Ma garanaysaa goortaad soo islaamtay?

M
Marka aad ka leexato jidka dadku kuu jeexeen inaad marto oo aad qaaddo mid kuu gaar ah, weliba adigoon cidna jilayn ama ku dayanayn waydiimaha dadku ku waydiiyaan wax badan ayaa kaaga soo baxaya oo aanad markii hore ogeyn.
Dadka aaminsan in diimaha lagu dhasho waxay ku odhanayaan waad ka baxday, aan ka bexee ma garanaysaan goortaan soo galay? xaqiiqdu waxaa weeye iimaanka qanjaha ku jooga iyo magacaagu waa isku mid waana isku qiime midna maad dooran kumaad qancin waxbana lagaama waydiin waxbana ka garan maysid, danaysi, cabsi iyo ku dayasho ayaad u haysata una aaminsantahay.

Qofka Soomaaliga ahi diinta, qabiilka, deegaanka iyo magaciisaba wuxuu ka dhaxlaa waalidkii iyagaana u doora, isagu waxba ma kala dooran karayn xilliga hawshani socotey, markuu garaadsadayna baadhitaan ma samayn.

waxaad garaadsatay adoo muslim ah, hebel lagu yidhaahdo, reer hebelna ku abtirsada, tuula hebelna deggan. Muslimnimadaadu kuma iman qanaaco aad ku qanacday markaad is barbardhig samaysay balse waa dhaxal waalid, Kumaad dhalan iimaan balse Waa lagugu shubay.

Inaad fikirto adigu oo aad naftaada u doorto wixii aad dan u aragto wixii ka dhasha waa lagugula xisaabtami karaa balse waxaad waalid ka dhaxashay waa khalad in lagugu xisaabiyo, waxaase aan caqliga geleyn inaad ku dooddo wax aanan dooran ha la igu xisaabiyo dadkana ha lagu xisaabiyo.

Ilmaha Hindiya ku dhashay ee lo’da caabuda ama kan Rooma ku dhashay ee masiixiga ah iyo adiga mulimka ah ee Xamar ku dhashay dhammaantiin waxaad ka siman tihiin inaad haysataan diimihii reer tolkiin ama deegaanka aad ku dhalateen ka jirey.

Haddii ilmaha yar la bari lahaa dhammaan diimaha adduunka ka jira loona deyn lahaa isagu inuu doorto diinta uu rabo waxbaa hagaagi lahaa oo qofku wuxuu odhan lahaa anigu diimaha oo dhan baan bartay kadibna tan ayaa ila saxsanaatay oo aan qaatay. Nasiib darro se doorasho ma jirto wixii waalidkaa la qummanaada ama ay haystaan baad ku khasban tahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

Dhaqanka kooxaysigu waa astaamaha noolaha oo dhan lagu yaqaano, dadkuna noolahaas uun buu ka mid yahay. Waxaa dhici jirtey welina dhacda ciddii kooxda ka baxda ama waddo kale qaada dhib bay mudan jirtey, diimuhuna kooxaysigaas uun bay ka mid yihiin oo qofka kooxo diimeedka ka horyimaada dhib bay mutaan inta badan, laakin waxaa nasiib xumo ah wax aanad dooran balse lagugu shubay inaad dadka sanka ka geliso ama ku wax-yeellayso.

Weli ma is waydiisey in taadu qaldan tahay iyo in kale? Haddii aabahaa iyo hooyadaa diin been ah ku bareen ka warran? Shalay ilme yar baad ahayd waxbana maad dooran karayn balse maanta qof wax dooran kara ama baadhitaan samayn kara ayaad tahay, wixii lagugu shubay uun ha ku hadaaqin waddo laguu jeexayna ha marin, adigu waddo jeexo kuu gaara oo wax is waydii.

Diimuhu waa qabiilkoo kale oo caruurta waa lagu barbaariyaa ama lagu shubaa intay dhallaanka yihiin, waana yar yihiin dadka diimaha iskaga gudba oo qaata tii waalidkii mid aan ahayn ama ka dhex baxa gebi ahaanba. Qof waliba wuxuu haystaa wixii degaankiisa ka jirey, markaa saw qalad noqon mayso inaad dadyowga kale ku qasabto wixii degaankaaga ka jirey?

Weli ma is waydiisey maalinta aad muslimtay goortay ahayd? Taadu inay sax tahay see ku garanaysaa haddii aanad wax baadhin? Iimaanka ama rumeynta dhabta ahi waxay timaada shaki kadib, wax markaad ka shakido baadhitaan ayaad ku samayn kadibna xaqiiqda ayaa kuu soo bixi.

Dadka maanta adduunka ku nool 99% iimaankooda diiniga ahi wuxuu ku dhisan yahay taqliid ama ku dayasho, kumana dhisna xaqiiqo raadin iyo qanaaco shakhsi ah. Ibnu Taymiyah wuxuu leeyahay ku dayashadu waa qaadashada hadalka caddayn la’aan (التقليد قبول القول بغير دليل), wuxuuna leeyahay waa ansaxayaa iimaankiisu.
Imaamu Nawaw laftiisu wuxuu leeyahay kii la yimaada shahaadataynka waa mu’min kudayshoba ha ka ahaate (ﺍﻵﺗﻲ (ﺑﺎﻟﺸﻬﺎﺩﺗﻴﻦ ﻣﺆﻣﻦ ﺣﻘﺎ وان كان مقلدا, iska qaado waad badbaadiye ku dayashoba ha kaa ahaate waa waxa halkaa ina dhigay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Nacaybka Yuhuudda maxaa sal u ah?

Ma jiro qof muslim ahi balse waxaa jira dad haysta dhaqan ay ka dhaxleen waalidkood maadama aanay wax kale arag ama aanay doonin oo baadhin, kay ka dhaxleen waalidkood waxay aamineen inuu yahay ka keliya ee saxda ah. Hadaad islaamka ama diintaada jeceshahay baro oo ku qanac kadibna aamin adigoo aan qasbanayn dhaxlna aan u helin, iimaanku daar ama hanti lakala dhaxlo maaha.

Inaad aaminto wax aanad hubin aqoon garanayn oo aanad arag waa dhib waxaase kasii xun garasho la’aanta in aanad diyaar u ahayn inaad barato oo baadho si aad runta uga gun gaadho.

Iimaanka waa tuhun, sababo badan dartood waxaad tuhunsantahay in arrinkaasi sidaa yahay, tuhunkaasi wuxuu noqon karaa mid aad ku saxnaato oo wixii sidii aad ku tuhmeysey ayuu noqday ama wuxuu noqday been oo waad ku hungowdey.

Iska qaadashadu waxay dishaa caqliga waxba ha iska qaadan wax walba baadhitaan ku samee kadibna wixii baadhitaankaa kasoo baxa go’aan ka qaado.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments