Ma run baad rabtaa mise been?

M
Diimaha caalamka laga haystaa dhammaantood waa khuraafaad dadka lagu dulleeyo oo uusan jirin ilaah ka danbeeya oo murti iyo aragti dheer leh, waxa aynu se isku koobaynaa diinta islaamka oo ah dhibaato weyn oo caalamka qaarkiis ku yuururta, caalamkaas oo ay soomaalidu ka mid tahay.

Qur’aanku waa kitaab la sheego in uu allifey ilaah wax kasta og oo dadka ku addoonsaday in ay caabudaan, laakiin waxaa kitaabkaas ka muuqata in uu yahay wax laga allifey dhulkii uu Maxamed joogey markii kitaabka la allifey oo cidda alliftey aysan dadka iyo dhulka aqoon weyn u lahayn. Kitaabku waxa uu ka kooban yahay qisooyin diimaha yuhuudda ku qornaa oo sidoodii loo soo guuriyey, waxyaalo aan muuqan (qeyb ah) oo iyaguna diimaha yuhuudda ku qornaa, sharciyo diinta yuhuudda ku qornaa iyo carabtii xilliga kitaabka la sameeyey joogtey murankoodii.

Intaas waxaa dheer aayad ku saabsan dowladdii Roomaanka oo ahayd dowlad caan ah oo ay carabta oo dhammi taqiin. Si caqliga ka baxsan ayuu kitaabku hadalka u soo celceliyaa oo hal hadal baa meelo badan oo aan loo baahnayn kaga qoran, isla markaas waxaa la moodaa in uu dad waalwaalan la hadlayo oo mowduuc ma leh ee hadba meel buu hadalku u boodaa, taas oo keentay in qofkii damca in uu Muuse ka eego uu u baahan yahay in uu 136 meelood ka eego, qofkii damca in uu naarta ka baarana uu u baahan yahay in uu buugga oo dhan akhriyo.

Qur’aanka haba yaraato ee ku ma qorna wax intaas ka badan, waxa aynuna og nahay Maxamed in uu la noolaa yuhuud iyo carab oo uu keligood yaqiin. Kitaabka ku ma qorna hal meeris oo afrikada madow, ummadaha badan ee Eeshiya, Yurub iyo Ameerika ku saabsani, taasina waxa ay muujinaysaa in uu yahay hadal laga allifey dhulka carabta oo cidda alliftey aysan caalamka waxba ka la socon. Kitaabka ku ma qorna hal erey oo uusan carab xilligaas joogey oran karin, waxaana yaab leh in kitaab noocaas ah la aammino in uu khuseeyo caalamka oo dhan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Ilaaha Maxammed waa Ilaah noocee ah?

Kitaabku cilmiga casriga ah aad buu uga soo hor jeedaa oo tusaale ahaan waxaa ku qoran in ay qorraxdu socoto iyo in uu dhulku fidsan yahay. Meelaha uu sayaniska ku khilaafay waa ay badan yihiin sida ilmaha uurka ku jira, laakiin waxaa ka badan meelaha uu aqoonaha kale ku khilaafay.

Kitaabku waxa uu dadka ku dhex abuurayaa isnacayb iyo kooxaysi aan dab la ka la qaadanayn, waxa uuna ka hadlayaa cadaab aan macquul ahayn oo aysan dhici karin in ay cid waxgarad ahi sidaas wax u cadaabto iyo janno cunto badan la cunayo oo ay raggu galmo badan samaynayaan, taasina waxa ay waafaqsan tahay in ay carabtu cunto iyo dumar jecel yihiin. Isnacaybka uu abuurayo iyo sida qallafsan oo ilaaha allifey uu dadka u cadaabayaa waxa ay caddaynayaan xilkasnimo xumada ciddii kitaabka alliftey. Waa kitaab sheeganaya in uusan iskhilaafin, laakiin aad isu khilaafa oo tusaale ahaan aayad baa oranaysa ”Mu’miniintu hadal kasta waa ay dhegaystaan, waxa ayna raacaan hadalka ugu fiican”, halka ay mid kale oranayso ”Hadal xun ha dhegaysannina ee ka carara!”. Meelaha qaarkood asluubka hadalka laga ma fiirsan sida aayadda oranaysa ”Raashinka oo dhammi ilmo Israa’iil xalaal buu u ahaa marka laga reebo wax uu Israa’iil naftiisa ka xaaraameeyey”, waxa aadna u jeeddaa in Israa’iil laga dhigay in uu ilmo Israa’iil ka mid yahay oo aayaddu waxa ay sheegaysaa nin isagu isdhalay, waana ay badan yihiin meelaha uu kitaabku asluub khaldan adeegsadey oo la moodo qofkii allifey in uu qarwayey.

Kitaabka doodihiisu waa heer aad u liita oo carab miskiin ah oo jaahil ah baa waxaa lagu caayaa aayado badan, taas oo muujinaysa in aysan cid murti lihi kitaabka allifin. Waa kitaab aan lahayn wax garaadka dadka kobcinaya ee qofka rumaysta gelinaya ciriir iyo baqdin aan nolosha ku habboonayn. Waa kitaab dadka ka soo hor jeeda iyo kuwa rumaysanba dhib ku ah oo cadaab, ka la faquuq, colaad iyo argagax miiran ah. In ay dadka kitaabka allifey caqli yaraayeen waxaa caddaynaya markii uu ka hadlayo qoomam hore oo la halaagey sida reer Nuux, carruurta siqiirka ah ka ma reebo ee halaagga ayuu ku daraa, waxa ayna muujinaysaa naxariis darrada qofka allifey uusan siqiir xataa dhaafayn ama uu axmaq yahay oo uusan ogeyn in aysan carruurtu denbi lahayn.

QORMO LA XIRIIRTA:  Sawirka Jannada

Ugu danbayn Qur’aanka dadkii allifey ma ahayn dad aqoon leh, qofka weyn oo rumaysanina waa nacas ama waa uu isyeelyeelayaa siiba haddii uu yahay qof carabi garanaya. Waa in aan lagu kedsoomin in ay dad badani rumaysan yihiin, waayo tirada dadku macne ma leh ee caqliga iyo cilmiga ayaa macne leh. Waa hubaal in uusan kitaabkan keenin ilaah weyn oo dadka iyo dhulka aad wax uga ogi, mana uu aha kitaab u qalma in dad lagu xukumo iyo in ummad aayeheed lagu xiro.

Waxaa kitaabka lagu dagaal geliyey carab maangaab ahaa oo dhexdooda la isku diray, dadka kalena lagu diray, taariikhdiisuna waa sooyaal madow oo dil, dhac iyo nacayb ka kooban. Dadka aayohooda kitaabka sidaas ah lagu xirayaa waa in ay iska dhiciyaan kuwa maangaabka ah oo carabta looga soo dhiibey khuraafaadka gaboobey. Soomaalidu waxa ay muslimeen xilli uu caalamku mugdi ku jirey oo taas eed ku ma ay laha, laakiin waxa ay eed ku leeyihiin in ay maanta wax weydiiyaan nin Qur’aan iyo xaddiis riman oo khuraafaad macne daran looga dhigay murti samada ka soo degtey.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments