; maan awoodayn in aan yeesho fogganaan dhammaystiran waayo, waxaan ahaa sidii mid lagu duray irbad bannaday(suuxisay) jidhkaygoo dhan.

Waxaan gacantayda la helay remote-ka lagu maamuullo radiyaha gaadhiga; waxaan maqlay codad aan fahmi waayey, oo baqdin iyo argagax ku lammaanyahay taas, oo i gu abuurtay wareer iyo in aan dareemo in wadnuhu dibadda i ga soo baxayo wareegga dhiigayguna noqday mid dhinac qudha u socda; waxaan bilaabay neef tuuris.

QORMO LA XIRIIRTA:  Caashaqii labo kacleeyey (Sheeko Faneed)

Aniga: “Imissa sannad ifeed ayuu qaadanayaa safarkeennu?”.
X: “Waxba qaadan maayo”.
Aniga: “Laakiin, waxaynu soconay wakhti badan”.
X: “Waxaynu sugaynaa idam si aynu ugu degno dhulka barakaysan”.
Aniga: “Oo waa halkee dhulkaas barakaysan?”.
X: “Waa carshiga Ilaahay!”.
Aniga: “Haa, waan garanaya sow sideed malag ma xambaarsanna, oo kuma wareegsanna carshiga Ilaahay?”.
X: “Yaa! Ma ilaahay bay xambaarsanyihiin sideed malag?”.
Aniga: “Waxaan ku idhi sideed malag, adigu miyaanad malag ahayn?”.
X: “Dhegeyso qofyahow, carshiga Ilaahay ma jirto cid xambaari karta waayo, Ilaahay waxa uu awood u lee yahay in uu keligii maamuullo, miyaanu adiga ahayn kii doonayey inuu Ilaahay arko, oo haddana u malleynaya in Ilaahay addeegsado makhluuqaad kale si ay u ga caawiyaan in uu fadhiisto!”.
Aniga: “Ha i qaban waayo, waa macluumaad hore, oo aan 1400 oo sanno ka hor aan ka guntay e; waxaan filayaa in aad sidayadu kale dhallan-rogan(tadawur) idinku dhacay?”.
X: “Dhallan-rogan sidiinoo kale! Horta idinku yaad tihiin aslan?”.
Aniga: ” Dhib ma leh haddii aanad malag ahayn adigu maxaad tahayna? Ilaahay haddii aanu u baahnayn caawin adigu maxaad u qabata?.
X: “Ha degdegin, waxwalba waxaad ogaan doonta markaad Ilaahay la kulanto e”.

Mar qudha ayaa waxaan raadiyihii ka maqlay—kii aan ka baqayey codadka kasoo baxaya— cod argagax leh; waxaan uu maleeyey in aanu ku degnay dhulkii barakaysnaa. Mar qudha ayaa wax walba baaba’een, oo aan is arkay annigoo taagaan meel cidlo ah, oo aad qol weyn moodo iyo waxaanan garanayn oo hortayda dhaqdhaqaaqaya; waxaan dareemay in aanay jirin wax aan sameeyo aan ka ahayn in aan sugo. Waan waayey makhluuqii aanan garanayn ee i soo qaaday iyo gaadhigiisi isagoo aan ii sheegin xaqiiqda waxa uu yahay! Immikana waxaan ku suganahay caalam aanan waxba ka fahmayn; meel la moodo in la damiyey dhammaan codadkii adduunyada, meel deggan, oo aad maqlayso socodka dhiiggaaga jidhka dhex burqanaya. Waxa ii dhawaaqay cod aad u weyn!

Waxa uu yidhi, “Kaahiye”.
Waan cabsooday; lugaha ayaa ii gariiray; kabuubyo ayaa tin iyo cidhib igu wada dhammaatay.
Aniga: “Haa, waa anniga Kaahiye”.
Waxa uu yidhi, “Maxaad doonaysay?”.
Aniga: “Waxaan doonayey in aan Ilaahay la hadlo!”.
Intaa uu qoslay ayuu yidhi, “Waa anniga Ilaahay!”.

Waxaan dareemay in lugahaygu awooddii la’yihiin in ay sidaan qaarkayga sare; waxaan damcay in aan sujuuddo ama jilbaha dhulka dhigo. Qosolkiisu wuxuu ahaa mid weyn laakiin debecsan!
Aniga: “Runtii ma Ilaahay baad tahay?”.
Eebbe: “Ma waxaad doonnaysa caddeyn?”.
Aniga: “May, laakiin dhabtii waxaan fahmi kari la’ahay waxa ku xeeran hareerahayga, soddon daqiiqo ka hor waxaan ahaa mid hurda qolkiisa haddana waxaan la hadlayaa Ilaahay!”.
Eebbe: “Hadda ka bacdi waxaad dareemi xasilooni, ee is deji”.
Waxaad mooda in naftii i gu soo noqotay, oo aan dareemay firfircooni.
Eebbe: “Imminka ma dareentay xasilooni?”.
Aniga: “Haa!”.
Eebbe: “Maxaad i ga doonaysay?”.

Aniga: “Miyaanad ilaahay ahayn? Miyaanaad garanayn waxkasta, oo ku sabsaan naftayda?”.
Eebbe: “Haa, waxaad doonaysa in aad ogaato xaqiiqdu waxay tahay!”.
Aniga: “Haa, waxaan doonaya in aan ogaado xaqiiqada; dhulka, dadka, xayaawaanadka, meerayaasha, shay kasta xaqiiqdiisa. Ma jiraan rasuullo aad soo dirtay? Maxa ka jira diimaha? Ma jirta nolol dambe? Ma jiraan Naar iyo Janno?.
Eebbe: “U kaadi u kaadi, waan garanaya waxaad doonayso, anniga ku faahfaahin doonna”.
Aniga: “Laakiin, waxba ma arko, oo meel bannaan ah baan u jeedda, kuma arko adiga iyo waxkale toonna”.
Eebbe: “Ima qoondaysna in aad ii aragto!”.

