Kulligeen waxaan nahay diin-laawayaal !!

K

Diin-laawe, Alla-kood, Mulxid ama Atheist, luqadda aad doonto ku sheegoo weedhan waxa loo adeegsadaa qof diiiday jiritaanka awood sare sidoo kale wax diin ah aanan ku dhaqmin. Meerisyada soo socda waxaan kuu kaxayn doonaa safar gaaban oo ujeedkiisu yahay inaan iftiimiyo sababta aan dadkoo dhan ugu tilmaamay diin-laawayaal.

Inkastoo diimuhu ay kumanaan Ilaah oo kala jaad ah kala tix-galiyaan hadana waxa ay ka siman yihiin in Ilaahaasi uu leeyahay awood aan xad lahayn. Iyadoo sidaa ay tahay laguma kalsoona awooddiisa, waxaad moodaa kaliya inay tahay wax afka laga sheego oo maanka lagu khiyaamo. Isagoo aaminsan in dawadiisu ay Ilaahay oo kaliya gacantiisa ku jirto ayuu dhakhtar aadaa, hadduu caafimaadana isaga ayuu u mahad celiyaa.

Isagoo aaminsan in arsaaqada iyo hantiduba ay Ilaahay gacmihiisa ku jiraan ayuu aroor walba u kallahaa shaqo si uu nolol maalmeedkiisa u tabcado. Haddaad waydiiso “Waar ilaahan aad barido muxuu kuu siin waayay caafimaad ama lacag?” wuxuu ku dhahayaa dadkaa kale ayuu iigu soo dhiibay.  “Dhakhtarkaa ayuu ilaahay daawada iigu soo dhiibay”. waa yaab !! haduu marba rabo inuu caafimaad ku siiyo muxuu toos kuu caafin waayay ?
Muxaadarooyinka iyo goobaha wadaadadu bulshada ku kulmiso, waxay dadka aad ugu dhiirri galiyaan inay akhriyaan kalmado “adkaar” iyo quraan ay ku sheegaan inay daawo yihiin oo lagu caafimaado. Hase ahaate wadaadka sidaa leh haddii uu goobtaa ku xanuunsado wuxu dhahayaa dhakhtar ha la i geeyo. Xanuunku marka uu run-run noqdo dhammaan adkaartii iyo quraankii daawada uu sheegayay wuu ku wacad furayaa.

Sheekh Umal oo ku jira cisbitaal dalka Hindiya

Sida culimada nafsigu sheegeen, shaqooyinka ugu muhiimsan ee maskaxdeennu ay qabato waxa ka mid ah Garaadka “Caqliga”. Garaadka ayaa laba u sii kala qaybsama; miyir iyo miyir-hoosaad (Conscious and Subconscious). Miyirku Waa qaybta aynu ognahay ee aan ka war hayno, waa qaybta aad ku dareensan tahay inaad tahay noole jira oo garaad leh, waa qaybta aan beenta isugu sheegno, waa qaybta aad ku aaminsan tahay inuu Ilaahay ku ilaalinayo.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diimaha iyo nafta

Miyir-hoosaad (Subconscious) qaybtani aadbay uga balaadhan tahay Miyirka caadiga ah, waxay qabataa guud ahaanba shaqooyinka ugu badan ee ay maskaxdu qabato. Waxay maamushaa dhamaan nidaamyada aanad ka war qabin; sida dhiig tuurista, neefsiga, cunto burburinta, sidoo kale waa qaybta markaad mas kugu soo soconaya aragto iyadoon Conscious kaaga ka amar qaadan keenaysa inaad ka cararto goobtii, waa qaybta khiyaanadii aad isu sheegtay ee ilaahbaa ku ilaalinaya ahayd daaqadda ka tuuraysa xilliyada adag.

Inta badan miyir hoosaadku isagaa is maamula oo waa (Automatic), marmar way dhacdaa aad maamusho laakiin woxooga ka dib wuxuu ku laabtaa inuu iskii isu maamulo. Tusaale; neefsiga, hadaad u fiirsato qaabka aad u neefsanayso waad joojin kartaa, woxooga ka dib waad iska iloobi doonta wuxuna ku laaban doonaa maamulka miyir-hoosaadka. Sidoo kale wuxuu kaydiyaa xasuusaha iyo waxyaabaha sida joogtada ah loo sameeyo. Tusaale; maalmaha ugu horreeya ee aad baranayso qaabka loo wado gaadhiga, waad dareensatanahay inaad miyirkaaga oo soo jeeda aad maamulayso, laakiin muddo ka dib markaad la qabsato adigoo aan iska war qabin ayaad kaxaynaysaa, waayo xasuustaa waxa lagu kaydiyay miyir hoosaadka.

Qofka muslimka ahi wuxuu aaminsan yahay inuu Ilaahay wax walba awoodo, wuxuu aaminsan yahay noloshiisa dhan inuu isagu qorsheeyey laga bilaabo maalintuu dhashay ilaa dhimashadiisa, xisaabintiisa, janno iyo naar meesha uu ku dambayn doono. Wuxuu aaminsan yahay hantida iyo gaajada inuu isagu keeno, wuxuu aaminsanyahay balaayada iyo barwaaqada inuu isagu masuul ka yahay, Wuxuu aaminsan yahay dilka iyo badbaadadu inay gacantiisa ku jiraan. Hase ahaate qaab nololeedkiisu kuma salaysana wuxuu aaminsan yahay! Haa, wuu tukadaa wuu cibaadaystaa wuu xusaa, laakiin markaad gudaha u dhaadhacdo, maskaxdiisu way garanaysaa inaanay jirin awood sare oo ay isu aaminto.

QORMO LA XIRIIRTA:  Calmaaniyadda

Sigmund Freuds oo ahaa Neurologist caan ah oo waddanka Austria u dhashay ayaa wuxuu Garaadka u qaybiyay guud ahaan saddex. Id, Ego iyo Superego.

Id – Waa qaybta ma xishootada ah ee doonista badan. Tusaale; Adigoo shir muhim ah ku jira ayay ku dhahaysaa, “waan gaajaysanahay hadda cunto doon”.

Superego – Waa qaybta Dheeli tiraysaa ee ka hor imanaysa baahiyaha khaldan ee wakhtiga khaldan imanaya. Tusaale; waxay ku dhahaysaa “Shir muhim ah ayaad ku jirtaa waa khalad inaad ka baxdaa”

Ego – Qaybtan waxay dhex-dhexaadisaa labada kor aan ku soo xusnay. Tusaale; waxay dhahaysaa “Waa run waan gaajayasnahay si Xushmad leh aan uga fasax qaato xubnaha shirka ku jira, si aan cunno u doonto”

Hadaba akhriste; Qaab-nololeedkaaga adiga ayaa gacanta ku haya, adigaa aroortii toosa, adigaa maydha, adigaa quraacda, adigaa tukada, adigaa lugeeya, adiga dugsi ama jaamacad aada, adigaa shaqa aada, adigaa wax barta, adigaa wax jeclaada, adigaa wax naca, adigaa cid u naxariista, adigaa dadka caawiya, adigaa dadka dhiba, adigaa wax wanaajiya, adigaa wax xumeeya, adigaa wax dila, adigaa reer dhaqa, adigaa caruur dhala, adigaa hooyo noqda, adigaa dhinta. Ma jiro shaydaan ku faraya waxyaabaha khaldan, ma jiro Ilaah noloshaada dhan qorsheeyey, ma jiro Ilaah wax walba awoodaa. Jooji khiyaamada aad naftaada ku wado, noloshaada kuma aamini kartid humaag samadaa lagu tuhmay. U mahad celi dhakhtarkii ku daweeyey, u mahad celi saaxiibkii ku caawiyay, u mahad celi bulshadii ku gacan qabatay, iyaga ayaa kaa mudan xushmad iyo qadarin.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments