Waxaa jira hadal ay dhawaanahan dad sheegaan oo ah in ay suugaantu u ka la baxdo ”Tix” iyo ”Tiraab” oo ka la ah hadalka habdhaca ama miisaanka leh iyo midka aan lahayn, dooddaasina labo siyaalood ayey u khaldan tahay, waxa ayna ka la yihiin in ereyga ”Tiraab” uu yahay dhawaaq kasta oo afka ama qalinka ka soo baxa ee uusan suugaanta hoos joogin iyo in dadka sidaas u hadlay ay xarafka ”T” uun ka duuleen ee aysan aqoon af ka duulin. Gabayga ama tixdu in ay tiraab yihiin eeg meeriska soo socda
Sidaan ahay talmiid baan laxniga, uga tiraayaaye
Goortaan tartiibshaan wax un, kaga tiraabaayeCismaan Keenadiid
Suugaantu guud ahaan saddex qaybood bay u ka la baxdaa, waxa ayna ka la yihiin hadal aan tix ahayn oo macaan sida sheekooyinka, hadal miisaan leh ama ay qaafiyadi u weheliso oo ay soomaalidu maanso u taqaan iyo wax muuqaal ahaan la isu tuso sida riwaayadaha iyo filimada. Faahfaahinta saddexdaas qaybood wakhti dheeraad ah bay u baahan tahay oo lacag la’aan idiin ku ma sharraxi karo.
Aragtidaada kudar qormadan