Maasooniyadda: Hummaagga Cabsida

M
Muddo dhawr sannadood laga joogo ayaa maalin uu nin nooga warramay duni wada argagax ah oo ay wax kaste gacan qarsoon ku maamusho Maasooniyadda Caalamiga ahi, waxa uu nagu yidhi: “Maasooniyaddu waa koox qarsoodi ah oo haddana wax kaste og isla markaana maamusha, waxa ay la socdaan cid kaste oo sirtooda wax ka ogaata oo ay dilaan haddii aanay iyaga u shaqeyn”.
Mid naga mid ah ayaa si dhayal ah wax u weydiiyay oo ay is waydaarsadeen:
– “Haddii ay sir yihiin maxaa adiga ku ogeysiiyay?”
– “Qofkii baadhaa waa uu ogaan karaa”
– “Adigu markaa hadda miyaad u shaqaysaa?”
– “Maya e uma shaqeeyo, haddii aan u shaqeeyo ma adiga oo kale ayaa aan halkan la fadhiyi lahaa”
– “Haddaa maxay kuu dili waayeen, waa adigan sirtoodii wadwada e?”.
– “Muranka ayaa aad jeceshahay”
– “Ma jecli e waxa aan diidayaa in koox aad adigu sirteeda og tahay na tidhaahdid waa sir, adiga ayaaba ka warhaya e sidee ayay sir ku tahay?”.

In kaste oo ay ninkan suaalihiisu ahaayeen cabudhin, qasabna aanay ahayn in ay wada yihiin biyo kama dhibcaan haddana anigu maalintaa waa aan u bogeyn sababta oo ah ninka kale laftiisa ayaa nagu badiyay buunbuuninta Maasooniyadda isaga oo iska dhigaya in uu aad ugu yahay xogogaal.
Waxa uu xogogaal u ahaa oo uu wax badan ka soo akhriyay ama dhegeystay kayd tirobeel ah oo ay haldoorka Carabta iyo kuwo kaleba ka sameeyeen Maasooniyadda oo dhammaantood ku qotoma aragtiyaha dhagarta iyo shirqoolka, kuwaas oo addunka dhan ka dhigaya masrax ay daaha gadaashiisa ka xukunto koox shaydaan oo iyadu ka masuul ah waxa aafo iyo leeleel haysta dadyowgooda.

Maasooniyaddu, runtii, waa mid ka mid ah kooxaha ugu muranka iyo dahsoonaanta badan, haddana cidna wax kuma seeggana oo dawladaha iyo dadka darsaaba waa ay yaqaannaan waxa ay kooxahani qabtaan iyo danaha ay inta badan leeyihiin, waxa ay sirta badani ku duugan tahay taariikhdooda iyo gudashooyinka dhaqamadooda kooxeed oo qofkii bannaanka ka joogaa aanu fahmi karin, sida inta badan ay yihiin cibaadooyinka diimaha iyo dhaqan kooxeedyada gudeed.

Dadka qaar ayaa waxa ay sheegaan in Maasooniyaddu ay ka soo jeeddo dhaqanka diineed ee Yuhuudda iyo Haykalkii nabi Saleebaan, qaar kale ayaa sheegay in ay ka soo jeedaan Shaydaan Caabudka, qaar kale ayaa iyana sheegay in kooxdan Maasooniyadu xidid fog ku leedahay firqooyinka Islaamka gaar ahaan Shiicada Ismaaciiliyada, kooxda Duruusta ama kooxdii “Ikhwaanus-Safaa, wa Khillaanul-Wafaa”; kooxdan dambe aad ayaa ay isugu dhaqan iyo ujeeddo eeg yihiin Maasooniyadda.

Intaas oo isku day ee loogu saldhigayo kooxdani waxa ay wadaagaan male-awaalnimo waxaana inta badan qoray ama suuqgeeyay dadka buunbuuniya aragtida shirqoolka iyo maleegga dhagaraha.

Asalka la hubo ee Maasooniyadda:

Erayga MASON oo loogu dhawaaqo MEYSAN waa dhise ama wasdaad ama fuundi, sidaa awgeed MAASOONNADU ama MEYSANNADU asal ahaan waa xoogsatada dhismaha, kolka laga yidhaahdo ‘Free Masons’ waa xoogsatada dhismaha ee xorta ah ama iskood u shaqeysta.

Qarniyadii dhexe ee uu dhaqaalaha Yurub ku dhisnaa dhulgoosadka waxa dhulka, agabka waxsoosaarka iyo xoogsatada ka shaqeysaba iska lahaa dad gaar ah, waxaana inta badan wax lagu kala baddalan jirin alaab sida shaqada muruqa oo mushqaayad looga bixiyo cunto, dhar iwm; waa wax aad ugu eeg addoonsiga ama ahba.
Cidda qudha ee berigaa lahayd xirfad shaqo oo xor ahi waxa ay ahaayeen xoogsatada dhismaha, oo maadaama oo aanay jirin cid had iyo jeer wax dhisata oo yeelan karta shaqaale dhisme, waxa ay shaqaalaha dhismuhu ahaayeen kuwo iskood u shaqeysta oo kolba ciddii wax dhisanaysaa soo codsato waxaanay noqdeen cidda qudha ee xooggooda lagu siiyo lacag naqdi ah.
Qarniyadaasi Dhulgoosadka, ee ay Yurub awoodda ku lahaayeen wadaaddada diinta iyo boqorradu, waxa aad u hanaqaaday dhismaha kaniisadaha, qasriyada iyo qalcadaha waxaana aad u korodhay baahida loo qabo wastaadiinta iyo kuuliyada oo iyaguna isku sii xidhmay kana sameysmeen kooxo xirfadeedyo isku dan iyo dookh ah.
Waxa ay xoogsatadii dhismuhu -Maasoonnadii, sharaf xirfadeed ka dhigteen dhismaha maadaama oo ay yihiin xoogsatada kaliya ee xorta ah isla markaana dhista goobaha maamuuska iyo barakada leh, goorta ay shaqeynayaan iyo marka ay shaqodoonka yihiinba waxa ay ku kulmi jireen habeenkii goobo u gaar ah oo ay ku kala warqaataan iskagana warhayaan -sida ay xoogsatada dhismaha ee soomaalidu ugu kala warqaataan marfashyada qayilaadda ee habeenkii kuna ogaadaan fursadaha shaqo ee berri jira.
Waxa dhaqan u noqday kooxihii Maasoonnada qarsashada siraha xirfadda iyo ka dheeraanshaha arrimaha muranka keena sida khilaafyada diinta iyo siyaasadda, isla jeerkaana waxa ay u baahnaayeen in ay isku maaweeliyaan qaab ruuxi ah oo isa suufiyeyn u eeg iyaga oo aragti wadareed ka dhigtay tiirar ka dhexeeya oo ah; Iimaan, Isjacayl, Xorriyad, Sinnaan iyo Iskaashi. sidaasi oo ay tahay qofna shardi u ma ahayn in, haddii uu iimaan leeyahay, la sii weydiiyo fikirkiisa diineed ee hoose oo waxa laga ordayay khilaaf.
Waxa ay aad u buunbuuniyeen xirfadda dhismaha iyo farshaxanka la xidhiidha oo ay ka dhigeen sirta jiritaanka iyo xirfadda ilaahay uu ku dhisay kawnka iyo wax kaste oo jiraalka ka mid ah, iyaguna ay hayaan xirfaddii ilaahay loogana baahan yahay in ay ku fikiraan kana soo dhalaalaan. waxa ay majaalistoodu noqdeen sida xadrooyinka suufiyada oo laga raadsado iimaan aan muran lahayn waxaanay astaan ka dhigteen calaamadaha injineernimada sida firjaarka, saddex xagalka oo ay dhexda kaga jiraan il ay dadka qaar ku sheegaan in looga jeedo isha ilaahay ee wax kaste og, qaar kalena ku sheegeen astaanta nuurka ee hanuunka, waxa isna dhexda ku jira xarafka G oo dadka qaar ku sheegaan in looga jeedo xafarka hore ee magaca eebbe ‘God’, kuwo kale ku sheegeen in uu yahay xarafka ugu horreeya ee aqoonta xisaabeed ee injineernimada ‘Geometry’.

QORMO LA XIRIIRTA:  Maxaa soomaalida kala duwanaanshaha ku diray?

The Man Who Started The Illuminati and His Thwarted Promotion of ...Sida ay bilowgii ku curteen jimciyadaha Xoogsatada Dhismaha ee Xorta ahi -Freemasonry kuma ay sii jirin oo waxa si kaste u saameeyay isbaddalladii dhaqandhaqaale ee Yurub ka socday qarniyadii dhexe ilaa casrigii ilbaxnimada, fadhiyadooda isu dhalanrogay kuwo ruuxi ahi waxa ay soo jiitaan dad aan dhismaha shaqo lahayn ee rooxaaniyad-doon ah isla markaana ka daalay fiqiga wadaaddada kaniisadda, oo qaar badan oo ka mid ahi ka soo jeedaan qoysaska ladan, dabaqadaha taliya iyo xataa wadaaddo horusocod ah.
Iyaga oo la duruuf ah waayihii berigaa ka jiray Yurub, Maasooniyaddu ma ay ogoleyn in ay ku soo biiraan dadka Yuhuudda ahi iyo dumarka tooni, waxa kale oo ay ku kala duwanaayeen dalalka iyo bulshooyinka ay ka jirto Xadro kaste oo Maasooni ahi, matalan xadrooyinka Maasooniyadda Maraykanku ilaa beri dambe ma ay ogoleyn in ay dadka madoobi ku biiraan.

Maasooniyaddu ma sir baa?

Dhab ahaantii Maasooniyaddu waa jimciyado daahfuran oo dawladaha, dadka daraaseeya iyo cid kaste oo danaynaysaaba ay si fudud wax uga ogaan karto, sidaasi oo ay tahay waa kooxo leh dhaqan sireed oo aan ku sababeyn karno labo arrimood oo isugu jira dhab iyo dhalanteed:
1. Waa mid e waxa ay kooxaha dunida ka jira oo dhan la wadaagtaa in ay xeerar hoosaadyadeedu u gaar yihiin oo aan loo baahnayn in cid dibadda ka ahi ogaato, koox kasteba nidaamkeeda hoose waa uu ka dadan yahay cid aan ka tirsanayn ama aan baadhitaan ku sameyn, sidaa awgeed wax badan oo aan sir moodnaa ma aha sir ee innaga ayaan ahayn Maasooniyiin isla markaana isku hawlin in aan daraasaynno, waa isla sida ay sirta inooga yihiin dhaqannada cibaadeysi ee Buudhistiga iyo Siikha.
2. Maasooniyadda waxa ay wax badan oo dhaqan sireed ahi kala socdaan asalkoodii qarsashada siraha xirfadda iyo in aanay xadrooyinkooda u faydi jirin caammada iyo kaniisadda oo aad u necbayd, waa isla halka ay ka soo jeeddo in suufiyada muslimiintu ka qariyaan dadka wax badan oo ay ku dhaqmaan uguna sheegaan siro iyaga uun loo khashifay iyo arrimo cilmul-baadin la xidhiidha taasi oo in badan nuxurkeedu ahaa muran diidid iyo samatobax.

Waa maxay ujeedka Maasooniyaddu?

Xaqiiqada jirtaa waxa weeye in aanay jirin jimciyad guud oo xukunta Maasooniyadda dunida oo dhan iyo ujeeddo guud oo ay xaqiijinteeda u wada socdaan Maasoonnada caalamku, taariikhda haddii aan u fiirsanno waxa aynu ku arkaynaa xadrooyinka Maasooniyadda oo kuwo badani kala ujeeddo yihiin, matalan midda Faransiisku waxa ay ku teedsanaayeen danaha dawladeed iyo bulsho ee Faransiiska, sidoo kale kuwa Ingiriiska, kuwa Maraykan iyo kuwii Ruushkuba, intubana waxa ay in badan lahaayeen danayaal is diiddan. tusaale kale waa in xadrooyinkii Maasooniyaddda ee ka jiri jiray Falastiin waqtigii gumeysigu ay ku kala jabeen arrinta deegaameynta Israaiil; kuwo badan ayaa ku dooday in aanay siyaasadda ku milmin, halka ay kuwo kale oo badanna ka mid noqdeenba kacdoonkii Falasdiiniyiinta ee lidka ku ahaa Sahyuuniyadda iyo Israaiil.
Maasooniyaddii Masar waxa ka mid ahaa dad guumeysiga ku xidhan, kuwo xorriyadda Masar u halgamay iyo wadaaddo raad weyn ku yeeshay dunida muslimka sida Jamaaludiin Al-Afqaani iyo sheekh Maxamed Cabdah.
Sidaasi oo ay tahay, Maasooniyaddu kama madhna in ay u adeegto dano dawladeed iyo in ay noqoto koox cadaadis oo dano gaar ah ku fushata, laakiin marka ay sidan tahay ma aha arrin caalami ah, sababta oo ah ma jirto talo dhexe oo caalami ah oo ay Maasooniyaddu hal meel ka soo saarto, oo haddii ay Maasooniyada Maraykanku ka shaqeyso mashaariic Maraykan kama dhigna in ay Maasooniyiinta Ruushka ama Iskandaneefiyaduna kala shaqeynayaan.

QORMO LA XIRIIRTA:  Farshaxanka qoraalka iyo aftahanimada

Maasooniyadda iyo Yuhuudda maxaa ka dhexeeya?

Sida aan kor ku xusnay, bilowgii unkanka xadrooyinka Maasooniyadda, Yuhuudda iyo dumarka looma ogoleyn laakiin furfurnaanta isa soo taraysay ee Yurub ayaa waxa ay keentay in si teelteel ah oo kala dambeeyay ay xadrooyinku u ogolaadaan, waqtigaasi waxa ay Maasooniyaddu gabbaad u noqotay Yuhuud badan oo diintoodu u cuntami wayday, goortaasi oo ay calmaaniyadda ugu dhawaayeen Kaniisadda Borotastanka iyo xadrooyinka Maasooniyaddu waxa ay Yuhuuddu u leexan jireen kooxdan dambe oo iyagu shardi uun ka dhigi jiray ‘rumeynta eebbe weynaha kawnka dhisay’, taas ayaa waxa ay keentay in ay Yuhuud badani noqdaan Maasooniyiin laakiin kama dhigna in ay iyagu dejisteen si ay ugu adeegtaan waana sababta ay Maasooniyiintu ugu kala qaybsan yihiin arrimo ka mid tahay Sahyuuniyaddu.

Halkee ayaa u ku sal leeyahay shareysiga gaarka u ah Maasooniyaddu?

Maasooniyaddu waa koox nukhbo ah oo aan in badan ku dhegganayn diimaha kala duwan iyo haybaha bulsho, maaddaama oo ay bilowgii ahaayeen xoogsato aan cidna ku xidhnayn, sidaa awgeed waxa la colloobay labo kooxood; Kaniisadda Kaatoliga iyo Qoomiyiinta Yurub, waxa ay kaniisaddu ku sheegtay diinlaaweyaal mulxidiin ah oo xumaan faafiya, ogobey berigaa Maasooniyadu ma ay ogolayn in uu ku soo biiro qof mulxid ahi, maamulladii qoomiyiinta ayaa iyaguna ku eedeeyay dad shareed oo lid ku ah ummadnimada, matalan Naasiyiinta Jarmalku waxa ay ahaayeen ciddii ugu horreysay ee isku xidha Maasooniyada iyo Yuhuudda kuna asteeysa in ay yihiin dad xun oo shar u yeelan.
Dunida Carabta waxa isla sidaa yeelay qoomiyiinta iyo wadaaddada oo sharka oo dhan dusha ka saaray dadkana ugu fasiray in Maasooniyadda iyo shaydaanku had iyo jeer ku hawllan yihiin waxyeelleynta ummadda muslimka kana leeyihiin ujeeddooyin fogfog.
Run ahaantii, dacaayaddan suuqa loo galiyay, in kaste oo ay marar badan waxyeellaysay oo meelo badan laga xidhay, haddana wax badan ayaa ay tartay Maasooniyadda; waxa ay siisay haybad aanay lahayn iyo cabsi laga qaaday oo aan xaqiiq ku dhisnayn, waxa ay marar badan arrintani u soo hoysaa qaar ka mid ah xadrooyinka Maasooniga in ay noqdaan kooxo cadaadis oo lagu xisaabtamo – Pressure groups, gaar ahaan Maraykanka oo lagu sheego in uu yahay Dalka Dimuqraadiyadda Loobbiga, waxa qudha ee ay Maasooniyaddu ku heleen haybaddaasi waa dacaayadda ay u fidiyeen dad dano gaar ah oo diiddan lahaa iyo bulshooyinka dhegweynta ah ee dacaayaddaas gatay.

Saameyn ma leeyihiin?

Haa, waxa ay se suuqa saameynta ula siman yihiin koox kaste oo xubno leh, in badanna waxa dhacda in ay maamullada dawladuhu saameeyaan in ka badan inta ay iyagu saameeyaan maamullada, ku darso in aanay lahayn abaabul caalami ah oo xataa u dhigma Ururka dawliga ah Ikhwaanu Muslimiinka.

Dhanaka fikirka iyo falsafadda waxa la moodaa in ay siyaabo badan isugu eeg yihiin dhaqdhaqaaqii Ikhwaanus-Safaa wa Khillaanul-Wafaa ee qarnigii afraad ee Hijriga ka sameysmay Basra, Ciraaq.
Tiirarka mabda’ ee ay ka siman yihiin waxa ka mid ah in aqoonta ruuxiga ah oo ka sarreysa madaahibta iyo diimaha hoose lagu lammaaneeyo aqoonta maaddiga ah iyo caqliga ilaahayna lagaga daydo falsamaanta iyo cilmiga, in diimaha oo dhani leeyihiin dallad guud oo iimaan taasna la xoojiyo oo qudha, in laga shaqeeyo is wanaajinta basharka dhexdiisa iyo is daahirinta gudaha, iyo in koox kaste leedahay martabado kala sarreeya iyo jaranjar xubinnimo oo kor loo fuulo hannaan suufinimo oo kale ah.

JOIN OUR NEWSLETTER
Fadlan geli Email-kaaga oo rukumo si laguu ogaysiiyo qormooyinka cusub.
We hate spam. Your email address will not be sold or shared with anyone else.
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments