Ma maskaxda ayaynu ku fekernaa mise wadnaha?

M

Qarniyadiii hore dadku waxa ay aaminsanaayeen in wadnuhu uu yahay meesha laga fikiro isla markaana wax laga dareemo. Dadka fikraddan u dooday ee aaminsanaa waxa ka mid ahaa Filasoofkii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray “Aristotle”.

Markii ay horumareen ogaalka iyo aqoonta aynu u leenahay habka uu jidhku u shaqeeyo waxaa caddaatay in arrinkaas aanay waxba ka jirin.
Maanta waxa aynu ognahay in Maskaxdu ay tahay meesha laga fekero, xasuustana lagu kaydiyo, sidoo kale ay tahay meesha laga dareemo dhammaan dareemayaasha sida jacaylka, nacaybka, cabsida, shakiga, naxariista IWM.
Wadnuhu isagu hawl kale ma qabto aan ahayn wareejinta dhiigga ee uu ku soo wareejinayo dhammaan xubnaha jidhka.

Muxammad oo ay Muslimiintu aaminsan yihiin in uu ahaa rasuul eebbe soo diray waxa uu noolaa ku dhawaad 1,500 oo sanno ka hor. waqtigaas dadku waxa ay haysteen fikradda ah in Wadnuhu yahay meesha wax laga dareemo.
Mar haddii ay Muslimiintu sheeganayaan in Qur’aanku uu yahay hadalkii Eebbe, oo ay taasi dhab tahay Qur’aankuna uu yahay hadalka Eebbe hadaba waa in Qur’aanka iyo waaqica ama Saynisku is waafaqaan. Mar haddii uu Qur’aanku yahay hadalka Eebbe waa in uu ka horreeyaa waqtigiisa oo dadku waxyaabaha Khuraafaadka ah ee ay aaminsanyihiin aanu ku raacin.

Nasiib darro taasi ma aysan dhicin oo halkii laga rabay Qur’aanku in uu xaqiiqada dadka ka dahsoonayd waqtigaas ee ahayd in Maskaxdu ay tahay meesha wax laga dareemo, wax laga fahmo, laga fekero xasuustana lagu keydiyo uu daaha ka qaado, taa maa uusan samayn balse khuraafaadka ay dadku aaminsanayeen ayuu isaguna ku raacay oo waaqica maanta iyo xaqiiqada wuu khilaafay, taasina waxa ay xaqiijinaysaa in Qur’aanku aanuu ahayn Hadalka Eebbe
Halkan hoose waxa aan ku eegi doonnaa qaar ka mid ah aayadaha uu qoraaga Qur’aanka kaga hadlay arrinkan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Awaala warranka Quraanka ee arrimaha uurjiifka RUN mise BEEN?

Aayadahan qoraaga Qur’aanku waxa uu kaga hadlay kuna celceliyay in badan in wadnuhu uu yahay meesha laga fikiro, waxna laga fahmo, cabsida iyo naxariistana laga dareemo.

  1. لهم قلوب لا يفقهون بها … [الأعراف 179] (Waxa ay leeyihiin qalbiyo (wadnayaal) aanay waxba ku fahmaynin oo aanay ku fikiraynin.)
  2. سألقي في قلوب الذين كفروا الرعب [الأنفال 12] (Waxa aan ku ridi doonaa Qalbiyada (wadnayaasha) kuwa gaaloobay cabsi)
  3.  وارتابت قلوبهم [التوبة 45] (Qalbiyadoodu (wadnayaashoodu) way shakiyeen. “Shaki ayaa galay quluubtooda”)
  4. وجعلنا في قلوب الذين اتبعوه رأفة ورحمة [الحديد 27]
    (Waxa aannu ka yeelnay Quluubta (wadnayaasha) kuwa nabiga raacay naxariis.)
  5. ولا تجعل في قلوبنا غلا [الحشر 10]
    (haka yeelin qaluubtayada (wadnayaashayada) xasad, xiqdi iyo masayr.)

Waxaa laga yaabaa in muslimiintu ay ku doodaan in Qur’aanku aanuu Kelmadda (Qalbi/Quluub) ula jeedin (wadnaha) balse uu ula jeeday Maskaxda.
Balse Dooddan liidata waxaa beeninaysa isla aayad kale oo Qur’aanka ka mid ah.
فتكون لهم قلوب يعقلون بها او اذان يسمعون بها فانها لا تعمى الابصار ولكن تعمى القلوب التي فى الصدور. (الحج 46)
(
Si ay u yeeshaan qalbiyo ay ku fikiraan ama dhego ay wax ku maqlaan, sababta oo ah indhuhu ma indha beelaan ama xaqu kama qarsoomo balse waxaa indha beela oo uu xaqqu ka qarsoomaa qalbiyada laabaha ku jira (weedha ah Qalbiyada laabaha ku jira waxa ay caddaynaysaa in Qur’aanku uu wadnaha u jeedo!)

Qur’aanku waxa uu khilaafay xaqiiq maanta aanuu muran ka jirin oo sida aayadahan kore ku xusan Wadnuhu waa meesha laga fikiro, laga cabsado, laga shakiyo, wax laga xasado, Naxariistana laba dareemo. Taasina xaqiiqada maanta caafimaadka ku sugan way ka fogtahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Tijaabadii Aristotle!

Tixraacyo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Cabdirisaaq Axmed
Cabdirisaaq Axmed
6 Bilood Kahor

Sida Quraanka uu sheegay waa run, waana ku qanacsanahay Qalbigana waa wadnaha sida uu quraanku sheegay, Maskaxdana waa laga fekeraa oo waa sax laabta ama Qalbigana wax baa laga dareemaa sida Cabsida iwm marka yaan lakala qaadin wadne oo wax yaabaha qaar iyo Maskaxda oo laga fekaro oo laga fekaro oo kaliya.

W/Q: Sameer Saami