Ma taqaanaa saxaabiga quraanku rabitaankiisa ku soo dagi jiray?

M
Islaamka oo ah diinta labaad ee ugu dadka badan diimaha maanta ka jira adduunka waxa bilowgeeda, dhismeheeda iyo fidinteedaba iska kaashaday dad badan inkasta oo magacu raacay Maxamed oo ahaa aasaasaha diintan. Ka qayb qaadashadaasi waxay ahayd mid noocya badan oo leh naf, maal, muruq iyo maskaxba.

Ninka aynu kaga hadlayno qoraalkani waa saxaabi kaalin mug wayn ka qaatay dhismaha iyo fidinta Islaamka sidoo kalana aragtiyihiisa gaarka ah ee isaga u muuqda ku sandullayn jiray Maxamed inuu soo dajiyo waxyi diimaynaya ama haddii aynu si ka yara qurux badan hadalka u dhigno waa saxaabi talooyinka uu soo jeediyo Ilaahu u dhago nuglaa. Saxaabigani waxa uu kamid ahaa laba nin oo Maxamed Ilaaha ka baryay inuu diinta ugu gargaaro oo ku xoojiyo xilligii ay bilowga ahayd tabartana yarayd, waa saxaabiga Cumar Khaddaab. Cumar wuxuu ahaa nin tolkii caan ka ah aadna ay u jeclaayeen. Wuxuu ahaa aftahan dagaalyahan ah, nin qallafsan, dabeecad xun, dumarka neceb sida la soo guuriyayna jeclaa tumashada iyo khamriga islaamka kahor intaasna waxa uu dheerayd qawmiyad jacaylka xididaysatay ee uu carabnimada u qabay.

Cinwaanka qormadan ayaa ugu filan didmo inta badan akhristayaasha musimiinta ah wuxuuna  ula muuqdaa mid aan u cuntumin Ilaaha ay rumaysan yihiin inaysan jirin cid la wadaagta talada, garaadkiisa iyo ogaalkiisuna sarreeyaan oo way ku adag tahay inay suuraystaan Ilaah qof oo uu abuuray talada u daba-fadhiisanaya ama sharciyaynaya arrin shakhsi ku adkaystay in la jideeyo oo diinta lagu daro, waxa aan rajaynayaa marka aynu mawduuca ku sii durugno oo tusaaleyno qaar kamida goobaha uu Cumar Ilaaha adeegyo la talin ah u fidiyay in sawirku u caddaan doono ahristayaashaas ka booday cinwaanka.

Diinta Islaamka waxaa jira waxyaabo loogu yeero arrimaha ay isla qaateen Ilaahay iyo Cumar (ﻣﻮﺍﻓﻘﺎﺕ ﻋﻤﺮ ﻟﻠﻘﺮﺁﻥ), waxyaabahaasi waxay u badnaayeen arrimo uu Cumar iska jeclaaday inay sidaa ahaadaan Ilaahayna isagoo Malakul Jibriil iyo Maxamed la kaashanaya uu Quraan iyo aayado u bedeley. Nuxurka hadalkani waa in Ilaahay qaatay ra’yigii Cumar oo mararka qaar ahaa ra’yi xittaa nabigu uuna rabin oo la dhacsanayn. Hadaba waxaa is waydiin mudan waxyaabahan uu ilaahay Cumar ku raacay ma waxyaabo uu isagu garan waayey baa? Maxamed iyo Cumarse haddii ay arrin ku kala aragti duwanaadaan keebaa hadalkiisu waxyi ahaa oo mudan in odhaahdiisu xaqqa asiibto? Maxaase keenay in waxyiga Ilaahu noqdo mid u nugul faragalinta cumar ama mid cadaadis haddii uu la kulmo is bedelaya sida sharciyada waddamada qaarkood maanta loo bedelo marka cadaadis heer caalami ah ay la kulmaan.

Cumar Bin Khadaab oo markan aynu u magacaabi karno jagada la taliyaha Ilaaha arrimaha uu soo jeediyay ee Ilaahuna ku raacay waa ay badan yihiin sida axaadiista arrintan ku soo arooray aynu ka dheegan karno balse culimada Islaamku meelaha qaar waa ku kala aragti duwan yihiin sidaa darteed waxa aynu ku gaabsanaynaa qodobada ugu muhiimsan ee aan mad-madawgu ku jirin.

QORMO LA XIRIIRTA:  Addoonsiga iyo Islaamka

Waxaa laga weriyey Ibnu Cumar inuu yidhi: “Cumar Binu Khaddaab wuxuu yidhi: Rabigaygu wuxuu igu raacay saddex, maqaamka Ibraahiim, xijaabka iyo maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Beder”.
وعن ﺍﺑْﻦِ ﻋُﻤَﺮَ، ﻗَﺎﻝَ : ﻗَﺎﻝَ ﻋُﻤَﺮُ : ” ﻭَﺍﻓَﻘْﺖُ ﺭَﺑِّﻲ ﻓِﻲ ﺛَﻠَﺎﺙٍ : ﻓِﻲ ﻣَﻘَﺎﻡِ ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ، ﻭَﻓِﻲ ﺍﻟْﺤِﺠَﺎﺏِ، ﻭَﻓِﻲ ﺃُﺳَﺎﺭَﻯ ﺑَﺪْﺭٍ ”
ﺭﻭﺍﻩ ﻣﺴﻠﻢ ‏(2399‏)
Arrinta maxaabiista lagu soo qabtay dagaalka Beder oo tiradooda lagu qiyaasay todobaatan waxa uu Cumar ku taliyay in qudha laga jaro dhammaantood balse Maxamed waxa uu qaatay taladii Abu-Bakar oo ahayd in madax furasho laga qaato lana sii daayo, kadibna waxa soo dagtay aayad lagu canaanayo Maxamed inuusan qaadan taladii Cumar ee ahayd qudh-goynta maxaabiista (مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَنْ يَكُونَ لَهُ أَسْرَى حَتَّى يُثْخِنَ فِي الْأَرْضِ تُرِيدُونَ عَرَضَ الدُّنْيَا وَاللَّهُ يُرِيدُ الْآخِرَةَ).

Waxaa kaloo jira xadiis  odhanaya sidan;
ﻋﻦ ﺃَﻧَﺲِ ﺑْﻦِ ﻣَﺎﻟِﻚٍ، ﻗَﺎﻝَ : ﻗَﺎﻝَ ﻋُﻤَﺮُ ﺑْﻦُ ﺍﻟﺨَﻄَّﺎﺏِ ﺭَﺿِﻲَ ﺍﻟﻠَّﻪُ ﻋَﻨْﻪُ، ” ﻭَﺍﻓَﻘْﺖُ ﺭَﺑِّﻲ ﻓِﻲ ﺛَﻼَﺙٍ : ﻓَﻘُﻠْﺖُ ﻳَﺎ ﺭَﺳُﻮﻝَ ﺍﻟﻠَّﻪِ ! ﻟَﻮِ ﺍﺗَّﺨَﺬْﻧَﺎ ﻣِﻦْ ﻣَﻘَﺎﻡِ ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ ﻣُﺼَﻠًّﻰ، ﻓَﻨَﺰَﻟَﺖْ : ‏( ﻭَﺍﺗَّﺨِﺬُﻭﺍ ﻣِﻦْ ﻣَﻘَﺎﻡِ ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ ﻣُﺼَﻠًّﻰ ‏) ، ﻭَﺁﻳَﺔُ ﺍﻟﺤِﺠَﺎﺏِ، ﻗُﻠْﺖُ : ﻳَﺎ ﺭَﺳُﻮﻝَ ﺍﻟﻠَّﻪِ ! ﻟَﻮْ ﺃَﻣَﺮْﺕَ ﻧِﺴَﺎﺀَﻙَ ﺃَﻥْ ﻳَﺤْﺘَﺠِﺒْﻦَ، ﻓَﺈِﻧَّﻪُ ﻳُﻜَﻠِّﻤُﻬُﻦَّ ﺍﻟﺒَﺮُّ ﻭَﺍﻟﻔَﺎﺟِﺮُ، ﻓَﻨَﺰَﻟَﺖْ ﺁﻳَﺔُ ﺍﻟﺤِﺠَﺎﺏِ، ﻭَﺍﺟْﺘَﻤَﻊَ ﻧِﺴَﺎﺀُ ﺍﻟﻨَّﺒِﻲِّ ﺻَﻠَّﻰ ﺍﻟﻠﻪُ ﻋَﻠَﻴْﻪِ ﻭَﺳَﻠَّﻢَ ﻓِﻲ ﺍﻟﻐَﻴْﺮَﺓِ ﻋَﻠَﻴْﻪِ، ﻓَﻘُﻠْﺖُ ﻟَﻬُﻦَّ : ‏( ﻋَﺴَﻰ ﺭَﺑُّﻪُ ﺇِﻥْ ﻃَﻠَّﻘَﻜُﻦَّ ﺃَﻥْ ﻳُﺒَﺪِّﻟَﻪُ ﺃَﺯْﻭَﺍﺟًﺎ ﺧَﻴْﺮًﺍ ﻣِﻨْﻜُﻦَّ ‏) ، ﻓَﻨَﺰَﻟَﺖْ ﻫَﺬِﻩِ ﺍﻵﻳَﺔُ ” ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺒﺨﺎﺭﻱ ‏( 402 ‏)

Waxaa laga weriyey Anas Binu Maalik in Cumar Binu Khaddaab yidhi: rabbigay saddex ayuu igu raacay, waxaan ku idhi rasuulka: rasuul allaw aan ku tukanno maqaamkii Ibraahim, isla markiiba waxaa soo degtey aayadda odhanaysa (Kana yeesha maqaamu Ibraahiimka meel lagu tukado – ﻭَﺍﺗَّﺨِﺬُﻭﺍ ﻣِﻦْ ﻣَﻘَﺎﻡِ ﺇِﺑْﺮَﺍﻫِﻴﻢَ ﻣُﺼَﻠًّﻰ).
Aayadda Xijaabkana waxaan idhi: rasuul allaw way fiicnaan lahayd inaad haweenkaaga amarto xijaabka cid waliba afkay la geleysaaye kadibna sida uu filayay Cumar ma soo dagin aayad faraysa xijaabka taas ayaana ku khasabtay inuu qaado tallaabo lagu tilmaami karo anshax xumo isaga oo bilaabay inuu dabagalo xaasaska Maxamed marka ay habeenkii u baxaan xaajo gudashada oo ka daba tuuro hadalo aanan qurux badnayn sida “Safiyaay waan kuu jeednaa” Safiya waa mid kamida xaasaska Maxamed ee Cumar kaadida ku dhajiyay bannaankana uga dhaartay, tallaabadani waxay Maxamed ku kalliftay inuu dhagaysto talada Cumar oo faro dumarkiisa xirashada xijaabka sidaasna waxa ku soo dagay aayadaha xijaabka.
Ta saddexaadna waxay ahayd markii haweenkii Maxamed qabay ka shireen nabiga hinaase ama masayr dartii,  kolkaas oo Cumar ku yidhi waxaa laga yaaba markuu idin furo in Ilaahay siiyo kuwa idinka khayr badan, isla markiiba Ilaahay ereyadii Cumar waxa uu saaray laxan iyo muusik waxana Maxamed ku luqeeyey aayaddan ( ﻋَﺴَﻰ ﺭَﺑُّﻪُ ﺇِﻥْ ﻃَﻠَّﻘَﻜُﻦَّ ﺃَﻥْ ﻳُﺒَﺪِّﻟَﻪُ ﺃَﺯْﻭَﺍﺟًﺎ ﺧَﻴْﺮًﺍ ﻣِﻨْﻜُﻦَّ‏).

Goobaha kale ee Cumar ra’yigiisa waxyigu u hogaansamay waxa kamida mamnuucidda iyo xaaraantimaynta khamriga oo markii Cumar soo jeediyay arrintan Maxamed mamnuucay cabitaanka khamriga xilliyada salaadda balse Cumar waxa uu ku adkaystay in gebi ahaanba khamriga la mamnuuco oo ma cajabin aayadda hore ee mamnuucidda waqti gaara ku xaddidaysa sidaa darteed ayay ugu danbeyn soo degeen aayadaha faraya in khamriga cabitaankiisa laga fogaado.

QORMO LA XIRIIRTA:  Dhabta iimaanka (hanuunka)

Markii uu dhintay Cabdullaahi Saluul oo ahaa madaxa munaafiqiinta waxa uu damcay Maxamed inuu ku tukado maydkiisa balse arrintaas waxa ka biyo diiday Cumar oo ku taliyay inuusan ku tukan inkasta oo uuna Maxamed dhagaysan hadalkan kuna tukaday sida axaadiista qaarkood tilmaameen waxa soo dagtay aayad lagu canaananayo Maxamed  (Ha ku tukan waligaa qof kamida -munaafiqiinta- oo dhintay, qabrigiisana ha istaagin – ولا تصل على أحد منهم مات أبدا ولا تقم على قبره).

Maxamed laftiisa waxaa laga weriyey inuu yidhi haddii aan aniga la isoo dirin cumar baa la soo diri lahaa, hadduuse jiri lahaa nebi iga danbeeyana Cumar buu ahaan lahaa ( ﻟﻮ ﻟﻢ ﺃﺑﻌﺚ ﻓﻴﻜﻢ ﻟﺒﻌﺚ ﻓﻴﻜﻢ ﻋﻤﺮ، ﻭﻟﻮ ﻛﺎﻥ ﺑﻌﺪﻱ ﻧﺒﻲ ﻳُﻨﺘﻈﺮ ﻟﻜﺎﻥ ﻋﻤر) ‏
Xadiiskii Ibnu Cumar waxa ku jirtey inuu yidhi: wax kasta oo dhaca dadkuna isla lafa guraan Cumarna uu aragtidiisa dhiibto, Quraanku wuxuu u soo degi jirey sida Cumar yidhi.
ﺣﺪﻳﺚ ﺑﻦ ﻋﻤﺮ ” : ﺃﻧﻪ ﻗﺎﻝ ﻣﺎ ﻧﺰﻝ ﺑﺎﻟﻨﺎﺱ ﺃﻣﺮ ﻗﻂ، ﻓﻘﺎﻟﻮﺍ ﻓﻴﻪ، ﻭﻗﺎﻝ ﻓﻴﻪ ﻋﻤﺮ ؛ ﺇﻻ ﻧﺰﻝ ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ ﻓﻴﻪ ﻋﻠﻰ ﻧﺤﻮ ﻣﺎ ﻗﺎﻝ ﻋﻤﺮ)

Cumar fargalintiisa waxyigu kuma ekayn oo kaliya xilligii Maxamed noolaa ee quraanku soo dagayay balse markii uu dhintay ee uu isagu hoggaanka khilaafada islaamka la wareegay waxa uu mamnuucay arrimo bannaanaa waqtigii Maxamed oo aynu ka xusi karno guurka Mutcada iyo xajka nooca loo yaqaan tamatuca, sidoo kale aayadaha quraanka qaar kamida ayuu joojiyay shaqadooda sida Aayadda 38aad ee Maa’ida oo faraysa in tuugga iyo tuugadda gacanta la jaro balse Cumar xukunka aayaddaas ma dhaqan gelin waqtigiisii xilli ay tuugadu badatay.

Sida ka muuqata tusaalayaashan kooban ee muujinaya saamaynta uu ku lahaa Cumar waxyiga iyo sharciyada Islaamka waxa inoo caddaanaysa in quraanku u afduubnaa Cumar oo rabitaankiisa ayna cidina is hor-taagi karin, go’aankiisa adag ee aan ka noqoshada lahaynina marar badan ku khasbi jiray Maxamed iyo Ilaahiisaba inay u tanaasulaan rabitaanka Cumar.

Waxaa is waydiin mudan Ilaahay ma u baahan yahay la taliye? Hadii Ilaahu qaato talada Cumar siduu yidhina waxyiga usoo dago maxay tahay baahida loo qabo Ilaaha iyo waxyigiisaba sidoo kale saw khalad maaha in lagu dooddo quraanku inuu yahay hadalka Ilaaha oo barax la’? Ilaaha sida la sheegay ma jirto cid talada la wadaagta (لا شريك له ), inuu qof la dhaco taladiisa oo ku raaco waxay muujinaysaa ogaal yaridiisa taas  oo aan kamid ahayn sifooyinkan ilaahani ku tilmaaman yahay.

Cumar ma ahayn ninka kaliya ee saamaynta ku lahaa Islaamka horseedayna diimaynta arrimo la qurux badnaa balse waxa jiray rag badan oo doorar kala duwan ka ciyaaray qaabaynta dhigaallada Islaamka ee maanta ina horyaalla. Arrimahanina waxa ay daboolka ka qaadayaan xaqiiqada Islaamka iyo Quraanka oo lagu hafro ilaah ay sheegeen inuu samada fadhiyo.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

1
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
1 Faallooyinka
0 Jawaabaha
1 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
Abdillahi Hassan
Abdillahi Hassan

Suaal muslim miyaa tihiin qaab hadalkiina nifaaq ayaa ka muuqdo

My Bookmarks

Follow Us

Send this to a friend