Ma magac diimeed baa jira?

M

In badan baad maqlaysaa dadkeena Soomaaliyeed oo leh hebel magaciisu maaha magac Islaam. Ma is waydiisey inay jiraan magacyo diimeed oo samada laga soo dhiibey? Diintaada ama dhaqankaaga iyo magacaagu ma yihiin wax isku xidhan. Sida runtu tahay diimuhu waa dad samee dadka ayaana asal ah. Mana jiraan magacyo diimeed oo liiskooda samada lagasoo dhiibey. Sidoo kale ma jirto diin la timi qorshe caynkaas ah balse waa duullaan lagu tirtirayo ummadaha laga awood roonaado.

Haddii aad muslin tahay magacaaguna yahay Samatar kamaad bixin diintaadii, magacaaguna wax xidhiidh ah lama laha diinta aad haysato. Maxamed ka hor intaanu sheegan inuu yahay nebi uu soo diray Ilaah aan jiritaankiisa la hubin waxaa la odhan jirey Maxamed, Markuu nebinimada sheegtayna Maxamed uun buu ahaa. Cumar Binu Khaddab isna waxaa islamnimada ka hor la odhan jirey Cumar markuu islaamnimada qaatayna magaciisi waxba iskama bedelin.

Duullaanka diimaysan ee Carabtu ku qaaday bulshooyin badan oo ay Soomaalidu ka mid tahay waxay diimeeyeen mudnaanta kowaadna siiyeen siday afkooda, dhaqankooda, lebiskooda iyo wax walba oo ay gaar u lahaayeen. Carabtu waxay uga dan lahayd inay tirtirto jiritaanka bulshooyinkaas ay guumaysatey waxayna uga dhigeen dadkaa ay dullaysteen in afka Carabtu yahay afkii Ilaahay, in Carabi tahay dad ka sarreeya dadyowga kale, in magacyadoodu yihiin kuwo wanaagsan oo barkaysan mudnaan gaar ahna leh. Taas waxay Carabi u martay in ay dadkaas uga dhigaan In wixii iyaga u gaarka ahaa waa kuwa la dullaystee uu yahay wax liita oo fool xun lagana ilbaxay, waxayna ugu magacaabeen Jaahiliya. Taas waxaa ka dhashay in hal mar bulshooyinkaasi iska tuuraan wixii iyaga u gaarka ahaa wixi Carabta soo duusheyna way qaateen.

Soomaalidu dhaqan umay lahayn inay la baxdo magacyo shisheeye balse duullaankaas diimaysan ayaa aafeeyey. Wixii ay gaarka u lahaayeen way tuureen taariikhdoodi iyo dhaqankoodi waa dafireen, mid been ahna waa samaysteen iyagoo uga dan leh inay ka barakaystaan wixii Carab u gaarka ahaa. Taasi waxay dhacday kadib markuu hirgalay duullaankii quudhsiga ku dhisnaa ee Carabtu inagu soo qaadday.

Soomaalidu waxay bilawday inay u kala tartanto tirtirka jiritankooda. Waxaa bilawday diimaynta dhaqan Soomaaliga. Waxaa la wada sheegtay in lagasoo jeedo Carab. Magacyo Carbeed ayaa lala wada baxay. Ridwaan, Xamdaan, Maxamed, Ayman ayaa magacyo inoo noqday. Samatar, Colaad, Waaberi, Guuleed iyo Guhaad waxay noqdeen magacyo xun-xun gaaladu la baxdo oo aan wanaagsanayn ama magacyadii Jaahiliyada. Magacyo addoonimo muujinaya ayay la bexeen Cabdi Raxmaan, Cabdi Khaalaq iyo kuwo kaloo kasii xun.

Saw ma wanaagsana in wexeenu ka mudnaadaan waxa shisheeyaha. Haddii aanu jirin magacyo uu soo dhiibey Ilaaha aynaan hubin jiritaankiisa saw ma habboona kuweennii aan dayacnay inaan dib ugu noqonno. U hiili dhaqankaaga, dadkaaga, dalkaaga iyo taariikhdaada. Ogow Carabi kaama mudna kaama sarreyso garna maaha inaad iyaga wax walba u daba fariisato. Hankaagu ha gaadho inaad adigu nebi sheegato dadkaagana aad ka xoreyso kuwa kula midka ah ee dullaystey. Afkeenna iyo dhaqankeenna Soomaaliyeed ha ahaadaan kuwa mudnaanta kowaad leh. Haddii aanad sidaa yeelin waxaa xaqiiqo ah inaad qayb ka tahay raallina ka tahay dabar goynta dhaqanka dadkaaga lagu hayo. Ilaahay hadduu Ilaah inoo wada yahay kuma hadleen af gaar ah oo ay leeyihiin dad gaar ahi. Inuu dhex inoo noqdo xilliyada qaarna afkeena ku hadlo, nebiyo Soomaliyeedna uu soo diro iyo inaan xiriirka gebi ahaanba u jarno waxba kama dhexeeyan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Islaamnimadu ma ka joojin kartaa qofka falalka xun?
JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Muslim
Muslim

Nacdal dushaada ha ahaato
Oo alleh kuuma naxaristo
Illahay idamkii meel xun ku danbee

W/Q: Khaled Hassan

My Bookmarks

Follow Us

Send this to a friend