Aniga: “Oo hadda maxaad halkan ii keentay? Safarkaygu muxuu kugu jillana? Dhulkan barakaysani maxay ahayeen? Kuma ayuu ahaa kii safarka i gu wehelinayey? Maxaad rasuullada noogu soo dirtay, oo aad iminkana u ga kaftoontay?”.
Eebbe: ” Halkan waxaan ku keenay in aanad ii maqasheen marka aad joogtay dhulka, dhulka barakaysan, waa meesha qudha ee ay makhluuqaadku igula hadli karaan, rususha iyo kownka gadaal baan kaga warrami doonna, ee marka hore maxaad halkan u joogta ama aad u joogtay dhulka? Ii sheeg Kaahiyow, ma arki karta magaalada Muqdisho?”.
Aniga: “Haa Ilaahayow”.
Eebbe: “Yaa dhisay Muqdisho?”.
Aniga: “Ma garanayo!”.
Eebbe: “Waxaa dhisay dadka, waxa aanad u aragtaa in ay weyntahay adigu”.
Aniga: ” Way weyntahay marka la eeggo laakiin, waa awooddaha dadka”.
Eebbe: ” Haddii aan jidhkaaga kasoo qaado gobol yar, oo le’eg cabbirka unugga dhiigga cas, oo aan ka geliyo awood uu dhiganta awooddadoo kale, ma karta in aad iyadoo leh cabbirkaas iyo awooddadoo kale aad ka dhisto–gobolka yara– magaalada Muqdisho, oo kale?.
Aniga:”Ma rumaysan karo arrinkaas, oo ma awooddo in aan ku arko aragga indhahayga caadiga ah, cabbirka siilishka yar ee dhiigga lagu qaaddo waxa halkii mar ee lagu soo nuuggo in yar, oo dhiig ah; dhiiggaasi waxa uu ka koobanyahay malaayin unnugyo cascas ah”.
Eebbe: ” Marka mawduuco waa mawduuc ku saabsan xajmi iyo awood”.
Ainga: “Maxaad u ga jeedda?”.
Ilaahay waxa uu yidhi, “Sow kuma odhan ma awoodid in aad ii aragto?”.
Aniga: “Haa”.
Eebbe: “Unugyada dhiigga cascasi miyay awooddaan in ay ku arkaan?”.
Aniga: “Waxay ku guda jiraan jidhkayga, oo ma awooddaan in ay ii arkaan kala duwaanaanta xajmiga, oo kala weyn awgood; aaah haddaan ku fahmay, waxaad doonaysa in aad dhahdo waxaan ahay mid aad iyo aad u weyn ilaa iyo heer aanaad awoodi karin in aad ii aragto qayb yar, oo ka mid ah mooye marka loo eeggo xajmigaaga, laakiin xita gobolkaas yar annigu ma arko”.
Eebbe: “Haa, waad arki karta”.
Aniga: “Marka kumee?”.
Eebbe: ” Ma u jeeddaa qaybta weyn ee bannaan kownkiinna ee aad u bixiseen cir?”.
Aniga: “Haa”.
Eebbe: “Si aan u soo dhoweeyo fahankaagga, waxaad ku shabahda dhiigga ku jira jidhkaaga”.
Aniga: “Ma waxaad ula jeedda in aad ku sugantahay kownkeenna ama aad qayb ka tahay?”.
Eebbe: “Haa degdegin, waxaad i ga arki karta cirka laakiin ma dhaadsanid!”.
Aniga: “Haa, waa ku fahmay, laakiin maxay ahayeen meeraayaasha, galaakiska iyo waxyaabaha kale ee la halmaalla?. Waxaas, oo dhan waxa i ga muhiimsan anniga, miyaad ii cadaabi doonta dhimashada ka dib? Waxaan ka arkaa in aad tahay mid naxariis badan; waxaan hadalkaaga ka dhadhansaday in aad si aanan mallaysan karin uga duwantahay sawirkii hore ee aan ka haystay ee diimuhu ka sheegeen!”.
Eebbe: “Adigu ma tihid mid samir leh, oo doonaya in u wax ogaado, annigu shakhsina ma cadaabo!”.
Aniga: “Adigoo i ga raali ah haddii aan ku weydiiyo su’aal sida qodaxda igu taagaan, horta maxaad dadka uu abuurtay?”.
Eebbe: “Ma fahmaysid ilaa aan dhammaystirno mawduuca marka hore”.
Aniga: ” Haye, dhegehaygu adigay amaanno ku yihiin”.
Eebbe: “kownkan aad arkayso waa qayb anniga i ga mid ah laakiin, ima arki kartid xajmigaygoo weyn awadiis; dhulka aad arkayso annigu i gu guda jira; meerayaasha, qorraxda, galaaksiiska waa qayb kale, oo anniga i ga mid ah, way ila weynadaan, way ila xanuusadaan, marmarka qarkood waa la beddela, oo way dhintaan. Laakiin, annigu waxaan awood uu lee yahay in aan jiro, oo halkayga kasii socdo, siina weynaado!”.
Aniga: “Xanuunsadaa aa! Waxaan u haystay in aanad xanuunsan e”.
Eebbe: “Maya, geerida iyo nolosha waxa macno ah agtayda kama leh laakiin, waan xanuunsada, se iima saaameeyo sida uu adiga kuu sameeyo; waxaan ahay mid ku jira korriin joogto ah, oo waxa jirtay xilli aan xajmi ahaan aad u ga yara hadda, laakiin, imminka waxaan isku kordhiyey qaybo kale, oo i ga yeellay mid aad u weyn”.

QORMO LA XIRIIRTA:  Aniga iyo Qabyaaladda!

Aniga: “Maxaad dadka uu abuurtay? Weli igama aad jawaabin”.
Eebbe: “Dadka, oo keliya ma abuurin ee makhluuqaad farabadan baan abuuray”.
Aniga: “Waan ogahay laakiin, waxaa xiiso gaar ah iyo muhiimad ii leh dadka anniga”.
Eebbe: ” Ujeeddada abuuritaanku waxay ahayd mid isku mid ah, oo ma jirto wax dheeraad ama gallad ah, oo dadku dheeryihiin makhluuqaadka kale agtayda!”.

Riix bogga xiga si aad u akhrido qaybta labaad ee sheekadan

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments