Ma nooc kamida Khamriga oo xalaal ah ayaa jira?

M
KHamrigu waa shay xaaraan ah oo ay diinta islaamku reebtay sida ku xusan Quraanka hase yeeshe qaar baa jira xalaal ah oo nebigu cabbey intuu noolaa xattaa markii la reebay cabitaankiisa kadib. Nebigu wuxuu cabbi jirey nooca af-carbeedka loo yaqaan (نبيذ) oo aan u malaynayo af-ingiriisiga maanta inuu noqonayo (Wine), waxaase su’aal ah Wine-ku ma khamri baa mise maaha?

ﻗﺎﻝ ﻓﻲ ﻟﺴﺎﻥ ﺍﻟﻌﺮﺏ : ﻭﺍﻟﻨﺒﻴﺬ ﺍﻟﻄﺮﺡ ﻭﻫﻮ ﻣﺎ ﻟﻢ ﻳﺴﻜﺮ ﺣﻼﻝ، ﻓﺈﺫﺍ ﺃﺳﻜﺮ ﺣﺮﻡ، ﻭﻗﺪ ﺗﻜﺮﺭ ﻓﻲ ﺍﻟﺤﺪﻳﺚ ﺫﻛﺮ ﺍﻟﻨﺒﻴﺬ ﻭﻫﻮ ﻣﺎ ﻳُﻌﻤﻞ ﻣﻦ ﺍﻷﺷﺮﺑﺔ ﻣﻦ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﻭﺍﻟﺰﺑﻴﺐ ﻭﺍﻟﻌﺴﻞ ﻭﺍﻟﺤﻨﻄﺔ ﻭﺍﻟﺸﻌﻴﺮ ﻭﻏﻴﺮ ﺫﻟﻚ . ﻳﻘﺎﻝ : ﻧﺒﺬﺕ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﻭﺍﻟﻌﻨﺐ ﺇﺫﺍ ﺗﺮﻛﺖ ﻋﻠﻴﻪ ﺍﻟﻤﺎﺀ ﻟﻴﺼﻴﺮ ﻧﺒﻴﺬﺍ، ﻓﺼﺮﻑ ﻣﻦ ﻣﻔﻌﻮﻝ ﺇﻟﻰ ﻓﻌﻴﻞ، ﻭﺍﻧﺘﺒﺬﺗﻪ ﺍﺗﺨﺬﺗﻪ ﻧﺒﻴﺬﺍ، ﻭﺳﻮﺍﺀ ﻛﺎﻥ ﻣﺴﻜﺮﺍ ﺃﻭ ﻏﻴﺮ ﻣﺴﻜﺮ ﻓﺈﻧﻪ ﻳﻘﺎﻝ ﻟﻪ ﻧﺒﻴﺬ.

Qaamuuska la yidhaadho Lisaanul-Carab ee uu qoray Ibnu- Mandhuur Al- ansaari wuxuu ereyga Khamrigu ama (النبيد) ku qeexay wixii cabitaan ah ee laga sameeyo Malabka, Timirta, Galleyda iyo Sabiibt oo ah Cinabka la qallajiyey. Khamri wuxuu noqonayaa marka biyaha lagaga dhex tago timir iyo cinab muddo si ay u khamiiraan, cabitaankaasi maandooriye ha noqdo ama yaanu noqone waxaa la yidhaahda khamri ama (نبيد).

Af-Cdarabiga kelmadda (نبيد) waxay noqonaysa, wixii maanka bedela ee laga sameeyo cinabka ama timirta kaasoo muddo la daayo si uu u khamiiro sida uu ku qeexayo qaamuuska (المعجم الوسيط).
ﺍﻟﻨَّﺒِﻴﺬُ: ﺷُﺮﺍﺏٌ ﻣُﺴﻜﺮ ﻳُﺘَّﺨَﺬُ ﻣﻦ ﻋﺼﻴﺮ ﺍﻟﻌﻨﺐ ﺃَﻭ ﺍﻟﺘﻤﺮ ﺃَﻭ ﻏﻴﺮﻫﻤﺎ ، ﻭﻳُﺘﺮَﻙُ ﺣﺘﻰ ﻳﺨﺘﻤﺮ

Ma waxaa jira wax ay ku kala duwan yihiin labada eray ee kala ah (الخمر) iyo (النبيذ)? sida ku cad kutubta luqadda waxba kuma kala duwana labada erey waana isku mid.

النبيذ: هو مشروب يتم انتاجه بواسطة تخمير العنب او التمر ويعبتر احد اقدم انواع الخمور
ﺍﻟﺨﻤﺮ: ﻫﻮ ﺍﻻﺳﻢ ﺍﻟﺠﺎﻣﻊ ﻟﻜﻞ ﻣﺎ ﺃﺩﻯ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﺴﻜﺮ ﺑﻤﺨﺘﻠﻒ ﺍﻟﻤﻮﺍﺩ ﺍﻟﺘﻲ ﻳﺼﻨﻊ ﻣﻨﻬﺎ ﺳﻮﺍﺀ ﻛﺎﻧﺖ ﻣﻦ ﺍﻟﻔﻮﺍﻛﻪ ﻛﺎﻟﻌﻨﺐ ﺃﻭ التمر

Axaadith badan oo saxeex ah ayaa sheegeysa oo tilmaamaysa in nebigu cabbi jirey khamriga laakin culimada islaamku kama hadlaan oo way qariyaan waxayna dadka u sheegaan in nooc kasta oo khamri ahi xaaraan yahay.

QORMO LA XIRIIRTA:  Diinta Islaamka maanta ma la isku xukumi karaa?

ﻋﻦ ﺛﻤﺎﻣﺔ – ﺍﺑﻦ ﺣﺰﻡ ﺍﻟﻘﺸﻴﺮﻱ – ﻗﺎﻝ : ‏« ﻟﻘﻴﺖ ﻋﺎﺋﺸﺔ، ﻓﺴﺄﻟﺘﻬﺎ ﻋﻦ ﺍﻟﻨﺒﻴﺬ، ﻓﺪﻋﺖ ﺟﺎﺭﻳﺔ ﺣﺒﺸﻴﺔ، ﻓﻘﺎﻟﺖ : ﺳﻞ ﻫﺬﻩ؛ ﻓﺈﻧﻬﺎ ﻛﺎﻧﺖ ﺗﻨﺒﺬ ﻟﺮﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ، ﻓﻘﺎﻟﺖ ﺍﻟﺤﺒﺸﻴﺔ : ﻛﻨﺖ ﺃﻧﺒﺬ ﻟﻪ ﻓﻲ ﺳﻘﺎﺀ ﻣﻦ ﺍﻟﻠﻴﻞ، ﻭﺃﻭﻛﻴﻪ ﻭﺃﻋﻠﻘﻪ، ﻓﺈﺫﺍ ﺃﺻﺒﺢ ﺷﺮﺏ ﻣﻨﻪ ‏» (Saxiix Muslim).
Xadiithkan waxaa laga weriyey ninka la yidhaadho Thumamah Ibnu Hazm El-Qashiiri inuu yidhi: waxaan la kulmay Caasha waxaanan wax ka waydiiyey Khamriga, iyana waxay u yeedhay addoon xabashiyad ah waxayna tidhi; tan waydii iyadaa nebiga Khamriga u samayn jirteye. Xabashiyaddii waxay tidhi: waxaan u samayn jirey nebiga khamriga intaan qaso ama walaaqo ayaan meel u sudhi jirey, nebiguna subaxii ayuu cabbi jirey.

Sida ka muuqata xadiiskan sare ku xusan ee ku jira kitaabka Saxiixul Muslimka nebigu wuxuu lahaa addoon xabashiyad ah oo shaqadeeduba tahay inay nebiga khamriga u samayso oo keliya, waxaa kaloo ku cad in marka alaabta khamriga laga sameynayo la isku daro meel la dhigi jirey si berri loo cabbo, waxaa loo dhigi jirey in la khamiiriyo, haddii aan ujeedku ahayn in ay noqoto khamri maxaa loo dhigaya ama loo kaydinayaa si maalin ama maalmo kadib loo cabbo?

ﻋﻦ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺎﺱ – ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻬﻤﺎ – ﻗﺎﻝ : ‏« ﻛﺎﻥ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ – ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ – ﻳﻨﻘﻊ ﻟﻪ ﺍﻟﺰﺑﻴﺐ، ﻓﻴﺸﺮﺑﻪ ﺍﻟﻴﻮﻡ، ﻭﺍﻟﻐﺪ، ﻭﺑﻌﺪ ﺍﻟﻐﺪ ﺇﻟﻰ ﻣﺴﺎﺀ ﺍﻟﺜﺎﻟﺜﺔ، ﺛﻢ ﻳﺄﻣﺮ ﺑﻪ ﻓﻴﺴﻘﻰ  (صحيح مسلم ج 3 ص 1589ﺃﻭ ﻳﻬﺮﺍﻕ ‏
Waxaa laga weriyey Ibnu Cabbaas inuu yidhi: nebiga waxaa loo samayn jirey ama loo walaaqi jirey sabiib wuxuuna cabbi jirey affarta maalmood ee soo socda kadibna wuxuu odhan jirey ii keena haddii wax ka hadheen, kolka loo keenana waa cabbi jirey ama waa daadin jirey.

Waxyaabaha ugu wanaagsan ee Khamri laga sameeyo waxaa ka mid ah canabka gaar ahaan marka la qallajiyo ee uu sabiib noqdo weliba dhowr maalmood la daayo si uu u khamiiro, Sabiib la khamiiriyey affar cisho oo dhan kadibna la cabbey miyaanay khamri ahayn? Khamrigana miyaana Cinabka laga samayn?

QORMO LA XIRIIRTA:  Eebbe inuu nin yahay ma ogtahay?

ﻋﻦ ﺳﻌﻴﺪ ﺑﻦ ﻣﺴﻌﻮﺩ ﺍﻷﻧﺼﺎﺭﻱ : ﺃﻥ ﺍﻟﻨﺒﻲ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻋﻄﺶ ﻭﻫﻮ ﻳﻄﻮﻑ ﺑﺎﻟﺒﻴﺖ ، ﻓﺄﺗﻲ ﺑﻨﺒﻴﺬٍ ﻣﻦ ﺍﻟﺴﻘﺎﻳﺔ ﻓﺸﻤﻪ ﻓﻘﻄﺐ ، ﺛﻢ ﺩﻋﺎ ﺑﺬﻧﻮﺏ ﻣﻦ ﻣﺎﺀ ﺯﻣﺰﻡ ﻓﺼﺐ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺷﺮﺏ ، ﻓﻘﺎﻝ ﻟﻪ ﺭﺟﻞ : ﺃﺣﺮﺍﻡ ﻫﻮ ﻳﺎ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ؟ ﻓﻘﺎﻝ : ” ﻻ “. (سنن الدارقطني)
Waxa laga weriyey Saciid Bin Mascuud Al- ansaari inuu yidhi: Nebiga ayaa harraaday isagoo Kabcada ku wareegeya, kadibna waxaa loo keenay khamri markuu ursaday wuu dhibsaday wejiga ayaana uruuray ama waa xanaaqay, kadibna wuxuu dalbaday in loo keeno biyo Zamzam ah wuuna ku badhxay ama ku daray biyihii kadibna waa cabbey. Ninkii ayaa nebiga waydiiyey oo yidhi nebi allow ma xaaraan baa? Nebigu wuxuu ugu jawaabey; Maya.

Sida ku cad xadiiskan kor ku xusan khamrigu waa xalaal haddii uu cuslaado ama aad u khamiiro balse waxaa wanaagsan in biyo la iskaga daro. Maanta khamriga marka la cabbeyo waxaa lagu daraa biyo ama beref, tolow kaas culays dartii biyo lagu daray miyaanu khamri ahayn?

In nebigu cabbi jirey khamri maaha wax muran ku jira ama cidi diidi karto mana aha wax mujaamalo u baahan iyo in la qariyo. Waxaasoo dhan waxaan kala soo baxaynaa in khamrigaasi xalaal yahay balse la diideyo in lagu sakhraamo.

Xoogaa ka cas ee (red wine) haddaad cabto oo aanad ku sakhraamin waa xalaal dhibna ma leh. Waxa xarrimaya cabidda maaha ee waa sakhrada keenaysa wareerka  maskaxda, hadalkan nuxurkiisu wuxuu noqonaya khamri waad cabbi kartaa haddii aanu doorinayn maankaaga, sidoo kale wax kasta oo lagu sakhraamo waa xaaran (ﻛﻞ ﻣﺴﻜﺮ ﺣﺮﺍﻡ) wax kasta oo aan lagu sakhraaminina wuxuu noqonaya xalaal.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
1 Comment
Hore
Cusub Ugu codka badan
Inline Feedbacks
View all comments
Xuseen
Xuseen
3 Bilood Kahor

Qamrigu waa xaaraan balse anigu wn cabaa igu caawi sida looqamiiro iyo leyskugu daro waxa laga sameeyo

W/Q: Khaled Hassan