Ma waajib baa xijaabka iyo timoqarinta Dumarka?

M
Muslimiinta badakoodu waxa ay u daliishadaan faralka iyo waajibnimada xijaabka iyo in dumarku timahooda qariyaan ama asturaan aayadda 31 ee suuradda Al-Nuur.

(Waxaad ku dhahdaa (Haweenka) mu’minaadka ah, ha laabeen indhahooda hana dhawreen farjigooda, muujininna quruxdooda wax muuqda mooye, hana ku dadeen hagoogtooda laabtooda/naasahooda, yayna u muujin quruxdooda raggooda mooyee, iyo aabayawgood, iyo ninkooda aabihiis, iyo wiilashooda iyo wiilasha nimankooda iyo walaalahooda iyo wiilasha walaalahood, iyo wiilasha (gabdhahay) ay walaalaha yihiin, iyo haweenkooda (xorta ah) ama waxay hanato midigtoodu (addoomaha)….
وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَى جُيُوبِهِنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاء بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاء بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِى إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِى أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُوْلِى الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَى عَوْرَاتِ النِّسَاء وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ وَتُوبُوا إلى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَا الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ”.)

Fasirka ayaaddan la saaro ama mufasiriintu saaraan gobolka yar ee ka midka ah ee odhanaya: (Yayna muujin quruxdooda wax muuqda mooye, hana ku dadeen hagoogtooda laabtooda……وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَى جُيُوبِهِنَّ
…..), oo ah halka ay ka dhalaaliyeen in dumarku timahooda qariyaan, oo timahooda deddaan.
Ayaadan oo marka laga warramayo soo degtay xilligii Maxamed iyo kooxdiisu u guureen magaalada Yathrib, oo hadda Madiina loo yaqaano. Ayaadan ayaa sababta ay kusoo degtay lagu sheega in lagu kala sooco dumarka Nebiga, asxaabta, kuwa aan muslimka ahayn iyo addoomaha ay haystaan.

Xilligaas aayaddani soo degtay iyo wixii ka horreeyey waxa la sheegay in dharkii laga xidhan jiray ay ahaayeen kuwo dhabarka laga rido, oo qaybta kore ee laabta iyo naasuhu ahaayeen kuwo muuqda. Aayadda ayaa sheegtay in marada dumarku xidhanayaan ay gaadhsiiyaan ilaa “Juyuub – (الجيوب )أى “فتحة الصدر, oo ah in ay gaadhsiiyaan naasaha bilowgooda iyo halka labada naas u dhexeysa (Clevage). Marna aayaddu ma odhan “Timihina qariya/ وليضربن على رؤوسهن”. Taas oo laga fahmi lahaa timihiina qariya. Aayaddani waxay saxaysay cillad xiligaas jirtay, oo la doonayey in la beddelo welibana ku kooban dumarka Musliiminta, oo qudha. Xiligaas lagama hadal arrin ku saabsan dhar nooc gaara ah, oo la waajibiyey iyo timo qarin ee waa faham ah in laabta iyo naasaha la qariyo taas, oo Islaamku aanu ogollayn naas qawaan isagoo cawro u yaqaan. Arrinkaas oo ahaa in lagu kala sooco dumarka Saxaabada ah iyo kuwo addoomaha ah, oo iyaga aan arrinkaasi qaban. Addoomihii xiligaas ay haysteen, oo dhammaantood iska dhex laafyoon jiray iyagoo laabtoodu banaan tahay timahooduna muuqdaan baa la sheegaa. Arrinkani haddii uu yahay mid fitno lagaga baaqsanayo waxa lagu waajibin lahaa dhammaan dumarkii xilligaas jooggay iyadoon la kala baadi soocin. Waayo, dhammaantood fitno ayey abuurayeen kol haddii ay dhedig wada yihiin, oo waxa suuragal ah in addooni ka qurux badnaan karto gabadh xor ah, oo fitno abuuri karaysay. Si guud arrin lagu ilaalinayey dumarka musliiminta ah iyo ka soocid kuwa la lee yahay baa lagu soo uruuriya arrinka ayaadani la shir timi.

Kelmadda Xijaab waxa Quraanka lagu xusay afar jeer oo keliya.

  • (Marka aad quraanka aqrinayso (Maxamadow) waxaan yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwa aan rumayn aakhiro xijaab (dayr) qarsoon – واذا قراتَ القرءانَ جَعلناَ بينكَ وبينَ الذينَ لا يؤمنونَ بالاخرةِ حِجاباً مَستوراً) Suuradda  Israa – 45
  • (Waxay dheheen quluubtayadu waxay kaga sugan tahay dabool waxaad noogu yeedhi, dhagahayagana waxaa kaga jira culays, dhexdanada iyo adigana waxaa ah xijaab (teed macnawiya), ee camal fal anana waan camal faliye – وقالوا قُلوبنا في أكنةٍ مما تَدعونا اليهِ وفي اذَانِناَ وقر ومِن بيننا وبينكَ حجابً فاعمل اننا عاملونَ) Fussilat – 5
  • (Uma suurawdo dad inuu eebe la hadlo waxyi mooyee, ama kala hadlo xijaab (sitaarad) gadaashiis. ama uu soo diro farriin (malag) oo markaas u waxyooda idamka eebbe wuxuu doono… – وما كانَ لبشرٍ أن يُكلمهُ اللهُ إلا وحياً أو مِن وراءِ حجابٍ أو يرسلَ رسولاً فَيوحِيَ بإذنهِ ما يَشَاءُ إنهُ عليٌ حَكيمً ) Shuuraa – 51

Saddexdan ayaadood, oo dhammaan kelmadda Xijaab ee ku jirta taabanayso micne isku mid ah, oo ah in la kala qarinayo, oo sitaarad la kala dhex dhigayo dhinacyadda lala hadlayo. Si guud ama hadal guud baa la odhan kara kelmaddahani sida ay ayaadahan ugu jiraan, oo lagama dhadhansan karo dhar ama wax ku saabsan. Ayaadda afraad, oo ku jirta suurada Axsaab ayaa kelmadda xijaab ee kusoo aroortay, oo ah mid khaas ku ah dumarka Maxamed ayaa jirta, oo inta badan arrin khusuusi ah lagu fasiro taas, oo ah:
(ياأيها الذين آمنوا لا تدخلوا بيوتَ النبى إلا أن يؤذنَ لكم إلى طعامٍ غيرَ ناظرينَ إناهُ ولكن إذا دعُيتُم فادخلوا فإذا طَعِمتم فانتشروا ولا مستأنسينَ لحديثٍ إنَ ذَلكُم كان يؤذى النبى فيستحى منكم والله لا يستحى من الحقِ وإذا سألتموهنَ متاعاً فسئلوهن من وراء حجابٍ ذلكم أطهرُ لقلوبكم وقلوبهنَ وما كان لكم أن تؤذوا رسول اللهِ ولا أن تنكحوا أزواجهُ من بعدهِ أبداً إن ذلكُم كانَ عندَ اللهِ عظيمًا), micnaha guud ee ayaadani waa in marka guryaha nebiga wax looga baahdo in idinkoo kala qarsoon, oo xijaab idiin dhexeeyo aad warkiina sheegataan.

Kelmadda Xijaab marka loo celiyo luqad ahaan Carabiga, oo ah (حجب) kana kooban saddexda xaraf, ee kala ah( الحاء والجيم والباء), micne ahaanna noqonaysa(الساتر الحائط؛الحاجز؛ المنع), Soomaalina noqonaysa marka la isku soo uruuriyo, ‘Diidis’; in arrin laga horjoogsado; wax la idin kala dhex dhigo. Marmar waxa loo isticmaala xiribaha indhaha, oo iyaga shaqadoodu u gu weyni tahay in ay indhaha ka celiyaan wixii dhib u keeni kara (الحاجبان). Mar kale kelmadda Xijaab waxa ay quraanka kusoo aroortay iyadoo lagu ladhay kelmad kale, oo xoojisa sifo ahaan, oo ah Sitr (الستر), oo Soomaalidu u taqaano ‘Sitaarad’—Badanaa masaajidada ayaa laga isticmaala kolka la kala qarinayo ragga iyo dumarka ama waa taa sudhan kabcadda, oo kale. Si guud loogama dhalaalin karo kelmadda Xijaab dhar gaar ah, oo dumarka loogu talo galay inay xidhaan oo waajib ku ah. Waayo, ma jirto meel khaas ah, oo micnahaas si khaas ah uga warramaysa.

Marmar waxa dhacda in kelmadda Jalaabiib (الجلابيب), la saaro micnaha Xijaab. Aayadda ka warramaysa Jilbaabka waa aayadda ku jirta suuradda Axsaab ee odhanaysa: (Nabiyow ku dheh haweenkaaga iyo gabdhahaada iyo haweenka mu’miniinta isku dada jilbaabkiina, taasaa idiinku dhaw in laydin aqoonsado oon laydin dhibine… – يا أيُها النبىُ قُل لأزواجِكَ وبنَاتِكَ ونساءِ المؤمنينَ يُدنينَ عَليهنَ من جَلابيبهنَ ذلكَ أدنى أن يُعرفنَ فلا يُؤذينَ). Axzaab – 59

Aayaddan ayaa waxa la sheegay sida ay kusoo degtay in ay ahayd: In dumarku kolka ay bannaanka ugu baxayaan saxarro iyo kaadi tagayaan wejigooda la aqoonsanayey. Waayo, ma jirin suuliyadan casriga ah ee immika la isticmaalo ee bannaanka loo kaadi tegi jiray. Waxa jiray in ragga qarkood ay si dhuumasho ah u daawan jireen xilliga xaajo gudashada dumarka. Warkaas baa gaadhay Maxamed sida laga sheegay xadiiska ka warramaya Sawda, oo ahayd xaaskii nebiga, markii Cumar Ina Khadaab sheegay in ay garteen Sawda xilligii ay xaajadeeda soo dhammaystay. Xadiiskan, oo isagoo saxiix ah ku yaalla Bukhaariga ee Caasha laga sheego ee odhanaya: In Cumar ku yidhi nebiga, “Dumarkaaga xijaab u gali. Arrinkaas, oo aanu nebigu dheg jalaq u siin ilaa habeen habeenada ka mid ah ay baxday Sawda, oo gabadh dheer ahayd deedna Cumar u yeedhay, oo ku yidhi, “Sawda, waanu ku garannay”. قال حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ بُكَيْرٍ قَالَ حَدَّثَنَا اللَّيْثُ قَالَ حَدَّثَنِى عُقَيْلٌ عَنِ ابْنِ شِهَابٍ عَنْ عُرْوَةَ عَنْ عَائِشَةَ أَنَّ أَزْوَاجَ النَّبِىِّ – صلى الله عليه وسلم – كُنَّ يَخْرُجْنَ بِاللَّيْلِ إِذَا تَبَرَّزْنَ إِلَى الْمَنَاصِعِ – وَهُوَ صَعِيدٌ أَفْيَحُ – فَكَانَ عُمَرُ يَقُولُ لِلنَّبِىِّ – (ص)- احْجُبْ نِسَاءَكَ . فَلَمْ يَكُنْ رَسُولُ اللَّهِ –- يَفْعَلُ ، فَخَرَجَتْ سَوْدَةُ بِنْتُ زَمْعَةَ زَوْجُ النَّبِىِّ – – لَيْلَةً مِنَ اللَّيَالِى عِشَاءً ، وَكَانَتِ امْرَأَةً طَوِيلَةً ، فَنَادَاهَا عُمَرُ أَلاَ قَدْ عَرَفْنَاكِ يَا سَوْدَةُ ).

Markaas bay aayaddu soo degtay si loo kala sooco dumarka addoomaha ah iyo kuwa Musliiminta ah. Waxa kale, oo la sheegaa in Cumar Ina Khadaab, oo ku garaaci jiray haddii addooni u lebbisato sida dumarka asxaabta ee xorta ah. Warkaas, oo Ibnu Taymiya kusoo rarro kitaabka uu kaga hadlayo ‘Xijaabka Dumarka iyo Dharka Salaadda’ bogga 37aad arrinkaas, oo u xaqiijiyo Albaani wadaadkii la odhan jiray. وكان عمر رضي الله عنه إذا رأى أمة مختمرة ضربها وقال:” أتتشبهين بالحرائر أي لكاع فيظهرمن الأمة رأسها ويداها ووجهها”.
Ma waxaad doonaysa in aad isu eekaysiiso dumarka xorta ah, deedna madaxeeda, gacmaheeda iyo wejigeeda ayuu muujin jiray. Micnaha aayaddan iyo soo degitaankeeduba waa mid si khaas ah u khuseeya xaajo gudashada dumarka kolka ay meel furan u kaadi tagayaan iyo marka aanay jirin suuliyo(xamaammo). Waxa kale, oo laga qaadan karaa xilligan haddii xaaladdaasi dhacdo in sidaas ay yeeli karaan, waa haddii Suuliyo aan albaabo lahayn jiraan iyo meel Miyyi ah oo kale. Sabaabta ah in ay ka baaqsadaan in la garto, oo cid kale daawato gabadh xaajo gudanaysa baa la lee yahay si dhammaystiran isu dabbool ee ma ahaa mid xidhiidh la leh timaha qariya iyo is daboolla xilli kasta iyo goor kasta. Masaladan oo masalo ammaan ku saabsanayd iyo duruuf xilli jirtay ku kooban, haddii duruuftaasi is beddesho, waa in dabaqisteeduna is beddeshaa.

Xadiis baa isna jira loo nisbeeyo nebiga, oo odhanaya Caasha ayaa tidhi, “Waxa nebiga u gashay Asma Ina Abibakar, waxa uu ku yidhi: Asmaay haddii gabadhu gaadho xilliga caadadda ma wanagsana in ciddii aragto isagoo tilmaamaya wejiga iyo gacanta inta hore.” عن عائشة أن أسماء بنت أبى بكر دخلت على رسول الله – (ع)- فقال لها: «يا أسماء إن المرأة إذا بلغت المحيض لم يصلح أن يرى فيها إلا هذا وأشار إلى وجهه وكفيه» . Xadiiskan, oo ah xadiis keli le’ ah ama hal qofi soo weriyey  (احاد), mana ahaa xadiis mutawatiir saxiix ah. Waayo, sanadkiisa (silisiladda dadka iska wariyay ee taxan ilaa Caasha) waa mid kala go’an, ninka Abi Daa’ud kasoo qaaday, oo la dhaho Khaalid Ina Dariik kaas, oo Caasha kasoo werinaya in aanu nolol kusoo gaadhin Caasha ama aanay isku xilli noolayn weligiina aanu la kulmin ayaa la sheegaa.

Nin niqaaban

Niqaabka, oo sida la sheego ahaa caaddo Yahuudeed ka horreeyey Maxamed, oo ay isticmaali jireen dumarka jidhkooda ka ganacsada ayaa isna muran badani ka oogan yahay. Waxa la dhahaa maadaama ay Carabtu ku noolaayeen dhul saxare ah, oo ciiddu indhaha ka gelayso rag iyo dumarba way isticmaali jireen si ay ciidaas indhahooda u ga ilaashadaan.

Dumarka Soomaaliyeed ee caqliga iyo garaadka u saxiibka ah ayey u taallaa in ay arrinkan baadhaan, oo go’aan ka gaadhaan. Waayo, qoraalkan oo ah sida aan arrinkan ka qabo iyo baadhistayda kooban waxaan ku dhiirigelinayaa in qofkastaba baadhi karo arrimaha isaga khuseeya ee aanu addoon uga noqon cid kale ama aan loo yeedhin wax aanu baadhistiisa iyo qanacadiisa ku gaadhin.

Wixii gef iyo khalad ah waa xaggeyga ee shaydaan sabab uma ahaa.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.

4
Aragtidaada kudar qormadan

avatar
3 Faallooyinka
1 Jawaabaha
3 Followers
 
Faallooyin xiise leh
Faallooyin shidan
Cusub Hore Ugu codka badan
cirfaan
cirfaan

aad ayaad ugu mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad u kala dhig dhigtay, sidaa sheegtayna waxaan rajaynayaa in qof walba baaritaan sameeyo oo uusan adoon u noqon garaad qof kale

wali
wali

Abti waxaad doonto waad iska qori kartaa waajib iyo waajib ma ahan waad odhan kartaa lkn waxey faa’iideneysaa ma jirto sababtoo ah xijaabku qayb dhaqanka ah buu noqdey iney hablahayaguna ka tagaan waa wax aad uugu adag. Aan su’aal ku weydiiyee inanta aad dhashey ama walaasha bilaa xijaab miyey ogoshahey ama adigu ma u ogoshahey.

cirfaan
cirfaan

dhaqan iyo diin kala saar weli, haday dhaqan noqotay waa wax u yaal qofkii ku dhaqma ee muslin oo dhan uma taal, balse diintu maxay ka qabtaa waxay ila tahay qoraagu waa kuu bal ballaariyay, toddobaatameeyadii iyo siddetameeyadii xijaab lama aqoon ee waxaa la yaqaanay dad dhaqan ahaa iyo masayr ahaan naagahooda u dada, kuwa madaxa qaawana danbi iyo diin ka bax ma hayn ee maxaa hadda keenay filinkaan, ma diincusub ayaa noo timid, mise culumadii hore ee shaafi, maaliki iwm lahaa diin ma aqoon

Muhamed
Muhamed

Wxan dadka hala hor imaan wasaq yahow waayo diinta ayaam meel ugu dhacay saa

W/Q: Mo Yare