Ma jirto xadaarad Islaami ah!

M
dadka haysta diinta islaamka waxay niyadda ku dhistaan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay jiritaanka waxay ugu yeedhaan ilbaxnimadii islaamka (الحضارة الاسلامية). Marka la rabo in la qeexo ereyga ilbaxnimo wuxuu noqonaya abuuritaanka deegaan joogta ah oo liddi ku ah reer guuranimadi la daba socdey baadka iyo biyaha (ﺍﻟﺘﻤﺪُّﻥ ، ﻋﻜﺲ ﺍﻟﺒﺪﺍﻭﺓ), deegaamaysigu wuxuu imanayaa marka xal loo helo caqabadaha deegaan ka jirey.
Ilbaxnimo waxay kaloo ka dhalataa herdanka ama loollanka dhex mara dadka iyo deegaanka, dadku wuxuu ilbaxnimo keeni karaa marka uu deegaanka ka adkaado, caqabadaha dabiiciga ahna ka takhalluso degaankana u bedelo mid danihiisa ugu adeega si sahlan.

Arnold J. Toynbee (1889-1975) wuxuu sheegay ilbaxnimo inay ka dhalan karto oo keliya marka deegaanku dadka cariyo dadkuna diyaar u yihiin inay carinta ka jawaabaan. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhulka kulaylaha lama degaanka ahi kuma wanaagsana beerashada dadkuse carintaas degaanku cariyey waxay kaga jawaabi karaan maraky samaystaan ama curiyaan hab waraab wanaagsan si ay uga gudbaan qallafsanaanta deegaanka.

Nabi Maxammed (571-632) markuu reer tolkii u yimi wax horumar ah uma keenin aan ka ahayn inuu dagaal geliyey si ay adduunka u qabsadaan una soo bililiqaystaan, si ay taa ugu dhiirradaan wuxuu u sharciyeey wax walba inay xoog ku qaataan dad iyo aduunyaba, welibana wuxuu u raaciyey inay jirto meel aakhiro la yidhaahdo oo wax waliba yaalliin. Afar iyo toban qarni kadib wax iska bedeley lama degaankii uu Maxamed ka soo baxay ma jiro, wax kasta oo lagu adeegsadana waxaa laga keena dhulka gaalada.

Waydiinta mudan in lays weydiiyo waxaa weeye ma jiraa xidhiidh ka dhexeeya diinta iyo ilbaxnimada? Ma jiro xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya diinta iyo ilbaxnimada, Muslimiinta oo keliya ayaad ka maqlaysa ereyga ilbaxnimadii islaamka, ma maqlaysid ilbaxnimadii Masiixiyiinta ama yuhuuda.

QORMO LA XIRIIRTA:  Waa maxay lacag?

Caalamka waxaa soo maray ilbaxnimooyiin waaweyn sida tii faraacinta Masar ama tii Maaya waxaa kaloo jirey ilbaxnimooyin ka jirey dhulka webiyada ku hareeraysan. Carabta saxaaraha degani waxay ahayd dad hadafkooda koowaadi yahay siday biyo iyo baad u heli lahaayeen, dagaalka dhaca iyo isbaaraduna dhaqan bay u ahayd, dadkaasi waxay ahaayeen qabiillo ama bulshooyin dib u socod ah.

Qarnigii toddobaad ayaa Maxammed wuxuu la yimi diin cusub oo aanay hore u aqoon taaso midaysay dadkii qabaa’ilka ahaa kadibna duullaan ayay adduunka ku kala bixiyeen, waxayna qabsadeen dhul aad u baaxad wayn. Dhulkaas ay qabsadeen waxaa deganaa dad ilbax ah waxaana ka jirey ilbaxnimooyin.

Maxammed waxaa ugu waynaa ee uu la yimi wuxuu ahaa kitaab ay ku qoran yihiin sheekooyin, sharciyo iyo ballan qaadyo, Kitaabkaas kuma qornayn wax keeni kara ama bulshadaa saxaaraha ku dhibanayd u horseedi karayey ilbaxnimo iyo nolol wanaagsan, wuxuu se ku dhiirri geliyey inay duulaan oo dal iyo dadba qabsasaan xoogna ku qaataan.

Waxaa jirey bulshooyin ilbaxa oo qaatay diinti cusbayd ha lagu qasbo ama iyagu ha ku qanceene, bulshooyinkaas ilbaxnimada iyo aqoontaba way lahaayeen islaamka kahor ee ma ahayn wax ay kala soo dhex bexeen kitaabka Quraanka ah. Islaamka ilbaxnimo ma keenin waxbana masoo kordhin balse waxa qaatay dad ilbaxnimo leh, maanta oo la joogo qarnigii 21aad hadii Maraykanka ama reer Yurub ay diinta islaamka qaataan saw qalad maaha in qarniyo kadib waxay qabsadeen loo nisbeeyo diinta oo la yidhaahdo ilbaxnimadii islaamka.

Maxammed iyo ciidankiisii waxay qabsadeen dhul iyo dad ilbaxnimo taal iyagu wax aan ahayn dhac, dil, kufsi iyo addoonsi masoo kordhin. Soomaalidu waxay qaadatay islaamka isagoo aan lama degaanka carabta wada gaadhin ilaa maantana ilbaxnimo iyo horumar kama jiro mana jirto Soomaalida cid kaga wanaagsan ku dhaqanka diinta adduunkan aynu joogno maanta.

QORMO LA XIRIIRTA:  Boqorradii Imbaraadooriyaddii Roomaanka

Inaad aaminto in Illaah keliyi jiro Maxamedna uu yahay rasuulkiisi kadibna aad cibaadaysato micneheedu maaha inaad ilbax noqonayso oo aad nolosha horumar ka gaadheyso.

Ibnu Khaldun (1332-1406) Wuxuu leeyahay Carabta iyo farsamo kala dheer, wuxuuna ku sababaynayaa dhaqanka reer guuraanimada ee carabta iyo ka fogaanshaha magaalooyinka, wuxuu kale oo sheegay inay farsamada ku wanaagsan yihiin dadka aan carabta ahayn ee magaalooyinka degan kana fog reer-guuraanimada.

Ibnu Khaldun wuxuu kaloo inoo sheegeya in dad islaamka ah ee aqoonta diiniga iyo tan maadiga ahba ku xeel dheeri ay yihiin dad aan asalkoodu carab ahayn.

ﺃﻥ ﺣﻤﻠﺔ ﺍﻟﻌﻠﻢ ﻓﻲ ﺍﻟﻤﻠﺔ ﺍﻹﺳﻼﻣﻴﺔ ﺃﻛﺜﺮﻫﻢ ﺍﻟﻌﺠﻢ ﻻ ﻣﻦ ﺍﻟﻌﻠﻮم ﺎﻟﺸﺮﻋﻴﺔ ﻭﻻ ﻣﻦ ﺍﻟﻌﻠﻮﻡ ﺍﻟﻌﻘﻠﻴﺔ ﺇﻻ ﻓﻲ ﺍﻟﻘﻠﻴﻞ ﺍﻟﻨﺎﺩﺭ ﻭﺍﻥ ﻛﺎﻥ ﻣﻨﻬﻢ ﺍﻟﻌﺮﺑﻲ ﻓﻲ نسبه ﻔﻬﻮ ﺃﻋﺠﻤﻲ ﻓﻲ ﻟﻐﺘﻪ ﻭﻣﺮﺑﺎﻩ ﻭﻣﺸﻴﺨﺘﻪ ﻣﻊ ﺍﻟﻌﻠﻢ ﺃﻥ ﺍﻟﻤﻠﺔ ﻋﺮﺑﻴﺔ ﻭﺻﺎﺣﺐ ﺷﺮﻳﻌﺘﻬﺎ ﻋﺮبي ﻭﺍﻟﺴﺒﺐ ﻓﻲ ﺫﻟﻚ ﺃﻥ ﺍﻟﻤﻠﺔ ﻓﻲ ﺃﻭﻟﻬﺎ ﻟﻢ ﻳﻜﻦ ﻓﻴﻬﺎ ﻋﻠﻢ ﻭﻻ ﺻﻨﺎﻋﺔ ﻟﻤﻘﺘﻀﻰ ﺃﺣﻮﺍﻝ ﺍﻟﺴﺬﺍﺟﺔﻭﺍﻟﺒﺪﺍﻭﺓ.

Carabtu waxay ahaayeen welina yihiin dad aan abuuri karin horumar iyo farsamo, maaha dad u dhashay hal- abuurnimo wax kasta oo nolosha fududeeya waa ay soo dejistaan, waxaa iyaduna khalad iyo jaahlnimo ah in talis siyaasadeed loogu yeedho ilbaxnimo.

Ma jirto ilbaxnimo Islaami ahi waana been aan sal iyo raad toonna lahayn. Diintu ilbaxnimo ma keento, diinta iyo ilbaxnimaduna malaha xidhiidh toos ah. Ilbaxnimo waxa keena halgan lala galo deegaanka si looga maarmo ku xidhnaanshaha dabeecadda loona dhiso nolol iyo sanco ka madax banaan.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments